W/Q-Khadar Ibrahim Aar.

khadaribrahinaar
Dagaallada iyo durufaha kala geddisan ee dalka waqti aad u badan ka soo dhacayay, waxa ay noqodeen kuwo ummadda gaadhsiiyay dhib aanay ka soo kaban karin, taasoo ilaa imminka wali ay ku kala maqan yihiin qoysas iyo dadyaw aad u fara badan.

Waa subax Jimce ah, waxa aan ku socdaa Masaajidka iigu dhaw xaafadda aan deganahay, waxa aan soo raacay baska, waxyar ka bacdi waxaa isna baskii soo fuulay nin dhallinyaro ah oo Soomaali markaasi ila muuqday, intii aannu meel kale fadhisan ayaa waxa uu yimmi kursigii agtayda ka bannaanaa.
Markii u horeeyay ee uu fadhiistay, waxa uu igu yidhi ma Soomali ayaad tahay? Kadibna waxa aan ugu jawaabay; “Haa.” Waxa uu ii xigsiyay, waxa aan u malaynayaa in wejigaaga aan meel ku arkay.
Anniga oo la kaftamaya ayaan waxa aan ku idhi; “wejigayga halkee ayaad ku aragtay oo aan kaga immid amma ku soo iloobay? Inta uu qoslay ayuu yidhi; “maya, taas adeer ugama jeedin macnaha, waxaad ilaa muqataa in aad tahay nin aan baraha warbaahinta ku arkay.”
Ninkii dhallinyarada ahaa si fiican ayaannu isu fahamnay, kadibna waxaannu wada tagnay masaajidkii, markii aannu salaadda ka soo wada baxnay, ayaa waxa uu iga codsaday in duruufo noloshiisa soo maray in uu iiga sheekeeyo, taasoo aan ka ogolaaday.
Waxa uu iiga sheekeeyay qiso yaab igu noqotay, aadna aan u jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo, anniga oo isagana ka idam dalbaday, maadaama uu yahay qofka ay sheekadani khusayso.
Waa qiso xannuun badan oo si dhab ah u soo martay, waana tan:-
“Waxa aannu deganayn anniga iyo qoyskii aan ka dhashayba sida la ii sheegay magaalada Muqdisho, waxaa magaalada ka dhacay dagaaladii Maxamed Siyaad Barre lagaga saarayay Muqdisho.
Waxa dhacay qax iyo kala carar aad u xun. Dhammaan reerkayagii midkastaaba markii uu u adkaysan waayay xabbadii iyo qoryahii xooga waynaa ee dhacayay, waxa uu u cararay meeshii uu is lahaa waad ku bad-baadaysaa.
Anniga waxa iyada oo dhabarka igu sida ila carartay hooyaday macaan, waa sida aan wararka ku helay wakhti dambe, nasiib xummo iyada oo hooyaday dhabarka igu sida, ayaa waxa ku dhacay xabbad, taasoo keentay in ay halkii ku geeriyooto anniga oo wakhtigaasi dhabarkeda saaran.
Maadaamaa ay dadku markaasi ku sugan yihiin xaalad kala guur ah, isla markana aannu qofna qofkale wax arxan ah u ahayn, balse qaar ka mid ah dadkii dagaalada ka cararayay ayaa iga dul qaaday maydkii hooyaday anniga ku fooldhaqday dhiiggii ka qulqulay jidhkeeda, waanna sida wararku igu soo gaadheen.
Dadkii i qaaday waxa ay iila qaxeen dhinacaa iyo magaalada Kismaayo, halkaas lafteeda waxaa nagu qabsaday dagaalo, balse haddana danbaa na dhigtay, waxa aan la noolaa dadkii markaasi maydka hooyaday iga dulqaatay.
Dhib-kastaaba ha i soo gaadhee waxa aan noqday nin toddoba sanno jira, waxna si fiican u kala garanaya, waxa aan dareemay in reerkan aan la joogo aannu ahayn kii aan ka tafiirmay, macnaha hooyaday iyo aabbahay.
Waxa aan maqlaa markasta oo dhegahayga ku soo dhacaya hadalo tilmaamaya in ay i heleen, balse aanan annigu ka mid ahayn qooyskan, taas ayaanna i galisay dareen iyo farxad la’aan, waayo marnaba maskaxdayda maan galin in qoyskan yihiin mid meelahaasi iga soo helay, laakiin muddo yar ka bacdi ayaa islaantii i soo qaadatay waxa ay iiga sheekaysay xaalkii an ku sugnaa waqtigii ay iga soo dul qaaday maydka hooyaday.
