__

 

Xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud iyo Dacwada Dawladda, By Faarax Aw Maxamuud PDF Print E-mail
Wednesday, 27 June 2012 16:23

Hordhac
Inta aanan u gudo gelin xadhiga Boqor Cisman, sababihii lagu xidhay iyo dacwadda dalwadda waxaan afeef hore ka dhiganayaa in Boqor Cismaan walaalkay yahay, hase ahaatee aan qoraalkan hiil igu kallifin, balse ay tahay dareenka aan ka qabo caddaaladda

saqiirtay ee
maamulka axmed maxamed maxamuud (Ssiilaanyo) laga filaayey. Boqor Cismaan waxa markii
ugu horaysay lagu xidhay garoonka diyaaradaaha ee Abu Dhabi, bishii Nofeembar 17keedii,
2011; isaga oo markaas ka soo noqday Maka oo Xajkii soo gutay. Mudadii Boqor Cismaan
Imaaraadka ku xidhnaa wax war ah iyo meel uu ku sugan yahayba waa la waayey, qoys,
qaraabo iyo saaxiibo midna looma ogolaan in ay arkaan. Waxaana markiiba la xaqiijiyey inuu
ciidamada sirdoonka (mukhaabaraadka) imaaraadka u xidhan yahay.
Ka dib markii ay caddaatay in uu mukhaabaraadka u xidhan yahay, ayaa anaga oo la
kaashanayna hay’adaha Xaquul Insaanka u dooda sida Amnesty International iyo Human Rights
Watch waxa imaaraadka cadaadis lagu saaray in ay xaalkiisa meel kaga waramaan, isla
markaasna u ogolaadan eheladiisa, dhakhtarkiisa iyo qareen u dooda. Markii imaaraadku
muddo codsiyadii loo jeediyey ka cago jiideenna, Amnesty international ayaa xaaladda Boqor
Cismaan daabacday ka dibna adduunka ku shaacisay in uu ku xidhan yahay xaqdarro.
Cadaadiskaas ka dib, iyo shaacinta fadeexadda imaaraadka ayey ku kaliftay in ay sii daayaan
Boqor Cismaan bishii January 5teedii, 2012.
Xadhiga Boqor Cismaan ee Imaaraadka iyo Doorka Somaliland ka Ciyaartay.
Baadhitaan iyo dabagal lagu sameeyey waxa uu muujinayaa in xadhiga Boqor Cismaan ee
Imaaraadka ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ku lug lahaayeen. Waxa maamulku
aad uga shaqeeyey iyada oo la adeegsanayo guddoomiyihii hore ee hay’adda Sirdoonka
Maxamuud Nuur Xirsi (Guuto-Liqe) iyo rag taageera KulmiyeImaaraadka deggan. Waxa
Mukhaabaraadka Immaaraadka laga dhaadhiciyey in Boqor Cismaan Buurmadow, dhowr jeer

waddanka Libiya tegay lacagna ka soo qaatay si uu “xukuumadda cusub ee Somaliland ugu
burburiyo.” Markii ay mas’uuliyiinta Immaaraadku xaqiijiyeen, inaanu Boqor Cismaan
waxyaabaha lagu soo eedeeyey lug ku lahayna oodda ayey ka qaadeen.
Soo noqoshadii Boqor Cismaan iyo Xadhigii Hargeysa.
Boqor Cismaan waxa uu ku soo noqday Somaliland 15kii bishii 3aad ee 2012. Intii aan Boqor
Cismaan ka soo ambabixin Immaaraadka Carabta, maamulka dawladda Somaliland waxa ay aad
u sii qaban qaabiyeen dhammaan saxaafadda wixii iyaga taabacsanaa, si ay u muujiyaan bah-
dilka iyo marka Boqorka gacmaha laga jeebaynayo (xidhayo). Waxa laga hor joogsaday
saxaafadda madaxa banaan si aanay xaqiiqada u soo bandhigin.
Dareenka Dadka
Xadhiga Boqor Cismaan iyo sida maamulka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ula
dhaqmay, waxa aad uga xumaaday dad badan oo reer Somaliland ah, amaba Soomaalida
adduunyada darafyadeeda ku nool. Waxa markiiba dad badan oo wax garad ahi isku dayeen
gar-gelyo iyo sidii Boqorka xadhiggiisa loo furdaamin lahaa inta aanay xaajadu mee xun
gaadhin. Waxa markiiba ergo diray odayaasha iyo wax garadka reerka Boqorku ka soo jeedo,
hase ahaatee wax ixtiraam ah ama qadarin ah oo maamulku u muujiyey ma jirin. Waxa ka
hadlay, oo cambaareeyey dad badan oo wax garad ah dhammaan gobolada Somaliland ka soo
jeeda oo isugu jira, salaadiin, cuqaal, odayaal iyo siyaasiyiinba. Waxa kale oo maamulka la
xidhiidhay labada hay’adood ee ugu magaca weyn kuwa xuquuqul insaanka u dooda; Amnesty
International iyo Human Rights Watch. Maamulka Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)
weli uma jawaabin hay’adahaas caalamiga ah.
Waa Maxay Dembiga Boqor Cismaan Dawladda ka Galay?
Boqor Cismaan ma jiro dembi uu qaranka ka galay, hase ahaatee waxa jirta godob ka socota tan
iyo waqtigii xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin, colaaddaas oo sii hurtay markii Boqor Cismaan

