Qormada 2aad
Timirtu waxay xakamaysaa miisaanka jidhka
Haddii aad doonayso inaad ka hortagto baruur badan oo jidhkaaga fuusha waa inaad cuntaa timir, gaar ahaan waqti aad gaajoonayso. Waxa ay si caadi ah u xakamaynaysaa miisaanka jidhkaaga, maadaama ay ka hortagayso subagawga (cholesterol). Waxa digniin ah in aanad isku badin timirta, maadaama ay sonkor badan ku jirto, gaar ahaan haddii macaan qofku leeyahay.
Waxa ay ka hortagta subagawga (Cholesterol)
Timirtu waxa ay faa’iido u leedahay in ay jidhka ka ilaaliso waxyaabaha aan caafimaadka u wanaagsanayn, sida duxda badan ee sababta subagawga amma beer-subaga (Cholesterol), sababtoo ah waxa ay sifaysaa dhuummaha dhiigga, iyadoo ka hortagta in dhiig xinjiroobo oo gufeeyo dhuumahaas.
Waxa ay xoojisaa wadnaha
Habeenkii haddii qofku timir cuno, isla markaana marka uu subax kasta soo tooso cuno waxa ay awood u yeeshaa wadnihiisu inuu si fiican u shaqeeyo oo uu qabto shaqadii looga baahnaa.
Waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga
Dadka inta badan uu ku dhaco xannuunka dhiig-karku (Hypertension) waa in ay cunaan timir aad u badan, sababtoo ah waxa ku badan macdanta Botaasiyamta (Potassium), mana laha macdanta Soodhiyamta (Sodium). Shan ilaa lix xabbo oo timir ah waxa ay ka koban tahay 80 mg oo macdanta Magniisiyam (Magnesium) oo ah macdan muhim ah oo ku fidda dhuumaha dhiigga, kana qaybqaatada in dhiiggu si fiican jidhka u gaadho. Ku dhawaad 370 mg oo Magniisiyam ah waxa ay faa’iido u leedahay in ay hoos-u-dhigto xawliga dhiigga si aan qofka dhiig-karku ugu dhicin.
Timirtu waxay ka hortagtaa Faaliga
Sida aan hore u sheegnay timirta waxa ku badan macdanta Botaasiyamta (Potassium), taasoo muhiim u ah hab-dhiska neerfisiyada, taasina waxay keentaa in aan qofka faalig ku dhicin haddii uu timirta cunisteeda la qabatimo. Haddii qofku 400mg oo macdanta Botaasiyamta ah quuto maalin kasta waxa farxad u ah in aannu ka welwelin in faaligu (Stroke) ku dhufto, Ilaahay idamkiisa.
Nebi Muxamed (NNKHA) waxa uu aad u jeclaa cunista timirta, asaxaabtiisana uu ula dardaarmi jiray. Sidoo kale, waxa uu ku afuri jiray timirta xilliyada uu sooman yahay, isagoo muujin jiray caafimaadka ay leedahay iyo barakada timirta, mana aha wax hadda dhakhaatiirtu daaha ka qaadeen ee waa wax Nebigeennii suubanaa Muslimiinta kula talin jiray in ay caadaystaan cunista timirta…
Dhammaad…