Araweelo News Network
Minnesota(ANN)Milandheerka Musharraxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay gobolka Minnesota ee Soomaalida ay ku badan yihin waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in gobolkooda qaxootiga soo degay ee Soomaalida ah ay gaystaan dhibaatooyin xagjirnimo wata.Wuxuu tusaale u soo qaatay ninkii tooreyda ku weerraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo laga dukaamaysto.
Ninkaasi ayaa tooriyeeyay ugu yaraan sagaal ruux kahor inta aan la tooganin.
Trump ayaa sheegay in dadka Minnesota ay dhibaato ka soo gaadhay martigelinta qaxootiga Soomaalida.
“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoon war u heyn ayay yimideen gobolkiina, iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda IS. Waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan”, ayuu yidhi Trump oo taageerayaashiisa kula hadlaaya gobolka Minnesota.
Mr. Donald Trump Wuxuu ku jiraa lugutiisii ugu dambeysay ee ololaha ka hor doorashada maalinta Talaadada, wuxuuna sheegay in haddii la doorto uu hubin doono in dadka deegaanada qaxootiga martigeliyo uu latashi la yeesho ka hor inta aan qaxootiga la qaabilin.
Donald Trump horay ayuu ugu eedeeyay Soomaalida inay ku biiraan Daacish, waxuuna sheegay inay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.
Donald Trump waxuu si weyn u cambaareeyey siyaasada Barack Obama iyo xisbiga Dimuqraadiga.Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.
Donald Trump ayaa mar kale sheegay in doorashada madaxtinimada Mareykanka loogu xaglinayo Haweenayda la tartamaysa ee Hillary Clinton.
Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya kaddib markii waaxda dambi badhista ee FBI-da ay sheegtay in aanay hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary ay gaysatay dambi marka la eego farriimo Email oo ay ka dirtay cinwaankeeda khaaska ah.