__

 

Somaliland: Ka Qaybgalka Shirka Istanbuul Ma Gallaafan Doonnaa Guushii Ay Ka Xanbaaratay Shirkii London, Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist PDF Print E-mail
Friday, 01 June 2012 00:43

Dawlada Turkiga ayaa dalkeeda ku qabatay shirka Arrimaha Soomaalida ee labaad oo daba socday shirkii 23 Febuary Britain ku qabatay London.  Inakasta oo ay labada shir yihiin kuwo aad u kala duwan, marka la eego dhinaca Soomaalida dadka ka qaybgalay iyo qorshaha  ajandayaasha, balse

 

waxay  wadaagaan arrimaha lagag hadlayo oo ah kuwa Soomaalida.
Shirkii London oo ahaa kii ugu horeeyay ee  Somaliland ka qaybgasho noociisa, isla markaana ahaa shir caalamiya, waxa Somaliland uga qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana shirkaa maamulaysay dawladda Britain oo ahmiyad gaar ah u haysay Somaliland, isla markaana ka dheregsayand xaaladaha siyaasadeed  iyo kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia inteeda kale. Waana sababta ay Somaliland ugu qanacday inay ka qaybgasho, taas oo keentay guushii siyaasadeed ee qodobadii kasoo baxay shirkaa lagu xardhay oo ahayd  in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda Siyaasadeed, isla markaana wada hadalkaasi noqdo mid lagu saleeyo xiliggii 1960-kii ka hor intii aanay Somaliland  oo qaran madaxbanaani ka qaatay Boqortooyadii Britain iskeed ula midoobin Somaliyadii Talyaanigu gumaystay.
Talaabadaa ayaa ahayd guul weyn oo dublamaasiyadeed oo usoo hoyatay Somaliland, iyadoo shirkaa London oo ay ka qaybgaleen in ka baddan konton dawladood  oo caalamka ahi waxbadan ka ogaadeen Somaliland iyo siyaasiyan inay Somaliland iyo Somaliyada masiibadu ka taagnayd 21-ka sanadood ay kala duwan yihiin. Inakasta oo wadahadaladii labada dhinac oo la filayay inay meel maraan ka hor shirka ka socda Istanbuul ay dabreen siyaasadaha cadawga Somaliland iyo kooxda Sh. Shariif. Kadib markii ay carqaladeeyeen gudida ay dhinacooda usoo magcaabeen oo ay ku dareen xubno ka soo jeeda Somaliland oo dhinaca Somalia metelaya.
Shirka London kama qaybgelin kooxo gaar gaar loo casuumay ,  maamul goboleedyo, hogaamiyayaal dhaqan,  Ururo bulsho  iyo kuwo  metelayay  Ururo bulsho. Laakiin waxa loo casuumay hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland iyo Somalia, waxaana fursad loo siiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed S iilaanyo  inuu ka hadlo madashaa, maadamaa Raysal Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Somalia ka hadleen shirka furitaankiisa.
Hase yeeshee Shirka ka socda Istanbuul , waxa ka qaybgalay madaxdhaqameedyo ka yimi dhinaca Muqdisho oo kasoo jeeda Somaliland. sidoo kale waxa ka qayb galay kooxo sheegnaya ururo bulsho oo Somaliland sheganaya, isla markaana ah kuwa arrimaha Somali weyn jeebka ku sita iyo kuwo sheganaya gobolo Somaliland ka tirsan oo dhinaca debedaha ka yimi.
Xukuumadda Somaliland hore u diiday inay ka qaybgasho sida uu 6 May shaaciyay Wasiirka Arrimaha  Debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar, isagoo ku dooday in aanay Somaliland ka qaybgelayn shirka Istanbuul  haddii aan wax laga bedelin qaabka loo qorsheeyay shirkaa oo sida uu sheegay ka dhigaya Somaliland gobol ka mid ah Somaliland.
