__

 

Koffi Annan Oo Dhabarka U Jeediyay Xasuuqii 3aad Ee Uu U Xilsaarnaa Inuu Ka Nabadeeyo.. MADASHA HOORI PDF Print E-mail
Wednesday, 08 August 2012 21:22

(Rawanda 1994, Bosnia 1995 Iyo Suuriya 2012) Qallinkii Xassan Cumar Hoorri
Maalintii Khamiistii 02/08/2012, Koffi Annan waxaa uu iska casilay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Jaamicadda Carabta ee dalka Suuriya. Waxaa uu sagootiyay Golaha Ammaanka ee QM isaga oo tilmaamay Bulshadu Caalamku in ay ku sifooday itaal-darro iyo waxtar la’aan ay

 

kaga baaqsadaan joojinta dhiigga kumanyaalka aan waxba galabsan ee ku qulqulaya dalka Suuriya. Ergaygu waxqabad la’aanta waxaa uu u aaneeyay tafaraaruqa iyo xurgafta dhextaalla xubnaha Golaha Ammaanka.
Hase ahaatee, Xoghayaha Guud ee QM markii uu Koffi Annan u igmaday in uu ka odayeeyo colaadda dalka Suuriya, dad badan oo u kuur gala siyaasadda waayahan waxaa ay ka mishiiqsadeen arrintaas iyaga oo sii mala-awaalay in dalkaas lagu tuuray haadaan aanu ka soo waaqsan karayn.
Dhinaca kale, Koffi Anan, isla markii loo magaacabay ergayga QM, waxaa, sidoo kale, igmaday Jaamicadda Carabta si uu uga arrimayo xal u helidda colaadda Suuriya oo loo caalwaayay muddo sannad ah. Ergaygu hawlgalkiisa waxaa uu ku daahfuray isaga oo ka digay in Suuriya lagu dayo farogelin ciidan, waxaana uu ku tiraabay,
“Ha laga digtoonaado in aan qorno dawo ka qadhaadh cudurka la daawaynayno.” Waxaa uu tilmaam u soo qaatay dalka Ciraaq ee deriska ah isaga oo hadalkiisa ku ladhay, “idinka oo aan meel fog tegin, waxaa aad arki kartaan waxyeelada aan ka digayo.
Koffi Anan kaaliyahii hore ee Xoghayaha Guud iyo Madaxa Nabad-Ilaalinta ee Qaramada Midoobay, waxaa uu ku guul-darraystay xakamaynta iyo wax ka qabashada xasuuqii dalka Ruwanda ee 1994. Muddo 100 maalmood ah waxaa halkaas ku qudh-baxay dad lagu qiyaaso ila hal milyan oo qof. Sidoo kale, waxaa uu ku eedoobay xasuuqii Srebrenica, Kosovo ee 1995 halkaas oo iyana lagu gummaaday in ka badan 8000 oo rag Muslim ah.
Haddaba, Koffii Anan waxaa u xilka, ergayuga Suuriya, iska casilayaa isaga oo shacabka reer Suuriya u hoosaasiyay dhagarta Madaxweyne Bishaar Al Assad. Ilaa hadda dhimashada waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15000 oo qof. Waxaa intaa dheer burburka dalka oo tuulo keliya aanay ka badbaadin aafada. Waxaa aan loo aabbi yeelin meelahii xurmada mudnaa sida masjid, kiniisad, cusbitaal, goob waxbarasho iyo aataartii sooyaalka ahayd ee dalka. Xasuuqa shacabka waxaa loo adeegsaday hubka cad, kan fudud iyo kan culus, kuwa gurguuranaya, dayuuradaha qummatiga u kaca, dayuuradaha dagaalka iyo maraakiibta intaba. Hase yeeshee, falxumooyinka ku suntan xasuuqa iyo xididka oo la siibo dad isku degaan ama isku isir ah waxaa aan ka xusaynaa: -
Deegaanka Dercaa ee Caasimadda Dimishiq, 22 April 2011: - Kacdoonka oo markaa jiray bil keliya waxaa degaankaa ku naf-waayay 72 qof oo ku dhintay rasaasta ciidamada Bashaar Al Assad ka dib markii ay u soo dibadbaxeen si nabadgelyo ah.

