__

 

Xaalladda Xabsiga Gebilay Oo Laga Dayriyay, Duruufaha Haweenka Ku Jira, Nollosha Ay Ku Noolyihiin Iyo Dhaqamada Yaabaka Leh Ee Haweenka Maamula PDF Print E-mail
Wednesday, 27 June 2012 16:59

Gebilay(ANN) Xaalladda  Haweenka ku jira xabsiga Gebilay, ayaa laga dayriyay. Kadib markii dersin haween ah oo  ka mid ahaa ku dhowaad konton Haweenka ku jira xabsigaa lasoo daayay, kuwaas oo kusoo baxay cafis uu fidiyay Madaxweynaha Somaliland

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhawr todobaad ka hor.
Qaar ka mid ah Haweenka kasoo baxay xabsiga, ayaa u sheegay Carraale M. jama oo ah weriye ka tirsan shebekadada Araweelonews oo la kulmay todobaadkan inay xaalada nololeed iyo caafimaad ee haweenka ku jira xabsiga ay liidato, isla markaana ay haweenkaasi la kulmaan dhibaatooyin dhinaca daryeelka , Nolosha iyo  caafimaadka oo ay haysato daryeel la’aan, taas  oo khilaafsan shuruucda dalka ee maxaabiista iyo kuwa caalamigaba.
“Canab Guure waa Hooyo xabsiga ku dhashay, waxay haystaa ilamayar oo sanad iyo dhawr bilood jiray, waxa laga soo xidhay dhinaca Wajaale, waxay awoodi weyday inay kacdo nafaqa daro darteed, mana arkaan haweenka ku jira xabsigaasi dhakhtar, waxay ku jiraan sadex qof oo yar yar, waxayna u rasaysan yihiin sida raashinka. Sadexda waqti waxa la siiya  subaxdii xabad Roodhi ah iyo Shaah, waana ta ugu fiican, Duhurkii waxa la siiya Malgacad bariis ah oo cad, habeenkiina Malagacad garaw ah, mana aanu arag mudadii aanu xabsigaa ku jiray maalin keliya Hilib, waxaana Xoolaha xabsiga loogu tala galay ee lagu caawiyo, ama ay Haya’dduhu siiyaan iska maamusha oo dhaqda masuulka xabsiga oo lagu magcaabo Diiriye, kaas oo Garawga maxaabiistana  ku quudiya xoolahaa oo ku xereysan xabsiga dhexdiisa.” Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah haweenka kasoo baxay xabsiga oo ka gaabsaday in la baahiyo magacooda sababo cabsi awgeed.
Sidoo kale waxay sheegeen warbixinaha laga bixiyay xabsiga in haweenka xabsiga ku qoran ee Askarta ahi yihiin 21 Dumar ah, balse 6 ka mid ah keliya ka hawlgalaan, “ way adagtahay inuu qofku sanado, ama xataa bilo ku noolaado, malgacad bariis ah iyo xabad roodhi ah, wuxuuna u dhimanayaa nafaqa daro, mana loo ogola inay dhakhtar arkaan, waxay u kala gogol wweyn yihiin dumarka ku xabsigu siday u kala lacag baddan yihiin, waxayna dhakhtar ula kulmi karaan siday u kala lacag baddan yihiin. Haddii ay laba ka mid ah dumarka Maxaabiista ahi is khilaafaan, waxa laysugu  saaraa debeda, waxayna haweenka askarta ah ee xabsiga haystaa diaan  oo garaacaan labadaa dumarka ah ta laga adkaado. Waana arrin aad u foolxun.” Ayay yidhaahdeen xoggaha warbixinta dumarkaasi.
Waxa kale oo ay sheegeen inaan wixii cabasho ah ee ay haweenka maxaabiista ahi qabaan loo gudbin, tusaale ahaan ayay yidhaahdeen “Xamda Maxamed , waa gabdh haysta wiilyar oo jiray sagaal bilood, waaxay ku dhashay xabsiga, Aamina Cali oo Hooyo u ah Xamdana, waxay kula jirtaa xabsiga, waxaana ka dhamaaday xukunkii. Laakiin waxa loo hasyataa ganaax dhawr milayan oo Somaliland ah, dhawr goor ayaanu isku daynay inaanu xaaladooda ka hadalno, anagoo ilawsan taayada. Laakiin waxa diiday inay gudbiyaan cabashadooda haweenayda xabsiga haysata. Sidaa dareteed waad qiyaasi kartaa dadka maatada ah ee noocaa ah ee ubadka yar yar haysta iyo nolosha ay ku noolyihiin.”
Xabsiga Magaalada Gebilay ee Haweenka maaha markii u horaysay ee laga dayriyo xaaladiisaa iyo habdhaqanka haweenka maamula ay ula dhaqmaan maxaabiista, balse dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa ka jiray cabashooyin  soo taxnaa ilaa xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan, waxaana  dhamaadkii Sep  2011, ku geeritootay xabsiga Gebilay  marxuumad Sahra Biixi Shire, taas oo dayac iyo darxumo u dhimatay. Kadib markii xaalad nafaqadaro soo waajahday,  isla markaana ay eheladeedu ku warheleen markii la aasay kadib. Sidoo  kale badhatmihii 2010, waxa  ku geeriyootay xabsiga,   iyadoo katiinadaysan Maxruumad Ilaahan oo  ka mid ahayd koox dad ah oo gudidii nabadgelyada ee xukuumaddii Maxadweyne Rayaale xabsiga u taxaabeen xiliggaa.
Haweenayda maamusha xabsiga Gebilay  oo lagu magcaabo Fadxiya Xaaji Cumar, ayaanu  khadka isgaashiinta kula xidhiidhnay, iyadoo joogta Gebilay,  si aanu wax uga  weydiino  eedaha loo jeediyay ee la xidhiidha qaabka ay u maamusho xabsiga qaybta haweenka, maadaama ay si gaara warbixintu u khusayso masuuliyadeeda. Laakiin waxay ku diooday inaany waxba ka odhanayn oo aanayn khusayn  sidoo kale  taliye xigeenka xabsiga oo lagu magcaabo Caydaruus, ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino , kaas oo ah masuulka labaad ee  lala xidhiidhiyay eedaha qaarkood. Laakiin nooma suurta gelin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 11 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top