Araweelo News Network

ethiopiarabshadahaAddis Ababa (ANN)- Rabshado ka dhacayey maalmihii u dambeeyey meelo ka mid ah dalka Itoobiya, ayaa sababay dhimashada dad tiro badan oo ay ku jirto gabadh Maraykan ah iyo khasaare culus oo la gaadhsiiyey warshado ay dad ajnabi ahi leeyihiin.

muuqaalka dibadbaxayaasha Ethiopia

muuqaalka dibadbaxayaasha Ethiopia


Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, rabashado dhexmaray dadka mudaharaadayey oo ka tirsan qoomiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya ee Oromada iyo ciidammada booliska toddobaadkan meel u dhaw caasimadda Addis Ababa, ayaa waxa dhintay ugu yaraan 55 qof, kadib markii ay isjiidheen kumanaan dadkii bannaanbaxayey ah oo boolisku ku fureen rasaas iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa, iyadoo sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadamaha u doodaa iyo mucaaradku dhacdadani ka dhigtay in ka badan 450 qof in lagu dilay Itoobiya ilaa sannadkii 2015.
Sidoo kale, wakaaladda wararka ee AP oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa sheegay in gabadh u dhalatay dalka Maraynka oo ahayd cilmi-baadhe, lana odhan jiray Sharon Gray, lagu dilay duleedka magaalada Addis Ababa, kadib markii iyada gaadhigeediiba lagu weeraray dhagxaan, waxayna gabadhan Maraykanka ah u geeriyootay dhaawacyo ka gaadhay madaxa, iyadoo safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ay tacsi u dirtay ehelka iyo qoyska ay gabadhaasi ka geeriyootay.
kacdoonadaethiopia

gabadhamaraykanka
Waxa kaloo la gubay daraasiin warshado ay leeyihiin dad ajnabi ah oo ku yaalay meelo ka mid ah dalka Itoobiya, kuwaas oo ka mid ah meelaha dhaqaalaha badani ka soo galo dawladda, balse si gaar ah loo bartil-maameedsaday, iyadoo dawladda Itoobiya ay falalkaas ku eedeesay dad ay sheegtay inay cadaw ku yihiin horumarka Itoobiya.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa warbaahinta la yidhaa FANA ee laga leeyahay Itoobiya, waxa la weeraray 11 kambani oo u badan warshadaha Cudbiga iyo beeraha laga beero Ubaxa, isla markaana intooda badan laga leeyahay dalal ku yaal Yurub sida Holland iyo Turkiga, kuwaas oo qaarkood ku baaba’ay dab la qabadsiiyey, kuwo kalena qaybo ka mid ah khasaare la soo gaadhsiiyey, sidoo kalena waxa la xusay in gaadiid tiradiisu ku dhawdahay 100 baabuur la burburiyey.

Warku waxa uu intaa ku daray in warshadahan la gubay oo dhaqaale badan ay ka heli jirtay Itoobiya ay hore u abuureen 40,000 (afartan kun) oo shaqooyin ah, sidoo kalena ay kor u qaadeen dhaqaalaha waddanka oo hadda ku suntan mid ka mid ah dalalka horumarka wanaagsan samaynaya qaaradda Afrika.
Sababaha xudunta u ah kacdoonta ay sameeyeen qoomiyadda Oromada ah
Wakaaladaha wararka caalamka, sida Reuters oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa tilmaamay in qoomiyadda Oromada oo ay ka mid yihiin dadka mudaharaadada dhigaya ay ka cabanayana caddaalad-darro ay ku hayso dawladda Itoobiya iyo waxtar la’aan warshadaha cusub ee dalka soo degaya oo u badan deegaannadooda, waxaanay ku eedeeyeen dawladda inay qabsanayso dhulkoodii oo ay mag-dhaw yar oo faro-guudkood ah siiso dadkooda, kadibna lacag badan kaga iibiso kambaniyada maalgashadayaasha ajnabigu leeyihiin.
“Waxaan codsi shaqo ula tagay warshad birta soo saarta (Steel Factory) oo laga dhisay dhul qoyskaygu leeyahay, laakiin waxaan faro-madhnaan la soo noqday kadib markii ay i ogaadeen in aan ahay wiilka qoyskii dhulka lahaa.” Sidaa waxa yidhi nin Oromo ah oo magaciisa ku soo koobay Mulugeta, waxaannu intaa raaciyey, “Inta badan warshaduhu waxay muhiimada shaqaalaysiinta siiyaan dad ka soo jeeda gobollada kale ee dalka, iyagoo ka baqanaya in haddii ay siiyaan shaqooyinka dadka deegaanka inay maalin uu shaqo joojin ku samayn doonaan.”
Maalgashadayaasha shisheeyaha oo dareemay xannuunka kaga yimi mudaharaadayaasha
Maalgashadayaasha shisheeya ee ku sugan dalka Itoobiya, ayaa dareemay xannuunka kaga yimi dadka mudaharaadada dhigaya, iyagoo aanay u arkayn inay yihiin ajnabi keliya laakiin u aanaynaya inay yihiin kuwa ugu waawayn ee iibsanaya dhulkooda.
Sidoo kale, waaxda dalxiiska Itoobiya ayaa hoos u dhac la kulantay, iyadoo weerar iyo dhac loo gaystay goobta dalxiiska loo tago ee la yidhaa Bishangari Lodge oo ku taal harada lagu magacaabo Langano oo 200 KM dhinaca Koonfureed ka xigta caasimadda Addis Ababa.
Mulkiilaha goobtan dalxiiska oo la yidhaa Omar Bagersh, ayaa sheegay in xataa weerarkan ka hor uu waayey boqolkiiba 90% dalxiiskii u iman jiray oo joojiyey safarkoodii labadii ilaa saddexdii bilood ee u dambeeyey, “Way adagtahay in aad ku qanciso dalxiise inuu u socdaalo dal ay ka jirto xaalad noocan oo kale ahi,” ayuu yidhi.
Maalgashadayaasha shisheeyaha ayaa waxa soo jiidanaya laydhka (tamarta) jaban ee Itoobiya ka dhalisay biyaha dhaamka ay dhisatay, shaqaale jaban, jidadka oo la horumariyey iyo cashuur-dhimis ay u samaysay dawladdu si ay u soo jiidato maalgashi dibadeed, balse, dadka mudaharaadka dhigaya ee qoomiyadaha Oromada, ayaa saamayn ku yeeshay warshadaha iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeyey degaannada ay ku nool yihiin dadka Oromada ah.