Haddaba, iyada oo dareenkii iyo cabsidii ay aad iigu beeran tahay ayaa waxaaba geeriyootay oo tii Alleh u timi islaantii i soo korsatay ee hooyadayda labaad ahayd, taasina waxa ay igu soo kordhisay culays labaad. Waxa aan waaway cid ii arxanta. Waxa aan waayay cid ii gargaarta, waxaa igu bilaabmay werwer iyo walbahaar, dadka markaasi guriga aanu ku wada nool nahayna waxa ay noqdeen kuwo ka warhaya xaalkayga iyo sida aan guriga ku immi, taas awadeed waxa ay i galiyeen geeska, waxaanay ii muujiyeen nacayb-shiiyo aad u badan.
Naftu orod ayey kugu aamintaa, waxa aan go’aansaday, maadaama aan in badan dhegaha ka maqlay in deegaankaygu ahaa Xamar in aan ku noqdo oo aan gaadhi u raaco. Maalin maalmaha ka mid ah waxa aan soo raacay qoys u guuraya dhinaca magaalada Muqdisho, waxanan ka codsaday in ay i caawiyaan, si aan Muqdisho ugu tago reerkayagii, kadibna way iga aqbaleen baaburkiina waa ay i soo saareen.
Markii aannu magaalada Muqdisho nimi, kana dhaadhacay baabuurkii, qofkastaana uu goobtii iyo gurigii uu ku socday uu tegay, saacaduna ay tahay abaara habeen badhkii ayaa waxa ay duruuftu igu kaliftay in aan habeenkaas gidaar seexdo.
Markii waagii baryay waxa aan tegay goob makhaayad ah oo laga cuntaynaayo, ma haysto wax lacag ah, mida kale waxa aan ahayn inanyar oo cid iyo ciiirsi toona aan lahayn, waxa i haysa gaajo aad u ba’an.
Markii aan galay makhayadii, qofkasta quraac ayaa hortaal, Ilaahay (SWT) amarkii isma ogi, haddana qofkasta oo cunto afka galiyaba waxa aad moodaa in uu afkayga ku wado, dadka qaar ka mida ayaa anoo arkaya cuntada ku saxanaya, malahayga waxaan is idhi waad cawriday, xaqna waan u lahaa.
Anniga oo joogahaa maqan ah, ayaa halmar waxaa madaxayga ka yeedhay dhirbaaxo aanan garanayn meel ay ka timi iyo sababta la igu dhuftay, wax kale kuma garatide sida orgiga ayaan jallaaday (qayliyay) xannuunkii ay lahayd, kadibna sidii qof miyir doorsoomay ayaan dhulka ku dhacay.
Cid ii naxariisatay ma jirto, waxa aan xasuustaa iyada oo dad badan oo makhayada ka cuntaynaya ay leeyhiin naga saara ciyaalkan, waa anniga iyo koox sidayda u baahan in la daryeelo, waxaa la isoo tuuray markiiba anniga oo dawakhsan dibadda.
Been idiin sheegi maayee gaajo aawadeed xataa waan ooyi kariwaayay, ma jirto afkayga wax candhuufa uu ku jiraa, dibnaha ayaa i qalalay, dhib kasta hayga gaadhee haddana kamaan hor dhaqaaqin makhaayadii, waayo waxa aan dugsanayaa urta iyo carafta ka soo baxaysa cuntada.
Markii aan arkay in aan goobta la iiga naxariisanayn ayaan waxa aan u aag beddeshay makhaayad kale, sidii ii caadada ahayd anniga oo aan is ogayn ayaan dhex istaagay goobtii laga cuntaynayay. Markii aan arkay in aanay jirin cid mar qudha dhankayga soo jaleecaysaa, ayaa anniga oo aan isogayn waxa aan cantoobsaday cunto uu markaasi nin oday ah faraha kula jiray, caqli xumo ismuu odhan waa carruur gaajo waddo, isla sidii hore waabu igu garaacay ushii uu sitay, markan wax badan oo xannuuna maan dareemin, maadaamaa aan hal mar afka wax gashaday.
