Hordhac Inta aanan u gudo gelin xadhiga Boqor Cisman, sababihii lagu xidhay iyo dacwadda dalwadda waxaan afeef hore ka dhiganayaa in Boqor Cismaan walaalkay yahay, hase ahaatee aan qoraalkan hiil igu kallifin, balse ay tahay dareenka aan ka qabo caddaaladda
saqiirtay ee maamulka axmed maxamed maxamuud (Ssiilaanyo) laga filaayey. Boqor Cismaan waxa markii ugu horaysay lagu xidhay garoonka diyaaradaaha ee Abu Dhabi, bishii Nofeembar 17keedii, 2011; isaga oo markaas ka soo noqday Maka oo Xajkii soo gutay. Mudadii Boqor Cismaan Imaaraadka ku xidhnaa wax war ah iyo meel uu ku sugan yahayba waa la waayey, qoys, qaraabo iyo saaxiibo midna looma ogolaan in ay arkaan. Waxaana markiiba la xaqiijiyey inuu ciidamada sirdoonka (mukhaabaraadka) imaaraadka u xidhan yahay. Ka dib markii ay caddaatay in uu mukhaabaraadka u xidhan yahay, ayaa anaga oo la kaashanayna hay’adaha Xaquul Insaanka u dooda sida Amnesty International iyo Human Rights Watch waxa imaaraadka cadaadis lagu saaray in ay xaalkiisa meel kaga waramaan, isla markaasna u ogolaadan eheladiisa, dhakhtarkiisa iyo qareen u dooda. Markii imaaraadku muddo codsiyadii loo jeediyey ka cago jiideenna, Amnesty international ayaa xaaladda Boqor Cismaan daabacday ka dibna adduunka ku shaacisay in uu ku xidhan yahay xaqdarro. Cadaadiskaas ka dib, iyo shaacinta fadeexadda imaaraadka ayey ku kaliftay in ay sii daayaan Boqor Cismaan bishii January 5teedii, 2012. Xadhiga Boqor Cismaan ee Imaaraadka iyo Doorka Somaliland ka Ciyaartay. Baadhitaan iyo dabagal lagu sameeyey waxa uu muujinayaa in xadhiga Boqor Cismaan ee Imaaraadka ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ku lug lahaayeen. Waxa maamulku aad uga shaqeeyey iyada oo la adeegsanayo guddoomiyihii hore ee hay’adda Sirdoonka Maxamuud Nuur Xirsi (Guuto-Liqe) iyo rag taageera KulmiyeImaaraadka deggan. Waxa Mukhaabaraadka Immaaraadka laga dhaadhiciyey in Boqor Cismaan Buurmadow, dhowr jeer
waddanka Libiya tegay lacagna ka soo qaatay si uu “xukuumadda cusub ee Somaliland ugu burburiyo.” Markii ay mas’uuliyiinta Immaaraadku xaqiijiyeen, inaanu Boqor Cismaan waxyaabaha lagu soo eedeeyey lug ku lahayna oodda ayey ka qaadeen. Soo noqoshadii Boqor Cismaan iyo Xadhigii Hargeysa. Boqor Cismaan waxa uu ku soo noqday Somaliland 15kii bishii 3aad ee 2012. Intii aan Boqor Cismaan ka soo ambabixin Immaaraadka Carabta, maamulka dawladda Somaliland waxa ay aad u sii qaban qaabiyeen dhammaan saxaafadda wixii iyaga taabacsanaa, si ay u muujiyaan bah- dilka iyo marka Boqorka gacmaha laga jeebaynayo (xidhayo). Waxa laga hor joogsaday saxaafadda madaxa banaan si aanay xaqiiqada u soo bandhigin. Dareenka Dadka Xadhiga Boqor Cismaan iyo sida maamulka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ula dhaqmay, waxa aad uga xumaaday dad badan oo reer Somaliland ah, amaba Soomaalida adduunyada darafyadeeda ku nool. Waxa markiiba dad badan oo wax garad ahi isku dayeen gar-gelyo iyo sidii Boqorka xadhiggiisa loo furdaamin lahaa inta aanay xaajadu mee xun gaadhin. Waxa markiiba