Waayihii Giire Saacidey God Buu Kuriday Noloshiisii
By. Cabdirashiid Cali Matax
Waqtigu waa sanadkii 1986 waa dal qarka u saaran burbur, waxaa gabalku usii dhacayaa dawladii keligi taliska ahayd ee uu jaraha uhayey Maxamed Siyaad. Giire waa wiil dhalinyaro ah oo kunool magaalada Hargeysa, waxa uu bilaha fooda inagu soo haya u fadhiisanayaa imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare, Giire gurigoodu waxaa uu kuyaalaa meel koorne ah oo aan guryuhu kubadnayn waxaa la deris ah oo kasoo horjeeda Siraad iyo Samatar waa qoys lamaane ah oo ku jir bilcawstii, waxana aqalgalkoodu dhacay sadex todobaad ka hor.
Maalmuhu waxay is riixaanba caawa waxaa sagaal bilood iyo jarjar laga joogaa aqalgalkii Siraad iyo Samatar, waa habeen habeenada kale ka soocan cirka waxa joogta daruur, jawigu waa bedelanyahay dabaylo qabaw ayaa dhanka koonfur bari kasoo dhacaya waqtiguna waa abaara sagaalkii habeenimo, waxaa lasoo garaacay albaabka Giire iyo xaafadooda guriga waxaa ku nool qoyska Giire waxana ay ka koobanyihiin Giire aabihii Samaale iyo hooyadii Suuban, “Alla Bisinkee tolow maxaa caawa inasoo galay cidina xiligan albaabka inaguma soo garaacijirine maxaa dhacay”: Suuban ayaa intay tiri ereyadaas horey ugu oroday dhinaca albaabka, Suuban “Waa ayo?”, “waa Samatar” oday Samatar ayaa laga furay albaabka, caawa waxaa fooli qabatay xaaskiisii Siraad, sababta uu deriska ugu yimi ayaa ah inuu ka kaxaysto gaadhi geeydhka guriga ku qoofalan oo dhowaantan ay dawladu siisay Samaale sababta oo ah Samaale waa sarkaal katirsan dawlada.
Habeenkaa Samatar gaadhigii Samaale waa siiyey waxana u kaxeeyey dareewal gabadhiina waxay ku geeyeen dhakhtarka, saacado kadib waxaa Samatar wiil ugu dhashay dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa, wiilkii isla markiiba Samatar wuxu ubixiyey Guuleed waxa uu xaaskii ku soo celiyey gurigii iyada oo gosha ku haysata wiilkeedii curad ee Guuleed. Samatar waxaa uu gaadhigii u celiyey deriskiisii Samaale wax yar ayaa lasheekaystay “Aroorta hadii rabi nafta inoo daayo waxan dirayaa wiilkayga Giire oo waxa u soo baxday deeq waxbarasho ilaa Yurub ah” Samaale ayaa ku yidhi saaxiibkii Samatar “hagaag waa war fiican”.
Giire run ahaantii ma aha nin ku fiican dhanka waxbarashada hase ahaatee aabihii Samaale waxa uu aaminsanyahay inaan wiil ku dherersadaa Giire jirin haday tahay dhinica aqoonta, akhlaaqda iyo dadnimada. Hooyadii Suuban na waxay islaamaha deriska maalinkasta uga qisootaa curadkeeda Giire iyadoo ku tilmaamaysa inuu yahay aayad. Balse marka xaqiiqada loo gonda dego, Giire dhanka waxbarashada waxa aan cidi kula tartamin kaalinta ugu hoosaysa sanadkasta. Barayaashii dugsigu faraha ayay kaga gubteen , waa labaatan jir hadana waxa intaa kasoo cabanaya sideed jir leh saanbuus buu iga xoogey. Habayaraatee cid uu ixtiraamaa majiro yar iyo weyn dadku waa isugu mid.
Waagii ayaa beryey waxaa Giire walidkii ka kiciyeen hurdada waxaana loo diyaarinayaa in loo sii gelbiyo dhanka Garoonka Diyaarada, Dardaaran iyo duco ay Giire labadiisa waalid ku daldaleen kadib waxaa loo gelbiyey dhanka Garoonka Diyaarada ee magaalada Hargeysa, Is macasalaamayn dabadeed waxaa diyaaradii fuulay Giire waxa ayna ula jihaysatey dhankaa iyo magaalada Muqdisho, amin yar kagadaal waxaa diyaaradii cagadhigatay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde. Habeenkii xigey waxa uu uhoydey magaalada Muqdisho. Subaxii xigeyna Giire waxaa uu si toos ah ugu kicitimay dhankaa iyo wadanka Czechoslovakia, waxaana uu ka degey magaalada Prague halkaas oo la filayey inuu kabilaabo Jaamacad hase ahaatee mudo ayaa la barayey afka wadankaasi lagaga hadlo si uu ula qabsado luqada.
Mudo sanad ah markii uu joogey wadanka waxaa dalkii Soomaaliya ee uu kayimi ka qarxay dagaalkii sokeeye waxaana xididada loo siibey xukuumadii militaryga ahayd.Giire waxa uu la qabsanwaayey afkii uu baranayey waxaa uu la sheekaystay dhalinyaro isaga la fac iyo feker ah waxa ayna qaban qaabiyeen jidkii ay kaga bixilahaayeen wadanka, ugu danbayntii waxa ay ku guulaysteen inay si dhuumasho ah ku galaan wadanka Ingiriiska, halkaas na waxay isaga dhiibeen qaxoonti ahaan. Giire waxa ladejiyey guri halkaana waxa uu si buuxda ugala jaanqaaday nolosha qurbaawinimo.
