Islaamiyiinta Geeska Afrika ma Waxay Noqdeen Warqad Taariikhdeedu Dhacday?
Maqaal xiiso badan oo uu luqadda Af-Carabiga ku qoray Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo dalka Canada jooga … Waxa turjumay Cabdillaahi Beershiya

sheekhabdirahmanbashiir
Geeska Afrika wuxuu ku yaal goob muhiim ah marka laga eego dhinaca dhaqanka (Culture), wuxuuna isku xidhaa qaaradda Afrika iyo Jasiiradda Carabta, sidaa awgeed ayey socdaalladii dadka Carabtu gaadheen waqti aad u horreyeeyey.
Sidoo kale, hijradii asxaabtu ku yimmaaddeen dhulka Xabashida waxa bud-dhig u ahaa xidhiidhkan wanaagsan ee ku salaysnaa is-dhaafsiga dhaqanka iyo ganacsiga ee ka dhexeeyey labadan shacab ee ku kala dhaqan goobahan.
Waqtiyo hore ayey culimadu ka warrameen in qur’aanka laga heli karo ereyo Af-xabashi oo tusaale u ah xeel-dheeraanta xidhiidhka labada dhinac, wax lala yaabana maaha in badh ka mid ah culimada mandqadda Geeska Afrika noqdan kuwa ku suntan tilmaamo gaar ah oo abtirisiintooda xoojinaysa, waayo maaha goob lagu sheegi karo dhul Carbeed oo badhax-tiran amma dhul Afrikan ah ee waa goob isku dhex jir ah.
Geeska Afrika wuxuu muhiim u yahay dhinaca siyaasadda iyo istiraaiijiyadda, waayo wuxuu isku xidhaa Afrika oo dhinac ah iyo qaaradda Aasiya. Sidoo kale, wuxuu isku xidhaa laba qaaradood ee aan soo tilmaannay iyo qaaradda Yurub, waxa ahmiyaddiisa sii kordhiyey markii la furay marin-biyoodka Suways oo ka dhigay goob lagu loollamo.
Geeska Afrika wuxuu soo dhoweeyey bar-bilawgii hore fariintii Nebi Ciise CS, sidaa darteed ayey diinta Kiritsanku aanay ugu ahayn wax cusub markii gumaytuhu isku deyeyey inuu baro dadka siduu ku sameeyey waddamada kale ee Afrika ku yaal.
Goobtan waxa cago dhigtay dufcadihii ugu horreeyey ee Ducaada (Diin-faafiyayaasha) ahaa ee waday diinta Nebi Muxamed (NNKHA) oo keenay ereyga islaam ka hor intii aannu gaadhin magaalada Madiina siday inoo caddeeyeen kutubta taariikhdu.
Islaamiyiinta Geeka Afrika iyo Laba-geesoodka Taariikhda iyo Dhulka:
Adduunka islaamka waxa ka ho yimmi dhibaatooyin culus oo isku eg qarnigii la soo dhaafay. Culaysyadii ugu dambeeyey waxa ka mid ahaa gumaysigii reer Yurub oo aan ahayn mid millatari oo keliya ee xataa ahaa gumaysi dhinaca fikirka ah oo ba’an.
Wuxuu isku deyey inuu ka faa’iidaysto mandhaanta fikir ee haystay dunida Muslimka, isaga oo ku buuxinaya waxyaabo kale oo qabyaalad ka mid tahay, haseyeeshee caalamka islaamku muu noqon mid aayar iska liqa gumaysiga oo aqbala, balse waxa xusid mudan inay muslimiintu door wax ku ool leh ka ciyaareen ka hortaga gumaysiga.
Intaa kadib wax soo shaac baxay laba aragtiyood oo isku lid ah oo kala ahaa amma ay kala sitaan koox madaxa uu ugu duubnaa aragtiga reer galbeedka ee diin ka cararka ah (Cilmaaniga) iyo koox wadatay aragtida islaamka, loollankaas oo daaha ka fayday kooxaha islaamka ah.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa ka ahaa ururkii ugu horreeyey ee gaadha goobtaas, sida uu Sheekh Xasan Albanna ku sheegay xasuus-qorkiisa dalka Djabouti ayaa ahaa goobtii ugu horreysay ee ka baxsan dalka Masar ee Ikhwaankul Muslimiin tagaan, laakiin taariikhdu waxay hoosta ka xarriiqday in bar-bilowgaas aannu sii werin sababo siyaasadeed iyo kuwa dhul dartood, waayo raggii diinta bartay ee ka yimmi Jaamacadda Azhar ayaa dib ugu noqday dalka Masar dabayaaqdii kontomaadkii…..La soco qaybo kale oo ka mid ah maqaalkan…..