Hargeysa (ANN) Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta Aqoonyahanka ah ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorashooyinka ku salaysan hannaanka dimoqraadiga ah iyo noocyada ay u kala baxaan, isagoo xusay in xilligan loo baahan yahay sidii dadka la dooranayo loogu xulan lahaa qori-tuur bakhtiyaa-nasiib ah.
Prof. Gees oo soo saaray qaybtii 35aad ee qormadiisa toddobaadlaha ah ee Dharaaro Xusuustood, waxa uu kaga hadlay dhibaatooyinka dadweynuhu kala kulmaan dadka ama xubnaha ay sida dimqoraadiga u doortaan, taasoo uu xusay inay ku salaysan tahay, laguna doorto cidda lacag leh ee laan-dheere ah.
Waxa uu ku bilaabay qormadiisa maanta hal-ku-dheg laga soo xigtay aqoonyahan Maraykan ah oo la yidhaa Alexdander Gurrero, kana tirsan Jaamacadda Pennsylvania, kaasoo ah; “Elections are flawed cannot be redeemed, it is time to start choosing our representatives by lottery” oo macnaheedu yahay, doorashooyinkii way xumaadeen, lamana iibsan karo ee waxa la gaadhay xilligii bakhtiyaa-nasiib lagu xulan lahaa dadka ina metela.’
“Ninka sidaa u hadlayaa waa barafasoor Maraykan ah (ma aha Xasan Guure iyo Madashii). Keligii kuma ah fikirkaas ee dad badan oo cilmiga bulshada iyo siyaasadda ku caan ah ayaa la qaba iyo weliba ururro dimoqraadiyadda u ololeeya. Hadda arag, waxa uu ka soo jeedaa waddanka sheegta dimuqraadiyadda inuu aabbaheed yahay oo uu ugu da’weyn yahay dalalka habkaasi ku dhaqma.
Waxay ku doodaan oo u ololeeyaan in dadka adduunka saddexaad ku nool ay qasab ku qaataan habkaas, si ay nabad, sinnaan iyo caddaalad u gaadhaan, oo ay dabada uga riixaan arrintaas. Waxa yaab leh inay afkaarahaas ka soo baxayaan maanta jaamacadahoodii iyo aqoonyahankoodii.
Arrintan waxa dhaliyey markii doorashooyinkii wax is-beddel ah keeni waayeen oo sheekadu sideedii iska ahaatay, halka kuwii la doortay la mid noqdeen kuwii ay beddeleen. Sidoo kalena xeerarka ka soo baxaa waxay noqdeen kuwa u adeegaya dadka maalqabeenka ah ee soo dhisay iyo shirkadaha waaweyn iyo bangiyada waaweyn ee marka ay khasaaraan laga kabo cashuur masaakiinta la saaro. Waxa loo fasaxay shirkaddahaasi inay siday doonaan ugu takrifalaan degaanka oo nijaaseeyaan cimilada iyo hawada dunida oo dhan ka dhexeysa.
Kuwii la doortay waa ay ka dhega-adaygeen inay wax ka qabtaan cimilida is-doorinaysa iyo nolosha dadka ee sii adkaanaysa, taas ayaana keentay aragtida ah isma doorin gaalkaan dirayo daarta kii galay eh. Fiqi tolkii kama janno tago ayaa hore loo yidhi. Dadkii la soo doortay waxay noqdeen kuwa u adeegaan naftooda iyo kuwa lacagta leh ee ka dambeeya dalalkaasi hantigoosadka ah.
Dimoqraadiyaddu waxay ka soo jeedaa eray Giriig ah (DEMO) oo la macno ah (DADKA), sidaa darteed Democracy waa xukunkii dadka. Waxa jirta iyana (Oligarchy) oo ah xukunka dad kooban ay awoodda hayaan. Dimoqraadiyaddu waxay u sii kala baxdaa (Direct Democracy) oo ah mid dadku toos u dejiyo xeerarka xukunka oo sida shirweynaha iyo aftida oo kale ay cid kastaa ka qaybgasho iyo (Representative Democracy) oo ah mid wakiillo la doorto.
Waxa jirta dhinacaasi bariga sheeko la yidhaa Riyo marin-daaje. Waxa la sheegay in Boqor Hadaaf la odhan jiray oo sida magacu tilmaamayo nin weyn oo xooggan ahaa, ayaa dadkii nafta u keenay, dabadeedna dadkii ayaa ka shiray wixii laga yeeli lahaa Hadaaf iyo ciidammadiisa, kadibna waxa la is-weydiiyey cidda shirka ka maqan, kadibna waxa la yidhi; “Mid Riyo ku raaca marintaas, ayaa maqan.”
Waxa la yidhi; “Ha loo yeedho.” Kadibna waxa la weydiiyey sida ay la tahay in la iska celin karo Hadaaf iyo ciidammadiisa, waxaannu ugu jawaabay; “Colka wadhaf ma lagu dayey?” Sheekadaasi, Qur’aanka iyo Injiilka iyo Tawraatka waa ay ku wada jirta oo waa sheekadii Nebbi Daa’uud iyo Guuleed (Goliath) ayey u eg tahay haddii aanay isku wada mid ahayn.
Taladii ayaa la qaatay oo lagu jebiyey colkii Hadaaf. Riyo Marin-daaje waxa uu sheegay wadhafkii uu riyaha ku raaci jiray, sheekadu waxay ku aroortaa sida qof kasta loogu baahan yahay ee uu xaq u leeyahay wax ku darsiga arrimaha saameeya noloshiisa iyo bulshada uu ku nool yahay iyo in qof kasta loo baahan yahay oo uu wax taro.