Iminka waxaa laga joogaa sadex sano markii uu soo galay dalka Ingiriiska Giire maba aha kii layaqaaney waxaa ku dhacay isbedelo farabadan, waa nin khamriga u caba sida geeljiruhu shaaha u cabo, xashiishada hadalkeedaba daa, timaha ayaa kubaxay gebi ahaanba muuqaalkiisii waa isbedeley hore waxa uu u ahaa inan yar oo reer ladani keligii dhaleen inuu saxar kuduulo waa laga ilaalin jirey, dhegihiisa waa laga dhawrijirey buuqa iyo qaylada, wejigiisu had iyo jeer wuu dhalaali jirey dharkiisa waxaa kasoo urijirey caraf gaar ah, dharkana wuxu xidhan jirey nooca ugu qaalisan. Hadase waayaha iyo wadcigu wuu isbedeley korkiisa sulufta iyo qarmoonka ka soo urayaa umalaynmaysid inuu yahay bini’aadam, labada garab ayaa raantu ka degtey waxa uu xidhanyahay surwaal jeenis ah oo uu gashaday maalintii uu Ingiriiska yimi iyo funaanad ay siisay habar British ah oo deriskiisa ah maalin ay ka damqatay ninkaasi xaalada uu ku suganyahay.
Maalin maalmaha kamid ah waxaa guriga kasoo baxay Giire waxa uu gashanyahay surwaal jeenis ah oo idlaaday iyo garanjeexjeexan oo mudhuudhuqay, timihu waxa ay hoos u dhaafeen labada garab, garkuna waxa uu caarada lagaadhey laabta, waa nin korkiisa ay qarisay raani. Maanta jawigu ma degana waxaa dhacaya baraf aad u daran laakiin isagu nin waxaa dareemaya ma aha, hami khayaaliga maskaxdiisu waxay u sawirtay dhalanteed waxana uu joogaa wadamo kale laakiin jismigiisa oo keliya ayaa halkan jooga, Mrs. Katrina waa habar British ah waxa ay deris latahay Giire, indheheeda kuma uu cusba dharaarkasta waa aragtaa isagoo dhacdhacaya guriga kambalkiisa, maalin ayay weydiisay oday xaafadaha degan oo Asian ah “Ninkani muxuu ahaa ma umad inaga dambaysa ayuu xayaysiis u yahay” odaygii ayaa yidhi “Ninkani waa Soomaali”. Mrs.Katrina waxa ay maqashaa Soomaaliya aayaa dagaal kadhacay, qarax ayaa kadhacay Somaaliya, Soomaaliya ayaa dad Ingiriis ah lagu afduubtay, Budhcadbadeed Soomaali ah ayaa markab shixnad sida ka afduubatay xeebaha badweynta Hindiya, markasta oo ay maqasho war Soomaalida ku saabsan waxaa maskaxdeedu sawirataa bulsho wada Giire oo kale ah “Walee Soomaalidu waa wax aynaan dugaag iyo dad mid aynu kusheegno garanayn” ayay niyadeeda iskula xanshashaqdaa.
Bini’aadantinimada ayaa ay dhaafi kari weydey ninka garanka jeexjeexan sita ee barafka taagan waxa ay alaabo ay sidatey kasoo saartay funaanad waxa ay gacanta ugelisey Giire iyadoo baqanaysa oo isleh armuu ninkani kugu soo boodaa. Waa uu gashaday funaanadii inkastoo uu maqluub ugashaday hase ahaatee korkiisa waa dabooshay, maanta waxa ka go’ay khamrigii sidaa darteed waa inuu dhalo kasoo iibsadaa baar shan boqol oo talaabo u jira gurigiisa. Waa uu soo iibsaday khamrigii waxa uuna ku soo laabtay gurigii isaga oo dhacdhacaya oo aan albaabka xidhan ayuu dhinac ugu dhacay daarada halkaana wuu seexday, maanta oo keliya maaha inuu daarada seexdo ee hadba halka uu kudhoco ayuu ku gam’aa.
Iminka waxaa uu Giire maqanyahay labaatan iyo dheeraad sano, noloshiisana waxaa uu ku dhamaystay mudadaa khamri, xashiishad, iyo tumasho. Waa nin aanay ukala soocnayn xaaraan iyo xalaal weligii salaad foodmadhigin xataa kumana riyoon isagoo magaca alle soo hadalqaadaya. Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa u yimi niman ay tolyihiin “war kani maanu ina hebel ahayn”, “Malaha waa isagii”. Nimankii ayaa waraystay Giire mudo badan waa ay la sheekaysteen, waxa ay dhegihiisa ku asqaysiiyeen in wadankii isbedeley dawladii uu ku ogaa burburtay taa bedelkeedana la unkay dawlad layidhaahdo Jamhuuriyada Somaaliland, waa dal faraha laga taagey laamiyadiisu waa quraarad sanadkiiba malaayiin dalxiisayaal ah ayaa Europe iyo dunida kale uga yimaada oo soo booqda Jamhuuriyada Mucjisada Geeska ee Soomaaliland.
Giire ficil ayaa galay waa uu soo baraarugey hurdo uu galay rubuc qarni ka hor, waxaa uu soo qaatay muraayad waa uu isku fiiriyey waa ashqaraaray oo wuu isgaranwaayey ilaa wejigiisa labaatan iyo dhawr sano ma arage, waa uu ilaabey oo maba xasuusto berigii hore siduu u ekaanjirey. Waxa uu tegey durbadiiba meel timaha lagu xiiro waana uu iska rogey rogobtii iyo raamihii sidii geed damal ah oo iskudhoon kubaxay madaxa iyo garbihiisa cuslaayey. Waxaa uu suuqa u raacay nimankii ay tolka ahaayeen xabaasha kasoo saaray waxa ay lasoo iibeyeen dhar oo waxa uu hada gashaday dhar cusub waxa uu usoo ekaanayaa qof bini’aadam ah.
