__

 

Xisbiga Kumliye Oo Taageeradii Ugu Balaadhnayd Kusoo Dhaweeyey Musharax U Tartamaya Doorashada Golayaasha Deegaanka PDF Print E-mail
Thursday, 28 June 2012 14:39


Hargeysa (ANN) Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey murraxshimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  oo xisbiga tallada haya ee KULMIYE uga qaybgelaya tartanka doorashada golaha degaanka caasimadda Hargeysa, ayaa lagu qabtay saaka  hudheelka Maansoor ee

magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE,  Maxamed Kaahin, Xoghayaha Guud ee KULMIYE,  Xasan Siciid Yuusuf, maareeyaha xafiiska samofalka madaxtooyadda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, maamulka xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, cuqaal, madaxdhaqameed iyo kumaan qof oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo dadweynaha taageerayaasha ahi buux dhaafiyeen hoolka ugu ballaadhan hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha gobolka Marood-jeex ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Khadar Cabdi Xuseen oo ugu horayn xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), isagoo tilmaamay inay xisbi ahaan iyo gobol ahaanba aad ugu faraxsan yihiin murrashaxa da’da yar ee taageerada haysta ee ay xafladda u qabteen.
Waxa isaguna halkaas hadal ka jeediyey Xildhibaan Yuusuf Kirix oo xafladaas kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay murashaxa Cabdiraxaman Maxamuud Caydiid (Soltelco.
“Anigu waxaan ahaan xildhibaankii berigaas xisbiyada la dooranayey, anigu anigoo yar baan halgankii dalka ka qaybgalay oo magaalada Hargeysa xinjirahaygii baa yaal, waxaan sidaa u samaynayeyna waxa uu ahaa waxan quruxda badan ee aynu helnay maanta oo ah dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo nabadda,” ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Kirix


“Waxa aan maanta halkan u soo joogsaday waxay tahay anigoo goostay , waxaanan goostay in aan anigu tanaasulo oo aan ku wareejiyo Cabdiraxmaan Soltelco oo carruurtayda la da’ ah,” ayuu yidhi Yuusuf Kirix oo caddeeyey inuu xildhibaanimadii iyo hankiisii ku wareejiyo Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo xisbiga KULMIYE uga qaybgelaya tartanka doorashooyinka golayaasha degaanka Hargeysa, isagoo xusay in dadweyne badan oo uu ku tabcay mudadii uu xilka hayey oo ahaaa dadka laga tirade badanyahay  iyo ganacsatada bacadlaha oo diyaar u yihiin inay  codkooda siiyaan murrashaxa Cabdiraxmaan Soltelco.
Waxa isaguna xafladaas ka hadlay Cabdikariin Axmed Mooge oo ku hadlayey magaca dhallinyarada, kaasoo tilmaamay inay farxad u tahay inuu loo igmaday inuu metelo dhallinyarada Hargeysa iyo saaxiibada badan ee Cabdiraxmaan Soltelco ku leeyahay Hargeysa iyo guud ahaan ba Somaliland, isagoo tilmaamay in Cabdiraxmaan Solteco metelayo aragti cusub oo dalka iyo dadkaba wax u qaban kara, waxaannu xusay in dadku codkooda siiyaan murrashaxiin aragti fog leh oo danaynaya inay caasimadda Hargeysa ka dhigaan magaalad u qalanta caasimadda oo la jaanqaada kuwa dunida.

Maareeyaha xafiiska Samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa si guud ugu mahadnaqaday guud ahaanba ka qaybgalayaasha xaflada loo sameeyey murrashax Cabdiraxmaan Soltelco
“Waxaan aad ugu faraxsanahay murrashaxa da’da yare e muujiyey hankiisa siyaasadeed, waxaanan aad ugu hambalyeynaa Yuusuf Kirix oo caddeeyey inuu u tanaasulay walaalkii Cabdiraxmaan Soltelco oo aan hubo inuu codka heli lahaa haddii uu is sharixi lahaa,” ayey tidhi Aamina Maxamuud Diiriye, iyadoo xustay in Cabdiraxmaan Soltelco xoog badan iyo xooloba geliyey sidii uu KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashadii madaxtooyadda, waxayna tilmaantay in marka la eego sidda loogu soo baxay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Soltelco uu guusha haysta, si fiicana doorashada ugu soo bixi doono.

“Waxaannu doonaynayaa in 25 xildhibaan ee golaha deegaanka Hargeysa loo dooranayaa ay noqdaan kuwo lexejeclo leh oo aan u iman inay hanta ka samaystaan, waxanan kula dardaarmayaa inay noqdaan kuwo caasimadda bilicdeeda sare u qaada.”

