__

 

SIYAASAD : By, OMER SULEIMAN ALI PDF Print E-mail
Sunday, 22 July 2012 21:20

Waxaa beryahan ay dhibaatadu badatay dhegahayga si xoog ah ugu soo dhacaya ereyga siyaasadda iyada oo lagu muransan yahay “siyaasad ayaa loo baahan yahay, hebel siyaaso meesha kuma hayo ama hebel waa laga siyaaso batay, hebel siyaasi ma aha, hebel waa siyaasi iyo

 

wax la mida”.
Dhaqan badan iyo hab nololeed fara badan oo aynu gumaysiga gaalada ka dhaxalnay wuxuu na weydaariyey jidkii xaqa ahaa ee Alle raallinimadiisa iyo naxariistiisa lagu gaadhi lahaa. Waxaan maqaaladaydii hor ugu soo sheegay in dawladnimada tahay mushrignimo, in gumaysigu yahay qof qof xukumo, in xornimadu tahay qofkii Alle xukumo iyo madaxnimadu tahay Ilaah sheegasho. Cidda intaas na bartay ma aha Alle iyo rasuulkiisa ee waa gaaladii na gumaysatay waana hab nololeed ku soo dhex barbaaray dad gaalo ah oo aan Alle iyo rasuulkiisa midna ogolayn.
Allena cj wuxuu noo sheegay sida ku cad aayaddan hoos ku xusan in aynu ku dhaqaanno wixii Eebeheen noo soo dejiyey ee aynaan cid kale oo madaxnimo noo sheegata aynaan wax ka qaadan waayo haddii aad ka qaadataan waxaa yaraanaysa inta aad Alle xasuusanaysaan.
أاتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلًا مَا تَذَكَّرُونَ(الأعراف 3).
Sida ku cad xadiiskan wuxuu rasuulka yidhi qofna kuma galo camalkiisa jannada ee wuxuu ku galaa naxariista Alle, markaas ayaa lagu dhahay ma adigana rasuul Allaw markaas ayuu ku jawaabay xataa aniga, hase yeeshee Alle ayaa anigu ku shubay naxariistiisa.
حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَارِبُوا وَسَدِّدُوا وَاعْلَمُوا أَنَّهُ لَنْ يَنْجُوَ أَحَدٌ مِنْكُمْ بِعَمَلِهِ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا أَنْتَ قَالَ وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ و حَدَّثَنَا ابْنُ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ جَابِرٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِثْلَهُ حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ حَدَّثَنَا جَرِيرٌ عَنِ الْأَعْمَشِ بِالْإِسْنَادَيْنِ جَمِيعًا كَرِوَايَةِ ابْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ وَأَبُو كُرَيْبٍ قَالَا حَدَّثَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ عَنِ الْأَعْمَشِ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمِثْلِهِ وَزَادَ وَأَبْشِرُوا (مسلم).