Dharaartii xigtey waxaa gegida diyaaradaha ee Hetro lagasoo anbabixyey ninkii Giire ahaa, waxaa ragii tolkii lasoo hadleen ehelkii iyo qaraabadii Hargeysa ku sugnayd “Waxaa berito gegida Cigaal ka soo degeya aqoonyahan, ruug cadaa siyaa sadeed, ninka aan laga waabin qasriyada madaxtooyooyinka wadamada Europe, waxa uu sitaa shahaadada Phd. Ee culuumta siyaasada, sifiican haloo soo dhoweeyo.” Nasasho saacad qaadatay waxaa uu gegida diyaaradaha ee Dubai kaga wareegey diyaarad, subaxii xigey abaara tobankii subaxnimo waxaa Giire kasoo degey gegida Cigaal ee Hargeysa halkaa waxaa dadku safanyihiin wadada garoonka gasha caleemo qoyan ayaa dadku wadooyinka la taaganyihiin, dadku waxa ay isugu jiraan madax iyo manjo waxaa maraya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Jamhuuriyada Mucjisada Geeska, waxaa maraya cuqaal iyo salaadiin, aqoonyahan iyo waxgarad, ciyaal iyo ciroole, caamiye lasoo lugooyey oo usha lo ohayo iyo dhegoole gurdanka soo dhexraacay, kuwaa oo ay dhamaantood Giire isku reeryihiin. Cabaar kadib waxaa Giire loo gelbiyey xagaa iyo magaalada waxana la dejiyey huteelka ugu bilan magaalada.
Todobaado ayuu Giire joogaa magaalada Hargeysa, waxaa maalintii horbooda oo wasaaradaha iyo madaxtooyada dawaafsiiya odayaasha dhaqanka ee beeshiisa iyo rag kale oo wasiiro ah, waxa ay moodayaan nin wax haysta laakiin jeebkiisa shayga keliyee kujiraa waa baasaboor Ingiriis ah. Hase ahaatee waa nin markiisii hore aftahanimo udhashay wuu asarooriyey odayada iyo siyaasiyiinta waxa uu uga sheekeeyaa sheekooyin ay la dheceen waxan “waxa aan beryahanba ku hawlanaa ictiraaf raadinta dalka waxa aan tiroba afar jeer lakulmay Boqorada Ingiriiska waxa aan ubandhigay qadiyada Somaaliland”. Waa nin sheeko yaqaan ah qaabka loo alifo male-awaalkana waxad moodaa inuu buug ka akhriyayo erey kama gedmanayo, marka uu caabaar hadloba jumlado Ingiriisi ah ayuu madasha ku banaysanayaa.
Habeenkii marka uu seexdo waxaa hortimaada xaqiiqada iyo waxa uu kala kulmay dalka niyadiisa wuxu iskayiraahdaa waar miyaad riyoonaysaa, mayee horaa loo yidhi magac maan la’aan ma baxo sowtii maaha saxiibadaadii Ingiriiska ee xabaasha kaa soo saaray kugu yidhaahdeen waxad tegeysaa Jamhuuriyada Mucjisada, walee tani waa ku banaantahay Jamhuuriyad Mucjiso ah ilaa waa kuwaa sidaa kuu soo dhoweeyee, laakiin aawey biriijyadii iyo wadooyinkii ay lahaayeen waa quraarad, lagayaabee inay magaalooyinka kale ee dalka ka dhisanyihiin, alla dadkayga reer Somaaliland wanaagsanaa, war mise ilaahaybaa kuu sakhiray, laakiin tolow goorma ayaan kashifmayaa oo xaqiiqada iyo waxaan ahay la ogaanayaa.
Giire intii aad wadanka joogtey waxa aad bilawday foorfoororsi aanad hore u aqoon, ragan sida shimbir malabta kuugu wareegaya ayaa marka ay xiliga salaada gaadho kuu kaxeeya dhankaa iyo masaajidka kadibna adigoo aan weyso qabin ayaad dhinaca kaga xidhitaa oo la meteshaa ficilada ay samaynayaan, wax la akhriyo mataqaanid oo aan ka ahayn Allaahu Akbar iyo Faataxada oo aad jejebiso, laakiin waxyaabaha kale oo dhan waad samaynkartaa haday tahay rukuuc iyo sujuud waxa soo naftu ku qabsataa marka loo fadhiisto atixiyaadka oo seedahaagu umabaran fadhiga noocan ah, hase ahaatee waad khasabtaa oo waxad ufadhiisataa sidii eey lug kajaban, adigoo nafi kuhayso ayaa la salaamanaqsadaa.
Maalintii xigtey Giire waxaa kuuyimi odayaal waana odayaasha ay ka go’do talada reerkiinu waxa ay kuu soo bandhigeen feker waa fursad aan intii aad noolayd hore ku soo marin, odayaashii markii ay kusoo hor fadhiisteen waxaa hadalka furfuray oday kamid ah odayaasha run ahaantiina waa nin faraha lagaga gubtey waa odayga ku horkaadja beesha hadalkiisii ayuu bilaabay “Prof.Giire beryahanba waxaa socday guux beesha dhexdeeda ah dhowaantan waxa aanu xukuumada geeyney nin waxanuna ku bedelney nin hore oo wasiir beesha u haynjirey, ninkan danbe ee aanu geyney waxa uu noqday mid beeshu ku khasaartay waa mid aanay dadkuba ukala sokayn, hadaytahay hiil iyo hoo sokeeyaha wax uu taraa majiro, shisheeye mooyee haduu cid shaqaalaysiinayo umada kale ayuu wasaarada ku uruuriyey, mid aynu hore u aragnay maaha naf ahaantiisa waa uu ka qatanyahay oo ka aradanyahay xoolaha qaranka ee laboobayo, Adeer waa mid ay god biyo ugu galeen. Markii aan waxyaabo badan is hogatusaalaynay ninka ku haboon ee libaaxa ah ee booskaa wax kasoo dhicinkaraa waa Giire, markaa adeer bal adiguna noo waran?.”