ka soo hor jeestay shirkii beesha Habar Jeclo ku qabsatay ee ka dhacay magaalada Garadag
bishii Oktoobar 2008. Shirkaas oo madaxda Habar Jeclo aqlibiyadoodu ka qayb gashay hadafka
iyo nuxurkiisu waxa uu ahaa in lagu heshiisiiyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
Saleebaan Maxamud Aden ( Salebaan Gaal) iy Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
markaas madaxweyne u ordaayey. Waxa uu ahaa shir aan reerku u kala hadhan ninkii ka
hadhayna waxa uu noqday “tuke-cambaar leh.” Boqor Cismaan waxa uu ka mid ahaa dadka fara
ku tiriska ah ee beeshaas ka soo jeeda ee shirka qaadacay. Boqor Cismaan waxa kale oo ay aad
isaga soo horjeedeen siyaasad ahaan, waqtigii maamulkii Daahir Riyaale Kaahin; wasiirka
Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan. Markii horaantii Bishii Agoos 2008, Xirsi
laga soo qabtay duleedka magaalada Burco ka dibna la xidhay, Wasiirkii arrimaha gudaha
Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxa uu Xirsi ku eedeeyey in uu xidhiidh la leeyahay ururka
xag-jirka ah ee Al shabaab.
Markii Xirsi xabsiga laga soo daayey bilowgii bishii Sebtamber 2008, waxa uu qabtay shir jaraa’id
kaas oo uu caddaalad darro ku eedeyey maamulkii Riyaale uguna hanjebay wasiir Cirro.
Hadaladii Xirsi waxa ka mid ahaa (eeg Geeska Afrika) “Waxaan leeyahay haddii uu Wasiir Cirro
ku tababartay nidaamkii Siyaad Barre ee qabta iyo ii haya, xidha, wuu xujoobay iyo xabad ku
dhufta, haddii ay tii tahay, halkani waa Somaliland, xisaab baa ka dambayn doonta, waana la is
waydiin doonaa, weligiina kursiga ku fadhiyimaayo, godobaha siyaasadeed ee noocan lagu
galaa waa ta Afrikaanka ku kelifta in uu kursiga isku sii dhejiyo, ee uu isaga oo xor ah mari kari
waayo banaanka aad aragto, wasiirka waxaan leeyahay ha isku gelin godobaha siyaasadeed ee
noocan oo kale ah ee ka digtoonow”.
Qodobaynta Dembiga lagu soo oogay Boqor Cismaan
Boqor Cismaan waxa maamulka Somaliland ku soo eedeeyey laba qodob oo ay u cuskanayaan
in uu Qaranka ka dhan yahay.
Qodobka 212: Kaas oo nuxurkiisu yahay, muwaadin Somailand u dhashay oo isaga oo
waddanka dibaddiisa jooga abuuray propogadha iyo been abuur, isaga oo la kaashanaya
xoogag shisheeye, si uu qaranimada waddanka wax ugu dhimo.

