Caddami

Inkasta oo Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideedii la soo noqotay 26 sannadood ka hor, haddana wali si buuxda ugama ay mid noqon beesha caalamka. Waxa jira dalal kale oo Somaliland la mid ah oo aan iyaguna aqoonsi helin oo haddana gaadhay horumar ballaadhan markii ay la yimaaddeen isku kalsooni iyo dedaal dheeraad ah.
Waxa laga yaabaa in dadka qaar ku doodo in ay dalalkaasi leeyihiin khayraad ka badan khayraadka Somaliland laga helo, laakiin aragtida waxa burinaya waddamo ka mid ah kuwa ugu khayraadka badan dunida oo haddana ku jira liiska dalalka ugu saboolsan (poor development is caused by bad policies and institutions) iyo kuwo khayraadka laga helaa aad u kooban yahay sida Botswana iyo Rwanda oo ka mid ah dalalka ugu hodonsan Afrika; kaliya waxay nasiib u heleen hoggaan fiican iyo madax dhaqaalahooda yar si haboon ugu maamulay.
Tusaalayaashan waxa laga baranayaa in dawladuhu isku dhaafaan hadba ragga hoggaanka ama talada u qabta oo ama hodan ka dhigi kara ama umad faqiira ka dhigi kara. Haddaba, xukuumadihii Somaliland soo maray may samayn dedaadlkii loo baahnaa ee shacbigu ka filayey. Hadal kama taagna in dalka nabad buuxda lagu soo dabaalay iyo in la dhisay hay’adihii dawladda iyo nidaam shaqaynaya, hase ahaate Somaliland aadbay uga sii dheerayn lahayd halka ay maanta taagan tahay haddii ay heli lahayd hoggaan daacad ah oo u heelan (committed) horumarka dalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, madaxtinimada Siilaanyo ka hor shacbigu wuxuu ku noolaa rajo iyo in wax kastaba hagaagi doono mustaqbalka, waxayse u muuqataa in niyad-samidaasi sii gudhayso markii ay arkeen tasarufka madaxdii la doortay iyo sida aanay xilba iskaga saarin daryeelka iyo nolosha bulshada iyo markii ay arkeen waxqabadka xukuumaddu ku faanto oo marka la is garab dhigo waxyeeladu ka badan tahay (one step forward two steps backward). Maamul-xumida, musuqmaasuq iyo qorshe la’aanta xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay saamayn ku yeelatay shaqadii hay’addaha sharci-dejinta iyo garsoorka oo ku milmay hay’addii dhigooda ahayd ee fulinta, waxay saamaysay tayadii xisbiyada qaranka iyo geedi-socodkii dimuqraadiyada.
Xaga maamulka waxa meesha ka baxay dabogalkii, qiimayntii iyo la xisaabtankii masuuliyiinta sare iyo saraakiisha dawladda, kaliya xukuumaddu waxay xooga saartay la dagaalanka mucaaridka gudaha, kala qaybta bulshada iyo caddaadiska warbaahinta madaxabannaan, cadow kale ma aragto. Xisbiyada qaranku ma koraan, waxna uma kordhaan, balse way sii saqiirayaan, mid kastaaba waxa uu ku hawlan yahay sidii uu u wiiqi lahaa ka kale ama u fadhataysan lahaa, aragtidooda cadow kale ma jiro.
Qabiil kasta wuxuu ka shaki qabaa qabiilka kale oo uu iska eegaya, ma jiro wadajirkii, midnimadii iyo isku duubnidii dalka lagu xoreeyey ama lagu dhisay. Somaliland dibedda looga iman maayo iyadaa dagaal iskula jirta (Somaliland is at war with itself).
Akhriste, bal hareerahaaga eeg iyo daruufaha dalka ku xeeran, sida dagaalka Yemen iyo sida uu u sameeyey dhaqaalaha dalkeena, hirdanka siyaasadda iyo dagaalka kooxaha ee Soomaaliya iyo damaca iyo tartanka dawladda Turkiga iyo qaar ka mid ah dawldaha Carabta oo doonaya inay awood iyo galaangal ku yeeshaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa millatariga ee dawladaha gobolka iyo sida Somaliland hoosteeda ugu tahay mashquul.
Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa, hoostii daye, hareertii ma dayo! Maahmaah kale ayaa tidhaahda: rag isku qaybay, rag kuma qaybaan.

Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com