Muqdisho caado uma lahayn jirin naxariis-darada intan le’eg, balse waxa magaalada markan ka jira xaalado dagaalo oo aad u badan, taas ayaanna keentay in aannu qofna yar iyo wayn toona aannu hoos u eegin. Waxa aan sidaas ku soo noolaa ayaamo aad u fara badan, waxyabaha aan aadka u xasuusto waxaa ka mid ah, waxa aan tagaa waddada baabuurta si aan u dawarsado (tuugsado) baabuurkasta marka aan garab istaago waxa dhacda inta badan in ay daaqadaha iga dallacdaan, calashaan in ay iga qashaafayaan, waayo ma xidhni dhar fiican cawradayda ayaa dibadda taal.
Waxa aan seexdaa agagaarta waddooyinka iyo darbiyada, inkastoo waddanka oo dhan xaalad dagaal ay ka jirto, haddana mararka qaar marka aan arko carruur aabahood amma hooyadood la socdo waa aan ilmeeyaa, waxanan iswadiiyaa halka ay waalidkay ku dambeeyeen.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa anniga oo goob makhaayad ah albaabkeeda taagan, kana sugaya in aan ka helo cunto ay cidii soo hanbaysay, ayaa waxa aan maqlay idaacad ka dhex hadlaysa makhaayada gudaheeda oo leh, waa in carruurta loo naxariistaa. Markii aan maqlay nin leh carruurta ha loo naxariisto,ayaan aad u farxay, waxa aan u tagay ninkii makhaayada maqalkeeda hayay, waxa aan ku idhi adeer ninkani halkee ayuu joogaa leh carruurta ha loo naxariisto, ma ii sheegi kartaa?
Kadibna isaga oo aan u fiirsan su’aasha aan waydiiyay waxa ay tahay, ayaa inta uu dib ii riixay, waxa uu igu dalbaday in ay dibadda ii saaraan shaqaalihii makhaayada, kadibna dibadda ayaa la ii soo tuuray. Dantii iyo duruuftii waxa ay igu khasabtay in aan suuqyada ka dawarsado, waxa aan jidhkayga ku sameeyay nabaro si ay dadku iigu naxariistaan, marka aan nabarada iyo dhawacyada isu gaysanayo waxa aan tagaa meel darbi ah oo aanay markaasi dadku iga arkayn.
Maadaama aan ahay carruur, balse aanan wali wax saaxiba duruuftu i barin, waxaa markasta dhaqaalaha yar ee aan dawarsiga ku helo iga qaado kooxo iga waawayn ee sidayda ku soo koray rafaad, taasi waxa ay keentay in maalinba aan meel cusub amma suuq cusub aan u tuugsi tago.
Duruuftii iyo darxumadii haddana waxa ay ii gaysay in aan noqdo tuug dadka wax xada, waxa kaloo iyana noloshaydii ku soo biiray balwada loo yaqaano xabbagta, waxa aan ka gudbay noloshii markaasi aan ku jiray, waxa aan noqday nin ka caan ah kolba aaga uu joogo, cid isii firdhisa mooyaane wali maan arkin cid i soo dhawaysa. Markan cimrigaygu waxa uu joogaa ugu yaraan 12 sanno, waxaa iga guurtay naxariistii, waxa aan noqday mid aan waxba dhaafin oo wax kasta oo uu arko qaata amma xadda, waxaanan noqday darbi-jiifkii xumaa.
Iyadoo noloshaydu halkaasi marayso, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa meel aan jiifo soo istaagtay gabadh markaas aanan garanayn, anniga oo labada indhood is-daba dhigaya ayey igu tidhi; ‘ma waxa aad tahay hebel? Waxa aan iska idhi “haaaaaa.”
Gabadhii inta ay barooratay ayey si degdeg ku jiro gacanta ii qabatay, kadibna waxa ay iila dhaqaaqday halkii markaasi gurigeedu ahaa, annigu waan yaabanahay, balse ujeedadaydu waxa ay tahay oo kaliya in aan helo cid aan la noolaado, inkastoo aan noqday nin nolosha si aad ah uga dhacay, haddana igama maqna dareenka iyo fikirka igu jira in aan mar uun nolol heli doono.”
