Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay in diiwaangelinta codbixiyayaasha laga fulinayo lixda tuulo ee ku yaal deegaanka Xeebta Waqooyi ee maamulkooda ay ku muransan yihiin gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan maamulka gobollada iyo degmooyinka Md. Jaamac Cabdillaahi (Biin), ayaa labaduna sheegay in diiwaangelinta dadka ku dhaqan goobahan ka xayirnaa doorashooyinkii hore ay tahay go’aan dawladeed oo ay hore ula qaateen madaxda axsaabta qaranku, isla markaana aanay arrintani wax xidhiidh ah la lahayn kala-xadayn iyo gobol lagu darayo toona, sidaasi darteedna aanay ahayn wax xaasaasiyad iyo shaki la galiyo.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey qallinjabinta ardayda Jaamacadda Tima-cadde ee Gabiley oo magaaladaas lagu qabtay shalay, ayaa sheegay in diiwaangelinta lixda goobood ee xeebtu aanay wanaag mooyee wax dhibaato ah soo wadin, waxaannu ugu baaqay dadka ka soo horjeeda inay soo dhaweeyaan arrintan, “Horta go’aan dawladeed ayuu ahaa in lixdaa goobood laga qaado diiwaangelin, taas oo noqota mid doorashada Madaxtooyada uun loogu tartamo oo codkeeda lagu bixiyo uun, maadaama aan weli la kala-xadayn meesha ay raacayaan, sidaasi darteed, wax laga dido oo deelqaaf loo arko arrinkaasi maaha, si nabadgalyo ah in dadka halkaas ku sugan ee aan qaadan diiwaangelintii hore inay iminka iska diiwaangeliyaana waa muhiim, dadka ka soo horjeeda ee arrintaa diidana waxaannu leenahay wax dhibaato ah ma laha ee ha la soo dhaweeyo ciddii iska diiwaangelinaysa, dadkii buuraha ama meelahaa ku maqnaa ha yimaadaan oo ha iska diiwaangeliyaan, ninkii ku laba noqdaa isagay ka xumaanaysaa,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Dheere, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Xadkuna waa sidaa uu sheegay guddoomiyuhu (Guddoomiyaha KULMIYE) 1960-kii halkii u dhaxaysay Boorama iyo Hargeysa ayuun bay ku kala noqonayaan, taasina waa mid dhawaan dawladdu caddayn doonto.”
Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha u qaabilsan maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Somaliland Md. Jaamac Cabdillaahi (Biin) oo isna la hadlay warbaahinta shalay, ayaa meesha ka saaray diiwaangelinta deegaannadan lagu muransan yahay la xidhiidho kala-xadayn, waxaannu yidhi, “Wax la kala xadeeyey ma jiraan ee kala-xadayntii waa la dambaysiiyey, kala-xadaynta dalka oo dhan baa isku xidhan, markaa waxa loo baahan yahay in si rasmi ah komishan gaar ah loo saaro, taana tabaabushaheedii baa lagu jiraa.”
Waxa kaloo uu ka hadlay xaalada ammaanka lixda deegaan ee la isku khilaafsan yahay, “Dawladdu indho Qudhaanjo ayey leedahay, annagu intaa waanu iska hubinaynaa, wax dhibaato ahi ma yaalaan, ciidan la ururiyeyna ma jiro, waanay ka dhacaysaa diiwaangelintu, waayo annaga ayaa cannaanteeda iyo dhaliisheedaba yeelanayna.”
Geesta kale, Wasiir Biin waxa uu dhaliilo culus u jeediyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo dhawaan guddoomiyihiisu sheegay in aanay waxba kala socon go’aanka diiwaangelinta lagaga hirgelinayo lixdaas deegaan oo ay tahay arrin u gooni ah xukuumadda.
“Bishii February ee sannadkan shir uu hoggaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenku oo ay isugu yimaadeen madaxda axsaabtu waxa lagu go’aansaday in diiwaangelintu ka dhacdo lixda tuulo, iminkana wixii saddexda xisbi ku ballameen ayaa la fulinayaa, haddii uu Cirro ka baxay maanta oo uu taa been ka sheego shirkeedii, halkay ahayd iyo ciddii gashayba way hadlaysaa, waxaan leeyahay Guddoomiye dadkaaga runta u sheeg oo maalin walba ha keenin wax ka nixiya ama dhibaato u keena Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Jaamac Cabdillaahi Biin, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray, “Xisbiga WADDANI had iyo jeer waxay hal-hays u leeyihiin in wax kastoo la wada galo oo lagu ixtiraamo shaqada ee ay go’aan ka gaadhaanba in marka la fuliyo ay ka daba hadlaan, taasina ay wax u dhimayso daacadnimada xisbinimadoodu inay saxeex tahay iyo in kale, halkaana ay ummaddu ka garan karto in aanay daacad u ahayn Qaranka. Qaranka iyo axsaabtu kuma ciyaaraan amniga, siyaasadduna waxa weeye wax kordhi iyo waxaasaan kordhin ama qaban doonaa, laakiin maaha in xisbigu qofka muwaadinka uu khalkhalgaliyo oo marka dawladda amar soo saarto uu isaguna wax kale sheego.”