prof Gees1Hargeysa(ANN)“Waar bal ila jiid waa Jabuutoo war Jamhuuriyaddaan ku darayaa”
Sannadihii lixdamaadkii ayaa idaacadda Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed laga qaadi jiray heestaasi, markii Soomaali-weyn loo jibaysnaa. Dhowaan markii ergooyin ka kala socda Xukuumaddaha Soomaaliya iyo Somaliland ay ku kulmeen shir ay ku wadahadlayeen oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa arrimo xiiso leh ka dhaceen oo i xasuusisay heesta kor ku xusan oo reer Djibouti aanay jeclayn hore iyo gadaaltoona.
Shirka waxa ka qaybgalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ergay ka mid ah qoladii reer Soomaaliya, ayaa isaga oo ka dayrinaya gooni-isu-taagga Somaliland yidhi; “Ma oggolin kala go’a, waxaanna khalad ahayd in la oggolaado inay Djibouti go’do.” Qoladii reer Djibouti waa baa u beryey. Tolow qolada Kenya iyo Itoobiya ma ogyihiin in sheekadii Soomaali-weyn inaanay Shabaabka keli ku ahayn ee qolada Damu-jadiid ay la qabaan.
Waxa kale oo dhacday in qolada ergada reer Soomaaliya laga reebay qoladii Daarood, si ay u dhacdayba, kadibna ay ku baaneen markii ay la hadlayeen reer Somaliland, ‘Waxaynu isku nahay Irir ee dalka ha kala goynina ee aan is-garabsanee nagu soo biira oo Dawladda nala yeesha.’
Waxay moodayeen in ergada ay la hadlayaan ay wada Isaaq iyo Gadabuursi tahay, manay filayn in laba Dhulwarsan ihi ay ku jiraan (Baashe Maxamed Farax iyo Siciid Jaamac Cali) oo ah labada Guddoomiye-ku-xigeen ee labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, war la’aan ayaa wadaadada hoday.
Waxa la sheegay in wefti reer Jabuuti ah oo uu hoggaaminayey Xasan Guuleed ay booqdeen Muqdisho waqtigii Siyaad Barre madaxda ka ahaa Soomaaliya. Markii la sheekaysanayey ayuu Siyaad Barre ku yidhi Xasan Guuleed ‘Iska illaali kuwa Isaaqa ah.’
Waftiga reer Djibouti waxa ku jiray Wasiir Jibriil Abokor ah, kadibna Xasan Guuleed ayaa yidhi; ‘Wasiirkan wefdigayga ka mid ah ayaaba reerkaas ah.’ Af kala qaad ayey noqotay, maanta tii oo kale ayaa dhacday. Waar qoladan reer Djibouti ee Cafar, Carab iyo qowmiyado kale iyo beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ka kooban ee haddana nabadda ku wada nool, maxaa yaab ka haysta qolooyinkan reer Soomaaliya ee kadeedan.
Sannadka cusub ee maanta bilawday (1 January 2015) ayaa loo ballasan yahay in wadahadalkii dib u furmo, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay, heestii Marxuun Maxamed Suleeebaan Tubeeec ayaynu ku soo dhoweynayanaa sannadka cusub.
Heestaasi waxay soo baxday bishii January 1964, muddo hadda laga joogo 51 sanno. Sannadkaas loo heesay waxa dhacay dagaal dhexmaray dalka Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Meelaha xuduudaha, sida Tog-wajaale, Dabagorayaale. Ina Guuxaa, Feerfeer iyo Doolo ayaa dagaallo ka dhaceen, waxaanna dagaalkii ka dhacay Tog-wajaale ku dhintay askari la odhan Xalane, kaas oo loogu magac-daray xerada weyn ee dhowaan Shabaabku weerareen ee ah Xarunta Ciidammada AMISOM ee dalalka Afrika iyo xaafado badan oo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah.
Waxa isla waqtiga dagaalku dhacay socotay doorashadii Baarlamaanka ee u horaysay ee labada dal ee midoobay (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada dhacda. Waxa aan ka mid ahaa shaqaalihii goobaha doorashada, iyadoo aan ka hawlgalay meel cidlo ah oo geed hoostii ah oo teendho laga dhisay, waxaannu ahayn saddex arday iyo macallinkayagii oo la odhan jiray Cabdillaahi Cali Axmed oo ahaa reer Sheekh, dhawr askari iyo raadyihii Booliska. Meeshu waxay ahayd laasas xooluhu ka cabaan oo la yidhaahdo XADHAN.
