Turkiga: Maxaa Ka Dhab Ah Inqilaabka Dhicisoobay? Qallinkii Xassan Cumar Hoorri
Qaybta Lixaad
Qaran Keliya, Wadajirkeenaa Awood Leh
Maxaa Soo Kordhay?
Dhowr milyan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Fatax ee Istanbul si ay taageero ugu fidiyaan Madaxweyne Erdogan iyo xukuumadiisa. Bannaan-baxa waxaa lagu soo afmeeray dibadbaxyo soo xidhiidhsanaa tan iyo habeenkii la isku deyay inqilaabkii fashilmay, 15kii July. Madaxweyne Erdogan, habeenkaa, waxaa uu ka codsaday shacabka in ay isugu soo baxaan jidadka iyo faras-magaalooyinka si ay u difaacaan xukuumadda ay soo doorteen. Waxaa uu dadweynaha ku adkeeyay in aanay dib u laaban ilaa dalka laga safaynayo kuwii holliyay afgembiga.
Kullanka malaayiinta qof waxaa uu ka tarjumayaa midnimada dadka, waxaana soo camiray xukumaddii, madaxdii iyo taageerayaashii xisbiga talada haya iyo axsaabta mucaaridka. Muddo dheer, ma ay jirin qaddiyad sidan oo kale u midaysa ummadda. Dibedbaxa “Dimuqraadiyadda iyo Xuska Mujaahidiinta” waxaa lagu tebinayay luqadaha Turki, Ingiriisi, Faransiis, Isbaanish, Jarmal, Ruush iyo Carabi iyadoo si toos ah looga baahiyay dalka iyo dibedda.
“Indhaha adduunku ayaa innagu soo maqan,” ayuu Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan ku daahfuray weedhiisa. “Maanta waxaa aad mudan tahiin inaad madaxa kor u taagtaan. Dhammaan waxaa aad u soo dirirteen xornimada, nabadda iyo dimuqraadiyada aan caawa ku naaloonayno. Waxaa aad tahiin halyeeyo naftooda u soo huray dalkooda iyo dawladooda.”
Erdogan, markii uu ka hadlay inqilaabkii, waxaa uu si kalsooni leh ugu tiraabay, “wada-jirkeenna ayaan awood ku leenahay. Midnimada ayaan ugu babac dhigi karnaa afgembi iyo shirqool kasta oo aragaxisado innoo soo maleegaan.” Waxaana uu ku ladhay, “haddii nacabku ay innaga guulaysan lahaayeen, dalkeennu ma uu sii jireen. Waxaa ay innoo gacan gelin lahaayeen cadowgenna.” Dhanka kale, madaxweynahu waxaa uu sheegay in uu hore ka saxiixi doono haddii barlamaanku oggolaado in dalka dib loogu soo celiyo Xeerka Ciqaabta Dilka kaas oo la laalay 2004 mar ay u ololaynayeen ku biirista isbahaysiga reer Yurub.
Ka sokow Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee muxaafidka ah waxaa dibed-baxa si buuxda uga soo qayb galay xisbiyada mucaaridka ee ugu waaweyn dalka sida Xisbiga Jamhuuriga ee Shacabka (CHP) iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka (MHP).
Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga (CHP) Kemal Kilicdaroglu ayaa sheegay inqilaabkii inuu u furay “albaab ay si wadajir ah uga wada-xaajoon karaan siyaasadda.” Waxaa uu ugu baaqay Xarrakada Gulen, “in siyaasadda laga dhowro misaajidada, maxkamadaha, xerooyinka ciidanka iyo goobaha waxbarasho.” Kilicdaroglu waxaa uu hoos ka xarriiqay in ay xisbiyadu aad isugu soo dhowaadeen, muxaafid iyo mucaarad. “Ka dib malintii inqilaabku dhicisoobay, 15kii July, waxaa noo dhashay Turki Cusub” ayuu sheegay guddoomiyaha mucaaridku.
Dhinaca kale, in kastoo ay canbaareeyeen afgembigii, madasha waxaa aan ka soo xaadirin Xisbiga Dimuqraadiga Dadweynaha (HDP) ee qoomiyadda Kurdiga. Waxaa ay sheegeen in aan lagu soo marti-qaadin shirka. Hase yeeshee, waxaa muuqata Madaxweyne Erdogan in uu nabar culus la maaggan yahay iyagoo si xun u kala xadhig furtay 2015. Xisbigaa waxaa lagu duraa in ay iskaashi la leeyahiin Jabhadda Shaqaalaha Kurdiga (PKK) ee u dagaalanta xoreynta qoomiyadda Kurdiga ee ku firidhsan Turkiga, Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan. PKK waxaa adduunka looga aqoonsan yahay in ay tahay argagaxiso.
Madashii Bannaan-baxa
Si weyn ayaa loo soo agaasimay bannaan-baxa marka laga eego qabanqaabada, ka soo qaybgalka iyo nabadda. Qof kastaa waxaa uu ku rarnaa calankii dalka. Intii laga xusuusan karo, waxaa uu ahaa isu soo baxii ugu tirada badnaa iyadoo lagu qiyaasay in ay ka soo xaadireen ilaa shan milyan. Tirada intaa leeg waxaa ay madaxweynaha awood dheeraad ah u siinaysaa inuu ku aarsado af iyo addinba. Hal-ku-dhegga madashu waxaa uu ahaa, “Hal Qaran, Hal Wadne, Wadajirka Ayaan Awood Ku Leenahay.”
