Araweelo News Network

scud-kaSanca-Yaman(ANN)Xukuumadda Boqortooyadda Dalka Sucuudiga, ayaa waajahday cabsi, kadib markii Gantaal nooca loo yaqaan Scud-ka lagu tuuray, kaas oo ku dhacay meel qiyaastii 65km, ka xigta dhinaca Koonfur Magaalada Barakaysan Makka.
Gantaalka oo loo malaynayo in laga riday Magaalada Sacda ee dhinaca Woqooyi ka xigta magaalada Sanca ee dalka Yaman oo xarun u ah Xuutiyiinta ay xulufada yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax, lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Hase yeeshee wuxuu xaalad cabsi iyo werwer ah ku abuuray xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta ay xulufada yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax, iyadoo gantaalkaa lagu qiyaasay inuu socday masaafo dhan 500km.
Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa canbaaraysay weerrarkaa oo ku tilmaantay mid ay dawlda Iran ka danbayso, iyadoo sheegtay in Xuuutiyiintu si toos ah u bartilmaameedsadeen Magaalada barakaysan ee Makka.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka (united Arab Emirates) Abdullah Bin Zayed Al-nahyan, ayaa canbaareeyay weerrarka gantaalkaa, isagoo ku eeddeeyay dawlada Iran inay ka danbayso weerrarka gantaalkaa ku dhacay duleedka magaalada barakaysan ee Makka.
Maxamed Al-Bekheity oo ah Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay in gantaalkaa lagu waday Magaalada barakaysan ee Makka, wuxuuna sheegay in gantaalkaa lagu waday Madaarka Caalamiga ah ee Jidda oo ay la beegsadeen madaarka, balse Abdulmalik al sham, ayaa u sheegay Telefishanka Al-Jazira in aanu jirin wax gantaal ah oo ku dhacay Madaarka Jidda.
Dhinaca kale Bahram Ghasami oo u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, ayaa ku tilmaamay gardaro canbaaraynta Sucuudiga iyo UAE.
Oct 9th, 2016, ayaa sidan oo kale gantaal nooca Scud ee Midawgii Soviet Xuutiyiintu ku rideen gudaha hore ee dalka Sucuudiga, kaas oo loo malaynayo inay ku wadeen Saldhiga Ciidamada Cirka eek u Yaal Daa’if (Taif Airbase), wuuxuna ku dhacay meel qiyaastii 70 km u jirta magaalada Makka ee barakaysan.

Xuutiyiinta ayaa, hore gantaalo ay ka rideen xadka ay wadaagan Sucuudiga, waxay ku bar-tilmaameedsadeen magaalooyinka dhinaca Koonfurta Sucuudiga ee Jizan and Najran, balse Gantaalaha xilligan Xuutiyiintu ku ridayaan gudaha hore ee dalka Sucuudiga, ayaa abuuray xaalad cabsi ah, kuwaas oo gaadhay masaafo aan ka badan 500km, waxaana la rumaysan yahay in ay gantaalaha Scud-ka ee ay xilligan ku tuurayaan gudaha Sucuudigu ka mid ahaayeen Hubkii Midawgii Soofiyeeti (Soviet Union ) ee ay hasatay Xukuumadda Yaman oo dib loo farsameeyay.
Horaantii Oct, 2016, ayay ahayd markii Duqeyn dhinaca Cirka ah oo Diyaaraddaha Sucuudigu ku qaadeen Magaalada Sanca goob Tacsi lagu dhigayay, kaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 200 qof iyo dhaawac ku dhow 500 qof, balse weerrarkaa waxa baadhitaan lagu sameeyay kaddib Xukuumadda Sucuudigu aqbashay inay magdhaw ka bixiso khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay gantaalka duqaynta ee ay la beegsadeen dadka shacabka ah.