Dadka la rabay inay codeeyaan duniba wax kalama socon annaga qudhayadu wax kama garanayn siyaasadda iyo hawlaheeda. Dhibaatadu ilaa maanta jirtaa waa aqoon la’aanta dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta ha joogee. Waxa la soo bawsaday oo aanay garanayn, xitaa kuwa wata ayaa shanta loo geliyey.
Nasiib-wanaag, si nabadgelyo ah ayey noogu dhammaatay oo aan Ceerigaabo ugu soo noqonay. Ilaa maanta sidii ayaa loo wadaa oo weli lagama fekerin sidee wax loogu kordhiyaa ama loo beddelaa hawshan geedka hoostiisa iyo dadka tabaalaysan ee waxba ka war hayn waxa la kala macaashayo mararka qaarkoodna la isku dilayo.
Haddaba, sidee baa habkan wax looga beddelaa lagama wadahadlo ee waa la isku maagaa haddii la soo qaado. Runta marka la sheego magalooyinka waaweyn ayuun bay codayni ka dhacdaa, inta kale sanaadiiqda ayaa la soo buuxsadaa, sidaa darteed miyaan marna laga fekerin in bal lagu koobo diiwangelinta iyo codaynta magaalo madaxyada degmooyinka keliya ee Saldhigga Booliska iyo dugsiyada iyo maxkamadaha leh. Sannadkii 1964 waxa Wasiirka koobaad ka ahaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed Marxuun Cabdirashiid Cali Sharmaake, ninka maanta Soomaaliya ka ah Wasiirka koobaad ee Cumar Cabdirashiid aabbihii.
Qoladan reer Soomaaliya waxy keeneen sheekadii reer Maraykan ee Bush 1, iyo Bush 2, Sharmaake 1, Sharmaake 2 iyo Caydiid 1, Caydiid 2 Shariif Sakiin 1 iyo Shariif Sakiin 2 laga barayba laga badi goorma ayey Somaliland-na ka bilaabmi doontaa sheekadan.
Doorashadaas ka dhacday Soomaaliya sannadkii 1964-kii waxa ku guulaystay SYL oo tuulooyinkii sanaadiiqdu dirta hoosteeda tiilay soo buuxsatay. Magaalooyinka waaweyn waxa ku guulaysatay xisbiyadii mucaaradka ahaa sida SNC iyo SDU. Gaar ahaan SNC oo ahaa xisbi uu sameeyey Marxuun Cigaal oo Waqooyi iyo Koonfur isugu jiray.
Marxuun Cigaal sannadkii 1962 ayuu iskaga tegay Xukuumaddii Cabdirashiid, kadibna waxa uu tegay dalka Ghana ee Galbeedka Afrika ku yaal oo uu madax ka ahaa halyeygii, qoraagii, halgamaagii dadka madaw Kuwame Nkruma oo ay saaxiib ahaayeen.
Hoggaamiye Nkruma waxa uu xilligaas marxuum Cigaal siiyey lacag lagu sheego mar laba milyan marna saddex marna milyan iyo badh oo doollar, lacagtii waxa uu ku dhisay xisbigaas oo uu u bixiyey Somali National Congress. Sida madaxda qaarkood bankiyada dibadda kuma shuban, guryana uma iibin reerkiisa, sidii uu lacagtii aabbihii Ina Xaadhxaadhato iyo guryahiisii uu Xisbigii SNL u geliyey ayuu lacagtanna u geliyey siyaasadda.
Wasiir uu jeclaa Cigaal, dhawr jeerna xil weyn u dhiibay dhinacan Somaliland ayuu ku arkay isaga oo wax qaadqaadaya, dabadeeto uu ku yidhi; “Adeer, siyaasadda lacag lagama tabcado ee waa la geliyaa, xilkii waa kaa qaaday ee mashruuc lacageed soo samayso aan wax kaala qabtee adiga oo siyaasadda dibadda ka jooga.”
