sheekhabdirahmanbashiir
Islaamiyiinta Geeska Afrika ma Waxay Noqdeen Warqad Taariikhdeedu Dhacday?
Maqaal xiiso badan oo u luqadda Af-Carabiga ku qoray Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo jooga dalka Canada … Waxa turjumay Cabdillaahi Beershiya
……………………………………………………………………..
qaybtii 2aad
…………………………………………………………………………………………….
Bilawgii lixdamaadkii ee qarigii 20aad ayey shahaadooyinkooda waxbarasho ku soo qaateen fikirka Islaamiga ah oo uu saameyn ku lahaa dhaqdhaqaaqa Ikhwaanku, intaa wixii ka dambeeyey oo ku beegnayd horaantii toddobaakanaadkii fikirkaasi waxa faafiyey oo qayb weyn ka qaatay qoraaladii ay sameeyeen dabaqada mutacallimiinta ahayd.
Fikirkani wuxuu gabaad iyo hoy u noqday dhallinyaradii u hayey haraadka diimmeed, dareenkaas oo sii xogeystay markii dawladdii millatariga ahayd ee Soomaaliya jilbaha dhigtay mashruucii Hanti-wadaaga ahaa.
Waqtigii lagu jirey dagaalkii qaboobaa iyo markay isku dheceen labadii aragtiyood ee Hanti-waadaaga iyo Hanti-goosigu waxa dhallinyarada Soomaalida ku dhex faafay fikirka SELEFIGA ah oo ay wadeen dhallinyaradii ka timmi jaamacadaha dalka Sucuudiga oo bar-bilaw u ahaa inuu fikirkaasi ku faafo Geeska Afrika.
……………………………………………………………………………………………………
Jaantuska Fikirka Islaamka ee Geeska
……………………………………………………………………………………………………..
Geeska Afrika waxa ka jira laba dugsi (Schools) oo aaminsan amma wada fikirka Islaamka ah waxanay kala yihiin:
1. Dugsi Dhaqameed (Traditional School) u sii kala baxa laba qaybood oo kala ah dugsi aqooneed isku deyey inuu dadka diinta baro, sida Fiqiga Shaaficiga, Caqiidada Ashraciga ah iyo dugsiga labaad oo ah Dugsi Suufi ah oo u sii kala baxa dariiqooyin badan, laakiin ay ugu weyn tahay dariiqa Soomaalidu xooga u taqaano ee Qaadiriyada.
2. Dugsi Casri ah (Modern School) oo u sii kala baxa laba dugsi oo waaweyn oo kala ah Dugsiga Ikhwaanul Muslimiinka loo yaqaan oo isaga laftiisu u sii kala baxa laba qaybood oo kala ah Ikhwaan gudaha dalka jooga (Local) oo u hoggaamin jirey Sheekhii Caanka ku ahaa Tafsiirka Qur’aanka ee Maxamed Macallin iyo koox dibbeda ku xidhan oo u hoggaamin jirey Sheekh Maxamed Nuur Gadhyare oo ah daaci Soomaalidu wada taqaan.
Marka intaa laga yimmaado kooxda labaad eek a tirsan dugsiga Casriga ah waa dadka haysta aragtida Salafiga ah oo u sii kala baxa qaybo iyo dugsiyo badan oo kala duwan sida Salafi dadka wax bara, Salafi Jihaadyiiin ah, Salafi Xisbiyo sameystay iyo kuwa aan nidaamka ogolayn.
Mustaqbalka Dhaqdhaqaqyada Islaamiga ah ee Geeska Afrika
Dhadhqaaqyada Islaamiga ah ee Geeska Afrika waxay marayaan marxalad adag oo taariikhdooda ka mid ah, waxa dhammaaday waqti qurux badan oo la is lahaa waxay buuxinayaan madhnaantii siyaasadeed kadib markii dawladdii Soomaaliya burburtay.
Kadib burburkii dawladdii Soomaaliya waxay dhaqdhqaaqyada islaamiga ah isu beddeleen wax u eg dawlad amma inay iyagu buuxiyaan halkii ay ka baxday dawladdii Soomaaliya, waayo waxay si wanaagsan u aasaaseen maxkamado sharci ah oo aan la samayn karin maamul siyaasadeed la’aantii.
Sababta keentay inay ururrada islaamiga ah isku dayaan inay buuxiyaan madhnaantaas waxa lagu macnayn karaa iyagoo ahaa ururor abaabulnaa, halka Soomaaliya inteeda kale la ildarnayd bubur iyo fawdo baahsan. Waxay ahayd marxalad dhalin lahayd fursad dahabi ah oo dhinaca siyaasadda ah. Waxa kale o ay ahayd fursad dhalisay in islaamka siyaasiga ah dhinaca hore soo maro isaga oo ka kooban labada aragtiyood ee Ikhwaanka iyo Salafigaba.