ergo diray odayaasha iyo wax garadka reerka Boqorku ka soo jeedo, hase ahaatee wax ixtiraam ah ama qadarin ah oo maamulku u muujiyey ma jirin. Waxa ka hadlay, oo cambaareeyey dad badan oo wax garad ah dhammaan gobolada Somaliland ka soo jeeda oo isugu jira, salaadiin, cuqaal, odayaal iyo siyaasiyiinba. Waxa kale oo maamulka la xidhiidhay labada hay’adood ee ugu magaca weyn kuwa xuquuqul insaanka u dooda; Amnesty International iyo Human Rights Watch. Maamulka Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) weli uma jawaabin hay’adahaas caalamiga ah. Waa Maxay Dembiga Boqor Cismaan Dawladda ka Galay? Boqor Cismaan ma jiro dembi uu qaranka ka galay, hase ahaatee waxa jirta godob ka socota tan iyo waqtigii xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin, colaaddaas oo sii hurtay markii Boqor Cismaan
ka soo hor jeestay shirkii beesha Habar Jeclo ku qabsatay ee ka dhacay magaalada Garadag bishii Oktoobar 2008. Shirkaas oo madaxda Habar Jeclo aqlibiyadoodu ka qayb gashay hadafka iyo nuxurkiisu waxa uu ahaa in lagu heshiisiiyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aden ( Salebaan Gaal) iy Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas madaxweyne u ordaayey. Waxa uu ahaa shir aan reerku u kala hadhan ninkii ka hadhayna waxa uu noqday “tuke-cambaar leh.” Boqor Cismaan waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee beeshaas ka soo jeeda ee shirka qaadacay. Boqor Cismaan waxa kale oo ay aad isaga soo horjeedeen siyaasad ahaan, waqtigii maamulkii Daahir Riyaale Kaahin; wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan. Markii horaantii Bishii Agoos 2008, Xirsi laga soo qabtay duleedka magaalada Burco ka dibna la xidhay, Wasiirkii arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxa uu Xirsi ku eedeeyey in uu xidhiidh la leeyahay ururka xag-jirka ah ee Al shabaab. Markii Xirsi xabsiga laga soo daayey bilowgii bishii Sebtamber 2008, waxa uu qabtay shir jaraa’id kaas oo uu caddaalad darro ku eedeyey maamulkii Riyaale uguna hanjebay wasiir Cirro. Hadaladii Xirsi waxa ka mid ahaa (eeg Geeska Afrika) “Waxaan leeyahay haddii uu Wasiir Cirro ku tababartay nidaamkii Siyaad Barre ee qabta iyo ii haya, xidha, wuu xujoobay iyo xabad ku dhufta, haddii ay tii tahay, halkani waa Somaliland, xisaab baa ka dambayn doonta, waana la is waydiin doonaa, weligiina kursiga ku fadhiyimaayo, godobaha siyaasadeed ee noocan lagu galaa waa ta Afrikaanka ku kelifta in uu kursiga isku sii dhejiyo, ee uu isaga oo xor ah mari kari waayo banaanka aad aragto, wasiirka waxaan leeyahay ha isku gelin godobaha siyaasadeed ee noocan oo kale ah ee ka digtoonow”. Qodobaynta Dembiga lagu soo oogay Boqor Cismaan Boqor Cismaan waxa maamulka Somaliland ku soo eedeeyey laba qodob oo ay u cuskanayaan in uu Qaranka ka dhan yahay. Qodobka 212: Kaas oo nuxurkiisu yahay, muwaadin Somailand u dhashay oo isaga oo waddanka dibaddiisa jooga abuuray propogadha iyo been abuur, isaga oo la kaashanaya xoogag shisheeye, si uu qaranimada waddanka wax ugu dhimo.
