Araweelo News Network
Hargeysa (ANN Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis, kana mid ahaa siyaasiyiinta isbahaysigii KULMIYE ee ku biiray xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa sheegay in aannu ku qanacsanayn xilkii wasiirnimo ee uu u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, balse hankiisu ahaa inuu Madaxweyne ka noqdo dalka.“Run ahaantii anigu maan ahayn nin ku qanacsan wasiir. Khibrad ballaadhan ayaan leeyahay, waxaanan is lahaa oo meeshan [Somaliland] u immi in aan waddankan hoggaamiyo, madaxna ka noqdo, in aan noqdo madaxweynaheeda. In aan ummaddan horumar iyo dhaqaale gaadhsiiyo oo aan wax ugu qabto aqoonta, khibradda iyo saaxiibbada aan ku leeyahay caalamka, laakiin himiladaydu marna ma ahayn in aan wasiirnimo ku qanco,” ayuu yidhi Mr. Yoonis oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV shalay.
Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay Somaliland ka maarmi karin beesha caalamka, maadaama ay uga baahan tahay aqoonsi iyo dhaqaale, waxaannu ku baaqay in laga fogaado dagaal iyo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo caalamka, arrintaasoo uu xusay in aanay u fiicnayn qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidoo kale ka hadlay waxyaabaha uu ku doortay inuu ku biiro WADDANI, isla markaana taageero Guddoomiye Cirro, waxaannu yidhi; “Waxyaabaha aan ku doortay Cabdiraxmaan Cirro waxa ka mid ah. Tii hore ee aan ku jiray ee KULMIYE waa la afduubay, juujuub ayaana wax lagu doortay, taasina waxay ahayd waxa aannu diidnay ee aannu ka dhaqaaqnay, Cabdiraxmaan-na waxaannu ku nidhi; ‘Cabdiraxmaanoow, haddii aad leedahay tani (murrashaxnimada WADDANI) aniga ayey ii xidhan tahay amma reerkayga iman maynno.” Markaa Cabdiraxmaan halkaas badka ayuu soo dhigay oo wuxuu yidhi haddaad tartan doonaysaan ahlan wa sahlan, weliba haddii aad rabto waan kaaga degayaa ayuu yidhi (murrashaxnimada), markaa run ahaantii qadarintaas iyo ugu yaraan aan u arkay inay dimoqraadinimo jirto oo uu oggolyahay inuu tartan xalaal ah dadka la galo awgeed ayaan ugu biiray.”
Waxa uu intaas ku daray, “Waxaan anigu aaminsanahay in dalku ka gudbo qabyaaladda iyo beelaha, mana aaminsani hadduu yahay walaalkay ruma oo ila dhashay oo aanan ku qanacsanayn inuu yahay kii wadayey (dalka) waan ka leexanayaa. Anigu ma ahi nin aaminsan in qabyaalad lagu kala doorto dadka.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraysi uu siiyey BBC-da toddobaadkan ku sheegay in qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga ee ku biiray WADDANI aanay ka mid ahayn xisbiyahannada KULMIYE, qaarkoodna shaqaale ka ahaayeen UN-ka, xawaaladaha iyo shirkadaha telefoonnada.
Haddaba, Maxamed Biixi oo la weydiiyey sida uu arko hadalkaas Guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; “Waa markii u horreysay ee aan maqlo nin dhaliilaya nin shaqaystay, shaqaduna waa sharaf iyo karaamo, markaa runtii ma aaminsani in dadka shaqaalaha ah, amma soo shaqaystay in lagu caayo way shaqaysteen, mana fiicna in loo jawaabo qof dadka ku dhaliilaya way shaqaysteen, dadkuna way ogyihiin qof kasta taariikhdiisa.
Hase yeeshee, rag ka mid ah aasaasayaashii KULMIYE oo uga soo horreeyey Guddoomiyaha (Muuse Biixi) ayaa ku jiray isbahaysiga iyo rag badan oo ka mid ah dadkii dhigay shuruucda lagu dhaqayo KULMIYE ayaa jooga oo uu ka mid yahay Xuseen Axmed Caydiid. Waxa kale oo meesha marayey xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, wayna ogsoon yihiin in ragga meesha ka baxay xul yihiin oo ay yihiin labeentii ummadda Somaliland oo halka aannu ku biirnay ka muujinnay dhawaaqii ugu weynaa, ummadduna ku yar iyo ku weynba la isku soo shubayo WADDANI oo aan loo kala hadhayn.”
“Waxa aannu caddayn doonnaa waxa xisbiga WADDANI yahay iyo waxa aannu nahay marka la isla yimaad garoonka ee ah maalinta doorashadu timaad,” ayuu ku faanay Maxamed Biixi Yoonis.