Nin siyaasi ah oo meel weyn ka gaadhay siyaasadda dalkiisa ayaa xisbigii uu ka tirsanaa ka diga-rogtay oo xisbi kale u wareegay.
Ninkii baa xisbigii kale si weyn u soo dhoweeyay oo kulan weyn loo qabtay. Goortii ay gaadhay in uu hadlo ayaa mansaddii loo banneeyay. Si diiran ayaa loogu sacab tumay, ka dibna, hadalkiisii ayuu bilaabay.
Wuxuu ku bilaabay in uu naftiisa ka hadlo, wuxuuna yidhi, “Waad i garanaysaan oo waxaan ahay hebel hebel. Waxan ahay nin waxtar ah. Waxaan ahay nin wax qabtay. Waxaan ahay nin wax qaban kara. Waxaan ahay nin wacdaro dhiga. Waxaan ahay nin wanaagsan ….” Markuu in muddo ah hadlayay naftiisa shaqsiga ah, ayaa dhowr nin oo dhegaysanayay ka yara siibteen oo shaah tageen.
Saacad ka dib ayay soo noqdeen. Waxay arkeen ninkii oo weli hadlaya, iyagoo yaabban ayuu mid yidhi, “Waar weli miyuu hadlayaa?” Dadkii degaysanayay mid ka mid ah ayaa yidhi, “Haa. Weli waa hadlayaa.”
“Muxuu intaas oo dhan ka hadlayaa?” Ayuu haddana weydiiyay.
“Weli naftiisa ayuu ka hadlayaa!!!” ayuu ugu jawaabay.