Giire oo naxsan oo markalena faraxsan oo gebi ahaanba wejigiisii isbedeley ileeyn farxadi waa naxdine ayaa markiiba su’aal ku celiyey odayadii “oo adeer wasiir marka xukuumadu magacaabayso miyaan madaxweynuhu magacaabin oo aanu isagu kusoo xulin kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay jagada loo dhiibayo.” Waxaa durbadiiba jawaabtii degdegsaday isla odaygii beelagubaha ahaa “maya adeer sida aad moodey maaha wadanka reer waliba wasaarada ama jagada ay xukuumada kahayaan waa dhaxaltooyo Jifida aynu nahayna aniga ayaa madaxweynaha ugudbiya min agaasime ilaa wasiir cidii aan u arko inaanay danaha beesha kashaqaynayn anaa bedela, adeer marka xukuumada lajoogo waxa loo baahanyahay nin libaax ah oo rag iska dhicinkara waa inuu tolkiisa ku taageeraa gar iyo gardaraba waa inaanu cid aan beeldaajiyuhu la ogayn shaqaalaysiin, waa inuu noqdaa nin codkara afku xoogle ah, waa inuu mashariicda iyo hantida kale ee hawada lagu kala goosanayo badhkiisa qaataa, waa inaanay xalaal iyo xaaraani ukala soocnayn inkastoo aan dawlada xaaraaniba soo gelin ilaa masuulku xaqii beesha ayuu soo dhicinayaaye, adeer aqoontan aad wadataa dalka wax ay ka qabataa majirto waa in aad tahay nin wuxuu arkoba liqaya.”
Giire ayaa qoslay farxada ayuu isgaranwaayey waxaa uu naftiisa weydiiyey inuu sifooyinkaa leeyahay alla nasiib badaniyaa hal sifo oo intaa beelagubuhu sheegay kaama maqna ee waxad ba sii dheertahay baro dawladaba miyaa laga helikaraa wasiir kaa bahalsan oo adiga kaa aftahansan. Waxaa uu ruxay madaxa waxana uu odayadii ugu warceliyey “Adeerayaal diyaar ayaan u ahay inaan beesha xaqeeda soo dhiciyo dhamaan waajibaadkasta oo aad isaartaana waan kasoo baxayaaa waxan diyaar u ahay inaan idinla qabto daabka mindida qaranka lagu boobayo.” Odayadii waxa ay ku faataxaysteen gunta iyo gebagebada shirka waxaana lagudoonsaday in dhinaca madaxtooyada lagasoo dhameeyo usku bedelka labada wasiir, odayadii waa bexeen waxa ayna mudo sii falanqaynayeen Giire iyo arintiisa waxa ayna nafta usheegeen inay heleen ninkii ay ubaahnaayeen ee kaga gam’I lahaayeen xilkaa xukuumada.
Mudo bil ah kadib waxaa Giire si buuxda ula wareegey wasaaradii, waxa uuna soo qotonsaday xafiis muraayad ah, waa nin kujira noloshii ugu milga saraysey intuu noolaa, waxa aad moodaa inuu ku dhacay cudur xusuusta maskaxda masaxaa sababtoo ah maba xusuusto sanad kahor noloshii uu kujirey caynkay ahayd. Waa nin canaan badan marka uu shaqada joogo amaradiisu waa kulul yihiin cida xafiiskiisa kusoo booqataana wuxuu iskaga maahiyaa telefoon ama warqad hortaala ayuu sadexboqol oo saxeex ku midab doorsoomiyaa. Waxaa uu kaxaystaa gaadhi madoow oo ilaa muraayadihiisu madoow yihiin waana nooca baabuur ee ugu qaalisan waqtiga lajoogo wadanka, wax badanba isagoo aan joogin wasaarada wuu bartay qaabka wax loo cuno xaaraan iyo xalaal makala jecla, sababtoo ah wuxuba xaaraanta u yaqaan waxyaabaha dhadhankoodu qadhaadhyahay oo fekerba kama haysto waxa xaaraani tahay, intii u dalka joogey maalin ayuu masaajid xaafadiisa ku dhow ka maqlayey wadaad ka hadlaya masuuliyada iyo xilku culayska ay leeyihiin iyo aakhiro waxa xasaab daba taala, maalintaa wuxu ku sigtay inuu wadaadkaa amar kubixiyo in la soo xidho sababtoo ah wuxu ka hadlayaa aakhiro iyo wax aan loo baahnayn in laga hadlo iminka.
Guriga Giire waa filo ka gandooda dacalka magaalada Hargeysa meel aan ka fogayn halkii uu Giire yaraantiisii kusoo barbaaray, waa filo doogu isqariyey waxaa ilaaliya waardiye hubaysan oo kulebisan direys tuute ah. Dharaar dharaaraha kamid ah Giire waxaa uu soo dhexmaray xaafado danyar ubadan oo gurigiisa ku dhow waxaa hor yaaca caruur yaryar oo macaluul iyo diifi kamuuqato, indhaha ayuu ka qarsadaa oo wuxuu yidhaahdaa dadkani ma oromadii lasheegi jiraa, isagoo gaadhigiisu ku soconayo xaware hoose ayuu daaqada dhanka bidix ka arkay islaan iyo wiil dhalinyaro ah oo farta isugu fiiqaya, sawirkan islaantu kuma cusba hore waa usoo dhifanwaayey islaantaa diifaysan hase ahaatee mar danbe waxa uu dirqi ku soo xasuustay in ay tahay gabadhii deriska la ahayd yaraantiisii xaaskii Samatar ee magaceeda la odhanjirey Siraad. Niyada ayuu kayidhi oo maxaa adiga kaa galay miyay ka mid tahay beesha aad xilka uhayso, waa maya hadaba aragoo dhaaf haku mashquuline.
Siraad waxa ay tusaysaa wasiir Giire wiilkeeda Guuleed “hooyo ninkaasi waa wasiirkii cusbaa waxaa layidhaahdaa Giire waa nin aqoon noocaytahay soo bartay waxa uu dibeda waxbarasho ugu maqnaa sodon iyo dheeraad sano, waa ninkii maalintii lasoo dhoweynayey Hargeysiba gilgilatey anigu Siraad ahaan aqoon dheerad ah ayaan ulee ahay waagii aad dhalatay deris ayaanu ahayn waan kuu geeyn doonaa shaqo haku qoree.”
