__

 

Hay’adda Caalamiga Ah Ee Amnesty Oo Si Adag Uga Hadashay Xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw Uguna Baaqday Xukuumadda Somaliland Inay Shuruud La’aan Kusii Deyso PDF Print E-mail
Saturday, 14 July 2012 12:49

Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-madaw Oo Markii U Horaysay La Dhegeystay,Dooddii  Qareenada  Difaacayay Iyo Dareenkii Ku Xeernaa London(ANN)Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa si adag uga hadashay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud ay  dawlada Somaliland kula kacday, waxayna ugu baaqday inay si deg-deg ah oo aanay shuruudi ku xidhnayn u siidayso

//

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madow) oo 8-dii bishan lagu riday xukun hal sano oo xadhiga ah, ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay masuuliyiinta Qaranka
Hay’adda Amnesty International, waxay sheegtay inay xukuumadda Somaliland hore ugu dirtay qoraal ay sheegtay inay ku dalbatay in Boqor Buur-madow xoriyadiisa loo soo celiyo, balse aan ilaa hadda xukuumaddu aanay wax jawaab ah ka siinin codsiyadaa hore oo ay kka dhega-adaygtay.
War-bixin dheer oo Hay’adda soo saartay Khamiistii doraad 11 July, waxay ku sheegtay in Boqor Buur-Madow xukunkiisa loo adeegsaday qodobo laga soo dheegay xeerka habka ciqaabta guud, kaasi oo ka soo horjeeda xoriyada hadalka oo Amnesty sheegtay in qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland muwaadiniinta u damaanad qaaday xaqa fekerka iyo rayi dhiibashada.
War-bixinta hay’adda oo ka hadlaysa doorkii Boqor Cismaan ee arrimaha nabada mandaqada iyo doorkii ay ku lahayd sii deyntiisa dalka Imaraadka carabta markii lagu xidhay sanadkii hore oo ay lug ku lahayd xukuumadda Somaliland, waxa warbixintaa oo dhamaystiran lagu yidhi sida:-“Amnesty International waxay ugu baaqeysaa xukuumadda Somaliland inay si deg-deg ah oo aanay shuruudi ku xidhnayn u soo dayso Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madow), oo si khalad ah u xidhan”
Hay’addu waxay muujisay sida ay uga warwarsan tahay xaaladiisa caafimaad, tan iyo markii loo dhaadhiciyey jeelka Mandheera oo ay ka dayrisay isla-markaana sheegtay inuu sii kordhinayo war-war laga qabbo khatar caafimaad oo ku timaada “9-kii July, ka dib xukunkiisa, waxa laga wareejiyey xabsiga Hargeysa, waxaana loo wareejiyey jeelka Mandheera oo Hargeysa u jira 70KM, kaasi oo xaaladiisu xun tahay, tanina waxay sii kordhinaysaa wararka laga qabbo caafimaadkiisa, taasi oo aanu hore u ogeysiinay dawlada somaliland”ayay tidhi hay’adda xuquuqal Iisaanka ee Amnesty, iyadda oo sheegtay in Boqor Buur-madow qabbo xanuunka dhiig karka oo ay sheegtay in bilooyin ka horba loogu qaaday dalka isku tagga Imaaraadka Carabta “Haddii boqorka si deg-deg ah loo siidaayo wuu raadsan karaa caafimaadka uu u baahan yahay, haddiise uu xadhigu ku dheeraado xukuumadda Somaliland iyadda ka masuul ah oo damaanad qaadanaysa caafimaadkiisa”
Warbixixntan oo dhamaystiran oo uu turjumay Garyaqaan Xasan Cali Xasan waxay u dhignayd sidan:-
Ururka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (Amnesty International)
Odhaah Caam ah (Public Statement)
12 July 2012
AI Index: AFR 52/007/2012
Waa Baaq Si Rasmiya Loo Faafiyey oo Amnesty International Ugu Baaqayso Dawlada Somaliland Inay sii deyso, Maxbuus u Xidhan Ra’yigiisa
