Araweelo News Network
Qaaradda Afrika waxa ay hoy u tahay da’yarta ugu badan caalamka, balse wali hoggaamiyayaasha ka taliyaa badankoodu waa waayeel da’da hawlgabka kor u dhaafay. Waxyaabaha sababay arrintan ayaa noqday mid ay aad u adag tahay in la fahmo. Waxa su’aasha ugu adag ee jawaabteeda loo baahday tahay; sababtee ayey qaarad dadkeedu inta ugu badan 18 jir yihiin ay uga taliyaan hoggaamiyayaal waayeel ah?
Kala badh dadka qaaradda Afrika waxa ay ka yar yihiin 19.5 sannadood, halka celcelis ahaan Madaxweynayaasha dalalka Afrika ka taliyaa da’doodu tahay 61 jir, waayo 10 Madaxweyne ee ugu weyn qaaradda da’doodu waa 79 jir.
Warbixin arrintan laga diyaariyey ayaa tusaale u soo qaadatay in Madaxweynaha dalka Simbabwi Mr. Robert Mugabe oo markii uu xukunka qabtay sannadkii 1980 aanay dadweynaha waddankiisu dhalan 83%.
Shanta Madaxweyne ee Afrika ugu muddada dheer waxa ay xukunka haysteen inta u dhaxaysa 30 ilaa 37 sanno, marka la isu geeyana intooduba waxay xukunka haysteen 174 sanno. Madaxweyne Omar Bongo oo xukunka Gabon hayey muddo 41 sanno ah, balse 2011 geeriyoday dadkiisa inta badan maba ay jirin markii uu dalkiisa hoggaamiyaha u noqday.
Haddaba, waxyaabaha loo aaneeyo in ay sabab u yihiin arrimahan waxa ka mid ah;
Waxa jira mala-awaal ah in aan dhallinyaradu awoodin hoggaaminta:
Sannadkii 1986-kii ayaa Madaxweyne Yoweri Musevene uu ku sheegay buuggiisa la yidhaa ‘Waa maxay dhibaatada Afrika?” (What is Africa’s Problem); in dhibaatada guud ee Afrika iyo ta khaas ahaaneed ee Uganda aanay ahayn dadkeeda, balse ay tahay hoggaamiyayaasha oo doonaya in ay muddo dheer xukunka sii haystaan, laakiin waxa cajiib noqotay isagoo arrintaas tilmaamay inuu kaalmaha hore kaga jiro madaxweynayaasha soddonka sannadood xukumayey dal amma ugu muddada badan.
Waxa kale oo uu ka mid yahay dadka muwaaddiniintiisa ka dhaadhiciya in aan da’yartu hoggaanka dalka qaban karin si dadka waayeelka ah xukunka u sii haystaan. Sidoo kale, dadka reer Simbabwi waxa uu hoggaamiyahoodu ka dhaadhiciyey in waayeelka uun uu dalka xukumi karo, iyadoo wixii intaa ka dambeeya xaaska Mugabe loo saadaalinayo in ay dalka qabsato, hadda lafteedu waa da’.
Hoggaamiyayaasha Afrika waxa ay dadkooda u sheegaan amma ku abuuraan cuqdad ah in ay da’yarta ka cararaan oo aanay awood u lahayn hormoodnimo amma majaraha in ay siyaasadda u qabtaan, sidaa darteed waxay keentay in da’yarta qudhoodu ka baqaan in ay ku dhiiradaan hoggaaminta dalalkooda, maadaama waayeelku barriinsaday kuraasta talada dalalka Afrika laga gooyo.
Mujaahidayn amma ku faaanista xorriyadda madaxbannaanida:
Waxyaabaha hoggaamiyayaal badan oo Afrika ah u horseeday in ay xukunka dalkooda qabsadaan waxa ka mid ah in ay ahaayeen niman u soo halgamay oo keenay xorriyad iyo madaxbannaani dalkoodu ku faano. Tusaale ahaan; Mandela waxa uu Koonfurta Afrika ku qabsaday dhabar adaygii iyo halyeynimadii uu soo sameeyey oo u noqday casharro dunida iyo dadkiisuba ku bartaan.
Waa run oo waxa ay u soo badheedheen hawlo badan iyo dhibaatooyin keenay in ay guumaysi dalkooda ka kiciyaan, hase ahaatee waxa jira hoggaamiyayaal si khalad ah uga fa’iidaystay arrintaas oo u haysta inay dalkooda leeyihiin.