Guddoomiyaha garabka haweenka gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE oo iyaduna xafladaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, isla markaana soo dhawaynayaan murrashaxa Cabdirmaxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Caaqil Cabdirisaaq Axmed Caqli oo caddeeyey inuu  raacsan yahay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Soltelco iyo sidii cod loogu soo saari lahaa, isagoo tilmaamay in si qurux badan loo soo saaro murrashaxa da’da yar ee taageerada xad-dhaafka ah haysta, waxaanu ku baaqay in doorashada la soo sharaxo dad xilkas ah oo wax u qaban kara dadkooda iyo dalkooba.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si diiran ugu mahadnaqay dhammaanba ka qaybgalayaasha xafladda loo sameeyey murrashaxa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo uu tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin murashaxnimadiisa, isagoo tilmaamay inay saaxiibo dhaw yihiin Cabdiraxmaan Soltelco oo uu ku sifeeyey inuu yahay nin yar oo hadana weyn, marka loo eego axlaaqdiisa, dhaqankiisa, kartidiisa iyo hawlkarnimadiisaba, iyadoo ay tahay in qofka lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isagoo tilmaamay inuu intaas oo dhan uu leeyahay murrashaxa Cabdiraxmaan Soltelco.

“Qofka waxa lagu qiimeeyaa marka hawl loo dirayo sida murshaxnimada oo kale afkaartiisa, markaa waxan leeyahay Cabdiraxaam waa shaqsi ka xoroobay afkaarta qabiilnimada, ninjelclaysiga, waxaanan aad ugu faraxsanahay inuu Cabdiraxmaan Soltelco ka mid yahay raggii igu dhiiriyey xilka aan hayo ee xoghayaha KULMIYE, aniguna waxaan ka mid ahay dadkii Cabdiraxmaan ku dhiirigeliyey inuu maanta isku sharaxo golaha degaanka Hargeysa isagoo aan markaas diyaar u ahayn.”
Waxa Xoghayah Guud ee KULMIYE sheegay in Hargeysa ay xilligan ooyeyso oo ay raadinayso dadkeedii ka nadiifin lahaa qashinka, boodhka iyo nadaafad-darrada, “Waxay Hargeysa leedahay maxaa ku dhacay dhirtaydii hadhaca ahayd ee aan kula magac baxay caasimaddii hadhka ahayd, imika waxay Hargeysa la ooyeysaa in loogu magac-darro caasimaddii boodhka lahayd ee xashiisku buuxay, markaa Hargeysa waxay u baahan tahay rag iyo dumar duco qabayaal ah oo wax ka beddela sida ay maanta tahay, Hargeysa uma baahna habarqabayaal u haliila inay cunaan dhulka danta guud, waxa KULMIYE doonaya inuu soo sharaxo dadkii duco qabayaasha ahaa oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, waxaan dadka ka codsadanayaa inay so sharaxaan ragga kuwa ugu wanaagsan, dumarka kuwa ugu wanaagsan hadii kale Hargeysa sidaas ayuun bay u ooyi doontaa,” ayuu yidhi Xogyaha Guud ee KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf.


Musharrashax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Isaguna xafladaas   hadal ka jeeidyey oo mahadnaqa ballaadhan u jeediye madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo uu sheegay inuu sabab u ahaa murrashaxnimadiisa, maadaama oo uu uga tanaasulay
Maanta ma ihi nin ka shaqaysana ee waxaan ahay nin u shaqaynaysa, waxan ka shaqayn doonaa bilicda magaalada, waxaynu ognahay in caasimaddu bilaa dhir tahay, waxan idiin sheegaa inaa dhir badan ku beeri doono caasimadda, Hargeysa, waxaan idiin ballanqaayaa inaan samayn doono wado-biyoodyo si biyuhu si fiican uga baxaan magaalada oo aanay waxba yeelin waddooyinka, waxaan idiin ballanqaadayaa in inta aan joogo aan la cuni doonin dhul dambe oo dan guud, waxaynu ognahay in caasimaddu habeenkii madaw tahay, waxaan u samayn doonaa laydhka ku shaqeeya qoraxda, waxaan samayn doonaa hananan ay ku shaqeeyaan basaska caruurta qaada, waxaan u samayn doonaa in degmo waliba si iskeed ah isku maamusho,” ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin oo halkaas ka hadlay, ayaa si diiran uga mahadnaqay martiqaadka lagu soo martiqaaday xafladda.
“Waxaannu soo dhawaynaa murrashaxa ay soo sharaxday qayb ka mid ah dadka deegaanka ee  karaamada aadka ugu leh ku leh caasimadda Hargeysa, aad baanan raali uga nahay, waxaan leeyahay go’aankii uu qaatay xildhibaan Yuusuf Kirix nacasku ma qaato ee nin rag ah ayuubaa qaata, waxayna muujinaysaa ragganimada Xildhibaan Yuusuf Kirix, waxaannu idinkula ballamaynaa sidaa xafladdu u qurux badan tahay iskugu duubnaa oo sidaas oo kale codka ku siiya Cabdiraxmaan, halkaasna ka sii wada hawshii aad soo gasheen iyo sidii aad u taageerteen, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad hawsha la gashaan Cabdiraxaam Maxamuud Caydiid oo ku dedaashaan sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadda,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.


Samo Talis News Hargeysa Somaliland
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 8 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top