Somaliland: Hala Siidaayo Maxbuus Ra’yigiisa u Xidhan
Ururka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Amnesty International waxay ugu baaqaysaa madaxda Somaliland inay si deg-dega oo bilaa shuruud ah usii dayaan Hogaan Dhaqameedka Boqor Cismaan Maxamuud Buur-Madow, kaasoo ah maxbuus ra’yigiisa u xidhan. Amnesty International waxa kale oo ay ugu baaqaysaa madaxda Somaliland in la baabiiyo xukunka  lagu riday Boqorka, oo 8dii bisha July lagu xukumay hal sano oo xadhig ah kadib markii loo cuskaday inuu “caayey sarkaal dawladeed”.
Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow wuxuu xidhanyahay ilaa bishii Maarij 15keedii 2012, isagoo laga qabtey madaarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu kasoo laabtey dalka Imaaraadka Carabta. Arinta lagu xidhay Boqorku waxay ku saabsantahay dhaleecayn uu u jeediyey safar uu Madaxweynaha Somaliland ku tagey dalka Shiinaha sanadka 2011dii.
Amnesty International mar hore u dirtey warqad ku socota madaxda Somaliland ugna baaqday in la siidaayo, laakiin ilaa maanta wax jawaaba lagama hayo. Amnesty International waxay ku cadeysay qoraalkeedaas in la xidhay dacwad ciqaab ahna loogu oogayo iyadoo waxa uu sameeyey kaliya ay ahayd inuu isticmaalay xaqiisa xoriyatul qowlka kaasoo uu dammaanad qaaday qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo waliba qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (Universal Declaration of Human Rights).
9kii July, maalin uun kadib markii la xukumay, Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa laga qaaday magaalada Hargeysa lana geeyey xabsiga Mandheer oo ilaa 70km u jira Hargeysa, xabsigaasoo la sheegay inuu yahay mid adag. Waxanay sii kordhinaysaa cabsidii laga qabay xaaladiisa caafimaad, oo Amnesty Internationalna sida arintu tahay ugu baraarujisay madaxda Somaliland. Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa ka go’day daawada dhowr bilood ka hor taasoo looga soo qoray dalka Imaaraadka Carabta  si uu ula tacaalo dhiig-kar iyo xanuuno kale. Waxaa haboon in si dhakhso ah loo siidaayo si uu u helo daryeelka caafimaad ee uu u baahanyahay. Inta uu xabsiga ku suganyahayna, madaxda Somaliland waxaa waajib ka saaranyahay inay xaqiijiyaan inuu helay daryeel caafimaad oo ku haboon.
Amnesty International waxaa kale oo ay warwarqabtaa adeegsiga dacwad ciqaab ah iyadoo Boqorku keliya isticmaalay xaqiisa xoriyatul qowlka. Markii u horeysay waxaa lagu eedeeyey dembiga ah “dhaqdhaqaaqyo ku lid ah qaranka ee muwaadin jooga dalka dibeddiisa”  iyo “kacdoon iyo dhawaaqyo qaranka ku lid ah” oo lala akhriyo “denbiyo socda”  kuwaasoo dhamaan ah dembiyo ku xardhan Xeerka Ciqaabta Somaliland yaalla, laakiin 8dii bishii July, garsoorihii dacwadda qaaday wuu laalay qodobadaasi waxaanuu bedalkooda cuskaday “Caayitaan Sarkaal Dawladeed”, kaasoo ciqaabtiisu tahay lix bilood ilaa laba sanadood oo xadhigga sida ku cad qodobka 268aad Xeerka Ciqaabta.
Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Heerarka u degsani waxay si cad u dhigayaan in xaqa Xoriyatul Qowlka ay ku jirto dhiibashada aragtida siyaasadeed. Xadidaad kasta oo lasaaro isticmaalka xaqaasina waxa qudha oo lagu oggolaankaraa ujeedooyin sugan oo cad-cad sida: (ilaalinta nabadgelyada qaranka, caafimaadka guud iyo dhaqanka toosan, ama ilaalinta xuquuqaha ama sharafta dadka kale), waxaana waajibba in xadidaadu waafaqsantahay baadhis sugan iyo baahiyo la dabaqi karo iyo isudheelitirnaan iyo inaaney xadidaadu keenin in lagu tunto xuquuqda lafteeda. Siyaasiyiinta ummadu waa inay yeeshaan dulqaad aan ka yarayn ka dadka caadiga ah si ay u xamilaan dhaleecaymaha loo jeediyo. Sidoo kale sharuucda sida gaarka ah loogu ilaaliyo dhaleecaynta madaxda dawladdu ma waafaqsanna dhowrista xaqa xoriyatul qowlka.
Dacwadda ka dhanka ahayd Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow waxaa kharibay nidaamdarooyin ay Amnesty International rumaysantahay in la siyaasadeeyey. Dhawaan, xeerilaalintu waxay ka rafcaan qaadatey xadhiga Boqorka lagu xukumay 8dii bisha July, si ay uga joojiso Boqorka inuu xadhiga ganaax ugu badesho uu xabsiga kaga soo baxo, taasoo uu u oggolyahay qodobka 109 Xeerka Ciqaabta in lacag lagu bedasho xadhiga ka yar hal sanno.
Warqadda Amnesty International u dirtey madaxda dawladda waxay ku sheegtey in Boqorku garsuge ahaa 40 maalmood oo ka soo wareegtey maalintii la xidhay dacwadda ka hor, waxa kale oo warqadda lagu xusay in xukumadu farogelin ku hayso dacwadda iyo in la isku dayey cago jugleyn ka dhan ah qareenaddii Boqorka metalayey.
Taariikh
Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow, waa 45 jir, waana madax-dhaqameed kasoo jeeda Jamhuuriyadda labaxday Somaliland ee Waqooyi Galbeed Somaliya, kaasoo markii hore ku lug lahaa dhexdhexaadimo nabadeed oo maxalli ah. Amnesty Internationalna waxay u qaadaysaa cabasho isaga loogu hadlayo kadib markii lagu xidhay Imaaraadka Carabta (UAE), halkaasoo uu degannaa, bishii Noofember 2011, waxaana uu ku jiray xabsi qarsoodi ah ilaa siidayntiisii bishii January 2012 (Eeg baaqii degdega ahaa ee Amnesty International soona baxay 5tii bishii Jeenaweri 2012, ka akhri bogga: "http://www.amnesty.org/en/library/info/MDE25/001/2012/en" target="_blank">http://www.amnesty.org/en/library/info/MDE25/001/2012/en). Warbixinta aad boggaas ka heli doonto waxay sheegaysaa in dawlada Imaaraadka Carabtu Boqorka ku xidhay codsi uga yimid madaxda Somaliland, waxaana cad inuu dhaleeceeyey Madaxweynaha Jamhuuiryadda Somaliland.
xadhiga Boqorka, dacwadda lagu oogay iyo xukunka lagu ridayba waxay dhacayaan xilli ay isasoo tarayaan cabudhinta xoriyatul qowlka iyo saxaafadda gudaha Somaliland. Intii u dhaxaysay Jeernaweri ilaa Juun 2012, daraasiin suxufiyiin ah ayaa si sharci daro u xidhxidheen xoogaga nabadgelyada Somaliland, iyadoo lagu salaynayo maqaalo ay qoreen ama warbixino ay faafiyeen. Halka inta badan ay u xidhnaadaan maalmo yar gudahood, haddana xadhigaasi waxaa laga lahaa in lagu horjoogsado isticmaalka xoriyatul qowlka ee Somaliland. Waxaa intaas dheer, in ugu yaraan laba suxufi la xidhay bishii Feebarweri 2012 loona geystay dhaawacyo culus kadib markii ay garaaceen iyagoo xabsiga ku jira xubno xoogaga nabadgelyda Somaliland ka tirsan, waana la qaaday si loogu soo daaweeyo meel ka baxsan Somaliland. Ogaalka Amnesty International marka la eego, wax baadhitaanna laguma samayn garaacista lagula kacay suxufiyiintaasi cid eeda la saarayna majirto.

//

http://www.amnesty.org/en/library/info/AFR52/007/2012/en



Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 14 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top