Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)-Qaraxa maanta duhurkii ka dhacay degmada Shibis ee dhacda waqooyi Bari magaalada Muqdisho, ayaa sababay khasaare dhimasho, kaas oo lala beegsaday gaadhi uu saarnaa Sarkaal sare oo katirsanaa Melleteriga dowladda Federaalka islamarkaana u shaqeynayay safaaradda dowladda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaadhiga oo ahaa nooca Kaarib ah oo uu watay sarkaalka lala beegsaday Qaraxa, isla markaana uu ku qarxay isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.
Qaraxa ayaa burburiyay qeyb ka mid ah gaadhiga waxaana isla goobta ku dhintay sarkaalka iyo laba askari oo ilaala u ahaa.
sidaana waxa lagu sheegay War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-shabaab oo ay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay sarkaalka.
Al- Shabaab waxay sheegtay in sarkaalkan la dilay uu tababar kusoo qaatay wadanka imaaraadka Carabta, islamarkaana uu ku jiray liiska saraakiisha sida aadka ah ay u doon doonayeen ciidamada Mujaahidiinta qeybta ka howlgasha gobolka Banaadir sida ay sheegeen.
Warka kasoo baxay xarakada Al -Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo lagu xaqiijiyay hadafkii laga lahaa, iyagoo sabab uga dhigay sida ay sheegtay Al-shabaab in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu u shaqeynayay sarkaaka la khaarijiyay ay faragelin dhan walba ah ku haysa dalka Soomaaliya.
Dawlada Imaaraadka, ayaan wax war ah kasoo saarin sheegashada Al-shabaab ku sheegteen in qaraxaa lagu dilay Sarkaal u shaqaynayay Safaaradooda Muqdisho.