Guuleed waa curadkii Siraad, waxa ay qoyskoodu ka qexeen magalada Hargeysa isagoo sanad jirey aabihii Samatar waxaa uu ku biiray dhaqdhaqaaqii xaq udirirka ee SNM, waxaa uu noqday nin hogaamiya ciidanka xiliyada adag ee weerarada la qaadayo, waa geesi soomajeeste ah, marxalado adag xiliyo qadhaadh iyo waabayda sunta ah ee cadaawaha ayuu waqtiyo badan la qaybsaday SNM hase ahaatee waxaa uu ku geeriyoodey dagaalkii ugu danbeeyey ee Hargeysa lagu xoreeyey, xabado ayaa ka haleelay laabta. Marxuunku waxa uu ifka kaga tegey sadex wiil iyo gabadh oo uu Guuleed ugu weynyahay.
Siraad waxa ay ula qaxday afarteedii caruurta ahaa tuulo kutaala dawlad degaanka soomalida ee Ethiopia iyadoo halkaa ku sugan ayaa loo soo sheegay geerida seygeeda, mudo yar kadib waxa ay kusoo guryo noqotay magaalada Hargeysa, iminka dagaalkii waa joogsadey hase ahaatee noloshu waa silic iyo saxariir waxa ay buul ka dhexdhisatay gurigeedii oo madhaafiici la tagtay oo ay afartii gidaar ee debeda uun sii taaganyihiin waa magaalo gamaad iyo gelgelin isu bedeshey taana Siraad waxa ay kala simantahay kumanaanka haweena ee asayda loo saaray, waxa ay Siraad shaaha kukarisaa balbalo yar oo gurigeeda aan ka fogeyn halkaana waxa ay caruurta uga soo saartaa bariiska waa habeen ay wax soo hesho iyo habeen ay waxba weydo oo caruurtu gaajo ku seexdaan, sanado kadib caruurtii waa yare koreen magaladuna waa isyare bedeshay goobo tacliinta lagubarto ayaa laga furay, hooyo Siraad waxa ay iskuulka geeysey Guuleed milcaamad aan saa uga fogeyna waxa ay ku dartay gelinka danbe, caruurta inta kale aad ayay u yaryar yihiin hase ahaatee labada da’ahaan Guuleed kuxiga waxa ay kudartay malcaamada quraanka.
Sanado ka dib Siraad muqaaxidii yarayd waa xidhay waxa ayna xoogee khudrad ah ku iibisaa kaaryoone ama gaadhigacan badhtamaha magaalada Hargeysa, subaxii ayay ku kalahdaa waxa ay surimo mugdi ah sii dhexmartaa iyadoo aan waagu beryin, mid waalan oo faash sita, mid sakhraansan oo xalay oo dhan khamri ka hirqanayey oo baastoolad keebka haysta intaasiba nafteeda biimi ayay geliyaan laakiin se dantaa ka adkaatay oo agoon aan ehel kadanbayn ayaa guriga u joogta, marka ay suuqa timaado ee kaaryoonlaha u fadhiisato, waxaa iyagoo cay ugu daraya muuska ka iibsada rag caloolwaaweyn oo tay ku giigsanyahay, waxaa hadba khudrada yar kalaada iyo kursiga ay ku fadhido askari boolis ah oo leh wadada lama ogola in wax lagu iibiyo hadba waxa uu Siraad ku laadayaa kabaha qadha ah ee uu sito, waxaa oo duruuf ah ayay Siraad ku nooshahay, sidaana waxa ay ku maaraysaa nolosha caruurteeda oo hada qaarkood jamacadaha kabexeen qaarna weli kujiraan.
Guuleed waxa uu soo dhamaystay digriigiisii labaad ee jaamacada waxa uuna labadiisa digrii ku kala diyaariyey laba maado oo kala duwan, waa wiil maskax iyo caqli eebe kumanaystay waxaa uu leeyahay himilo aad ufog waxaa uu ku riyoodaa isaga oo Jamhuuriyada Somaliland madax unoqday oo kasaaray mugdiga, waxaa u qorshaysan inuu dalkiisa iyo dadkiisaba wax uqabto waa nin kanadiifa qabyaalada iyo qudhun. Laakiin nasiib daro hada sanado ayuu shaqo raadis ahaa wax shaqo ah oo uu weli helayna majirto, maalin aan sidaa usii fogeeyn waxa ay wada shekaysteen wiil ay saaxibo ahaayeen oo ay isku jaamacad ka soo bexeen markii uu dhamaystay digriigiisa koowaad wuxu shaqo ka helay dawlada, waxaa ay gorfaayeen dalka iyo wadciga taagan. Guuleed oo saxiibkii su’aal weydiinaya ayaa yidhi “waar saaxiib dawladu miyay joojisey shaqaalaysiintii, ma haayadaha caalamiga ah keliyaa dadka shaqooyinka qora, ilaa tan iyo intaan garaadsadey jaraa’idka iyo goobaha shaqooyinka lagu xayaysiiyo kuma arag boos shaqo oo dawlada ah oo la xayaysiinayee, sidee wax ujiraan?.”
Wiilkii ayaa intuu ku qoslay xogmooge nimada Guuleed ayuu yiri “saaxiib ilaa waad hurudaa waxan lahaa ninka maxaa intaasoo dhan shaqola’aanta baday, saaxiib maanad oday dhaqameed ama nin culus oo dawlada xilkahayaa beeshiinu lahayn, shaqada dawlada looma eego aqoon iyo waxan aad iska dhaadhicisay meeshu waa garabeyshan iyo in cidi ku riixayso waa u dayrisay nin jilicsan” Guuleed oo yaaban waa uu uqaadanwaayey waxa uu wiilkan saaxiibkii ahi uga sheekaynayo, maba kala yaqaano beesha iyo waxa uu kasheekaynayo, waxaa xasuustiisa dib ugu soo noqotay mar ay hooyadii Siraad maanta kulahayd waxa aanu is naqaanaa wasiir cusub oo Giire layidhaahdo, alaylehe caawa waa inaad hooyo ninkaa warkiisa kala sheekaysataa.
