Mudaharaadyada Dalka Ethiopia, Saamaynta Ay Yeelan Karaan Iyo Sababaha Lala Xidhiidhiyay: Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Adis-ababa(ANN)Mudaharaadyo rabshado wata oo maalmahan ka dhacayay deegaamo kala duwan oo dalka Ethiopia, ayaa yeeshay muuqaal ka duwan kuwii hore uga dhacay dalkaa sanadkii hore oo dhiig baddan ku daatay, waxaana mudaharaad ka dhacay Axaddii todobaadkan deegaanka gobolka Amxaarada Gondar ka qeybqaatay kumannaan qof oo ku sugan magaalada Gondar.
Dadka mudaharaadayay ee deegaanka Amxaarada ayaa muujiyay dareenkooda iyo sida ay dawladda uga soo horjeedaan, balse mudaharaadkan ayaa gebi ahaanba ka duwana mudaharaadyada dalkaasi ka dhaca ee dawladda lagaga soo horjeedo.
Abaabulka mudaharaadka, ayaa ka bilaabmay baraha bulshada balse ilaa hada ma jrto koox sheegatay masuuliyadda dibadbaxaas oo si weyn saamayn ugu yeeshay xasiloonida guud ee dalka, isla markaana cabsi ugu haya mandaqada, iyadoo dhinaca Somaliland durba laga dareemay saamaynta mudaharaadyadu ku yeesheen ganacsiga labada dal oo badeecada ugu baddan ee dhinaca dalka Ethiopia kasoo gasha oo ah Qaadka iyo Khudradu saamayn ku yeesheen Mudaharadyadu.
Bilawga Mudaharaadkan ayaa kusoo beegmay laba todobaad kaddib markii uu isla magaaladaas ka dhacay mudaharaad ay ku dhinteen 15 qof, kuwaas oo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidamada ammaanka.
Mudaaharaadku muxuu salka ku hayaa?
Mudaharaadyadan u dambeeyay waxay salka ku hayaan kaddib markii bulshada Welkait oo hadda hoostagta gobolka Tigray ay codsadeen in dhulkooda la hoosgeeyo maalmulka gobolka Amxaarada.
Guddi ay leeyihiin Welkait ayaa sheegay in bulshadu ay iyagu isu arkaan dad Amxaaro ah sidaa darteed aanay doonayn in Tigreegu maamulaan.
Dibadbaxyada ayaa bilawday shan maalmood ka hor laakiin gudida Welkait ayaa codsiga in la wareejiyo ah soo jeedinayay sanad ka hor, taas oo ka mid ah sababaha mudaharaadka lala xidhiidhinayo, balse waxa muuqata in aanay arrintu intaas oo keliya ku koobnayn, iyadoo Amxaaradu dalka soo maamuli jirtay qarniyo, isla markaana luuqadoodu ilaa iyo hadda ay tahay mid laga isticmaalo dalkaEthiopia intiisa badan.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada, waxay leeyihiin xukuumaddaEthiopia waxaa inteeda badan maamulka haysta xisbiga gobolka yar ee Tigreega ee TPLF, dadka qaarna waxayba u arkaan in mudaaharaadkani uu yahay hannaan lagu dhaliilayo dawladda dalka.
Laakiin Mudaharaadka markii Axaddii lagu abaabulayay baraha bulshada ma jirin wax kale oo la soo hadal qaaday, balse markii mudaharaadku bilawday boodhadhka qaar waxaa taageero loogu miijiyay dadka gobolka Oromada oo sidan oo kale kacdoono mudaharaad dhiig baddan ku daatay u waday bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay dib u bilaabeen, isla markaana Qowmiyada Amxaarada ay gacan-saar la sameeyeen.
Qowmiyada Oromiya ayaa Tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore 2015, waxay sameeyeen kacdoono ka bilaabmay dhinaca Jaamacadaha, iyadoo dawladdu wajahaysay mudaharaadyo badan oo dadka Oromada ah ay kaga cabanayeen in la takooro iyo in la duudsiyo xaqooda.
