Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Wefti isugu jira Qurbo-joog iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex oo booqasho ku tegay deegaanka Dacarta oo ka tirsan Degmada Faro-weyne, ayaa Xukuumadda iyo Hay’addaha Dalka ka shaqeeya ugu baaqay in wax laga qabto baahiyaha adeegyada aasaasiga ah ee deegaankaas ka jira, iyagoo dhankoodana sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan horumarinta Degmada iyo guud ahaan dalka oo dhan.
Weftigan oo uu hogaaminayey Guddoomiyihii hore ee Dallada Jaaliyadaha Somaliland, haatanna kamid ah madaxda Jaaliyadaha Somaliland ee ka dhisan dalka Sweden, kaasoo ay weheliyaan xubno kale oo ka socday jaaliyadaha waddamada Sweden, Norway, Holand iyo Djibouti, ayaa intii ay ku guddo jireen booqashadooda, waxay soo indho-indheeyeen goobaha adeegyada Bulshada ee deegaankan.
Goobaha ay kormeerka ku tageen waxa kamid ahaa; Ceel-biyood muddo shan sannadood qabyo ah oo ay deegaankaas ka qoday Hay’adda WFP, MCH-ka Magaalada oo sidii loo dhisay xidhan iyo Dugsiga waxbarashada ee deegaanka ku yaalla.
Guddoomiyaha Tuulada Dacarta Axmed Cabdi Yey oo halkaa ku soo dhaweeyey weftiga ayaa isagoo ka warbixinaya xaalada deegaankan, waxa uu sheegay in dhamaan adeegyada aasaasiga ah deegaankani ka arradanyahay, dawladduna aanay wax muuqda oo loo aayey u qaban tan iyo sidii dalka loogu soo noqday.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in laba mashruuc oo halkaas laga hir-geliyey qabyo yihiin “Dhaamkan weyn waxa la qoday shan sannadood ka hor, isagoo badhtanka maraya ayey Hay’addii waday joojisay, cid dambe oo wax ka qabatay ma jirto. Meel kale oo dadku biyo ka helaanna ma jirto, waxaan baco roobka laga dhaansado ahayn. Dhaamka Waxa loogu talo-galay inuu waraabiyo in ka badan sagaal kun oo qoys. Dhulkanina waa meelaha ay abaaruhu saameeyaan”ayuu yidhi isagoo weftiga uga war bixinayey dhaamka qabyada ah ee halka laga qoday.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray “MCH-ka xukuumaddu noo dhistay wali muu shaqeyn, maalintii la furay ayaa noogu dambeysay dawladda, Daawadii la dhigay sidiibay u taalaa, mana shaqeeyo, oo shaqaale looma qorin, markaa waxaanu doonaynaa in naloo furo oo shaqaalihii iyo qalabkii la keeno”.
“waxa kale oo aanu u baahanahay inaloo dhiso Rug Boolis, dugsiga waxbarashada naloo kordhiyo, beeraha nalaga caawiyo oo ay dawladda iyo Hay’addaha dalka ka shaqeeyaa noo soo gurmadaan. Waxa kale oo aan qurbo-jooga iyo Ganacsatada ka codsanaynaa inay iyaguna dhankooda wixii ay noo qaban karaan noo qabtaan” ayuu warbixintiisa raaciyey Guddoomiye Axmed Cabdi Yey.
Cali Sheikh Daahir (Daahir Dhakhtar) oo kamid ah Madaxda Jaaliyadaha Somaliland ee ka dhisan Qaarada Yurub, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Siilaanyo wax badan qabatay intii ay talada haysay, balse haddana dayaca ka muuqda deegaankani uu yahay mid falaadh ku ah wax-qabadka iyo horumarka dalka ka socda. “ dawladda Axmed Maxamed Siilaanyo oo intii ay xukunka haysay wax badan qabatay, marnaba ismaan lahayn waxa jira deegaamo Somaliland kamid ah oo la ilaaway oo laga ilaaway wixii ay xaqa u lahaayeen oo ay ugu horayso biyuhu. Waa nasiib daro in la illaaway”ayuu yidhi Daahir Dhakhtar. “ waxaan ku baaqaynaa in loo sameeyo dadkan meelihii ay biyaha ka cabi lahaayeen, Beeraha ka waraabsan lahaayeen, waayo maalin walba qaylo-dhaan ayaa soo yeedhaysa oo abaarbaa jirtaa la leeyahay, marka haddii aan dadka loo sameyn wixii ay wax ku qabsan lahaayeen dee waa dhibaato maalin walba joogta”ayuu raaciyey.
Mr. Cali Sh. Daahir, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Siyaasada dawladda waxa kamid ah in dhalinyarada la jiheeyo oo dhulkoodii lagu celiyo, markaa waxaan u soo jeedin lahaa xukuumadda inay Il gooni ah ku eegto dadkan meesha ku dhibaataysan ee Biyo la’aantu ku hayso, ee caafimaad darradu ku hayso ee horumar la’aantu ku hayso. Waxaan ugu baaqayaa in wefti deg deg ah dawladdu u soo dirto oo u kuur gala xaalada halkan ka jirta” ayuu yidhi.
Cabdixakiin Yuusuf Jaamac, oo isna kamid ah xubnaha Qurba-jooga ah, ayaa baaq u diray dhigiisa ka soo jeeda deegaankan ee ku dhaqan wadamada caalamka, isagoo kula taliyey inay u soo jeestaan horumarinta deegaamaddooda iyo wax u qabashada dadkooda “annigu waxaan farriin u dirayaa qurbo-jooga deegaankan u dhashay oo aan leeyahay u soo jeesta sidii aynu wax ugu qaban lahayn dadkeenan, awalba inagaa wax qabsan jirnay oo dawlad wax inoo qaban jirtay ma jirtee. Waa inaan guntiga dhiisha iskaga dhignaa oo hadday tahay ceelkan qabyada ah iyo hadday mashaariic kale tahayba innagu aynu dhisnaa” ayuu yidhi.
Cabdixakiin ayaa intaas ku daray “markaa waa inaan inagu isu tashanaa oo aynaan isku halayn Dawladdan” –“ dawladdani waxay wax u qabtaa marba inta ku qaylisa, markaa maadaama aynaan ahayn dad hunguri ku hadla waa inaynu inagu wax qabsanaa. Waxa kale oo aan iyagana baaq halkan uga dirayaa dadka Magaallooyinka jooga ee lacagta haysta oo aan leeyahay u soo jeesta dadkiina iyo deegaankiina sidaad wax ugu qaban lahaydeen”.
Dhinaca kale, waxa halkaa ka hadlay Murrashax Axmed Cabdi Ibraahim, Muj, Cali Ibraahim (Cali-afweyne) iyo xubno kale oo isugu jira aqoonyahan iyo waxgarad halkaa ka hadlay, ayaa dawladda u soo jeediyey inay si dhakhso ah uga jawaabto duruufaha kala duwan ee ka jira deegaankan, iyadoo loo kala horumarinayo sida u kala muhiimsan yihiin.
Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen in dawladdu dhamaystirto Dhaam-biyoodka qabyada ah muddada dheer iyo adeega Caafimaadka, sidoo kalena dadka ka caawiso horumarinta Beeraha iyo xoolaha.