__

 

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale Qormadii: 3aad PDF Print E-mail
Thursday, 31 May 2012 16:25

Subaxnimadaa aanu Boorame gelaynay, waxa kaleoo aanu jidka ku kulannay Khaalid yare oo Warfaafinta nagala hawl-gala. Markii aanu Boorame gallayba waxaanu qaadnay laammida magaalada laga galo. Hotel Harawo ayaanu midig ama bari ka marnay annaga oo woqooyi u soconna.

 

Waddadu waa ay soo xidhmaysaa oo waxa wajahadda kaa qabanaya boodh ay ku taallo Rays Hotel. Midig ayaanu u leexannay oo waxaanu is-taagnay bartii ay xabaashu ka qodnayd. Waanu ka noqonnay oo Rays Hotel ayaanu tagnay.

Annaga oo markaa shah iyo bun dalbannay ayuu na soo wacay Naasir Gargaar oo dadka diran ka mid ahi, magacana sidaa kula baxay. Saacaddu markaa waxay ku beegnayd ilaa sagaalladii. Wuxu noo sheegay in meydkii Dr. Cabdishakuur la soo qaaday si loo aaso. Shaahba ma aanu sugin.

Waxaanu tagnay markiiba goobtii lagu tukanayay oo ahayd Masaajidka Aabbihii Sheekh Cali Jawhar. Nuur iyo Naalleeyaba cidi kama maqnayn. Intii Boorame ku sugnayd ka-sokow, shacbi aad u faro badan oo weliba ahaa foolaadkii ummadda ayaa meel kasta iskaga yimid. Hargeysa waa laga yimid…..Jabuuti baa dayuuraddii la raagsaday oo baabuur la soo halabsaday. Dadkii meesha marayay ee rag iyo dumarba lahaa markii aan dhinac walba ka eegay ee aan farahooda ka yaabay, waxaan is-idhi in badan oo soo lugaysayna waa ay jirtay.

Dawladdu meeqaan aad u sarreeya ayay kaga qayb-gashay. Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa marayay. Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ayaa marayay. Ma Wasiirradaa! Tammuuxaas ayay ka badnaayeen. Ma Beerihii baa…..Ma Arrimihii Shaqadaa…..Ma Duulistii baa…….Ma Kalluumaysigii baa……..Ma Warfaafintii baa…….Ma Caafimaadkii baa

Shirkadihii gaarka loo lahaa iyo hay’adihii kale ee dawliga ahaa ayaa iyaguna ciiddaa ka badnaa. Ururkii Dhakhaatiirta oo oodihiisii iyo dhigihiisii ba wata ayaa marayay. Da’yartii oo rag iyo haweenba leh. Culimadii iyo Madax-dhaqameedkii. Geeri arooskeed ayay ahayd. Il-yarta ayaa is-qabatay oo usha circa loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn.

Sidaas ayaanu ku gelbinnay Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo milge iyo maamuusbaku lahaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland.

Haddaba halyaygan la quudhi waayay kuma ayuu ahaa?

Aniga oo aad uga xun in gawl-gawlo taariikhda iyo sooyaalka saaxiibkay Dr. Cabdishakuur oo aanu maalmo, bilo iyo sannado badan soo wada-qaadannay annaga oo fikir-wadaag ahaan jirnay, ilaa maalintan uu dhimanayayna ahayn. Boorame ayuu ku dhashay xilli ku beegbnaa 1952kii. Qoys-diimeed oo caan ah ayuu ka dhashay. Aabbihii, magac ka miskiin ma ahayn oo Sheekh Cali Jowhar oo geyiga Soomaaliyeed iyo geeska Afrikaba ka caan-baxay.

Dugsiyadii Hoose iyo Dhexe wuxu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalin-jebiyay Dugsigii Sare ee Benaadir 1972kii. Waa halkii ugu dhaweyd ee aanu isku baran lahayn, bal se waxaan ka baxay hortii bishii Ogos 1968kii. Markii ay ka baxeen Dugsigii Sare ayaa lagu qoray shaqadii Qaranka. Sida uu ii sheegay Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ay ay isku Dugsi ahaayeen, waxa lagu kala qoray Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo Boorame ah iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo Burco lagu qoray. Waa beryihii nidaamkii Siyaad Barre odhan jiray waxaanu dalka ku dhaqaynaa nidaamka “hanti-wadaagga cilmiga ku dhisan.”  

(La soco…………………..)

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 6 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun 08 May 2013, 09.52 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Guri Iska Dumay, iyo Baabuur iska Gadoomay! M. Haaruun
Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku
Suxufiyiinta Somalia Oo Xusay Maalinta Saxaafadda Aduunka Iyo Sanadkan Oo Loo Aqoonsaday Kii Tacadiyada Ugu Badnaa Soo Waajaheen
Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday
Xuska Sanad Guuradii 11aad ee Geerdii Madaxweyne Cigaal iyo Taariikhda Faca wayn ee uu lahaa, Qalinkii: Muna Ibrahim Adan
v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);} 800x600 Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun 02 May 2013, 09.36 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
ABWAAN DHOODAAN: Ilays Damay! Qalinkii: Maxamed Haaruun
Abwaan C/laahi Macalin Axmed, (Dhoodaan), 1941 kii ilaa 2013

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top