Jisr al-Shughour, 3-6 June 2011: – Ilaa 300 oo qof ayaa ku dhintay shaqaaqo ka bilaabantay aaska qof ku dhintay gacanta ciidanka qalabka sida. Waxaa rasaas lagu furay dibadbaxayaal aasayay maydka. Sidaa wararku tibaaxeen dadka halkaa ku dhintay waxaa ku jiray ilaa 120 ciidamda ah oo isugu jiray askar ay laayeen dad hubaysan oo iska caabinayay weerarka ciidanka iyo askar fara badan oo iyana ciidamadu u dileen amar-diiddo markii ay ku gacan saydheen in ay toogtaan shacabka aan hubaysnayn.
Jabal al-Zawiya, 19-20 December 2011: - Degaanka Jabal al-Zawiya ee gobolka Idlib ayaa lagu xasuugay 70 askar iyo saraakiil ah oo ka gadooday ciidamada xukuumadda.
Xumus, 3 February 2012: - Laga soo bilaabo 3dii February ilaa muddo bil ah ciidamada Bashaar Al Assad waxaa ay hareereeyeen Magaalada Xumus iyagaa oo halkaa ku laayay ilaa 200 oo qof oo u badnaa caruur iyo dumar.
Xumus, 12 March 2012: Maydka ilaa 45 qof oo maato ah ayaa laga helay degaanka Karmal Zeytoun oo ka mid ah degmada Xumus. Sida la sheegay dadkaas intooda badan gawrac ayaa labada dhegood loogu jiiday iyada oo qaarkoodna la gubay si aan loo aqoonsan maydkooda.
Taftanaz, 3 April 2012: - Ciidamada xukuumadda ayaa muddo labo maalmood ah weerar ku ekeeyay degaankaas oo ka mid ah gobolka Idliba. Sida uu sheegay weriyaha BBC, Ian Pannell waxaa uu indhahiisa ku soo arkay xabaal wadareed lagu guray dad ka badan 57 oo ay laayeen ciidamadu.
Xawla, 25 May 2012: – Tuulada Taldou, ee degmada Xawlo ayaa la sheegay in lagu fuliyay xasuuqii ugu foosha xumaa ee ciidamada xukuumadda iyo maleeshiyada ay is kaashadaan “Shabiixa” ay ku gumaadeen shacabka birmagaydada ah. Kooxda Ilaalada Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Suuriya waxaa ay soo xaqiijiyeen in ay indhahoodu ku soo arkeen maydka 108 qof oo haween iyo caruur u badan. Sida ay sheegeen Ilaaladu, dadkaas waxaa ay u geeriyoodeen xabbad afsaar ah oo lala beegsaday, isla markaana, qaar kale waxaa laga dooxay caloosha.
Xama, 6 June 2012: – 76 qof oo isugu jira caruur iyo haween ayaa iyagana halkaa lagu uur-dooxay.
Tremseh, 12 July 2012: – In ka badan 220 qof ayaa iyagana halkaa lagu laayay iyada oo markii hore loo adeegsaday duqaynta dayuuradaha ku duula joogga hoose, ka dibna ciidanka oo ku habaysan Taangiyo iyo hubka liidka dhexe ayaa si toos ah u galay tuulada, kuna galaalufay dad maato ah.
Sidaa darteed, dad badan waxaa ay qabaan Koffi Annan in uu yahay masuulka hoosaasiyay waxyeelada intaas dhan in ay soo gaadho shacabka cadaysimaha ah ee maalin kasta dhiiggoodu si gardarro iyo aabi ah u daadanayo.
Isku soo xoori, Koffi Annan mar saddexaad ayuu marag ka noqday mid ka mid ah xasuuqyada soo maray taariikhda adduunka tan iyo markii laga soo doogay Dagaalkii Adduunka ee 2aad. Haddaba, innaga oo ka war qabna labadii xasuuq ee hore Koffi Annan in uu ku mutaystay Abaalmarinta Billadda Nabadda “Nopel Price”, ma laga yaabaa tanna in uu ku kasban doono billad kale? Mise adduunka korkiisa manta waxaa la gaadhay xilligii qof kasta lagu abaalin lahaa waxii uu mudan yahay?
Khamiista, la soco Qirashada iyo kaalinta Koffi Annan ku lahaa Xasuuqii Rwanda ………

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 10 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top