Madaxweyne Museveni oo Uganda muddo badan haystay waxa uu aaminsan yahay inuu xilka iskaga degayo marka ay midoobaan dalalka bariga Afrika. Aragtidiisii waxay keentay inuu xukunka sii haysto; “Ma ahi qof jeclaysanaya Madaxtooyada, haddii aad doonayso inaad badbaado dadkiina Afrikanka ahaw, waa inaad ka shaqaysaan midnimada Afrika iyo waliba Pan-Africanism (Isu-tag Afrika), sidee baad uga hortagi kartaan Ingiriiska, China iyo Hindiya?
Mujaahidiinta Afrika waxay aaminsan yihiin in ay yihiin dadka dalkoodu ku dhisan yahay, waxaanay ayideen in reer galbeedu ka faa’iidaysanayaan dadka da’yarta ah si aragtiyadooda iyo nidaam gumaysi dib loogu soo celiyo, halka hoggaamiyayaal badan oo uu ka mid yahay Madaxweyne Teodoro Obiang oo ka taliya waddanka Equatorial Guinea ay rumaysan yihiin in Afrika mid kaliya noqoto, taasina ay sii jeclaysiiso xukunka.
Hanti jacayl:
Madaxweyneyaasha waayeelka ah ee Afrika kuma salaysna oo kaliya in ay xukunka dalkooda sii joogaan aragti iyo falsafad dheer oo qudha, balse waxa jira in qaar badan oo ka mid ah ay hanti urursi iyo dhicidda hantida qaranka.
Madaxweynaha dalka Angola Mr. Dos Santos gabadhiisa Isabel Sontos waxa ay haysataa hanti dhan $3.2 bilyan oo doollar, sida uu shaaciyey wargeyska Forbes oo Jamhuuriya soo xigtay, waxaanay diiday in hantideedu xidhiidh la leedahay xilka aabbaheed, laakiin cilmi-baadhis Forbes samayeeyey waxa lagu ogaaday inuu lacag badan u mariyey dhawr shirkadood oo laga leeyahay dalka Angola si aan loo dareemin musuqaas. October 2015-kii afar xubnood oo Barlamaanka Yurub ka mid ah ayaa ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo hantida gabadhan, iyadoo looga shakiyey in dawladda Angola ay maalgeliso.
Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jocob Zuma, waqtiganna da’diisu ka sarrayso 70 jir, waxa uu ka mid yahay dadka ugu musuqa badan ee qoyskiisa iyo isaguba ka faa’iidaystaan hanta ummadda uu hoggaanka u yahay wada leedahay.
Caannimada:
Inta badan waayeelka ee Afrika xilalkooda qabsaday waa dad caan ah oo aad loo wada yaqaan, waxaanay ku guulaystaan doorasho siday doonto ha noqotee. Tusaale ahaan, Afrika ixtiraamka dadka waaweyn loo hayaa wuxuu u keena qadarin aad u badan, waana hab nololeedka dadka Afrika. Dhaqanka Afrika waxa uu door muhiim ah ka ciyaara siyaasadda jaangoynteeda, markasta oo qofku sii weynaado waa hadba marka uu u sii dhawaado talada dalkiisa.
Inta badan dadka waaweyn waxa ay adeegsadaan warbaahinta marka ay arkaan qof dhallinyaro ah oo xil loo dhiibay, kana soo bixi waaya, taasina waxay dhaxal siisay in borobagaandadu ku dhex fido bulshada oo wayeelnimada la aamino, balse xaqiiqdu waxa ay tahay hoggaamintu maaha da’da ee waa hadba sida uu qofku u hoggaamin karo ummadda, waxana jira dad da’yar oo hoggaaminta siyaasadeed kaga fiican dad waayeel ah.
Qaaradda Afrika waa meel u baahan hoggaamin awood leh oo difaaci kara danaha bulshada oo dunida horumartay la tartami kara, xidhiidho la samayn kara, waxaana waqtigan dadka wayeelka ah mashquuliyey nacaybka ay reer galbeedka u hayaan, taasina waxay keentay inay illaawaan horumarinta danaha ummadahooda. Waxa ay Afrika u baahan tahay hoggaamiyayaal tiknoolajiyadda la jaanqaadi kara, hal-abuur leh oo siyaasadaha waqtigan caalamka ka socda fahimi kara, waayo siyaasiga wanaagsan waa ka yaqaan maalintiisa ayaa ugu dambaysay warbixin lagu daabacay wargeyska African Leadership oo Jamhuuriya soo xigtay.