Laakiin todobaaadkii hore ayay xukuumadda Somaliland sheegtay inay ka qaybgelay shirka Istanbuul.  Ka dib markii ay marti-qaad rasmiya ka heshay dawladda Turkiga 24/05/2012-ka, sida ay sheegtay,  “Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay inay ka qaybgasho wejiga hore ee shirka Istanbuul oo ku began 31-ka May/ 2012. Marti-qaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu Somaliland ula dhaqmi doonto si ka geddisan sida loola dhaqmayo gobollada Soomaaliya. Dawladda Turkigu waxa kale oo ay marti-qaadkeeda ku caddaysay in la raaci doono hab-maamuuskii shirkii London ku qabsoomay 23 Febraayo 2012-ka.” Ayaa lagu sheegay go’aanka xukuumadda Somaliland, waxaana qoraalkaa lagu xusay xubnaha  wefdiga wasiirada uga qaybgelaya Somaliland  shirka Istanbuul oo ahaa Wasiiradda arrimaha debeda, Macdanta iyo Biyaha, Qorshaynta iyo Hawlaha Guud, laakiin waxa dalka ka dhoofay laba maalmood ka hor labada Wasiir ee Arrimaha Debeda iyo Qorshaynta si ay uga qaybgalaan shirkaa, iyadoo wasiirka macdanta uu ku maqnaa safar dhinaca USA, balse sida xukuumaddu sheegtay uu ka tegayo halkaa shirka. Sadexdaa wasiir oo haysta Passports shisheeye UK iyo USA.
Laakiin Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi  Xaabsade ayaa ka hadhay wefdigaa, ka dib markii sida uu wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyay inuu sitay Somaliland Passport  dawladda Turkigu u diiday inay siiso fiisaha uu ku gelayo dalkeeda.  Sidaana uu kaga baaqsaday safarkii Istanbuul. Arrintaa  ayaa muujisay durba sida ay Turkigu u wado qorshe qorsoon oo aan ixtiraam iyo ahmiyad siyaasadeed siinayn Somaliland.
Shirka Istanbuul  qaybtiisa hore ee 31 May 2012, maanta waxa  furitaankiisa ka haday  Raysal Wasaare xigeenka Turkiga, Raysal Wasaaraha Somalia  Cabdi Weli,  iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Mahinga , isla markaana ma muuqan wax meeqaam siyaasadeed ah oo Somaliland ku yeelatay shirkaa, waxayna xubnaha wasiiradda dhinaca Somaliland uga qaybgalay ku hafteen siyaasada hore loo sii dejiyay ee Turkiga  iyo talooyinka Mahinga  ee ka dhan ah qadiyada Somaliland iyo madaxbanaanideeda.
Gebegebadii shirka waxa wadajir shir saxaafadeed u wada qabtay raysal wasaare xigeenka turkiga iyo  raysal wasaaraha Somalia C/weli ,waxaana shaashadaha laga daawanayay inuu keligii isagoo meteleya, isla markaana ka turjumaya dawladda Somalia  iyo soomaalida ka qaybgashay shirka oo dhan si jees jees ah u sheegay  inay ku faraxsan yihiin inay walaalohood Somaliland kasoo laabteen wixii ay ku riyoonayeen oo ay maanta halkan fadhiyaan, isagoo u jeeda xubnaha  xukuumada Somaliland ka  socday ee shirka ku asqoobay, kuwaas oo u muuqday kuwo u sacab tumaya weedhahaa quudhsiga ah.
Si kastaba ha ahaatee shirka Istanbuul oo Somaliland sheegtay inay qaybtiisa hore  ka qayb gelay, isla markaana qaybtiisa danbe aanu khusayn, wuxuu muujiyay ducuf siyaasadeed iyo magac xumo usoo hoyatay milgaha iyo karaamada sharafta qaranka, waxaana suurta gal ah inuu  ka qaybgalka iyo qaabka xukuumadda Somaliland u aqbashay inay ka mid noqdaan xubnahaa wasiirada ahi ka qaybgalayaasha ay dawladda Somalia metesho uu sababo natiijo siyaasadeed oo galaafata guushii shirka London ay Somaliland ka xanbaaratay, basle waxaynu ka warsugi doonaa natiijada dhamaadka shirkaa laba maalmood ka dib, waxa kasoo baxa iyo saamaynta ay ku yeeshaan Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 5 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top