Bannaan-baxa waxaa si mug leh u soo bilay xisbiyada mucaaridka, sidaa awgeed, waxaa uu xujo iyo dhabar-jab ku yahay dalalka reer galbeedka oo loo tiranayo in ay ku lug lahaayeen isku deygii shacabku ay cagta mariyeen. Si gaar ah, waxaa waranku ugu dhacayaa Maraykanka iyo wadaadka Fethullah Gulen ee ay hoosta ku haystaan kasoo lagu shaanbadeeyay in uu soo falkiyay afgembigii. Dibad-baxu waxaa uu ahaa mid si cad loogu quus goynayo dalalka Maraykan iyo Yurub oo iyagu kolba sidii ay u la muuqato u micneeya hannaanka dimuqraadiyadda.
Haddaba, dalku weli waxaa uu ku sii jiraa Xukun Degdeg ah. Waxaa sii socota in la raad-gurayo kuwii loo tirinayay inqilaabka. Ilaa hadda, waxaa la xidhay ama shaqada laga eryay dad ku dhow 70,000. Raadkii ku arooray ciidamada, booliska, waxbarashada, caafimaadka iyo garsoorka, markan waxaa uu si toos ah u galay garoomada ciyaarta. Waxaa la kala diray madaxdii iyo maamulkii Xidhiidhka Kubbada Cagta. Isla markaana, waxaa kaadh cas loo taagay ama shaqada laga eryay 105 siidhi-wale oo isugu jira heer gobol iyo heer qaran.
Wadaadka Gulen, Erdogan iyo Maraykanka
Eedda ugu culus waxaa loo soo jeediyay wadaadka Fethullah Gulen oo magan-gelyo ku jooga carrada Maraykan. Turkiga ayaa wadaadka ku soo ooggay in uu isagu soo shaxeeyay afgembigii baaqday. Isla markaana, maxkamadda ayaa amartay in la hor keeno cadaaladda. Xukuumaddu waxaa ay ka codsatay Maraykanka in loo soo gacan-geliyo iyadoo labada dal ay leeyahiin heshiis ay isugu celiyaan eedaysanayaasha.
Sannado ka hor, xukuumadda Erdogan waxaay ay Xarrakada Gulen ku astaysay liiska argagaxisada caalamka. Hase ahaatee, wadaadku si joogta ah waxaa uu isaga fogeeyaa eedda loo soo jeediyay. Waxaa uu beeniyay, haba yaraatee, inuu wax ka ogaa isku deygii lagu ridayay Erdogan. Saacadihii ugu horreeyay, ayuu wadaadku canbaareeyay afgembiga. Waxaana uu ku taliyay, “ciddii damac ka galo kursiga in ay u soo maraan doorasho iyo wadada saxa ah.
Codsiga in la soo dhiibo wadaadka Gulen ayaa u eeg mid si weyn u dhaawacaya xidhiidhka labada dal. Turkigu waxaa uu ka mid yahay xulufada NATO ee uu hoggaamiyo Maraykanku. Garoomada Turkiga ayaa ah barta ay ka soo kacaan dayuuradaha duullaanka ku ah argagaxisada dawladda Islaamka ee ISIS. Sidoo kale, Turkigu ayaa gacan bir ah ku haya qaxooti ka badan laba milyan oo magan gelyo ku jooga. Erdogan, haddii uu oodda ka qaado qaxootiga waxaa hubaal ah qaaradda Yurub in ay geli doonto walaahow iyo xasilooni darro ku kelifi doonta in ay ku tallaabsadaan hawlgalo ku xun dadnimada iyo ilbaxnimada.
Garyaqaanada ayaa baqdin ka muujiyay in wadaadka laga la baxo gacantooda ama in lagu khaarijiyo halkiisa. Sidaa oo ay tahay looyaradu waxaa ay kula taliyeen inuu ku negaado halka uu deggan yahay ee Pennsylvania ka dib markii ay soo ifbaxday inuu magan-gelyo weydiistay dhowr dal.
Garyaqaan, Reid Weingarten, ayaa sheegay: “Haddii Maraykanku odaygaa cadka ah uu ku tuuro dayuurad si loogu maxkamadeeyo Turkiga, waxaa ay noqon doontaa fejac iyo wax aan hore loo arag. Garyaqaanku ararta waxaa uu ku ladhay, “waxaa la wada og yahay Gulen inuu dil ugu xukuman yahay Erdogan iyo in aanu heli doonin garsoor cadaalad ah.”
Haddaba, maxaa laga filan karaa xidhiidhka Turkiga iyo Maraykan? Halkee, Erdogan u rarayaa geediga? Ka hor se, maxaa caddeyn ah oo loo hayaa wadaadka Fethullah Gulen? Jawaabaha iyo waxii faallo dheeraad ah ka akhri Qaybta 7aad .
Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraacTwitter @horrimania