|
Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Magaalada Mihiimka Ahayd Ee Af-madaw Kadibna Isku Urursaday Kismaanyo |
|
|
|
|
Thursday, 31 May 2012 17:57 |
|
Kismaanyo(ANN)Ciidamada Dawlada taagata daran ee Somalia oo kaashanaya maleeshiyada Raas-kaambooni, isla markaana ay taageerayaan kuwa dawladda Kenya ayaa la wareegay Afmadow oo ah fadhiisin mihiim ah oo ay mudo dheer ku sugnaayeen
xoogaga Al-shabaab.
Kadib markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Somalia ee isbahaysanayaa in ka baddan sanad ka badan ku hareeraysnaayeen degmada Af-madaw oo qiyaastii 100 Km kaga beegan dhinaca Koonfureed Magaalada Dekeda ah ee Kismaanyo. Afhayeen ku hadlay DKMG ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka huwanta ahi ay ku soo jeedaan degmooyinka Jilib iyo Bu'aale iyo waliba magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose oo weli gacanta ugu jirta Al-shabaab. Warar kale ayaa sheegaya inay Al-shabaab isugu urureen dhinaca magaalada Dekedda ah ee Kismaanyo, iyagoo iskood uga baxay Bu’aale kadib markii maanta laga qabsaday Af-madaw oo kulaalaysay xadka Kenya, taas oo ahayd magaalo ahmiyad weyn u lahayd gacan ku haynta deegaamo baddan oo dhinaca jubooyinka ah. Dhinaca kale arrinatan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay laga qabsady Al-shabaab magaalada af-gooye ee duleedka Muqdisho oo ka mid ahayd meelaha ugu mihiimsan ee ay gacanta ku hayaan, waxayna arrimahaasi muujiyeen in la wiiqay cududii milateri ee Al-shabaab, balse maaha inay talaabooyinkaasi meesha ka saarayaan dagaalka ay al-shabaab kula jirto ciidamada Kenya, Somalia, AMISOM iyo kuwa Ethiopia eek u sugan Somalia.
Araweelonews Mobile Somaliland Office E-mail;
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|