Araweelo News Network
Warbixin murugo badan oo uu qoray weriyaha caanka ah ee Robert Fisk. Waxa Turjumay Cabdillaahi Beershiya, Jamhuuriya Media GroupMarkii ay dadku maqleen waxa dhintay Madaxweynihii hore ee Israa’iil Mr. Shimon Peres ayey ku dhawaaqeen waxa geeriyooday nin nabad-doon ahaa, laakiin anigu waxaan ka fikiray arrin taa ka duwan oo waxaan xasuustay dhiig, dab, gawrac iyo xasuuq.
Indhahayga ayaan saaray carruur googo’day, qaylada qaxootiga, maydad gubanaya oo ku sugnaa goobta lagu magacaabo QANA, waxaan arkay 106 meyd oo intooda badan carruur tahay oo ay kidfeen amma jarjareen hoobiyayasha ciidammada Israa’iil ku garaacayeen sannadkii 1996-kii koonfurta dalka Lubnaan.
Waxaan la socday kolonyo baabuur ah oo Qarammada Midoobay gadhwadeen ka tahay oo ku socday tuulooyinka ku yaal koonfurta Lubnaan. Waxa dushayada sida daadka u marayey hoobiyayaasha ciidammada Israa’iil ku ganayaan dadka qaxootiga ah ee degenaa qaar ka mid ah xeryaha teedsanaa halkaas.
Mr. Shimon Peres oo xilka uga dambeeyey Isxaq Rabiin wuxuu go’aansaday inuu adeegsado cadaadis millatari oo dad shicib ah xasuuqay, haddana wuxuu ku guulaystay abaalmarinta nabadgelyada ee Nopel Peace Price loo yaqaan.
Ciidammada ururka Xisbullaah ayaa gantaalaha Katiyosha ku riday dhinaca Israa’iil, iyaga oo ka jawaabay bam ku qarxay wiil yar oo ay u maleeyeen inay aaseen ciidammada Israa’iil, laakiin waxay kaga jawaabeen inay weerar rasmi ah ku qaadaan tuuladii yarayd ee qaxootigu degenaa iyo xeryahii ku xeernaaba.
Waxa uu Peres kaga jawaabay; “Maannu ogayn in xerada ay degenaayeen dad badan, laakiin waxay nagu noqotay arrin qadhaadh.” Waa been cad oo uu iska yidhi, waayo marar badan ayey si rasmi ah u qabsadeen tuuladaas.
Dhiiggu wuxuu qulqulayey meelaha Qarammada Midoobay degen yihiin, waxa lugahayaga maray oo aanu ku tumanay dhiigii dadka. Anigu waxa aan ururiyey oo sanka iga galay urta dhiigii dadka la laayey.
Waxaan hor fadhiistay inan yar oo fadhida teendho horteed waxay haysatay meydka oday ciro leh, waxay dhaqdhaqaajinysay gacmihiisa iyada oo leh AABBO ….AABBO… indheheedana ilmo ka da’ayso.
Haddii ay ka badbaaday weerarradii dambe ee lagu qaday goobtaas ma laga yaabaa inay waligeed ku sheegto Shimon Peres nin nabad-doon ah. Qarammada Midoobay waxay ku tilmaantay in aanu ahayn mid u kas ah, laakiin, markii la weydiiyey saraakiisha sare ee ciidanka Israa’iil qaarkood waxay ku tilmaameen in aanay wax dhib ah ku jirin dhimashada koox Carab ah.
Warbixintan murugada leh waxa qoray aqoonyahan Ingiriis ah oo muddo afartan sanno ah ku noolaa wadammmada Carabta, kuna shaqaynayey xirfadda weriyenimo oo magaciisa la yidhaa Robert Fisk.
Mr. Robert Fisk wuxuu ku guuleystay abaalmarinno kala duwan, isaga oo ka soo warrami jirey dagaalladii Lubnaan, weerarrada Israa’iil, dagaalkii Iran iyo Ciraaq, duullimaadkii Ruushku ku qaaday Afgaanistan, dagaalladii sokeeye ee Aljeeriya, duullaankii Sadaam Xuseen ku qaaday dalka Kuweyt, dagaalkii Kosofo, dagaalkii Maraykanku ku qabsday Ciraaq iyo kacdoonnadii Carabta.
Waxa uu wargeyska The Independent ku biiray sannadkii 1989-kii, isaga oo loo bixiyey wariyaha Cusmaaniyiinta, maadaama u meelo aad u ballaadhan ka soo warramay. Wuxuu qoray buugaag iibkoodu aad u sarreeyo oo uu ka mid yahay buug lagu magacaabo Pity the Nation and The Great War for Civilisation, wuxuuna shahaada PHD-da ku haystaa culuunta siyaasadda.
Mr. Fisk wuxuu oo aad uga damqaday in mid ka mid ah ah dhiig quutayaashii adduunka oo ay ku maqan yihiin kumanaan carruur iyo haween ah lagu tilmaamo inuu ahaa nin nabad-doon ah. Waxaannu cinwaan uga dhigay maqaalkiisan; ‘Shimon Peres was no peacemaker. I’ll never forget the sight of pouring blood and burning bodies at Qana’….. (Shimon Peres ma ahayn nabad-doon. Weligay illaawi maayo dhiiggii la shubay iyo meydadkii qubanayey ee Qana.)