Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay inay si degdeg ah uga qaybqaataan gurmadka lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ee degaannada dalka.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dalladda SONSAF xalay, kaasoo u qornaa sidan:
“Bishan 20ka November 2016, kulan ay isugu yimaaddeen Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka qabsoomay xafiiska SONSAF ee Hargeya ayaa lagu lafo-guray xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada bariga Somaliland.
Ururadu waxay isla wadaageen warbixinno la xidhiidha xaaladda dhabta ah ee abaarta iyo halka uu marayo dedaalada lagula tacaalayo abaarta ee ka socda Somaliland. Waxa kale oo Ururrada Bulshada Rayidka ah aqoonsan yihiin baaxadda iyo khasaaraha abaarta sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, 9 November 2016.
Haddaba, Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay ku baaqayaan in laga jawaabo oo lala gaadho dadka abaartu saamaysay cunto, biyo, caafimaad, fayo-dhawr iyo hoy ay degaan, gaar ahaan kuwa soo barakacay.
Waxa kaloo xaaladda uga sii daray roobkii dayrta oo aan di’in, kaas oo sii yareeyey biyihii, iyo daaqii, markii dambena sababay in dad badan ay soo food saarto cunno iyo biyo yaraan, isla markaana xoolo badan u dhintaan oon iyo baad la’aan. Waxa kaloo saamaynteeda lahayd abaartii February iyo March ka dhacday sannadakan gobollada galbeedka oo iyaduna riiq ka tagtey.
Inkastoo aanay abaartii February iyo March helin caawimo caalami ah, dedaallada hadda socdaanna yihiin kuwo dadka guduhu is abaabuleen oo iyagu iska ururiyeen wixii ay ugu gurman lahaayeen dadkooda dhibaataysan ee abaartu saamaysay. Waxa ka qaybqaatay dawladda, ganacsatada, qurbo-joogta, asxaabta siyaasadda iyo dhammaan shacabka Somaliland.
Waxa hubaal ah in gurmadka dadka reer Somaliland fidinayaan aanay ku filneyn xaaladda hadda taagan, hasa yeeshee waxa muhiim ah in la sii booriyo dadka ku hawlan gurmadka iyo caawimaadda ee socota hadda si ay wax la taaban karo ugu tarto gurmadka abaarta, sidaas oo ay tahay waxa lama huraan ah in la helo gurmad caalami ah si loo gaadho dad badan oo ay saameysey abaartu oo ku kala filiqsan gobollada bariga oo baxaad ahaan aad u kala fog-fog.
Ururrada Bulshadu rayidka ah waxay baaq u dirayaan hay’adaha Qarammada Midoobay iyo bulshada caalamku in ay gurmad degdeg ah la soo gaadhaan dadka ay saamaysay abaartu ee reer Somaliland, isla markaana dib-u-dhac kasta oo ku yimaad gurmadkana uu sababi karo in dhibaatadu ka sii darto.
Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay soo jeedinayaan in la mideeyo isku xidhka gurmadka abaaraha si looga faa’iideeyo wixii caawimo ah ee la gaadhsiinayo dadka abaaruhu saameeyeen.
Ugu dambayn, waxa Ururrada Bulshada Rayidka ah u soo jeedinayaan dawladda Somaliland in ay samayso qorshe lagu tacaalayo abaarta soo noqnoqota, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa masiibo dabiici ah oo ina soo food-saarta, iyadoo tirada lagu darsanayo waxyeellada ay keenaan dhibaatooyinka deegaan iyo isbeddelka cimilada dunidu. Sidoo kalena la tayeeyo haayadaha ku hawlan ka hortaga masiibooyinka dhici kara,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay dalladda SONSAF.