Habeenkii waxaa uu Guuleed soo garaacay gurigii isagoo fiid hore suuqa kayimi, isla markiiba waxa uu damcay inuu kala hadlo arintii wasiirka hooyo Siraad, hooyo siraad oo ayaa uga faalootay inay wasiir Giire ilaa waalidkii is yaqaaneen oo ahaayeen dad deris ah oo aad isugu fiican, habeenkaa waxaa Guuleed iyo hooyadii Siraad gudoonsadeen inay sahanka aroorta gaalaabixiyaan ilaa iyo xarumaha dawlada gaar ahaan xafiiska wasiir Giire, saacado hurdo ah oo hami iyo himilooyin horyimaadeen Guuleed kadib waxaa beryey waagii qoraxdii ayaa dhanka bari kasoo gantay falaadho guduudan, cida iyo siyaaxa shimbiraha ayaa isu baxday, Guuleed waa toosay waxa ay isaga iyo hooyo Siraad isu diyaariyeen sidii aan aroorta xafiiskaa cidi uga horaynlahayn, saacado kadib waxaa ay tageen xaruntii wasaarada, laakiin nasiib daro maalintaa kuma guulaysan inay lakulmaan wasiirka sababtoo ah waxaa loo sheegay inuu mashquulyahay.
Waa maalintii afraad ee ay Guuleed iyo hooyadii Siraad ku soo noqdaan wasaarada, maanta waxa ay yimaadeen markii ay qoraxdu soo baxday cabaar kadib waxaa gaadhi madoobi keenay wasiir Giire, wasiirka oo suudh cad iyo tay ku giigsan oo sida diiga u talaabsanaya ayaa kasoo degey gaadhiga askari ayaa daaqada kafuray inta aanu lugtiisa kale dhulka gaadhi ayay Siraad salaam gacaltooyo lagaadhey isaga oo sii jeeda ayaa uu salaantii ka qaaday Siraad waxa ay kor ugu dhawaaqday “hooyo WASIIR GIIRE adiga aayaan kuu soconey waa maalintii afraad ee aan ku soo raadino” isagoo aan jawaab kale ku celin ayuu askarigii ku amray inuu cabaar kadib soo daayo, daqiiqado kadib waxaa Siraad iyo curadkeedii Guuleed loo sii daayey xafiiskii ay mudo ku agwareegayeen waxaa fadhiya ninkii Giire oo kursi marba dhinac isugu wareejinaya waxa uu gacanta midig ku salaaxayaa tayga caaradiisa, Siraad ayaa u bilawday inay isu sharaxdo hase ahaatee intuu shanta farood iyo calaacasha utaagey ayuu yidhi halkaa iigu jooji hawlo badan ayaa iyaala ee warkaga iisoo koob, markale waxa ay u sharaxday wiilkeeda ay shaqada ladoonayso ee Guuleed hase ahaatee hadalkii ayuu markale ku badhjaray oo ku yidhi hawsha aad u socoto iicadee, ma aha nin sifiican oo niyadsan udhegeysanaya ee waxa uu ku mashquulsanyahay file iyo waraaqo horyaala ookiyaalaha ayuu sanka caaradiisa saaray maba moodid ina ay dadkani isaga hadalka uwadaan, xataa ma moodid inuu waxa lahadlayaa qofyahay. Halmar inta uu kusoo jeestey ayuu yidhi “islaanta waad soo khaldantay ee aanagu cid mashaqaalaysiino, xafiisyada shaqada qaabilsan tag hadii aad shaqo ubaahantahay.”
Siraad iyo Guuleed oo niyad jab aanay kasoo waaqsankarin karaacay goobta ayaa iridka boobay, jidka ayay sii mareen iyagoo midba fekerka iyo waayaha ay lakulmeen maskaxdiisa mashquuliyey, Siraad afar maalmood mategin suuqa oo waxa ay ku mashquulsanayd hawshan guuldarada ku danbeeysey, hooyo Siraad waxa ay Guuleed ugu caqlicelisay inay iska samraan “hooyo aabahaa wuxu udhintay qarankan, aniguna waad ogtahay sidaa aan barbaarintiina ula soo rafaaday, hase ahaatee iminka waxa inala gudboon inaynu samirno ilaahay ayaa ferej khayr qaba inoo furi.”
Habeenkaa Guuleed hurdo il iyo baal iskuma qaban waxaa uu kafekerayey waayaha nolosha iyo xaalada uu ku suganyahay, hadba waxaa maskaxdu kusoo celcelisaa sawiradii maanta iyo xafiiskii Giire iyo afxumadii ay kala kulmeen, markale waxaa uu dib uraacaa himilooyinkii iyo riyooyinkii uu ku fekeri jirey inuu gaadho, waxa dib u eegaa halgankii aabihii ku dhintay iyo cida midheheedii ka faa’idey, waxa uu faaleeyaa qarankii uu doonayey in uu horumar gaadhsiiyo. Waxa uu habeenkaa isweydiiyey su’aalo badan, markeliya waxaa uu maskaxdiisa geeyey bilawgii kacdoonkii carabta oo sow kacdoonka carabtuba kama bilaaban wiilkii dhalinyarada ahaa ee jamacada kabaxay dalka Tunusia kadib markii uu shaqo waayey kaaryoonka dushiisa ku iibinjirey khudaarta meel wadada dhineceeda ah kadibna naag askariyad ahi ka laaday miiskii khudaarta, kadib waatii uu is gubey ee ka tegey warqada dardaaranka tasoo ugu danbayntii isu bedeshey mudaharaado iyo kacdoono lagaga takhalusay madaxweeynayaal badan oo keligi talis ahaa.