Qodobka 215: Kaas oo nuxurkiisu yahay, muwaadin Somaliland u dhashay oo jooga waddanka
gudihiisa, kaas oo ku kacay falal propaganda ah si uu u rido maamulka jira, isaga oo doonaya
xukuumad digtatooriyad ku dhisan, ama door bidaya qolo gaar ah oo maamulka qabsata.
Qareenada Bosor Cismaan Difaacaya iyo sida ay Qodobadaas u Daadefeeyeen.
Waxa markii ugu horeysay (dhegaysiga) dacwada lagu oogayey Boqor Cismaan la furay 24kii
bishii Abriil, 2012. Waxa Boqorka difaacayey saddex qareen oo aan kala dhicin; Maxamed
Jaamac Cabdi, Maxamed Siciid Xirsi iyo Xasan Cali Xasan (Banfas). Markii Xeer Ilaaliyaha
dawladdu qodobada dacwada soo oogay, waxay qaraneenadu gebi ahaanba daadefeeyeen
eeddahaa oo ay ku tilmaameen kuwo aan qaanuunka sharciga waafaqsanayn. Waxa kale oo ay
soo jeediyeen in ciddii soo samysay ee Maxakamadda usoo gudbisay qodobada ay ahayd in la
xidho. Qodobka 212, xeer ilaaliyuhu waxa uu caddayn kari waayey, dawladaha Boqor Cismaan
la shirey, amaba waraysiyadii jaraa’idku la yeesheen, dhibaatada uu Somaliland soo
gaadhsiiyey. Qodobka 215, Qareenadu waxa ay ku doodeen inaanu Boqor Cismaan qaban
amaba aan loo cuskan karin, maadaama uu wadankaba ka maqnaa.
Ka dib markii maxkamadda dhexdeeda ay ka caddaatay itaaldarada dacwada lagu soo oogay
Boqor Cismaan, ayaa Garsoorka maxakamadda Cabdirashiid Maxamuud Duraan, waxa uu xeer
ilaaliyaha dawladda u soo jeediyey in uu qodobada Boqor Cismaan lagu soo oogay bedelo oo
kuwo qaban kara keeno. Waxa kale oo Garsoorku labada dhinacba ogaysiiyey in uu dacwadda
muddo todobaad gudahiis ah dib u dhegaysan doono go’aan kama dambays ahna gaadhi
doono.
Dhegaysigii 2aad ee Maxkamadda
Dhegaysiga maxkamaddu waxa uu u qorshaysnaa in la dhegaysto 3da bishii May, 2012. Maalin
ka hor (2dii May, 2012) ayaa TV-ga HCTV waxa laga waraystay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi
Xaaji Cali Xasan. Xirsi oo ka hordhacay, dawcad maxkamad hortaalla, waxa uu TV-ga ka
caddeeyey dembiyada maamulku ku oogayo Boqor Cismaan, waxa kale oo uu TV-ga ka
caddeeyey in isaga shaqsiyan Boqor Cismaan eedayno u soo jeediyey kuna sheegay “Al-
Shabaab.” Sidii la filaayey waxa ay dacwadii furmatay subaxnimadii 3dii May, 2012. Waxa ay
Garyaqaanada Boqorka difaacayey rajeynayeen in haddii aanu xeer ilaaliyuhu qodobadii hore
(212, 215) soo bedelin uu Garsoorku sii dayn doono Boqorka.

Hase ahaate, markii maxkamaddii bilaabatay, jawigii iyo garsoorkii maxkamadda laga filayey
wuu isbedelay. Waxa maxkamaddii Soo fadhiistay Xeer Ilaaliyaha Guud ee dawladda Xasan
Axmed Aaden, wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo madax badan oo maamulka ka
socda si garsoorka cadaadis loo saaro; si aanu u gaadhin xaqsoor dhab ah. Isla markiiba waxa
caddaatay in cadaadiska madaxda maxkamadda timid shaqaynayo, Garsoore Cabdirashiid
Maxamuud Duraan-na ku fashilmay inuu xeer ilaaliyaha dawladda xakameeyo; waxa ay
garyaqaanadii Boqor Cismaan difaacayey go’aansadeen in ay difaaca Boqor Cismaan iska
casilaan; iyaga oo hadalkooda ku caddeeyey “ma rabno inaanu maqaar saar noqono, iyada oo
ay caddahay inaan xaqa la sooray.” Ka dib markii ay qareenadii is-casileenna waxa eedayn iyo
caga-juglayn la daba galay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan, isaga oo weliba
labada garyaqaan ee difaaca Boqorka hoggaaminayey (Maxamed jaamac iyo Maxamed Siciid)
ku eedeeyey in ay shuruucdii qareenimo jebiyeen talaabona laga qaadayo! Isku dhaca labada
qareen iyo Xeer Ilaaliyaha waxa ay kaliftay in Boqor Cismaan raadsado garyaqaanno kale oo isku
daya in ay dembiga lagu eedaynayo difaacaan. Wuxuuna doortay Barkhad Jaamac iyo
Xildhibaan Maxamed Saalax Cige.
Dhegaysigii 3aad ee Maxkamadda
Waxa mar kale 23kii bisha Juun maxkamadda Gobolka Hargeysa la horkeenay Boqor Cismaan.
Inkasta oo dacwada dhegaysigeeda dib loogu dhigay 27ka bisha Juun, 2012, Nuxurka dacwada
xeer ilaaliyuhu wataa kama duwana 2badii qodob (212,215), waxa keliya oo lagu soo kordhiyey
jaraa’id iyo codad waraysi oo markhaati looga dhigayo. Waxa jaraa’idka ku qoran eedo uu
Boqor Cismaan hadda ka hor u soo jeediyey maamulka Axmed Siilaanyo. Maadaama aan la
hayn markhaati rasmi ah oo Boqor Cismaan dembi ku caddaynaysa, waxa ay dadka qaarkiis
werinayaan in xataa Xeer ilaaliyuhu tix-gelinayo inuu maxkamadda qasab ku keeno wariyayaal
hore Boqor Cismaan u waraystay oo ay ka mid yihiin: Maxamuud Cabdi Xuuto tafatiraha
wargeysaka Waaheen, Maxamed Cabdi, HCTV iyo Maxamed Cabdi Curad, wargeysaka
Yool.
Yaa loo aanaynayaa Xadhiga Boqor Cismaan
Dad badan oo siyaasadda Somaliland aad ula socdaa, waxa ay xadhiga Boqor Cismaan iyo
cadaadiska xagga garsoorka lagu hayo dusha ka saarayaan.
1. Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde, Marwada Madaxweynaha
2. Xirsi Xaaji Calis Xasan, Wasiirka Madaxtooyada
3. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista iyo Hawada

4. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda
5. Maxamuud Nuur Xirsi (Guuto-Liqe)
Maxaa laga filayaa Go’aanka Maxkamadda Maalinta Arbacada
Waraysi wargeysa Toggaherar la yeeshay Qaraan Maxamed Saalax, waxa uu u sheegay in aanu
rajo weyn ka lahayn in Boqorka dacwaddiisa cadaalad iyo garsoor xaq ah lagu xugmiyo. Sida
qaar wargeysyada Somaliland ka soo baxa; oo xiganaya ilo lagu kalsoon yahay, maxakamaddu
waxa ay sii diyaarisay xukunkii Boqor Cismaan lagu ridi lahaa. Maadaama garsoore
Cabdirashiid Maxamed Maxamuud Duraan oo dacwadda Boqor Cismaan dhowr jeer hore u
dhegaystay dhaawac toogasho ah loogu geystay 11kii bisha Juun; waxa dad badani aaminsan
yihiin in garsooraha (Cismaan Fanax) hadda dacwada dhegaysigeeda loo xilsaaray aanu ahayn
nin looga bartay in uu go’aamiyo garsoor cadaadiska dawladda ka madax banaan.
Aayaha Garsoorka ee Somaliland
Dawladda Somaliland waxa ay ka kooban tahay saddex waaxood oo loogu talo galay in ay is-
caabiyaan (balance). 1) Waaxda sharci dejinta (golaha wakiilada iyo guurtida) oo loo xilsaaray in
ay sharciga dejiyaan, 2) waaxda Garsoorka (maxkamadaha) oo loo xilsaaray in ay xaq u
dhexeeya noqdaan dawladda iyo shacbiga isla markaasna dadka u xaqsooraan. 3) Waaxda
Fulinta (maamulka), waxa loo xilsaaray ama loo igmaday in ay maamul xaq ah dadka iyo
dawladda ku maamulaan. Haddii waaxda fulintu xad gudub samayso waxa ay ahayd waaxda
garsoorka iyo waaxda sharci dejintu qabtaan. Nasiib darro waxa maanta meesha ka maqan laba
waaxood (Garsoorka iyo Sharci dejinta) oo labadooduba gacanta ugu jiraan waaxda fulinta.
Dawladna waxa burbur u horseeda marka ay dadku cadaalad waayaan, maxkamadihii garsoorka
qaadi lahaana ay noqdaan gaadiid maamulku ku adeegsado.
Gunaanad
Qoraalka maqaalkan iguma ay kallifin u hiilin walaalkay. Waxa aan rajo xumo iyo werwer weyn ka qabaa
caddaaladda iyo xaq-soorka Somaliland. Qofka bani’aadamka ahi dembi wuu geli karaa adduunka meel
kastaba haga noolaadee. Hase ahaatee, haddii aanay dawladi diktatooriyad ahayn sidii tii Maxamed
Siyaad Barre, dimoqraadiyadda iyo Islaanimaduba waxa ay dhiiri gelinayaan xaqsoor cadaalad ku dhisan.
Somaliland waxa ay dooratay in ay raacdo dariiqa dimoqraadiyada kaas oo muwaadinka u oggolaanaya
sawdka xoriyadda iyo in uu fikarkiisa cabiro. Marar badan oo walaalkay la waraystay, aad ayaanu isugu
qabanay hadaladiisii aan u meel dayga lahay ee uu dad badan kaga xanaajiyey. Waxase ayaan darro ah
in dawladdii dimoqraadiyadda lagu doortay, ay u adkaysan kari la’dahay hawlaha dimoqraadiyaddu la
timaaddo oo ay ka mid yihiin cay iyo canaan. Waxa jirta maahmaah odhanaysa “haddii aad kulaylka
madbakha u adkaysan weydid iskaga bax.” Taas waxa al mid ah siyaasadda oo adkaysigeeda u baahan;
ninkii u adkays kariwaayaana ay haboon tahay in uu shaqo aan canaan lahayn iska doonto.

By Faarax Aw Maxamuud
June 26, 2012

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 11 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top