Waxa iyana waxyaalihii sannadkan galbaday agteena ka dhacay ka mid ahaa doorasho ka dhacday waddan Carab ah oo Afrika Waqooyigeeda ku yaal, waddankaasoo ah Tuunis ayaa doorasho Madaxweyne uga dhacday si nabadgelyo ah oo xor ah dhowaan.
Waxa ku guulaystay doorashadii nin wasiir ka noqday dawaladihii kala dambeeyey ee waddankaasi yeeshay ee kala ahaa; dawaladii uu madaxweynaha ka ahaa Xabiib Burqiiba (1957-1987) iyo dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Ben Cali (1987-2011), labadaas dawladodba wasiir ayuu ka noqday ninka hadda ku guulaystay doorashaddii dalka Tuunisiya, waana 90 sanno jir.
Ku quuso qudhaanjo. Dhallintii loo soo dhigayeey, Ruug-cadaagii soo rogaal celi. Dadyowga Afrika iyo Aasiya way xurmeeyaan da’da oo xigmad ayey u yaqaan. Qolada Khawaajiyaashu si kale ayey u arkaan. Bal sheekadan marxuun Cigaal eeg. Marxuun Cigaal ayaa isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland booqday dalka Maraykanka bishii October ee sannadkii 1999-kii, isaga oo ay dalkaasi ugu dambaysay bishii October ee sannadkii 1969-kii, markaas oo uu ahaa Wasiirka koowaad (Ra’iisal-wasaaraha) dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Markii uu ku soo laabtay Hargeysa, ayuu Golaha Wasiirrada ka warramay socdaalkiisii, waxaannu yidhi; ‘waxan Mareykan ka raadiyey nin madax ahaa oo aan isniqiinay. Markaan telefoon kula hadlay ee aan is-waraysanay ayuu igu yidhi; “Waar Cigaal anigu waxaan ku jiraa guri lagu xannaaneeyo dadka waaweyn ee yaa adiga da’dan Madaxweynaha kaa dhigtay.” Si weyn ayaa loogu qoslay arrintaasi.
Marxuunku waxa uu caan ku ahaa kaftanka, weliba isaga ayaa is xanaakadayn jiray iyo weliba beesha reer Saaxil. Maalin isaga oo khayriyada ka hadlaya ayaa waxa meeshii uu taagnaa u soo baxay daayeer, kaidbna askartii iyo hawlwadeenadii ayaa ku yaacay daayeerkii. Marxuun Cigaal ayaa dhawaaqay makarafoonkii oo furan, “Waar daayaa, ninku waa I garanayaaye.” Dadkii dhegaysanayey ayaa wada qoslay. Dadka kudhacaas leh waa dadka isku kalsoon ee dulqaadka leh, kuwaas ayaa isku yidhaahda wixii lagu odhan lahaa.
Waddada Berber iyo Sheekh u dhexaysa intaan laamiga laga dhigin, waxa baabuurtu mari jirtay meel buur ah oo la odhan jiray Gol-ceebeed. Baabuurta waqtigaas la haystay oo ahayd mid liidata, ayaa wax dhici jirtay inay dib uga soo cararto buurtaas oo ka bixi weydo jiirta, qaar badan ayaa ka dhici jiray. Kirishbooyga ayaa marka halkaasi la marayo kariirad la barbar carari jiray oo u dhigi jiray marka uu hakado baabuurku.
Maanta waxa halkaa maraysa Somaliland oo ka baxaysa Gol-ceebeed. Laba doorasho ayaa sugay, waxaanna la sugayaa inay ka baxdo ama dib uga cararto Gal-ceebeed. Muddo-kordhintu waa kariiradda dawladda, waxaanna loogu talogalay inta baabuurka la kicinayo inay sii hayso oo aanay dawladnimadu dhicin, hawshaas oo Guurtida loo xilsaaray, hase yeeshee, ma beddelayso doorashada oo ah dalcad ka bixidda iyo gaadhitaanka beri (dhul) ammaan.
Waa ku-meel-gaadh inta la cilad saarayo baaburka doorashada. Dad ayaa u hadla siddii ay tahay hab barbar socda doorashada oo la tartansiinayo oo la kala dooranayo. Waa fadeexad haddii kal doorashadii timaadaba muran ka dhaco.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com