Araweelo News Network
siciidmaxamed-gees
“Qaraam baa i haya oo qaraxday laabtiiye
Maxaan kula qaxweeyee ninkaa qiiqayaan ahaye”
Ahlu Al-qaraam
Waxa aan ku dhashay, kuna soo koray Guri Cariish ah, kana dhisnaa halka uu hadda ku yaal cuntawale (hudheel) la yidhaahdo Xeebsoor ee Berbera, kaas oo aan wax ka cunay mar aan soo booqday magaaladaas sannadkii 2005-tii.
Aabbahay Maxamed Gees oo ahaa Naakhuude (Captain), ayaa ii xaqiijiyey waqtiga dhalashadayda magaalada Berbera inay ahayd 6-dii Bisha June sannadkii 1927-kii, kadib markii Awoowgay Gees Sheekhdoon iyo Walaalkii Xasan Sheekhdoon ay bilowgii Qarnigii labatanaad iyo dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad u soo guuray magaalo-xeebeedaas Berbera.
Markii Khooriga Suways (Suwez Canal) la qoday ee la isu furay Badda Cad iyo Badda Cas (1869), ayaa magaalooyinka Xeebaha Galbeed ee Somaliland camirmeen oo dhaqdhaqaaq gaancsi dhinaca Yemen iyo Suudan ka kobcay.
Dad badan ayaa ka soo guuray xeebaha Bari oo soo degay xeebaha Galbeed, sida Berbera, Bulaxaar, Tojoro, Musawac, ilaa Sawaakin (Port Sudan), sidaas oo kale dhinaca Yemen iyo Sucuudiga kuwii xaga dhinaca Carabta degay waa Caraboobeen, kuwii dhinaca Canfarta degay waa Canfaroobeen, kuwii Xeebaha Somaliland degay weli waa Soomaali oo tafiirtoodii ayaa goballada galbeed ka sii jirta.
Waxaan ku koray Berbera oo waqtigaas ahayd caasimadda Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland; oo aan wax ku bartay madarasado ku yaal Berbera, waxaanna macallin ii ahaa Aw Cismaan Ismaaciil Samatar. Markaan ku jiray Madarasadda Sarkaaliga ee maamulka Ingiriisku sameeyey, waxa la ii qaatay in aan ka mid noqdo arday waxbarasho loogu dirayey dalka Suudan, haseyeeshee Aabbahay oo Xertii Sheekh Cabdillaahi Majeerteen ka mid ahaa ayaa sheekhii ku qanciyey inuu iga reebo waxbarashadaas, isaga oo uga dhigay in ardayda la Gaalaynayo.
Waxaan shaqo ka bilaabay Kalkaaliye Caafimaad ah Cusbilaalka Berbera sannadkii 1946, shaqaddaas oo aan ku dhex jiray ilaa sannadkii 1982, markaas oo aan ka ruqsaystay. Tababaro ayaan ku qaatay dalka guduhiisa, dalka Kenya, dalka Boqortooyada Midowday (United Kingdom), iyo dalka Filibiin (Philippines) waxan xilal kala duwan ka qabtay Wasaaraddii Caafimaadka.
Mashruucii Dabar-goynta Furuqa ee dunida laga tirtiray aafadii furuqa (smallpox), Mashruucii Hakinta Cudurka Duumada oo aannu kalluun u helnay lagu rido berkadaha iyo biyo-mareenada, kalluunkaas oo cuna culaasha kaneecada (Larva). Hadda dardar khatar ah ayey Kaneecaddu dunida ku haysaa oo cudurrada Zika iyo xummadda Denga (Fever) ee ay tebiso, ayaa dunida ku fidaya. Waxan ka mid ahaa asaasayaashii Bisha Cas ee Soomaaliyeed dhinaca Somaliland iyo dhinaca Soomaaliyaba.
Hadda (waqtigan) waxan deegaan muwaadin Maraykan ah ku ahay magaalada Rochester ee Gobalka New York ee dalka Maraykanka, isla markaana aan xubin ka ahay Xisbiga Dimuqraadiga (Democratic Party), iyadoo aan taageersan nahay Hillary Clinton inay ku guulaysato doorashada Madaxtooyada ee dhacaysa 3-da bisha November 2016.
