Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u daah-furtay mashruuc ballaadhan oo loogu talogalay dib-u-habeynta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, kaasoo uu maalgelinayo Bangiga Adduunku (World Bank), kuna baxayso lacag dhan $10 milyan oo doollar.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md. Sharmaarke Muxumed Geelle oo isagu dawladda uga wakiil ah mashruucan, ayaa si rasmi ah hudheelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ugu daahfuray shalay, kaasoo ujeedadiisu tahay sidii dib-u-habayn iyo tayayn loogu samayn lahaa shaqaalaha, waxaanna furitaankiisa ka qaybgalay Mr. Alex oo ah Sarkaal ka socday Baanka Adduunka iyo xubnaha guddida Mashruucan dawladda Somaliland u qaabilsan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Macdanta, Caddaaladda iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta.
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Mr. Sharmaarke Geelle oo hadal ka jeediyey xafladda loo sameeyey furitaanka mashruucan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hirgelinta barnaamij muhiimad weyn ugu fadhiya qaranka Somaliland.
“Tayeynta shaqaalaha dawladda markaynu leenahay maaha tababarada iyo xirfaddooda in kor loo qaado ee waxa uu wax weyn iyo kaalin weyn ka noqonayaa in aynu hubino tayada shaqaalaha ee hadda gudaha inoogu jira iyo in aynu qiimeyno nidaamkeena aynu hadda shaqaalaha lacagta ku siino si loo ogaado shaqaalaha dawladda tirada hadda inoo joogta ee inoo diwaangashan miyuu yahay intii rasmiga aheyd ee hadda inoo joogta in aynu dhammaanteen madaxa taabano oo tirino oo qof walba kaalinta uu qaranka ugu qoran yahay in uu ugu adeego aynu halkiisa iyo goobtiisa ugu galo oo hubino ma ugu jira, mise ugu ma jiro, wuu jira iyo ma jiro marka aynu hubinayno ma eegeyno uun lacagta aynu siino ee waxaynu eegayna meeshaasi adeeg ayaa inoogu qoran ee tuulo, gobol iyo geed walba shaqaale dawladdeed ayaa inoogu qoran oo jooga ee waxaynu hubino shaqaalahaasi miyey yihiin meeshii ay lacagta ku qaadanayeen miyey yihiin kuwo jooga, isla markaana joogida oo kaliya wax ma tartee miyuu adeegii looga baahna yahay qofkaasi in uu qabto mid meeshiisa ku diyaarsan, taas oo keeni doonta mid in shaqaalaha dawladda qof kasta xogtiisa halkiisa lagu eego,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo mashrucuan ka mid noqon doonta dadkii qaranka u soo shaqeeyey ee hawlgabka xeerka (Pension Law) oo in aynu diyaarino oo dadkeeni wanaagsanaa ee qaranka u soo shaqeeyey ee wakhtiyada adag kala soo dabbaashay in aynu hanaan wanaagsan oo u sagootin u sameyno, una diyaarino hannaan ama xeer u kafaalo qaadaya marka ay barito si wanaagsan shaqada ka baxaan mid og in aanu qarankoodu baylihinayn oo Xeerka hawlgabka, madax-taabashada shaqaalaha dawladda iyo dhammaanba nidaamka shaqo qaadashada dawladda hannaankiisa ku haboon in loo qaato, kuwaas oo dhan ayuu mashruucani xooga saarayaa, maaha mashruuc tababar iyo tirin oo kali ah, laakiin waa mashruuc guri walba iyo geed walba lagaga daba tegayo shaqaalihii dawladda ee aynu qoranay jiritaankooda iyo tayadoodu inta ay tahay.
Mashruucan oo qori isku dhiiib ahaa waxaan ku soo beegmay xiligii ugu adkaa isagoo shuruudda daah-furkiisu ku xidhnay daah-rognaanta lagu qaadanayo shaqaalaha ugu horeeya, waanan ku faraxsanahay in caddaaladdii aan cagaha cabbaar dhulka ku hayey qarankan guushan dhaxalsiisay, waxaanan ku soo beegmay isaga oo bilawgiisa iyo baaba’iisa xuub yari u dhexeeyo oo ah shuruud ay yidhaahdeen Bankiga Adduunyadu waan idinku caawineynaa oo haddii aad kaalmaha soo martaan iyo tallaabooyinka waanu idin caawin doonaa iyaga oo (World Bank)-ku yidhi ayaan anigu ku soo beegmay, hannaankaas oo kow ka ahaayeen shaqaale ku habboon in aynu u qaadano, ay ku qannacsan yihiin, Imtixaan iyo nidaam hufan ku soo baxa iyo shuruudo kale oo dheer in aynu ka soo baxno, kuwa marka aynu ka soo baxno ayaa la odhan karayey mashruuc wuu guulaystay, xuubka yar ee ku dahaadhnaa waanu ku faraxsanahay in aanu ka dul qaadno maanta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.
Waxa kaloo xafladaas hadal ka jeediyey Mr. Alex oo ah Sarkaal Mashruucan uga masuul ah Baanka Adduunka oo lacag dhan $10 milyan oo doollar ku maalgelinaya tayeynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda, waxaannu xusay sida uu ugu faraxsanahay in mashruucan oo muddo badan soo qaatay soo gaadhay heerkan daah-furka ah, isagoo masuuliyiinta dawladda Somaliland iyo Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha ku ammaanay dedaalka ay geliyeen suurtogelinta mashruucan.
Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo iyaguna hadalo jeediyey, ayaa dhammaantood caddeeyey in mashruuca dib-u-habaynta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda Somaliland uu yahay mid faa’iidooyin ballaadhan ugu jiraan horumarka adeegyada bulsahda, waxayna ballanqaadeen inay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha kala shaqayn doonaan hirgelinta iyo fulinta mashruucan.