__

 

Eng. Xaashi Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Ka Qaybgalka Xukuumadda Somaliland Ee Shirarka Soomaalida Iyo Wadahadalada Ku Tilmaamay Murkacasho Siyaasadeed Oo Aan Loo Baahnayn PDF Print E-mail
Wednesday, 06 June 2012 19:53

Hargeysa(ANN) Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku tilmaamay shirarka Somaliland ka qaybgashay ee London iyo Istanbuul kuwo muujinaya murkucasho siyaasadeed. Sidaa awgeed ku taliyay

 

inay xukuumaddu ka noqto wadahadaladii Somalia.
Eng Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa Wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo ka caydhiyay xukuumaddiisa horaantii sanadkan,  ayaa  saluug weyn ka muujiyey hanaankii Somaliland uga qayb-gashay shirarkaa oo ka qaybgalkooda uu ku tilmaamay inay mid muujinayay inay Madaxda Somaliland hoos geeyeen  masuuliyiinta TFG-da.
Eng Maxamed Xaashi oo maanta  shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa Hargeysa,  ayaa sidoo kale muujiyey sida aanu u jeclaysan shakhsiyaadka reer Somaliland ee mararka ay Somaliya ka hadlayaan adeegsada weedha ah “Walaalaheen”, isagoo tilmaamay in kalmadaasi ay tahay mid aan meesha ku jirin, maadaama buu yidhi ay dadkaasi dhibaato laxaadle u geysteen shacabka reer Somaliland.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,   “Inaga wixii inagu dhacay iyagga (Koonfurta Somaliya) kuma dhicin, waxa kale oo dhacay adduunkii 700 ilaa 800 oo sanadood la ururinayey waatii la boobay ee la gurtay, imikana inagu waxaynu nidhaahnaa walaaladeen, kalmadaasina inay meesha soo gasho may ahayn, waayo walaaladaa inay sidaa kuu galaan may ahayn ee inay kuu hiiliyaan ayay ahayd, markaa kalmada walaaladeen waa mid aan meesha qabanba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dalka markii aynu ku soo noqonay 1991-kii Magaalooyinku way wada burbursanaayeen, laakiin dib u dhiskoodii muddo inagumuu qaadan oo kumaynaan nasiib xumayn, markii aynu dawladnimadeenii la soo noqonay waxaynu la nimid fikir odhanaya Somaliya waynu ka wada hadlaynaa wixii inaga dhxeeyay iyo sidii aynu u noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, laakiin imika taasi waa arin aan aad loo tafsiirin,  lamana  odhan maxaynu ka wada hadlaynaa ee waynu wada hadlaynaa ayuun-baa la yidhaahdaa, maaha in dhibaatadii aynu xoriyada u marnay iyo intii dad inagaga dhimatay iyo intii xoolo la inagaga dhacay in maanta si dhibyar loo yidhaahdo way soo noqonayaan wax meesha ku jira maaha, laakiin waxa aynu ka wada hadlaynay waxay ahayd wixii inaga dhexeeyay ee may ahayn isku noqosho, imikana waxaad moodaa in mowqifkii wax iska bedaleen oo arinkii shisheeye daraf inaga soo galay oo shirarkan imika la wado waa shirar ay hogaaminayaan dawlado shisheeye, dawladahaasina waxay  arrintii ka dhigeen sidii aynu heshiinayno, madaxda Somaliyana sidaas ayay uga hadashaa. Marka laga soo bilaabo shirkii London iyo kii Istanbul waxaad arkaysaa soofadaran habow.”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sharaxaya wadahadalka Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi,  “Waxaynu bedalnay siyaasadii ahayd lalama hadli karo ilaa ay dhistaan dawlad dadku soo doortay oo lagu kalsoon yahay, tan imika markaad eegto talaba ma hayaan oo waa loo talinayaa, markaa mowqifkaa cusub ee la leeyahay aynu la shirno oo aynu dhex fadhiisano, marka aad ka soo qaado shirkii London, Madaxwaynaheenu waxa uu tagay isaga oo Madaxwayne ah,  laakiin markii uu shirka galay Shariifka ayaa Madaxwayne inoo ahaa ilayn la inama ictiraafsanee, shirkii Istanbul-na wasiirradeenii tagay iyaga ayaa  u madax ahaa (TFG-da), waayo dadka shirkaasi joogay Somaliya ayay dawlad ahaan u aaminsan yihiin,  markaa halkaa khasaare ayaa inoogu jira, inaga oo ay tahay inaynu wada hadal la yeelano dad umaddu soo dooratay oo wax ka go’aan”ayuu yidhi.
Wuxuuna soo qaatay qaabka ay madaxda dawladda Taagatadaran uga hadlaan dhibaatadii shacbiga Somaliland loo geystay, isagoo yidhi, “Marka ay ka hadlayaan dhibaatadii ina gaadhay waxay yidhaahdaan cid walba waxbaa gaadhay, waxay yasayaan dhibaatadii ay inagu sameeyeen, laakiin iyagu (shacabka Koonfurta) is-gaadhsiiyey dhibaatada, laakiin inaga dawladii dalka (Taliskii Siyaad Barre) ayaa ina gaadhsiiyay.
Waxaan ku talin lahaa fikradeenii hore ee ahayd in lala hadlo marka ay wax noqdaan, waayo imika in lala fadhiisto ayaa ceeb ah, waxaanad moodaa in wada hadalkii inaga qaloocday, waxaanan leeyahay aynu arrinkaa dib ugu noqono oo aynu danteenii u soo noqono oo marka cid ay doortaan ee ay masuul noqdaan wixii ka wada hadlayno aynu ka wada hadalno.”
“Haddii aynu teena ku guulaysan waynu inaynu ta xun u diyaar-garowno ayaa inala gudboon oo aynaan wakhti iskaga lumin nimankan aan cidna matalin, waxaanan qabbaa inaynu ka soo noqono murgacashada inagu timid labadii shir ee London iyo Istanbul”ayuu yidhi. Eng. Xaashi isagoo ka talinaya haddii arrimuhu noqdaan kuwo madhalays ah.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 8 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top