Hadba mawjadaha maskaxdu waxa ay kooraha usaaraan meelo iyo sebeno kalatagan, feker iyo madax xanuun kadib waxaa beryey waagii, goor ay abaara todobadii subaxnimo tahay waxaa uu aaday dhankaa iyo suuqa, muqaaxi ayuu ka dalbaday koob shaaha oo canuhu kubadanyihiin magaranayo goor uu laacay shaahii koobkii oo kulul hadana madhan ayuu gacanta kusii hayaa, wiil ay saaxiibo yihiin ayaa uyimi bariido kadib waxaa ku yidhi “Guuleed saaxiib maanta inakeen meel halkaas ah ayaan aadaynaa oo wacyigelini kajirto dhalinyarada loo jeedinayo”, hadalba kama gelin Guuleed ee waxa ay si toos ah u aadeen huteelka barnaamijku ka qabsoomayey.
Daqiiqado kadib waa ay soo gaadheen goobtii oo markaa la furayo odhaaho soo dhoweyn ah kadib waxaa bilaabantay khudbadihii madasha waxaa iminka mimbarka goloha fuulay Giire waxaa uu halkaa ka jeediyey khudbad afmiishaarnimo ku dheehantahay waxa uu taabtay waxqabadyada dawladu lagarabtaagantahay dhalinyarada waxa uu kusoo celceliyey inuu wadanku yahay janadii ifka waxaa uu ku dheeraaday horumarka iyo waxa dawladu wado waxa uu afka ufurtay dhalinyarada kumanaanka ah ee sanadwalba ku dhimanaya badaha isaga oo leh waa dad ka indha la’ barwaaqada iyo nimcada Jamhuuriyada Mucjisada Geeska dhex qotonta, waxa uu tibaaxay in wadanku beridhoow cid shaqaysa lawaayi doono oo inaga la inoo soo shaqo tegi doono.
Hal mar ayuu baxay Guuleed isaga oo ka yaqyaqsoonaya inuu dhegeysto khudbada Giire, waxa uu niyadiisa iska weydiiyey waa maxay asbaabaha dhalinyaradii waxbaratay wadanka uga haajireen, kumanaankaa dhalinyarada ahi ma feker khaldan ayay isku raaci lahaayeen meesha xaqiiqo dahsoon ayaa kujirta, waxa uu dib u milicsaday tuducyo suugaaneed abwaanadii hore ku tibaaxeen dulmiga, cadaalad darada iyo in la miciinbido gaalada iyo wadamada shisheeye hadii aad dulmi ka cararto, oo soow asxaabtii rasuulkuba uma hijroon wadan gaalo oo ay ku ogaayeen boqor caadil ah, oo sow abwaan Soomaaleed ma odhan “Muslimnimo nin aan kugu dhaqayn mu’minimo khaas ah, Gaal maxasta kuu dhawra oo magansataa dhaama”, miyaan murti Soomaaliyeed odhan “rag cadaalad waayaa sidii cawsha kalayaac”. Miyaanay kumanaankaa badaha kule’day ee sida cawsha ukalayaacayaa ka hayaamin cadaalad-darada ay hooyada u tahay qabyaaladu dulmiguna aabaha u yahay, waa adigaa adigoo Guuleed ahi maanta bartaa lafadhiya.
Saacado feker oo murugo iyo welwel ka dhexsiraaday maskaxdiisa kadib waa uu kasoo baraarugay hamigii, waa uu ka hinqaday kursigii uu fadhiyey waxaa uu aaday dhankaa iyo gurigii. Socod lug ah oo saacad badhkeed qaatay kadib Guuleed waxa uu soo cago dhigtay xaafadii, jawigu maba aha kii uu saaka kaga tegey oo guriga dad aad u badan ayaa ku urursan waxaa madasha lagu urursanyahay taagan gaadhi yar oo cad, hore ayuu talaabooyin degdeg ah usoo qaaday ilaa toban talaabo markii uu usoo jirey waxa uu arkay qof dhaawac ah oo laga soo jiidayo gaadhiga hoostiisa, waa uu dulyimi waxa uuna xaqiiqsaday inuu yahay walaalkii ugu yaraa oo magaciisa layidhaahdo Sacad, dhinaca ayaa uu ku soo dhegey, lug ayaa aad u dhaawacan dhiig xoog ahina wuu ka socdaa, gaadhigii dhaawaca u geystey ayuu durbadiiba saaray kadibna waxa uu geeyey dhakhtarka.
Dhakhaatiirtu waxa ay la tacaalayaan dhiiga si loo badbaadiyo nafta Sacad, Guuleed waxa uu arkay ninkii gaadhi shilka geystey watey oo gaadhigii furaha hore ka daray, waa uu kasoo daba orday oo askari goobtii shilka kasoo raacay oo debeda taagan ayuu yidhi “waar gaadhi ii qabo” askarigii inta uu soo jeestey ayuu yidhi “waar ninka maanad garanayn waa xildhibaan hebele, waa mudane baarlamaanka katirsan nin la waayi karo maaha!”, hore ayuu u orday Guuleed waxana uu qabsaday daaqada gaadhiga, muran dhexmaray isaga iyo ninka gaadhiga wata kadib waxaa goobta soo gaadhey oday, oday gan magaciisa waxaa layidhaahdaa beeldaaje Hurre.
Beeldaaje Hurre waa nin gaaban oo gadhkiisa hada xogeey ciro ahi soo geleeyso, waxa uu sitaa lebiska astaanta u ah qabyaalada waa koofiyad dheer, shaadh gacmo goos ah, macawis sabarahindi ah, kabo sandhal ah oo suun danbe leh, garabka bidix waxaa usaaran cimaamad bull eh oo rishwaan ah, gacanta midigna waxa uu ku sitaa ul bakoorad ah oo dhalaalaysa. Hurre uma kala soocna xaaraanta iyo xalaashu, waxa uu quutaa waa dhiig dad, xoolo agoomeed, gabadh lasoo furay meherkeed, mid dhintay magtii, shaxaadka dawlada. Waxa uu farxaa marka uu maqlo belaayo beeshiisa ku dhacday, habar gaadhi jiidhay, nin xabadi kama ugu qaraxday, sebi la dakhray, gabadh lasoo furay, laba nin oo jago isku haysta, beelo gashi kala galeen, intaasiba waa wararka uu noloshiisa ugu jecelyahay in dhegihiisu maqlaan.