Berberadii aan ku koray dad kala duwan ayaa degganaa, Soomaali, Carab, Hindi, Yuhuud iyo Khawaajayaal. Erayga qaraami, waxa uu ka soo jeedaa ereyga Carabiga ah “Al-qaraam” oo la micne ah jacayl. Sanduuq-darab (Gramophone) ah ayaa heeso Carabiya oo saxuun (Disc) ku duuban laga dhigaysan jiray. Marba sinxi ayaa la saari jiray, waagii dambe cajalad ayaa soo baxday, mar dambe ayaa sinxigii lagu noqday hadda waa digital. Heesaha Carabiga ee Qaraamka ah ama Jacaylka ah ayaa caan ahaa. Soomaalidu ma aqoon sida qalabka muusiga loo tumo, sidaas darteed waxay soo saareen gabayo jacayl ah oo la dhegaysto.
Qaraam baa i haya oo qaraxday laabtiiye,
Maxaan kula qaxweeyaa ninkaa qiiqayaan ahay eh.
Gabayadii Cilmi Boodhari kuwaas ayey ka mid ahaayeen:
Sidii aad go’aygii tahay iyo macawistaan goostay,
Gar-darniyaa maxaan ina Cabdaay kaga go’i waayey?
Gabayadaas jacaylka ku saabsan ayaa la odhan jiray Qaraami ee ma ay ahayn heeso sida hadda loo dhigo. Waxa soo baxay nin la odhan jiray Xaaji Baalbaal oo dhaanto keenay magaalada Xertii uu wadan Xaaji Balbaalyo iyo Balwo, waxa i be’leeyey Baalbaal.
Mar dambe ayaa nin Ina Nuuradiin la odhan jiray oo Hindi ah oo hooyadii Reer Sool ahayd, ayaa isku daray heesihii Carabiga ahaa iyo Meerisyo Soomaali ah. Sida hees la odhan jiray
Billaahi yaa riixa samaa,
Sidee baa warkii saaka loo helay eh.
Deeto, waxa ku xigay Niman Carab ah oo la odhan jiray Maxamed Siciid (Gu’roon-jire) iyo Ina Beenaale oo kamanka ku garaaca heeso Soomaali ah oo laxan Carabi ah leh qaadi jiray oo uu ku soo biiray Cabdillaahi Qarshi, kadibna Xudeedi, halkaas ayey ka tisqaadeen heesaha Soomaalidu.
Anniga oo ka shaqeeya Cusbitaalka Hargeysa sannadkii 1948, ayaa Shaqaale Reer Cusbitaal ah oo beddel ah, ayaa shaqaalihii dooneen inay u sii dhigaan kulan sagootin ah (Party). Markaas waxa Hargeysa joogay cid Kamanka tunta Maxamed Siciid (Gu’roon-jire), kadibna qoladayadii qabanqaabadu waxaannu tagnay Gurigiisii, dabadeed waxa naloo sheegay in qolodii Boosaha oo iyana kulan sagootin ah leh ay kaxaysatay. Haddaba, markii naloo sheegay inuu ballanta la leeyahay qolada Boosaha, annaguna si aannu u helno waxaannu gurigii ka qaadanay kamankiisii. Halkii ayaa buuq ka dhacay qolo kamankii haysata iyo qolo Gu’roon-jire haysata. Qolo waliba leedahay; ‘Annaga ayaa loo tumayaa.’
Taliyihii Saldhigga Booliska oo ahaa Maxamed Halac ayaa arrintii soo galay oo ku dhammeeyey in qoloba dhawr saacadood loo tumo. Annigii kamanka haysanay ayaa lagu hormariyey hawshii. Rag badan oo reer dhakhtar ahaa ayaa ka qaybgalay kobcinta heesaha, sida Xasan Aadan Halac oo soo saaray codka heesta Jalaaliyo oo caan noqotay iyo Maxamuud Axmed Guure (Afweyne) isaga oo gaadh habeen haya cusbitaalka mirqaamay keligii oo isu heesay, kadibna is-arkay quraaradihii oo uu keligii dhex fadhiyo, deeto tiriyey beydka caanka noqday ee ahaa:
Quraaradayahow dawadda quba’oo
Qalfoofyahow qaada dhaantada
La soco…