| Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Oo Labaatan Kun Oo Dolar Ku Deeqday Dhismaha Wadadda Dawga Cad Ee Woqooyiga Hargeysa |
|
|
|
| Thursday, 14 June 2012 15:59 |
|
Ugu horayn waxa hadalkii furitaanta lagu soo dhaweeyey Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo ah Maamulaha Horumarinta Ganacsiga iyo Goboladda ee shirkadda Telesom, waxaanu sheegay in dhismaha wadadda Dawga caddi yahay mid muhiiimad weyn u leh bulshadda Somaliland oo dhan, isagoo xusay in shirkadda Telesom qayb ka yihiin bulshadda Somaliland ee waddadaa loo dhisayo. “Shirkadda Telesom waa shirkadda ay Bulshada wadda leedahay oo in ka badan 2,000 oo qof ay maal-gashadeen iyadoo sidoo kalena ay ka shaqeeyaan in Boqol oo shaqaale ah oo laga yaabo in qofkastaaba masuul ka yahay 7 ilaa 10 qof inta u dhaxaysa. Sidaasi daraadeed anigu shirkadd ahaan waxanu qayb ka nahay bulshadda Somaliland hadday noqon lahayd xaga caafimaadka, wadooyinka iyo qaybaha kale ee adeegyada bulshadda”. Cabdisalaan oo ka sheekeeyey kaalinta baaxadda leh ee ay kaga jiraan xagga hormarinta arrimaha bulshada waxa uu yidhi “caawa waxaanu ka shirkad ahaan halkan ku gudoonsiinaynaa guddiga dhismaha waddada Dawgacad lacagdhan $20,000 oo Doollar”. Shirkadda Telesom waxay sidoo kale bishii March ay gudoonsiisay guddia dhismaha wadda Tog-wajaale lacag dhan $ 25,0000, iyo sidoo kale $ 5,000 oo dollar oo ay ku deeqday wadda Jameeco weyn iyo Buundda xaafada sheekh Nuur. Waxaa isna sidoo kale xaflada ka hadlay Eng. Cabdirashi Maxamud Muuse oo tilmaamay in shirkadda Telesom ay waajib ku tahay in door muuqata ka qaadato horumarka dalka waxaanu shirkadda kale ugu baaqay in ay ku daydaan shirkadda Telesom, oo horumarka dalka iyaguna doorkooda ay ka qaataa. waxaa isna halkaa ka hadlay Suldaan Maxamuud Siciid oo kamida oday dhaqameedka reer Somaliland,Waxaanu shirkadda Telesom ugu mahadnaqay deeqdaa lacageed ee ay ku bixisay dhismaha waddaas oo uu sheegay in hadda ay waddadu marayso meel fiican, waxaa u dhiman yahay in daamurkii la saaro, waxaanu shirkadda Telesom ku adkeeyey in shirkaddu aanay halkaa kaga hadhin ee ay taageer la sii garab joogto guddida. waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Eng.Yuusuf Axmed Yaasiin iyo Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, waxaanu amaanay shirkaddda Telesom ee taageeradda maaliyadeed ku wareejisay Mashuurcan dhismaha wadda Dawga cadd. Eng.Axmed Siciid Warsame oo kamida xubnaha ku hawlan dhismaha waddada Dawgacad oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sharaxaad ka bixiyey sida waddadaasi loo habeeyey dhismeheeda iyo inay hadda iyo wixii ka dambeeyaba u sahlantahay inay gaadiidka maraya ee u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti si dhibyar isgu dhaafi karayaan “waddadu ilaa Hargeysa iyo Camuud gaadiidku si dhibyarbay ayey isku waydaaran karayaan” ayuu yidhi Eng Axmed Siciid Warsame. Waxaa isna halkaa ka hadlay Eng Cali Cabdi Daymi oo ah Engeneerka dhisaya waddadaasi waxaanu sheegay inay hadda meel fiican marayso hawsha shismaha waddadaasi ila markaana uu rajaynayo inay si fiican ku dhamaato aakhirka. geba-gebadii munaasibada ka hadlay Xaaji Cabiqaadir Xaashi Cilmi mulkiilaha Hotel Maan-soor waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey xiligii uu dalka dib ugu soo laabanayey dhawr iyo sagaashamaadkii sidii ay xaaladda is gaadhsiintu ahayd iyo in wakhtigu iyo lacagtu kaga lumi jiray telephonka inta garaacayo ama cajaladi ka qaban jirtay. Waxaanu sheegay in heerka maanta ay isgaadhsiintu marayso uu yahay wax ilaahay loogu mahadnaqo, shirkadda Telesom-na ay horumar wayn ka samaysay dhinac isgaadhsiin. Waxaanu Xaaji Cabdiqaadir ka gudoomay shirkadda Telesom $ 20,000 isagoo mataalaayey Guddida Dhismaha Wadda Dawga cad Araweelonews Mobile Somaliland Office E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |

Quraanka Kariimka Ah Oo Luqado Badan Lagu Turjumay ka Daalaco Halkan


Habeenkaaga Hargeysa Hoolal Casri Ah Iyo Huteelka Crown kala Xidhiidh Hargeysa Somaliland

The star feels the Brazilian would add a different dimension to Barcelona's...
Director Giuseppe Marotta earmarked the two strikers as...
The Frenchman would welcome the arrival of the Chilean and is aiming...
The 19-year-old forward has courted interest from Italy and Spain following a series of...
The Etihad Stadium chief is adamant it was not a mistake to...
The former AC Milan forward is hoping the club's Campeonato...


















