__

 

Baanka Dahabshiil, Xawaaladda iyo Isgaadhsiinta SOMTEL Oo Adeegyo Muhiim Ah Kaga Qaybgalaya Carwadda 2-aad ee Ganacsiga Somaliland PDF Print E-mail
Saturday, 07 July 2012 20:40

Hargeysa (ANN) Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkadaha ka qaybgalaya carwada 2-aad ee ganacsiga Somaliland oo shalay ka furantay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa halkaasi ku soo bandhigay adeegyo muhiim ah oo

 

dadweynaha loogu talogalay.
Dahabshiil Group oo carwada kaga qaybgalaya afar qaybood oo kala ah shirkadda telefoonnada ee SOMTEL, Bangiga Dahabshiil, Xawaaladda iyo qaybta sarrifka lacagaha, ayaa muddada carwadu socoto waxay mid waliba bixinayaa adeegyada ay ka shaqeeyaan oo qiimo jaban shacabka lagaga iibininayo iyo kuwa si bilaash ah loogu fulinayo.
Shirkadda SOMTEL waxay carwada keentay adeegyada ay shaqayso ee qaybaha Internetka xawaare dheereeya ah iyo telefoonada oo isugu jira moobilo, kaadhadhka (Sim Cards), kuwa lacagta laga shubto, telefoonada laymamka iyo adeegyadiisa, kuwaas oo ay ku samaysay qiimo-dhimistii ugu ballaadhnayd. Qaybta xawaaladda Dahabshiil ayaa iyadu carwada ka qaybgashay adeeg ay hay’adaha iyo ganacsatada ugu samaynayso inay mushaharka shaqaalahooda ku siiyaan, iyagoo lacagta loogu shubayo akoonyadooda, waxay kale oo si bilaash ah ugu samaynaysaa akoonyada lacagta la dhigto dadka aan hore u lahayn ee ay u suurtogeliwayday. Waaxda sarrifka lacagta ee Dahabshiil ayaa iyaduna waxay carwada kaga qaybgalaysaa sarrifka guud ahaan lacagaha kala duwan ee adduunka laga isticmaalo si qof kasta loogu fududeeyo inuu wax ku iibsan karo lacagta uu sito.


Sidoo kale, Bangiga Dahabshiil ayaa carwada kaga qaybgalaya dhiirigelinta maalgashi dibadeed iyo mid gudaha ah oo dalka lagu sameeyo iyo weliba inuu ganacsada reer Somaliland u fududeeyo inay dunida la macaamilaan, isla markaana uu ka caawiyo isku xidhka ay la yeelanayaan adduunyada. 
Dhinaca kale, Maareeyaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo khudbad ka jeediyey xafladdii lagu furay carwada ayaa ka warramay faa’iidada carwooyinku u leeyihiin horumarinta ganacsiga iyo kala faa’iidaysiga ganacsatada. Waxa kale oo uu u mahadnaqay cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgelinta carwada iyo ganacsatada kala duwan ee ka qaybgalay.


“Carwadan oo ah tii 2-aad waxaan u arkaa inay muujinayso xilka iyo hawsha ay ganacsatadu ummadda u hayaan oo ay ku muujinayaan waxyaabaha ay dalka ku soo kordhiyeen, waananu soo dhawaynaynaa ganacsatadaas wadaniga ah iyo kuwa ajanabiga ah ee dalka dibadiisa ka timidba, maxaa yeelay shaqo abuuristu waxay ka mid tahay waxyaabaha mustaqbalka waddanka aadka u dhisaya oo wax alaala wixii shaqo abuurista keenaya waxaan u arkaa inay mihiim inoo tahay,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
“Shirkad ahaan Carwadii tan ka horaysay aad ayaanu uga qaybqaadanay qabsoomideeda, Carwadan 2-aad lafteeda waanu ka qaybqaadanay ama aannu dhaqaale ahaan ku soo bandhigno ama shaqooyinka aannu hayno aannu ku soo bandhignee, haddii ay tahay xaga Dahabshiil Banka ama ha noqoto Somtel ama ha noqoto ganacstada kale ee waddanka ee aannu la shaqaynoba, run ahaantiina waa noo sharaf inaanu shirkad ahaan ka qaybqaadano labada Carwaba.”
Maareeyaha Dahabshiil Group waxa uu dhiirigeliyey ganacsada yaryar iyo dadka doonaya inay baayac-mushatari abuuraan, isagoo tusaale u soo qaatay ganacsade dalka gudihiisa waqti kooban kaga midho-dhaliyey hamigiisii waxaannu yidhi, “Waxaan ku dhiirigelinayaa qofkii ganacsade ah ama kuwa doonaya inay noqdaan ee maanta halkan u yimi inay daawadaan ganacsatada kale ee ka qaybqaadanaysa Carwadan in aanay ka baqin wixii ay doonayaan inay fuliyaan oo aanay ka niyad jabin, waana inay rumaysnaadaan wax kasta oo aad ku dadaashid ama aad si daacadnimo ah uga shaqayso ama aad dadaal gelisidba in la qaban karo. Maalin dhawayd waxa xafiiska iigu yimi nin ka mid ah ganacsatada Carwadan ganacsigooda ku soo bandhigaya oo ii sheegay inuu $100 ku bilaabay baayac-mushtarigiisa muddo laga joogo 10 sanno ka hor, maantana waa ka mid shirkadaha waawayn ee xafladan jooga, run ahaantii aad ayey ii dhiirigalisay ninkaa odayga ah oo aan dalka dibadiisa tagin inuu dalka gudihiisa baayac-mushtariga intaas le’eg ka sameeyo. Markaa arrintaasi waxay muujinaysaa qofku haddii uu dadaalo oo uu rumaysnaado inuu horumarka intaas le’eg gaadhi karo waa mid uu ku guulaysanayo riyadiisa.”


Waxa kale oo uu ballanqaaday in Dahabshiil wax la qabanayso cid kasta oo doonaysa inay ganacsigooda kaga shaqeeyaan hawlaha shirkaddiisu qabtaan, “Shirkadda Dahabshiil aad iyo aad ayey u soo dhawaynysaa cidii doonaysa shaqooyinka aanu qabano ay isticmaalaan iyaga oo ganacsigooda ku sii ballaadhinaya ha noqoto dalka gudihiisa ama dibadiisaba, wax allaale wixii taageero ah ee aannu la qaban karno ganacsatada diyaar ayaanu u nahay, haddii ay tahay adeegyada aanu qabano iyo haddii ay tahay lacagaha aannu dibada ugu dirayno ama haddii ay tahay adeegyada isgaadhsiinta ee la xidhiidha tilifoonada casriga ahba oo dhammaantood qofka u fududaynaya inuu ganacsado,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Maareeyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 7 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday
Xuska Sanad Guuradii 11aad ee Geerdii Madaxweyne Cigaal iyo Taariikhda Faca wayn ee uu lahaa, Qalinkii: Muna Ibrahim Adan
v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);} 800x600 Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun 02 May 2013, 09.36 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun
Abwaan C/laahi Macalin Axmed, (Dhoodaan), 1941 kii ilaa 2013
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Oo U Xuubsiibtay Abwaan Gabaygii Labaad Oo Isugu Jira Dardaaran Iyo Dhaleecayn Ee Uu Tiriyay Halkan Ka Akhri
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar kale soo tiriyay tix kale oo Gabay ah, iyadoo dhowaan si lama filaan ah Wasiir Xirsi oo ka mid ahaa Wefdiga Madaxweynaha Somaliland munaasibad Magaalada London

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top