__

 

Human Rights Watch Oo Warbixin Dhiilo Xanbaarsan Kasoo Saartay Hawlgalo Ciidamada Liyuu Boolis Ee Kililka Shanaad Ka Fuliyeen Xadka U Dhexeeya Somaliland Iyo Ethiopia PDF Print E-mail
Tuesday, 29 May 2012 15:57

New York (ANN)Hay’adda xuquuqa aadamaha ee Human Rights Watch ayaa war-bixin dheer ka qortay hawl-galada arxan darada ah ee ciidamada loo yaqaan  Liyuu booliska ee dawlada deegaanka Kililka Shanaad ee Somalida Ethiuopia  ka fuliyaan deegaanada ku teedsan xuduudka u

 

dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia dhowaan.
Human Rights Watch, oo war-bixinteedan ku eegaysa falalka dilka iyo dhaca ah ee ciidamada Liyuu boolisku u geystaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan deegaamada xuduudka,  waxayna  si gaar ah ugu qaadaa dhigtay hawl-galo dad badan ku dhinteen oo bishii saddexaad ee sanadkan ay ka fuliyeen ciidamada Liyuu boolisku saddex tuulo oo hoos tagga degmada Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Ehtiopia, weeraradaa oo ay ku laayeen dad badan oo reer guuraa ahaa.
Human Rights Watch oo soo xiganaysa ilo-wareedyo iyo goob-joogayaal qaarkood ku sugnaayeen deegaanada  oo ay ciidamadaaasi  hawl-gal ka ka sameeyeen, ayaa sheegtay in ciidamada Liyuu boolisku ay maalin  kaliya deegaanka loo yaqaano Raqda oo ka tirsan Gaashaamo ay ku dileen 9 qof oo deegaanka ahaa, ka dib markii dadka deegaanku ay ka dileen 7 askari, taas  oo keentay inay,  isla maalintaa  weerar kusoo qaadeen tuulada Raqda oo ay dadka ku laayaan, iyagga oo sidoo kalena afduubay 24 nin oo dadka deegaanka ahaa, iyadda oo war-bixintu sheegtay in ciidamadu,  isla maalintaa  ay bililiqaysteen Dukaamadii iyo guryihii halkaa ku yaalay.
Ku xigeenka Madaxa hay’adda Human Rights Watch ee Afrika oo war-bixintu  soo xiganayso,  ayaa sheegay in dilka dhowr askari oo Liyuu boolis ahi  aanay noqonayn wax loo banaysto dilka dadka shacabka ah, isagoo yidhi,  “Dilka dhowr Liyuu boolis ahi sabab,  uma noqonayaan argagax galinta iyo ciqaabta ay ku hayaan shacabka”sidaa waxa yidhi ku xigeenka Madaxa Human Rights Watch ee Afrika Mr Leslie Lefkow oo war-bixintu soo xiganayso, wuxuuna  raaciyay  “Hawl-galada tacadiga ah ee Liyuu booliska Kililka Soomalidu waxay ina tusaysaa sida ay muhiimka u tahay in dawlada Ethiopia  (Federaalka) gacanta ku qabato ciidamadan bilaa sharciga ah”
Sidoo kale waxay warbixintu sheegtay in  deegaanka Gaashaamo bishii saddexaad ee sanadkan in 17-kii isla bishii saddexaad ciidamada Liyuu boolisku hawl-galay guryaha ku baadhayeen ka fuliyeen tuulada loo yaqaano Cadaada,  isla-markaana ay guri guri u baadheen, iyagga oo sidoo kalena xabada kor u ridayey intii ay hawl-galka ku jireen, markaa ka dibna uu halkaa  dagaal ka bilaabmay oo ay halkaasi ku dileen afar qof oo dadkii deegaanka ahaa, iyadda oo war-bixintu tibaaxday inay qaxeen dadkii halkaasi joogay, isla galabnimadii maalintaasna  ay dib ugu soo laabteen Cadaadada, iyadda oo la aasayo dadkii ay hore u laayeen ay haddana afar qof dileen, ka dib markii ay afar rag ah kala soo baxeen guryahooda, mid ka mid ahna ay gurigiisa hortiisa madaxa kaga toogteen sida ay sheegayso gabadh ay walaalo ahaayeen  ninka dilkiisa dagaalku ka dhacay “Waxay qabteen Walaalkay, waxayna la tageen dibada oo ay Madaxa kaga toogteen”ayay tidhi haweenaydaasi oo hay’adda Human Rights Watch u warantay.
War-bixinta HRW oo aad u dheerayd, ayaa waxa mid mid ah loogu soo qaaday falalka naxariis darada ah ee ciidamada Liyuu boolisku ku hayaan ama u geysteen shacabka deegaanada hoos tagga Gaashaamo, iyadda oo war-bixintu sheegtay inay jiraan dad rakaab ahaa in wakhti habeenimo ah mar kaliya ciidamada Liyuu boolisku wada toogteen inta ay gaadhigii ka soo dejiyeen.
War-bixintu sidoo kale, waxay faahfaahisay ciidamada Liyuu booliska wakhtigii la aas-aasay, cida aasaastay iyo waliba cida Maalgalisa, waxayna sheegtay in ciidamada Liyuu booliska la aas-aasay sanadkii 2007-dii oo ay bateen dagaalada ciidamada dawladu kula jireen jabhadda ONLF, waxayna war-bixintu sheegtay in ciidamada Liyuu boolisku ay aad caan ugu noqdeen dagaalada sanadkii 2008-da, iyagga oo bay war-bixintu tidhi u shaqeeya uuna hogaamin jirayna wakhtigaasi Madaxwaynaha kililka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illey, oo wakhtigaasi ahaa Madaxa nabadgalyada ee Kililka.
War-bixintu waxay sheegtay in aanay cadayn sharciyada jiritaanka ciidamadan, laakiin bay tidhi Human Rights Watch waxay helaan Tababaro, dirays, hub iyo Mushahar uga yimaada dawlada Ethiopia oo loo soo mariyo masuuliyiinta gobolka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 13 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top