Araweelo News Network

MadaxweynesilanyoiyosheekhkhaliilHargeysa (ANN)Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in degaannada kala duwan ee dalka laga tukan doono salaad roob-doon ah 9-ka subaxnimo ee Khamiista berri, haddii Ilaahay yidhaah.
“Walaalayaal, waxa Madaxweynuhu ina farayaa in aynu ku celino roob-doontii, sidaa darteed, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa ay guud ahaan dadweynaha u sheegaysaa meel kasta oo ay joogaanba in dalka Somaliland laga tunayo salaaddii roob-doonta ahayd maalinta Khamiista ah (berri) haddii Ilaahay yidhaah, marka saacaddu tahay 9-ka subaxnimo, waxaanan ka codsanaynaa dhammaanba dadka culimo-awdiinka ah oo dhan inay arrintaas ka hawlgalaan, diyaargareeyaanna masaajidada, garoomada lagu tukanayo, ummaddana u sii sheegaan, kana iclaamiyaan masaajidada, waxaanna loo baahan yahay in la isugu yimaad masaajidada, garoomada iyo bannaanada lagu tukado salaadaha iidaha,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo la hadlay saxaafadda dawladda shalay.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu ka codsanayaa Hay’adaha Shaqaalaha Dawladda inay maalinta Khamiista fasaxaan shaqaalaha, Wasaaradda Waxbarashaduna fasaxdo ardayda jaamacadaha, dugsiyada sare, hoose iyo dhexeba, ardaydana la keeno goobaha lagu tukanayo, lagana soo kaxeeyo dugsiyada iyo madaarista, waxaanan fari lahayn in maalintaas ay ardayda, shaqaalaha iyo cid walba soo qaataan sijaayadaha amma cawda si ay ugu tukadaan bannaanada.”
Waxa kale oo Wasiirku ugu baaqay dadka in Ilaahay loo tawbad keenno, loona noqdo, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, aynu barino Ilaahay, wuxuunna Alle (SWT) inoo imtixaamayaa in aynu u soo laabano, qofkii dambi galay ka soo laabto, ruuxa aan dambi gelina uu ka faa’iido wanaag, khayr iyo Alle ka cabsi, taas ayaana la inooga baahan yahay. Dadkeenna reer miyiga ah salaado way ku adagtahay, mana ilaaliyaan, waxaannu imtixaanku ugu dhacayaa waa salaadda ay dayaceen, waxa aad arkaysaa magaalooyin iyo tuulooyin dhan oo la imanayo oo la leeyahay furihii masaajidka waxa haysa islaan dukaan haysata, iyadoo suuqu buuxo, makhaayaduhu buuxaan, lana qayilayo, salaaddii casarna aan loo baxayn.”
“Walaalayaal, Ilaahay (SWT) inagama gardarna, cidna ma dulmiyo, wuu naxariis badan yahay, wuuna dulqaad badan yahay, haddii uu cid ku qaado dambi ay galeenna wuu u soo dedejin lahaa cadaabka, laakiin Ilaahay wuxuu ina leeyahay maalin dambe ayaan ula hadhay oo aan la sugayaa, abaartan iyo dhibaatooyinkuna waa wax Ilaahay inagu imtixaamayo, waxaanna la doonayaa inay Alle u soo laabano, dambi-dhaaf weydiisano. Marka ummaddu qirato camalka xun ee ay gashay, kuna beddesho camal wanaag, Ilaahayna dambi-dhaaf waydiisato, markaas ayuu Ilaahay (SWT) inoo shubayaa madar khayr qaba,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Waxa Wasiirku sheegay in Ilaahay loogu mahadnaqo nimcooyinka kala duwan ee ay ugu horeeyaan nimcooyinka islaamnimada, diinta iyo nimcada iimaanka, isagoo xusay in Alle uu siyaabo kala duwan u imtixaanno addoomihiisa, waxaannu yidhi; “Ilaahay (SWT) waxa uu ku imtixaamaa muslimiinta inuu ka nuqsaamiyo maalka, midhaha iyo nafaha (geerida), ujeedada Ilaahay ka leeyahayna wax kale maaha ee waa in ay dadku Ilaahay u soo laabtaan, sidaa darteed, waxa aad ogtihiin in abaar aad u baahsan, aadna u dhibtay dadka iyo xoolahaba, badankoodana ay xoolihii baxeen (bakhtiyeen) ayaa haysa arladeenna, gaar ahaan gobollada bariga Somaliland.”
“Hasa ahaatee, Ilaahay uma jeedo inagoo muslimiin ah inuu inagu cidhib tiro abaarahan amma innagu ciqaabo, balse waxa ay waanno iyo digniin ay tahay in aynu Ilaahay dib ugu soo laabano, una xasuusano, Ilaahayna (SWT) awoodiisu way ballaadhan tahay, wuxuunna ina leeyahay oo qur’aanka inoogu sheegay in aannu dhibteenna waxba ku falayn, cadaabkeenna waxba ku falayn haddii aynu rumayno oo u mahadnaqno.
Waxa aynu u baahanahay in aynu u noqono Ilaahay, loona toobbad keeno, wuxuunna Alle (SWT) ina leeyahay Ilaahay u towbad keena, una soo noqda, dambi-dhaafkana badsada, Ilaahayna waa ka aqbala toobadda, wuxuunna samadda idiinka soo diri doonaa biyo badan, markaasuu idiin barakayn doonaa maalka iyo xoolaha, ubad iyo beerana idin siin doonaa, haddii xagiisa loo noqdo.”
Waxa kaloo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu sheegay in xaaladaha abaartu sii adkaanayso, isla markaana sii kululaanayso, taasoo keentay in Madaxweynaha Somaliland uu marayo gobollada bariga Somaliland, una ducaynaya dadka abaaruhu saameeyeen, wixii kaalmo ahna gaadhsiinaya.