Qodobka 215: Kaas oo nuxurkiisu yahay, muwaadin Somaliland u dhashay oo jooga waddanka gudihiisa, kaas oo ku kacay falal propaganda ah si uu u rido maamulka jira, isaga oo doonaya xukuumad digtatooriyad ku dhisan, ama door bidaya qolo gaar ah oo maamulka qabsata. Qareenada Bosor Cismaan Difaacaya iyo sida ay Qodobadaas u Daadefeeyeen. Waxa markii ugu horeysay (dhegaysiga) dacwada lagu oogayey Boqor Cismaan la furay 24kii bishii Abriil, 2012. Waxa Boqorka difaacayey saddex qareen oo aan kala dhicin; Maxamed Jaamac Cabdi, Maxamed Siciid Xirsi iyo Xasan Cali Xasan (Banfas). Markii Xeer Ilaaliyaha dawladdu qodobada dacwada soo oogay, waxay qaraneenadu gebi ahaanba daadefeeyeen eeddahaa oo ay ku tilmaameen kuwo aan qaanuunka sharciga waafaqsanayn. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in ciddii soo samysay ee Maxakamadda usoo gudbisay qodobada ay ahayd in la xidho. Qodobka 212, xeer ilaaliyuhu waxa uu caddayn kari waayey, dawladaha Boqor Cismaan la shirey, amaba waraysiyadii jaraa’idku la yeesheen, dhibaatada uu Somaliland soo gaadhsiiyey. Qodobka 215, Qareenadu waxa ay ku doodeen inaanu Boqor Cismaan qaban amaba aan loo cuskan karin, maadaama uu wadankaba ka maqnaa. Ka dib markii maxkamadda dhexdeeda ay ka caddaatay itaaldarada dacwada lagu soo oogay Boqor Cismaan, ayaa Garsoorka maxakamadda Cabdirashiid Maxamuud Duraan, waxa uu xeer ilaaliyaha dawladda u soo jeediyey in uu qodobada Boqor Cismaan lagu soo oogay bedelo oo kuwo qaban kara keeno. Waxa kale oo Garsoorku labada dhinacba ogaysiiyey in uu dacwadda muddo todobaad gudahiis ah dib u dhegaysan doono go’aan kama dambays ahna gaadhi doono. Dhegaysigii 2aad ee Maxkamadda Dhegaysiga maxkamaddu waxa uu u qorshaysnaa in la dhegaysto 3da bishii May, 2012. Maalin ka hor (2dii May, 2012) ayaa TV-ga HCTV waxa laga waraystay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan. Xirsi oo ka hordhacay, dawcad maxkamad hortaalla, waxa uu TV-ga ka caddeeyey dembiyada maamulku ku oogayo Boqor Cismaan, waxa kale oo uu TV-ga ka caddeeyey in isaga shaqsiyan Boqor Cismaan eedayno u soo jeediyey kuna sheegay “Al- Shabaab.” Sidii la filaayey waxa ay dacwadii furmatay subaxnimadii 3dii May, 2012. Waxa ay Garyaqaanada Boqorka difaacayey rajeynayeen in haddii aanu xeer ilaaliyuhu qodobadii hore (212, 215) soo bedelin uu Garsoorku sii dayn doono Boqorka.
Hase ahaate, markii maxkamaddii bilaabatay, jawigii iyo garsoorkii maxkamadda laga filayey wuu isbedelay. Waxa maxkamaddii Soo fadhiistay Xeer Ilaaliyaha Guud ee dawladda Xasan Axmed Aaden, wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo madax badan oo maamulka ka socda si garsoorka cadaadis loo saaro; si aanu u gaadhin xaqsoor dhab ah. Isla markiiba waxa caddaatay in cadaadiska madaxda maxkamadda timid shaqaynayo, Garsoore Cabdirashiid Maxamuud Duraan-na ku fashilmay inuu xeer ilaaliyaha dawladda xakameeyo; waxa ay garyaqaanadii Boqor Cismaan difaacayey go’aansadeen in ay difaaca Boqor Cismaan iska casilaan; iyaga oo hadalkooda ku caddeeyey “ma rabno inaanu maqaar saar noqono, iyada oo ay caddahay inaan xaqa la sooray.” Ka dib markii ay qareenadii is-casileenna waxa eedayn iyo caga-juglayn la daba galay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan, isaga oo weliba labada garyaqaan ee difaaca Boqorka hoggaaminayey (Maxamed jaamac iyo Maxamed Siciid) ku eedeeyey in ay shuruucdii qareenimo jebiyeen talaabona laga qaadayo! Isku dhaca labada qareen iyo Xeer Ilaaliyaha waxa ay kaliftay in Boqor Cismaan raadsado garyaqaanno kale oo isku daya in ay dembiga lagu eedaynayo difaacaan. Wuxuuna doortay Barkhad Jaamac iyo Xildhibaan Maxamed Saalax Cige. Dhegaysigii 3aad ee Maxkamadda Waxa mar kale 23kii bisha Juun maxkamadda Gobolka Hargeysa la horkeenay Boqor Cismaan. Inkasta oo dacwada dhegaysigeeda dib loogu dhigay 27ka bisha Juun, 2012, Nuxurka dacwada