Akhristayaal, anniga ayaa markaa waxa aan waydiiyay ninkii dhallinyarada ahaa; ‘gabadhan aad racday, maxaad u malaysay in ay kaa rabto amma ay kugu qaldaysaa? Waxa uu iigu jawaabay; “Maadaamaa magaalada dagaalo ka dhaceen, waxa aan dareemay in ay raadinayso ilma yar oo muddo hore ka lumay, balse aan annigu ula eekaaday, kadibna gabadhii markii ay gurigeedii i gaysay, waxa ay ii diyaarisay biyo aan ku maydho iyo cunto aan cuno.
Bal u fiirso oo gabadhaasi intaa ay wax ii diyaarinayso waa ay ooyaysaa, waxaanna hadaladeeda ka mid ah; ‘bal caynka uu noqday eega, ma sidan ayuu ku dambeeyay hebel, waxa markaaba maskaxdayda ku soo dhacay in gabadhan uu ka maqan yahay ilmo yar oo ka halaabay waxa ay kolba ku soo celcelinaysaa ilmaha ka maqan magaciisa, taasoo aan anniguna ka faa’iidaystay, kadibna aan magacii u sheegtay.
Saaxiibayaal, waxa ay gaadhay gabadhaasi in ay gacanteeda iigu maydho, waxkasta oo aan rabana ii samayso, iyadoo markaasi ii haysata ilmo ay dhashay, anniguna waxa aan isu diyaariyay laga bilaabo iminka in aan noqdo Ilmihii yaraa ee ay gabadhaasi raadinaysay.
Noloshaydii waa ay isbeddeshay, waan fiicnaaday, farxad iyo waxa aan ku noolaaday daryeel cusub, gabadhii iyada ahayd waxa ay noqotay hooyadaydii saddexaad ee aan la soo kulmo, waxa ay iiga sheekaysay sidii aan kaga lumay yaraantaydii!! Maadaamaa ay ii haysato ilmaheedii yaraa.
Waxa ay iiga sheekaysay sidii aabahay ku kala tageen iyo halka uu hadda ku maqanyahay “waa marka ay ii haysato wiilkii yaraa ee ay dhashay.” waxa ay igu tidhi waxa uu aabbahaa ku noolyahay waddanka Yemen, waxa ay gabadhii noqotay mid anniga uun iga fikirta habeen iyo maalin.
Anniguna maadamaa aanan horeba u aqoon cidda aan ahay iyo qabiilka aan ka soo jeedo, wakhtigii dagaaladana ay hooyaday ku dhimatay, reerkayaga intii kalana aanan garaynayn meel ay ku nool yihiin, waxaa dantu igu khasabtay in aan gabadhan u muujiyo in ay hooyaday tahay oo aan wiilkeedii ahay. Markasta oo qabiilka iyo cidda aan ahay la i waydiiyo waxa aan sheegtaa qabiilka hadda ay iigu abtirisay hooyadayda cusubi, waxa aan ku abtirsadaa ina hebel-hebel oo ah ninkan Yemen ku maqan ee ay hooyadayda saddexaad ii sheegtay.
Akhristayaasha sharaf ta lahoow, waxa aan gaadhay xilli aan noqdo nin weyn, da’daydu markan kama yara 19 sanno, Ilaahayna mahadi ha ka gaadhee balwad iyo darxumo waa aanu kala raysanay, aan faanee ilayn nin qurux u shashay ayaan ahaa, waxaana soo ifbaxday bilicdaydii shacnigii iyo wanaagii aan lahaa.
Ma jirto waxbarasho la taaban karo, maadaamaa waddanka ay dagaalo ay wali ka socdaan, haddana waxa aan ku dedaalay in goobaha gaarka loo leeyahay aan buug iyo qallin u qaato oo aan annigu iskay wax isu baro.
Waatan markii ay iigu naxdinta badnayd:-
Saaxiibayaal, maalin maalmaha ka mid ah ayaa hooyadaydii saddexaad waxaa looga yeedhay goob telefoon, waxaanna lagu yidhi anniga oo maqlaya waxa ku doonaya hebel-hebel oo markaasi ah ninka aan aabaha macmalka ah ugu qornaa ee joogay Yemen.
