__

 

Boqor Cismaan Buur-madaw Oo Xariyadiisa loo Soo Celiyay Xalay Saqdii Dhexe Afar Bilood Kadib, Kana Hadlay Dareenkiisa PDF Print E-mail
Wednesday, 18 July 2012 17:37

Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madaw) oo mudo ka baddan afar bilood u xidhnaa rayigiisa iyo fakerkiisa siyaasadeed, ayaa xoriyadiisa  loo soo celiyay xalay saacadihii danbe. Kadib markii markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu saaray cadaadis

 

sii deynta Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ka mid ah Hogaamiye dhaqameedka ugu caansan Bulshada Soomaalida.
Boqor Cismaan oo koox suxufiyiin ahi kula kulmeen maanta gurigiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in xoriyadiisa loo soo celiyo, isagoo xusay in  xaaladiisa caafimaad aad u fiicantahay, isla markaana aanu wax dhibaato ah la kulmin mudadii uu xidhaan, isagoo yidhi, “waxan ahaa Nin Boqor ah oo dadkii  uu Boqorka u ahaa hayaan, dadka I hayayna waxay ahaayeen dadkaygii, caafimaadkaygana waad aragtaan illaahay mahadii oo wuu ku sii siyaaday mudadii aan xidhnaa”
Boqor Cismaan, wuxuu ka gaabsaday inuu fahfaahin ka bixiyo xadhigiisa,  wuxuuna sheegay inuu dib u dhiganayo hadalkiisa marka uu la tashado dadkiisa, balse wax uu sheegay inuu u mahadcelinayo cidkasta oo ka qaybqaadatay sii deyntiisa iyo cidkasta oo ka xumaatay, isagoo yidhi, “ hada diyaar uma ihi inaan wax baddan ka hadlo oo dib ayaan u dhiganayaa, balse waxaan u mahadnaqayaa Hay’addaha Caalamiga ee doorka weyn ka qaatay sii deyntayda, sida Amnesty International, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dawladaha iyo dublamaasiyiinta ka qaybqaatay inaan xoriyadaydii helo. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Madaxdhaqameedka Somaliland, siyaasiyiin,  ganacsatada,   bahda saxaafada  oo door weyn ka qaatay sii deyntayda iyo  qaybaha kale ee bulshada kale ee ka qaybqaatay hawshayda, qurbajooga Somaliland iyo cid kasta oo hawshayda ka qaybqaadatay, ama ka xumaatay xadhigayga.”   Ayuu yidhi Boqor Cismaan.
Boqor Cismaan Buur-madaw oo mudo afar bilood ka baddan ku xidhaanaa Xabsiga Hargeysa, ka dib markii ciidamada boolisku ka qabteen Madaarka Hargeysa 15 March 2012, waxaana  lagu eedeeyey qodobada 215 iyo 212 ee xeerka Ciqaabta, balse todobaadkii hore, ayaa lasoo geba-gebeeyay dhegeysiga dacwadiisa oo mudo ka socotay maxkamadda Gobolka Hargeysa, balse 8 July 2012, ayaa  lagu xukumay hal sano oo xadhig ah, iyadoo loo cuskaday qodobka 268, kaas oo aan wax xidhiidh ah la lahayn eedaha xeer Ilaalintu hor keentay Maxkamadda, isla markaana  aan ka mid ahayn qodobada lagu eedeeyay, balse garsooraha maxkamadda ayaa laalay labada qodob ee hore loogu eedeeyay Boqor Csimaan, wuxuuna ku riday xukun hal sano ah oo aanu sharaxaad ka bxiin, sababta uu ugu cuskaday, waxaana maalin ka dib loo wareejiyay xabsiga Mandheera.
Talaabada ay qaaday xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo, ayaa keentay inay  Baaqyo Caalami ah ay ka soo saaraan Hay’adaha Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku, gaar ahaana Amnesty International oo daabacday Warbixin dheer oo xukuumadda ku Eedaysay inay boqorka iyo Xorriyatal qawlkaba ku gaftay kasoo saartay 12 July 2012, iyadoo kaga dalbatay xukuumadda in shuruud la’aan loogu siidaayo Boqor Cismaan sida ugu dhaqsaha baddan, taas oo sababtay in xalay saacadihii danbe lagu sii daayo cafis Madaxweyne.
Sidoo kale Culaysyo Dublamaasiyadeed ayaa meelo kala duwan oo Dawladdaha Caalamka ah ka soo food saaray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo la rumaysanyahay inay  sii deynta Boqor Cismaan oo ay beesha caalamku u aqoonsantahay hogaamiye nabadeed oo loo xidhay fekerkiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa uu siiyay dastuurka Somaliland. sida ay ku xustay baaqeeda Amnesty.  
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo  iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen ku dhaliili jiray Xukuumadihii ka horaysay ee Daahir Rayaale ayaa u xuub-siibtay cabudhinta xorriyatul qawlka, waxaanay si isdaba joog ah xabsiyada u dhigaan cid kasta oo dhaliisha maamulkooda, isla markaana waxay talaabooyinkaasi iftiimiyeen inuu dhicisoobay balanqaadkii ahaa inay garsoorka iyo cadaaladda wax ka qabayaan oo ka dhigayaan mid ka madaxbanaan, balse talaabooyinka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday ee la xidhiidha cabudhinta xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida garsoorka ee beenoobay, ayaa hada noqday kuwo ay hoosta ka xariiqeen haya’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi-socodka  dumuqraadiyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 49 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top