Hurre markiiba waxa uu ku soo boodey Guuleed oo gaadhigii daaqada haysta “adeer anigaa wax walba xalinaya, anigaa ninkan xaqa walaalkaa uga soo dhicinaya, anigaa xidhaya, ee adigu walaalkaa Sacad haka imane dhakhtarka inoogu hay, ninkan iyo hawshiisana igu halaay anigaa aakhiro ula dhaadhacaya.” Guuleed waa uu aqbalay hadalkii odaygu ku yidhi, Hurre waxa markiiba daaqada boobay gaadhigii waa uu raacay isla markiiba waxaa ay dhawr geed oo qaad ah isaga iyo xildhibaankii ka qaateen kabadh qaadka lagu gado. Markiiba waxaa lafadhiistay guri filo ah waxaana la gorfeeyey xukuumada iyo doorashooyinka la qaban doono iyo wasiirada la casiley iyo kuwa miiska saaran ee dhowaan la casili doono, Beelagube Hurre waxa uu halkaa ka helay fursad aan hore usoo marin beryaba wuu la’aa meel uu xildhibaankan usoo maro, caawa iyo wixii ka danbeeya waxa uu haystaa fursad uu xildhibaanka kaga fushado muraadada gaarka ah ee uu isagu naf ahaantiisa ka leeyahay, waxa maanta meel kuu saarmay qayilka iyo masaariifta labada sano ee soo socota oo waxa aad iskaga beegeysaa gashiga Sacad.
Waa lix bilood kadib dhacdadii shilka ee uu dhaawaca kasoo gaadhey Sacad, iminka Guuleed dhowaan ayuu dhakhtarka ka soo saaray walaalkii Sacad waxa keliya ee uu gacanta ku dhigay waa dawadii iyo lacagtii dhakhtarka taas oo ku kaliftey inuu dhawr cisho suuqa lagu kala jiido isaga iyo Hurre, wax kale oo uu kahayaa dhiigi walaalkii majiro maanta oo u danbeeysey waxaa qabsaday hudheelkii uu cuntada uga qaadijirey bukaanka. Habeen habeenada kamid ah Guuleed waxa uu is hogatusaaleeyey waxa dalka ka socda, waxaa maskaxdiisa kusoo noqnoqday sawirada Hurre iyo Giire, waxaa uu falanqayey dhibaatooyinka haysta shacabka oo kuwaa iyo kuwo kasii daran ah, waxaa uu lafaguray shaqala’aanta isaga haysata, waxa uu dib umilicsaday muuqalada argagaxa iyo murugada xambaarsan ee maskaxdiisa kusoo noqnoqda, waxaa uu dib u xasuustay baal taariikheedkii dilkii aabihii iyo maalmihii halganka, waayihii iyo duruufihii qalafsanaa ee ay hooyadii siraad lasoo martay, maanta hooyadii waa da’ waxa ay gacanta kusoo haysey mudo labaatan sano iyo dheeraad ah, waxa uu caawa go’aan ku gaadhey inuu mustaqbalkiisa meel uun ku hubsado ilaa sidan kuma sii jiri karee.
Habeenkaa waxa uu Guuleed go’aan ku gaadhey, inuu nolol aan dulmi iyo cadaalad xumo lahayn ku noolaado ama uu aduunyada ka safro, ileeyn horaa loo yidhi “rag ciilkii cadaab ka dooraye”, habeenkaa wuxuu gudoonsaday inuu aroorta dhabada cagta saaro oo uu naftiisa ku biimeeyo saxaraha iyo bada dadcunka ah ee udhaxaysa Afrika iyo Europe. Subaxdii markii waagu beryey waxa uu raacay gaadhi ilaa iyo wajaale ah, waxa uu maalmo badan si dhuumalysi ah ku jibaaxayey kaymaha Itoobiya, maalintii danbe isaga oo maraya xuduudka udhexeeya Suudaan iyo Itoobiya oo ay hayaankiisa ku weheliyaan dhalinyaro ilaa toban qof ah, iyaga oo socodkoodii sii wata waxaa jidgooyo ugalay ciidan Itoobiyaan ah, rasaas ayaa ooda lagaga qaaday dhalinyaradii, Guuleed waxaa dhawr xabadood ka haleeleen caloosha iyo feedhaha, isaga oo dhaawac aad u culus ah ayaa waxa meel dhufaays ah ujiidey labo wiil oo iyagu masiibada ka badbaadey.
Guuleed isaga oo naftu kusii dabayartahay, ayuu dhalinyaradii ka codsaday in lagu caawiyo qalin iyo waraaq, nasiib daro qalin waa lawaayey laakiin gabal yar oo warqada ayaa wiil jeebka uga soo saaray inta uu Guuleed warqadii qabsaday ayuu dhiigiisa khad ahaan u isticmaalay, waxa uu hadalkiisii u dhigay sidan “Kani waa dardaaranka kumanaan ubaxii dalka ah oo silic iyo saxariir ugu dhintay dhulalka shisheeye, inbadan waxa nalagu hafraa inaanu Yurub jacayl iyo iimaan la’aan u halaagney nafahayaga, balse waxa aanu geerida ka dooranay markii uu talada noo qabtay wasiir jaahil ah oo nidaam qabiil lagu keenay kaas oo aan laga sugayn inuu dadka dhex u ahaado hore ayaa looyidhi (Hal booli ahi nirig xalaal ah madhasho) cadaalad darada taala wadanka, waxa aanu ka haajirney dawlad taladeedu ka go’do oday cimaamada u qaatay qaabiil iyo casabiyad, wadan dastuurkiisu yahay qabyaalad.” Markii uu intaa qoray Guuleed, waxaa halkaa kusoo afgo’day noloshiisii, maydkiisiina waxaa lagaga tegey halkaa oo haad iyo shimbiro ku cuneen.
Qalinkii: Cabdirashiid Cali Matax
sabradiin@gmail.com