Jannada oo keliya ma aha waxa aan camalka lagu gelin ee waa wax kasta oo qayr ah if iyo aakhiraba, sidaas darteed ruux waliba waa in uu garanayo in uusan isagu awood uu wax ku keensado lahayn. Halkaas waxaa ka muuqata in uusan qofna awood u haysanin uu ku meel mariyo ujeedadiisa, qofkii rumaysan in uu isagu wixii uu doono meel marsan karo waa gaal ay la noqotay in uu Alle maamulka adduunka la wadaago. Sidaas darteed waxaa muuqata in uusan qofna awoodin in dhibaato isaga laftiisa ama cid kale haysata uusan waxba ka qaban karin in uu Alle la hoos galo mooyee. Sida ay tahay in Alle loola hoos galaana waa in isaga jidkiisa toosan loo maro, markaasna adiga oo jidkiisa toosan ku socda dejiso qorshe isagana ka sug in uu ku siiyo ama kuu diido. Ruux jidka Alle ku suganina qorshe baadil ah ma samaysanayo.
Marka waxay su’aashu tahay ruuxa in Alle qorshihiisa u meel mariyo mooyee aan isagu waxba meel marsan karin oo wax gacan ugu jiraa jirin siyaasadda uu yeelan karaa maxay tahay?
Ruuxa mu’minka ahi ma doonayo qorshana u dhigi maayo in uu madax cidna u noqdo in uu dawlad u noqdo madax iska dhaafe.
Jawaabta su’aashaas waxaan u dhigayaa sidatan, ma dhici karto in uu ruux mu’min ahi uu yeesho siyaaso uu ku gaadho madaxnimo dawladeed ama in uu madax u noqdo cidba. Halkaas waxaan u arkaa in ay siyaasaddu mararka qaarkeed noqonayso xaaraan iyo gaalnimo hufan.
Siyaasiga maanta Soomaaliya ka jiraa wuxuu qorshihiisa siyaasiga ah uu doonayaa in uu ku gaadho in uu Alle cadaabo. Waxaan sidaas u lee yahay wuxuu doonayaa in uu gaadho dan adduunyo oo uusan weliba hubin in uu gaadhi doono iyo in kale waayo waxay ku xidhan tahay ma aha gacan kale ee waxay ku xidhan tahay gacanta Allaha aanay wax dhibin.
Qofka siyaasadda isagu dejisanaya ee aan ku talada gelayn Alle ee dejista siyaaso ku disan qayaamo, dil, dhac iyo boob wuxuu la mid yahay qof aan Alle in uu go’aanka iska lee yahay rumaysnayn sidaas darteed wuxuu qofkaasi noqonayaa gaal marka siyaasiyiinta maanta ka jirta Soomaaliya dhammaan sow lama dhihi karo waa gaalo.
Wuxuu Alle sheegay sida ku cad aayaddahan hoos ku xusan oo macnahoodu yahay:
قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ وَلَا تَقْرَبُوا الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ(151).
Waxaad nebiyaw ku dhahdaa dadka kaalaya aan idiin sheego waxa uu Eebihiin idinkula dardaarmayo oo ah in aydaan isaga mooyee cid kale caabudin, labada waalid oo loo roonaado, in aydaan ubadkiinna u dilin wax la’aan waayo idinka iyo iyagaba annaga ayaa wax idin siinna, wixii ceeb ahna midda muuqata iyo mid qarsoon toona ha u dhowaanina, ruux Alle dilkeeda idinka xaaraantimeeyeyna si xaq ah mooyee si kale ha ku dilina, wuxuu sidaas idiinku dardaarmayaa in aad wax u kala fiirsataan(151).



وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَى وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ(152).
Hantida agoontana wanaag mooyee wax kale ha la ag marina inta ay ka qaan gaadhayaan, beegga iyo miisaankana si caddaalad ah u fuliya qofkana Alle ma saarin wax uusan qaadi karin haddii aad wax sheegaysaanna cadaaladda ku suga hadalkiinna si kasta oo ay dhibaato ugu sugan tahay dad qaraabo kuu ah amarka Allena fuliya sidaas ayuu Alle idin kula dardaarmayaa si aad u waasantaan (152).
Markii uu Alle labadaas aayadood ku caddeeyey wixii uu dadka kula dardaarmayey ayuu dhahay haddana waa kaas jidkayga lagu gaadho raallinimdayda ee isaga ii soo mara.
وَأَنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَنْ سَبِيلِهِ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ(153).
Waa kaas jidkayga toosani ee isaga qaada hana qaadina jidad kale oo jidkiisa idinka weeciya, waa taas dardaaranka Alle idin siinayo haddii aad  tihiin kuwo wax ku  qadanaya (153).
Inta uu Alle csj noogu sheegayo labada aayadood ee hore waa inta uu siyaasiga maantu sameeyo, aayadda 153aadna wuxuu Alle nagu dareensiinayaa in labada aayadood ee hore yihiin jidkiisa xaqa ah ee lagu gaadho raallinimadiisa, sidaas darteed ruuxii doonaya if iyo aakhiraba in uusan hoogin ha maro jidkaas.
Waxaan shaki lahayn in siyaasiga maanta uu ku socdo lidka aayadahaas sidaas darteed iimaanka wuxuu uga dhow yahay gaalnimo.
GUNAANAD.
Ma aha siyaasadda oo keliya camal kasta oo aan waafaqsnayn kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka waa xaaraan wuxuuna kugu ridayaa jidka gaalnimada oo ku dhammaada cadaabta Alle if iyo aakhiraba.
Sida aan uga soo hadlay maqaaladaydii hore Alle mooyee ma jiro madax kale sidaas darteed ruuxii sheegta in uu dad u yahay madax wuxuu la mid yahay ruux Ilaahnimo sheegtay ama ruux Ilaah ku haysta Ilaahnimadiisa xaqa ah.
DIGNIIN.
Waxaan culumada Soomaaliyeed uga digayaa in ay indhaha ka qarsadaan xaqa lagu tumanayo iyo gaalnimada,  ama nifaaqa ka socdo dhulka ay culumada u yihiin.
Waxaan kale oo uga digayaa siyaasiyiinta isu haysta in ay ku socdaan wax xaq ah in ay iyaga iyo xaqii kala jeesteen ee joojiya dagaalka aad ku soo bahaysateen gaalada iyo munaafaqiinta ee aad Allaah kula dagaalamaysaan, kuma guulaysan doontiin eh.
Siyaasaddu waxay dabada ku wadataa arrimo bara badan oo gaalnimo u dhow ee ka fogaada. Waana waxyaabaha ay gaaladu noo keeneen. Adduunku wuxuu ku kala socdaa jaangooyada Alle, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto. In uu qof ku aakhiro seego wax uusan isagu gacanta isugu haynin oo uu weliba ku doono jid aan kii Alle ahayn ee xaaraan ah waa maan gaabnimo. Waxaa la moodaa dhaqan qofkiisu uusan Alle iyo xisaab aakhiro toona rumaysnayn.
Waxaan dadka ka codsanayaa in haddii la ridinayo si xaq ah la ii ridiyo laakiin aan la iska caytamin.
Waxaan cadaabka Alle uga digayaa qofkii hadda ka hor ii soo qoray e-mailka uu ku sheegayo in uu uusan aakhiro doonayn ee uu adduunyo doonayo, wuxuu igu dhahay googleka aad wax ku qorto waxaa iska leh nin Yuhuud ah ee noo daa annagu gaalada iyo Yuhuudda ayaanu doonaynaa eh. Markaas ayuu dhahay Ilaahaw gaalada noo daa. Waxaan u arkaa ruuxaasi in uu naftiisa qatar geliyey haddii gaal yahayna ha is qabto haddii uu muslim isu qabana ha toobad keeno.
Waxa aan qorayo haddii ay diin ahaan qalad yihiin oo keliya ha la ii sheego laakiin yuusna qofku qof nacaybkiisa isaga hadlin waa arrin aan Alle agtiisa ku fiicnayn eh.

Waad mahadsan tihiin.
Digniinta waxaan ku soo gunaanadayaa labadan aayadood ee gaagaaban.  
وَمَنْ يَتَوَلَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا فَإِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْغَالِبُونَ(المائدة 56). كَتَبَ اللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ(المجادلة 21). 
56. Ciddii garabsata Alle, rasuulkiisa iyo mu’miniinta ayaa xisbiga Alle iyaga ayaan adkaanaya.
21.    Wuxuu Alle waajibiyey in isaga iyo rusushiisu adkaanayaan waayo Alle waa xoog weyne aanay wax dhibin.

By, OMER SULEIMAN ALI

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 46 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top