Hooyadaydii saddexaad inta ay i soo eegtay, waxa ay tidhi, ina mari waxa aynu tegaynaa goobtaasi telefoonka, waxa ka soo hadlaya aabbahaa, waannu israacnay, inta aanu dhexda ku sii jiro ayaa waxa ay iskula hadlaysaa, iyada oo anniga igu soo hal-qabsanaysa “ma markii aan helay inankaygii yaraa ee aan koriyay, kuna tabcay ayuu hadda ila soo hadlayaa, kaasi doqonsanaa, iwm.
Waxa aannu soo fadhiisanay goobtii, waxa soo garaacay telefoonkii uu soo diray Aabbihii joogay Yemen, waxa uu hadal ku bilaabay isaga oo hooyadayda saddexaad la hadlaya, ma sidaas ayaad hooyo ku tahay, maxaad innankaagan yar mar qudha ula soo hadli wayday?
Hooyadaydii saddexaad waa ay naxday, kadibna waxa ay tidhi, inankee?
Aabbihii waxa uu ku celiyay isaga oo xanaaqsan, ma laha inanba maad dhalin!
Inankaagii yaraa ee hebel goorma ayaa kuugu dambaysay?
Magaca la sheegayaa waa kaygan iminka aan ku qoranahay, dadkuna ii yaqaano.
Hooyadii waxa ay ku celisay, waa maxay inanka aad sheegaysaa? kumaan fahmin.
Aabbihii oo yaaban ayaa mar saddexaad ku yidhi; ‘malaha waa lagu guursadoo waxa aad isku qaldaysaa inankii yaraa ee aad anniga ii dhashay iyo midka-kale oo aad nin kale u dhashay, annigu waxaa aan ka hadlayaa waa hebel, waana kan ila jooga ee la hadal!!
Kadibna sidii aan wax kale uga sugaynay waxaaba telefoonkii qabsaday wiilkii yaraa ee aan booskiisa ku jiray, kuye, “Maamaa keef xaal, sidee tahay maxaad markaliya iila soo hadli wayday, anniga aabo ayaan kaa jecelahay waad i nacday.
Hooyadii weli waa ay naxsan tahay, qalbigeedu ma joogo, waa ay isku darsan tahay, mar anniga ayey i eegtaa, marna waxa ay dhegaysataa telefoonka, sidoo kale dadkii oo dhan ayaa yaaban!
Balse akhriste, markii Aabbihii iyo Hoooyadii ay si fiican isku waraysteen, waxa soo baxday in ilmahan yar ee ay moodaysay in uu ka lumay in uu Aabbihii la baxsaday, iyadana aannu u sheegin. Waxa taas nagaga sii darnaa dadkii goobta telefoonka joogay, oo anniga si fiican ii yaqaanay, iguna tirinayay reerkan hadda xaalkiisu fashilmay in ay yaab iyo ammakaag ka qaadeen arrinta, waxa iyana goobta joogtay oo fajac kala tagtay gabadh aannu sheeko wadaag lahayn, iina haysatay in aan ka tirsanahay qoyskan hadda is helay.
Waxa aannu ku soo noqonay gurigii, durba mooralkii iyo farxadii hooyonimo ee la ii hayay waa ay yaraatay, kalgacalkii iyo yididiiladii i haysayna waa ay is dhintay; gurigii aan ku noolaa waxa uu noqday mid loo soo sheeko doonto, oo dumarku is waydiyaan sida ay wax u dhaceen.
Xaafadii aan deganaa ayaa la’igaga sheekaystay, culays ayaa igu soo biiray, maalintii dambe hoooyadii waxa ay iigu jawaabtay, wax badan ayaan ku soo koriyay oo aan ku moodayay ilmahaygii, balse maanta ilmahaygii waan helay, adigana intii aan wax ku soo taray Ilaahay ajar iyo xasanaad ha iga siiyo, adigana waxaan kugula talin lahaa, lacagtan qaado oo waddanka ka tahriib, kana tag annigana ha i iloobin.
Sidaas ayaan waddankii kaga soo tahriibay, kuna soo gaadhay wadammada Yurubta, waxaanan idiin sheegayaa in hooyadaydii saddexaad ee i soo korsatay iyo inankii isaga ahaa ee aannu isku qaldanay iyo Aabbihii dhalayba aanu ilaa hadda wada xidhiidhno, iskana warqabno.
Wabillaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com
facbook.khadaraar@hotmail.com
khadaraar7@gmail.com
W/Q-Khadar Ibrahim Aar.