Cilmi-baarista Saykolojiyadeed baa waxay sheegaysaa ;In dadka aadamiga ahi sifooyinkoodu u kala duwan yihiin, sida ay hadba u kala duwan yihiin calaamadaha faraha gacmahooda oo kale. Arrintan waxaa qiri kara oo kale ruuxii aad dadka u dhex-gala, una fiirsada hab-dhaqankooda, dabeecadahooda iyo dad la macaamilkoodaba, waxaana muuqanaysa inay dadku kala kaan yihiin.
Kala-geddisnaanta dadku ku kala geddisan yihiin xagga hab-dhaqameedka iyo dabeecadaha, waxay sheegeen Culimadu ; inay ku imaanayso; dhaxaltooyo-ahaan iyo saameynta deegaaneed. Qofku sifooyin buu ka dhaxlaa oo kala yimaadaa dhinacyada ; aabbihiis, hooyadiis iyo awoowayaashiisaba. Sifooyinkaas dhaxaltooyo-ahaan ku imaanaya, waa kuwa la xiriira dhismaha jirka iyo arrimaha Fisyolojiga ah, hase yeeshee, sifooyinka xagga caqliga iyo akhlaaqda, waa isku khilaafaan culimadu, waayo waa adag tahay xaddididdoodu, oo waxaa qofka aad saameyn dhinacyadaas uga yeesha deegaanka uu hadba ku nool yahay iyo bulshada uu wax la wadaago, waana sida loo yiraahdo;” Deegaan kastaa dadkiisuu dhalaa”.
Deegaan (Environment/Bii’ah), waxaa loola jeedaa dhammaan waxyaabaha qofka ka baxsan, ku xeeran oo uu ku dhex-jiro, isagana saamaynaya, waxna ka baddali kara, horumar iyo dib-u-dhacba, laga soo bilaabo korriimadiisa hore ilaa uu qofku ka geeriyoonayo. Deegaanka ugu horreeya ee qofka saamaynaya waa uurka hooyadiis(Raximka) oo qofka kaga lug-yeelanaya dhinacyada quudashada iyo arrimaha kimikada ah ee qofka korriimadiisa iyo dhismihiisa khuseeya. Waxaa arrimaha qofka saamaynta ku leh ka mid ah; cuntada, cimilada, jirrooyinka iyo arrimaha dhanka deegaan-bulshadeedka ah, sida; guriga, dugsiga, xaafadda, suuqa, goobaha cibaadaysiga, golayaasha ciyaaraha iyo madadaalada, goobaha shaqada iyo dhammaan meelaha uu qofku xiriirka kula yeelanayo dadka kale.
Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxay culimadu aad ugu mashquuleen su’aasha ah; Kee baa mudnaan ku leh jiritaanka iyo habsami-u-socodka qofka, ma sifooyinka uu waalidiintiisa ka dhaxlay; mise kuwa uu ka kasbaday oo ka saameeyay deegaanka uu ku nool yahay ?. Waa su’aal ay jawaabteedu taxaddar u baahan tahay, bulsho kastana dhankay la noqoto ayay culayska saartaa oo mudnaanta siisaa, marka ay tahay dhismaha bulshada cusub. Tusaale-ahaan; Naaziyiintii Jarmalku, way dhufaani jireen ama si uun bay ma-dhalays uga dhigi jireen dadka waalidiintooda ka dhaxlay, kuna sifoobay cilladaha Kariwaanimada iyo Makaroofinimada(Bellicose) iyo dhammaan canaasirta xambaarsan iin(cillad-xun) oo bulshada ku faafi karta aayaha dambe. Ujeeddada Canaasirtaas looga dhigayay ma-dhalayskana waxay ahayd in aysan tarmin, lana soo af-jaro cilladahooda, waana sida ay maahmaahdu tidhaahdo ;”Geed kastaa dheecaankiisuu dhalaa”, ama loogu hal-qabsado;” Wallee odaygaan arkay wiilkiisii waad tahay !”, dhankaas bayna Jarmalku culayska saari jireen, si loo helo bulsho nadiif ah iyo qiyam iyo akhlaaq wanaagsan leh.
Bulshooyinka dunida maanta badankood, waxay culayska saaraan, dhanka fidinta iyo baahinta barbaarinta iyo ababinta wanaagsan, wax-baridda iyo korriimada hagaagsan ee ka imaanaysa deegaanka-bulshadeed ee qofka, sida; guriga, dugsiga iyo dhammaan goobaha uu qofku kula kulmayo ,lana joogayo dadka kale, waana arrimo ay u xil-saaran yihiin Hay’adaha dawladdu ee dalkeenna Somaliland sida dalalka kaleba- sida; Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta, wasaarada Qoyska, wasaarada Hiddaha iyo dhaqanka, wasaarada Cadaaladda, wasaaradda Warfaafinta iyo kuwo kaleba.
Hay’adaha dawladda ka-sokow, waxaa kaalin wayn looga baahan yahay, miyi iyo magaalaba, waalidiinta, wax-garadka, culumaa’uddiinta iyo odayaasha dhaqanka Somaliland. Marka laysku wada daro, labada dhinac ee dawladda iyo shacbiga, ayaa is-dhamaystirka hawlahoodu qofka Somalilander ka ahi heli karaa deegaan-bulsho oo wanaagsan, una gogol-xaadhaya aayaha dambe ee dalka iyo dadkaba. Xataa Ciidammada dalka, siiba booliska iyo asluubta iyo maxkamadaha ayaa kaalin weyn kaga jira arrinkan, maxaa yeelay, haddaan dembiilayaasha laga qaban bulshada inteeda kale, caddaaladdana la hirgelin, sharcigana la fulin, wixii ka dhashaa waa nabadgalyo-darro, is-maqal la’aan, burbur iyo mustaqbal mugdi ah.
Bulshadii barbaarinteedu wanaagsanaato, aqoon iyo wacyi sarena ku amba-qaadda, anshaxeeda iyo akhlaaqdeedana ilaalisa; bulshadaas baa halka ay higsanayso gaadha, horumar iyo heer sarena hanata.
PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)