Habka kale ee dimoqraadiyadda waxa la yidhaa (Representative Democracy) oo waxa la doortaa wakiillo ama waxa la igmadaa dad la yidhaa Igmadayaal ama Baarlamaan. Noocan dambe ayaa caan noqotay, waxase soo baxday inay noqotay meel la doorto ciddii lacag leh ee LAANDHEERE ah.
Xagga Maraykanka Laandheeruhu waa nin cad oo diinta Masiixiga mad-habta Barootastanta (Protestants) haysta, oo ka soo jeedaa dadka la yidhaa Anglo-Saxon. Xaggeenna waa nin lacag haysta oo qurba-joog ah oo Laandheere ah xagga qabiilka ah. Dadkii kale cidla ayaa lagaga tegay, dumarkii oo aan qabiil lahayn, dadka la-hayb-sooco, qofkii beel yar ka dhashay ma hawaysanayaan doorasho iyo inuu talo ku yeesho dalkan ay ku nool yihiin.
Sidaa darteed, waxa culimada cilmiga bulshada iyo siyaasaddu isku mashquuliyaan hadda sidii dimoqraadiyadda loo badbaadin lahaa oo dadku u sinnaan lahaayeen maamulka dalka ee aanay kooxi af-duuban, iyada oo weliba sheeganaysa dimoqraadiyad oo ahayd xukunka dadka. Boowee, ha la yaabin dadka nidaamkan doorashooyinka dura, dhibaatadan ayey arkeen.
Waxa jir hab la soo maray oo la magcaabi jiray cidda loo igmanayo inay noqdaan Golayaasha Xeer-dejinta, sidii Somaliland ku bilawday (1993) ee Puntland ka eegatay (1998), welina ay ku dhaqanto. Shirkii Carta (2000) ee reer Soomaaliya ayaa iyana bawsaday ilaa hadda adeegsada. Habkaasi waa “Oligarchy” oo dad yar oo isimo la dhaho ayaa magacaaba golayaasha oo awooddii dadka maroorsaday. Dadweynaha wax lama weydiiyo.
Waxa hadda la xiisaynayaa hab la soo maray waa hore oo ahaa in loo qori tuuro ciddii noqonaysa golayaasha dalka. Marka degmo waliba way u qori-tuuraysaa Golaha Degaankeeda. Gobal waliba waa qori tuurayaa xubnihiisa Golaha Wakiillada ku jira, beel waliba waa u qori tuuraysaa xubnaheeda Golaha Guurtida gelaya.
Waxa la adeegsanayaa diiwaangelinta madaniga ah ee hadda socota oo dadka oo dhan kumbiyuutarka ku jiraan. Waxa nidaamkan la yidhaa Lottery Selection ama Qori-tuur. Cilmiga tiirakoobku ama statistics, waxa lagu yidhaa; “Random Selection,” kaas oo hubinayaa in uu soo baxo gole wada matalaya bulshada goobtaas deggan. Waar colka wadhaf ma lagu deyey. Akhristaw, miyaanay ka hawl yarayn habkan doorashada ee buuqa iyo kharashka iyo qabiilka iyo xisbiyadan atooruhu iska leeyahay iyo tollaayeyda. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, ayaa laga dhigayaa uun kuwa doorasho ku yimaad, kuwaas oo aan xisbiyo lagu xidhan ee madaxa bannaani ugu qaybgala doorashada. Xeer ayuunb aa loo samaynaa cidda tartami karta.
Habkan miyaan lagaga raysteen kordhintan iyo dhawrto-bixiyaasha iyo dillaaladooda? Waa ku filaan lahayn shantii sannaba inaan doorashada Madaxeynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa aan qabo innaga oo cidna dawarsan oo waa ka maarmi karnaa khawaajayaasha iyo isla weynidooda ku dheehan dhawrtada. Shantii sanno hal mar ayuun baynnu u adkaysan lahayn kulayalka qabyaaladda.
Marxuum reer Laasqoray ahaa, lana odhan jiray Xaaji Cawad Cisman-dheere oo ganacsade ka ahaa Hargeysa, ayaa huteel la seexdo ku lahaa xaafadda Laba-nuux ee Hargeysa. Xaajigu waxa uu ahaa nin bulshaawi ah oo qayila oo sheekeeya oo marfash la isugu yimaaddo ku leh huteelka. Xaajigu waxa uu kookaha qabaw (waqtiga biyo saafi ma jirin) ka iibsan jiray dukaan ay jaar ahaayeen oo ay lahayd gabadh reer Axmed Nuux ahi.
Maalintii dambe ayaa waxa u timi gabadh reer Laas-qoray ah oo iyana xaafadda dukaan ku lahayd. Waxay gabadhii ku tidhi; “Xaaji maxaad sharaabka iiga soo qaadan weyday?” Xaajigii maalintii dambe ayuu yidhi ka soo qaada kookaha gabadhii reer Laasqoray. Shaw gabadhu tallaagad ma laha. Xaajigii markuu furtay oo ku dhuftay kookihii, mise kululaa, ayuu yidhi; “Alla qabyaaladi kululaa.” Weedhaas oo hadal-hays noqotay. Shantii sanno mar ayaan u adkaysan lahayn doorashada iyo kulayalka qabyaaladda, inta kalena qabawga ayaan ku jiri lahayn ‘Ma nishti rabsha.” sida Carabtu tidhaahdo,” ayuu Prof. Gees ku soo gunaanaday qormadiisa.