xeer ilaaliyuhu wataa kama duwana 2badii qodob (212,215), waxa keliya oo lagu soo kordhiyey jaraa’id iyo codad waraysi oo markhaati looga dhigayo. Waxa jaraa’idka ku qoran eedo uu Boqor Cismaan hadda ka hor u soo jeediyey maamulka Axmed Siilaanyo. Maadaama aan la hayn markhaati rasmi ah oo Boqor Cismaan dembi ku caddaynaysa, waxa ay dadka qaarkiis werinayaan in xataa Xeer ilaaliyuhu tix-gelinayo inuu maxkamadda qasab ku keeno wariyayaal hore Boqor Cismaan u waraystay oo ay ka mid yihiin: Maxamuud Cabdi Xuuto tafatiraha wargeysaka Waaheen, Maxamed Cabdi, HCTV iyo Maxamed Cabdi Curad, wargeysaka Yool. Yaa loo aanaynayaa Xadhiga Boqor Cismaan Dad badan oo siyaasadda Somaliland aad ula socdaa, waxa ay xadhiga Boqor Cismaan iyo cadaadiska xagga garsoorka lagu hayo dusha ka saarayaan. 1. Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde, Marwada Madaxweynaha 2. Xirsi Xaaji Calis Xasan, Wasiirka Madaxtooyada 3. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista iyo Hawada
4. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda 5. Maxamuud Nuur Xirsi (Guuto-Liqe) Maxaa laga filayaa Go’aanka Maxkamadda Maalinta Arbacada Waraysi wargeysa Toggaherar la yeeshay Qaraan Maxamed Saalax, waxa uu u sheegay in aanu rajo weyn ka lahayn in Boqorka dacwaddiisa cadaalad iyo garsoor xaq ah lagu xugmiyo. Sida qaar wargeysyada Somaliland ka soo baxa; oo xiganaya ilo lagu kalsoon yahay, maxakamaddu waxa ay sii diyaarisay xukunkii Boqor Cismaan lagu ridi lahaa. Maadaama garsoore Cabdirashiid Maxamed Maxamuud Duraan oo dacwadda Boqor Cismaan dhowr jeer hore u dhegaystay dhaawac toogasho ah loogu geystay 11kii bisha Juun; waxa dad badani aaminsan yihiin in garsooraha (Cismaan Fanax) hadda dacwada dhegaysigeeda loo xilsaaray aanu ahayn nin looga bartay in uu go’aamiyo garsoor cadaadiska dawladda ka madax banaan. Aayaha Garsoorka ee Somaliland Dawladda Somaliland waxa ay ka kooban tahay saddex waaxood oo loogu talo galay in ay is- caabiyaan (balance). 1) Waaxda sharci dejinta (golaha wakiilada iyo guurtida) oo loo xilsaaray in ay sharciga dejiyaan, 2) waaxda Garsoorka (maxkamadaha) oo loo xilsaaray in ay xaq u dhexeeya noqdaan dawladda iyo shacbiga isla markaasna dadka u xaqsooraan. 3) Waaxda Fulinta (maamulka), waxa loo xilsaaray ama loo igmaday in ay maamul xaq ah dadka iyo dawladda ku maamulaan. Haddii waaxda fulintu xad gudub samayso waxa ay ahayd waaxda garsoorka iyo waaxda sharci dejintu qabtaan. Nasiib darro waxa maanta meesha ka maqan laba waaxood (Garsoorka iyo Sharci dejinta) oo labadooduba gacanta ugu jiraan waaxda fulinta. Dawladna waxa burbur u horseeda marka ay dadku cadaalad waayaan, maxkamadihii garsoorka qaadi lahaana ay noqdaan gaadiid maamulku ku adeegsado. Gunaanad Qoraalka maqaalkan iguma ay kallifin u hiilin walaalkay. Waxa aan rajo xumo iyo werwer weyn ka qabaa caddaaladda iyo xaq-soorka Somaliland. Qofka bani’aadamka ahi dembi wuu geli karaa adduunka meel kastaba haga noolaadee. Hase ahaatee, haddii aanay dawladi diktatooriyad ahayn sidii tii Maxamed Siyaad Barre, dimoqraadiyadda iyo Islaanimaduba waxa ay dhiiri gelinayaan xaqsoor cadaalad ku dhisan. Somaliland waxa ay dooratay in ay raacdo dariiqa dimoqraadiyada kaas oo muwaadinka u oggolaanaya sawdka xoriyadda iyo in uu fikarkiisa cabiro. Marar badan oo walaalkay la waraystay, aad ayaanu isugu qabanay hadaladiisii aan u meel dayga lahay ee uu dad badan kaga xanaajiyey. Waxase ayaan darro ah in dawladdii dimoqraadiyadda lagu doortay, ay u adkaysan kari la’dahay hawlaha dimoqraadiyaddu la timaaddo oo ay ka mid yihiin cay iyo canaan. Waxa jirta maahmaah odhanaysa “haddii aad kulaylka madbakha u adkaysan weydid iskaga bax.” Taas waxa al mid ah siyaasadda oo adkaysigeeda u baahan; ninkii u adkays kariwaayaana ay haboon tahay in uu shaqo aan canaan lahayn iska doonto.
By Faarax Aw Maxamuud June 26, 2012 |