Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa caddeeyey in aanay doorashada Madaxtooyadu qabsoomi doonin xilliga loo muddeeyey ee 28 March 2017, haddii aannu Ilaahay (SWT) keenin roob lagaga baxo abaaraha qalafsan ee ka taagan degaannada bariga Somaliland.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Mr. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaab) iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Mr. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo goobo kala duwan saxaafadda kula hadlay shalay, ayaa sheegay in doorashadu u dabranaan doonto abaaraha, xilligana aanay haboonayn in lagu mashquulo doorasho, balse loo baahan yahay in gurmad loo fidiyo dadka iyo duunyada abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
“Abaaro ayaa ina haysta, haddii Ilaahay (SWT) abaartaas inaga jabiyo oo roobka inoo shubo way qabsoomi doorashadu, annaga ayaana u diyaar ah oo aan jeclayn in maalin ay dib u dhacdo. Madaxweynaha ayaan ogolayn in hal maalin lagu daro. Annaga oo xisbigii KULMIYE ah ayaan ogolayn in doorasho hal maalin dib uga dhacdo waqtigeeda, laakiin haddii Ilaahay inaga jabin waayo abaartaas tii bani’aadamku meesha ayey ka baxaysaa oo taas Ilaahay ayaa loo hoggaansamayaa, waqtiga Ilaahay roobka shubo ee ay dadku codayn karaan ayuun bay noqonaysaa (doorashadu). Haddii ay (taladu) teena tahay waqtiga doorashu waa 28 March 2017, ta Ilaahayna isaga ayaa og,” ayuu yidhi Md. Jaamac Shabeel.
Waxaannu intaas ku daray; “Markaa maaha waqtigii aynu doorasho ka sheekayn lahayn ee waxa la joogaa saacaddii gurmadka, dadka aad doonayso inay kuu codeeyaana way dhimanayaan ee horta badbaadi qofka aad doonayso inuu kuu coddeeyo oo gurmad u gal, Ilaahayna (SWT) u bari inuu abaaraha ka dul-qaado, wixii aad haysana ku taageer.”
Dhinaca kale, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Mr. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo la hadlay telefiishanka Bulsho TV shalay, ayaa isna ku dooday in aanay doorasho suurtogal ahayn xilligan lagu jiro abaaraha.
“Waxa aad ogtihiin in dadka la diwaangeliyey oo ay gobol-gobol u diwaangashan yihiin, ayna tahay inay codka ka bixiyaan halka ay iska diwaangeliyeen, taasi haddii aan Ilaahay abaarta inaga jabin ma suurtogelayso inay yimaadaan oo dadku nin walba halkii naftu u eriday ayuu tegay. Tusaale ahaan dadka degayey Banka Tuuyo ee Gobolka Togdheer, waxa ay hadda joogaan Gobolka Awdal, markaa haddii aan Ilaahay raxmaadkiisa inoo keenin ma suurgelayso doorasho,” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Hadda waxa lagu jiraa jiilaal oo xilligii dayrtu haddii uu xumaatay, lana waayey roobkii, sannadka dayaxa ee Soomaalidu tirsato bishii labaad ee Dayrta ayaa maanta (shalay) 26 maraysa, markaa waxa hadhay bil iyo afar maalood amma 34 maalmood oo qudha oo dayrta la sugayo, wixii ka dambeeyaana waa jiilaal oo saddex bilood lagu jirayo, markaa shan bilood oo abaar ah, haddii aan Ilaahay inaga jabinna way adag tahay in doorasho dhacdo.”
Mr. Cabdillaahi Jawaan, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda, Komishanka iyo xisbiyadu qaban karaan doorasho ku dhacda waqtigeeda oo ah 28 March 2017, isla markaana la heli karo lacag lagu qabto doorashada, balse dhibku ka taagan yahay sidii loo heli lahaa dadka coddayn lahaa, maadaama ay abaaro baahsan ka jiraan degaannada kala duwan ee Somaliland.
Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa u muddaysan inay dalka ka qabsoonto 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaah, balse sida ay caddeeyeen labada masuul ee ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxa suurtogal ah in duruufaha abaarto sababto in dabar lagu xidho doorashada, isla markaana la sameeyo muddo-kordhin kale oo lagu saleeyo xilli-roobaadka dambe.