Hase yeeshee Mudaharaadyadaas ayaa ahaa kuwo bilawday qorshe dawladdu ku doonaysay in ay ku ballaadhiso magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyada oo lagu fidinayo dhulka Oromada, laakiin Qorshahaa ayaa noqday mid aan soconayn, iyadoo dawladdu hakisay markii dambe. Kaddib markii dhiig baddan ku daatay.
Ethiopia, waxa ku nool shucuub iyo Qowmiyado kala duwan oo kala dhaqan iyo xadaarad ah, waxaana lagu tilmaamaa ilaa sideetan qowmiyadood inay ku nool yihiin dalka Ethiopia, balse Qowmiyada Oromada ayaa ah qawmiyadda ugu tirada badan dalka Ethiopia marka la eego kuwa kale.
Dadkii dibadbaxa dhigay Axaddiina waxay ku baaqayeen in la sii daayo 18 qof oo Muslimiin ah oo la xidhay sanadkii hore iyaga oo loo cuskaday sharciga muranka dhaliyay ee argagixiso la dagaalanka.
Si dhab ah looma ogga xidhiidhka ka dhexeeya mudaharaadyada Amxaarada iyo Oromada, laakiin waxay u muuqataa in muddooyinkan danbe Qowmiyaha Ethiopia qaarkood ay ku dhiiranayaan in ay dareenkooda ku muujin karaan waxa diidan yihiin, waxayna dhaq-dhaaqyada mudaharaadyadu kusoo beegmayaan xili aanay deganayn, ama aanay xasilooni ka jirin sadex xagalka xuduudaha ay Ethiopia la wadaagto Koonfurta Suudaan, Eretria oo dagaal hore u dhexmaray, isla markaana colaadi ka dhaxayso labada dal iyo Somalia oo ciidamada Ethiopia ku jiraan oo aanay xasilooni ka jirin, waxayna dhamaan arrimahaa iyo kacdoono kasii socda dalka Ethiopia halis gelin karaan amaanka mandaqada, isla markaana waa kuwo u nuglayn kara amaanka inay kooxaha argagixisadu ka faa’idaysato.
. Dawladda hadda talada haysa oo xilka qabatay sanadkii 1991 kaddib markii ay talada kala wareegtay Mengistu Haile Mariam oo kaligii taliye ahaa, waxayna xiligaa soo rogtay dastuur faderaaliisim ah, kaas oo looga gol lahaa in awoodda maamulka la daadejiyo, waxaana gobollada lagu saleeyay qawmiyado iyo luuqad, balse qawmiyaduhu waxay u arkeen in arrintaasi abuurtay muranada ku saabsan meesha laga dhigayo xadka.
Dalalka reer galbeedka ayaa marar baddan usoo jeediyay Hoggaamiyihii hore ee Ethiopia inuu sameeyo nidaamka ganacsiga xorta ah, Dumuqraadiyada fur-furan iyo nidaamka axsaabta baddan, balse Miles Zanewi, wuxuu ku gacan saydhay arrimahaa isagoo ku dooday in aanay danta Ethiopia ku jirin, waxayna Dawlada Ethiopia dhegaha ka furaysatay dhawaaqyada la xidhiidhia arrimaha xuquuqda aadanaha ee kaga yimaada Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo aanay dheg jalaq u siin. Sidoo kale dawladda Ethiopia oo lagu dhaliilo in ay la dagaalanto mudaharaadyada iyo mucaaradka, isla markaana u adeegsato sharciga argagixiso la dagaalanka si ay u aamusiiso, ayaa dhegaha ka furaysata eedaymaha la xidhiidha arrimahaa .
Waa Sidee Tirada Qawmiyadaha Ethiopia.
Oromo – 34.4%
Amxaaro – 27%
Soomaali – 6.2%
Tigray – 6.1%
Sidama – 4%
Gurage – 2.5%
Inta kale -19.8%
Xigasho (CIA World Factbook) qiimayntaas waxaa la sameeyay sanadkii 2007-dii.
Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Jaamac132@gmail.com