| Qorraa Cilmi-baadhe Doonayay Inuu Soo Bandhigo Buug Cusub Oo Ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga U Taxaabeen Iyo Dadkii Doonayay Inay Ka Qaybgalaan Munaasibada Oo Ku Hungoobay |
|
|
|
| Friday, 01 June 2012 20:00 |
|
Cili Baadhahaa Axmed Ibraahin Cawaale oo ahaa Agaasimaha Hay’adda ka shaqaysa Horumarinta Deegaanka ee Candle Light, waxay Ciidamadda Booliisku xalay ka kaxaysteen gurigiisa, waxaana la geeyay xarunta CID-da ee Hargeysa. Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah qoyskiisa iyo saraakiil Booliska ka tirsani. Ilaa hada ma cada sababta loo xidhay Axmed Ibraahim Cawaale, balse waxa xadhigiisa lala xidhiidhiyay Buug uu qoray oo uu ugu magacdaray Dirkii Sacmaalladda, kaas oo uu kaga sheekaynayo Bulshada Soomaalidu isir ahaan meelaha ay kasoo kal jeedaan, xadaaradihii ay lahaayeen, xidhiidhka ka dhexeeyay bulshooyinka kale ee aduunka, caqiidooyinka dhinaca Diinta, Caadooyinkii hore iyo sida ay ugu milmeen bulshooyinka kale ee geeska Afrika. Qoraaga Buuggaa, ayaa la filayay inuu caawa kusoo bandhigo Buuggiisa munaasibad loo qorsheeyay inay ka dhacdo Hotelka Imperial ee Hargeysa, taas oo ay dad badani ugu diyaar garoobeen, kadib markii uu warbaahinta ku baahiyay ogaysiis la xidhiidha bandhiga Buuggaa. Laakiin munaasibadaa ayaa baaqatay. Kadib markii la xidhay Qoraagii Buugga ee sameeyay Cilmi Baadhistaa. Dhinaca kale Mawduuca buugga iyo waxybaaha uu xanbaarsanyahay , ayaa markii ay qaybo ka mid ah Bulshadu ka arkeen sharaxaad uu qoraagu ka bixinayo qabaa’ilka Somaliland qaarkood iyo Isir ahaan halka ay kasoo jeedaan, waxay ka dhashay doodo bulshada dhexdooda ah, kuwaas oo qaarkood dhibsadeen kuwo kalena ay soo dhoweeyeen, taas oo xadhigiisa lala xidhiidhiyay inay xukuumadda Somaliland ka hortegey inaan lagu baahin bulshada buuggaa oo qaar badan waxyeeli kara, ama shaki gelinaya isir ahaan halka ay ka yimaadeen. Araweelonews Mobile Somaliland Office E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |

Quraanka Kariimka Ah Oo Luqado Badan Lagu Turjumay ka Daalaco Halkan


Habeenkaaga Hargeysa Hoolal Casri Ah Iyo Huteelka Crown kala Xidhiidh Hargeysa Somaliland

The Azzurri trainer did not attempt to take many positives...
The Tri boss has...
The best match of the tournament ended in...
The Brazil boss believes his side struggled for...
The Bianconeri have confirmed a host...
The Chelsea star collapsed to the floor after a first-half collision and rose with...
The new Barcelona signing registered a goal and an assist at the Castelao, but was in...
The Anfield legend reveals his former club a looking to act fast...



















