__

 

Doorashadii Tijaabada ahayd ee Gudida Doorashooyinku qabteen, xilliga lagu beegay iyo Qorshaha laga lahaa, By Xuseen aadan Yuusuf (Kurdi) PDF Print E-mail
Monday, 21 May 2012 21:12

Doorashadii Tijaabada ahayd ee ay dhowaan qabteen  Gudida Doorashooyinka Qaranku oo Qorshaha laga lahaa ahaa in lala socdo sida loo waajahayo qabashada doorashada dawladaha Hoose oo la qorsheeyey in diiwaangelin la’aan la hirgeliyo, xilli astaanta musharaxa iyo sawirkiisa laga reebay

in lagu calaamadiyo warqadda codaynta lana siiyo musharax walba Number gaar ah maadaama ay musharaxiinta iyo axsaabtuba ka badan yihiin sidii hore.  ayaa dhanka kale waxaa hubaal ah in doorashadaasi ay xambaarsanayd  ujeedooyin intaa ka fog oo ahmiyad balaadhan u leh dadka iyo dalka Somaliland, gaar ahaan marka la eego waqtiga lagu beegay iyo sida ay wax ugu kordhin karto.

Ugu horayn doorashada tijaabada ahayd waxay ku soo beegantay maalmo ka hor xuska 18 may, ee Sanadguurada 21-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii, waxayna doorashadu qayb ka qaadatay muujinta dariiqa dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku socotay mudadaa rubuc qarniga ku dhow, sidaana ay qabashada doorashadu ahmiyad ugu lahayd sida loo muujinayo waxii ay Somaliland qabsatay xiligaa aynu xusnay.


Tijaabinta Doorashadu waxay qayb ka ahyd hagaajinta Sumcadda Somaliland xilli ay dhowaan furmi doonaan wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland iyo Somalia, kuwaasoo ku qotoma qayimka labadii dawladood ee is raacay sanadkii Afrika ee 1960-kii, ka dib intii aanay Somaliland dib uga bixin Midnimadii lagu khasaaray. ee laga dhaxlay daymaha shisheeye, dagaalada sokeeye, darxumo nolosha guud ah iyo dalkii oo magaalo keliya noqday.

Ahmiyada kale ee doorashada tijaabada ahayd u lahayd wadankan waxay ahayd iyadoo gudida Doorashooyinku u muujiyey beesha caalamka sida ay diyaarka ugu yihiin qabashada doorashooyin xidhiidh ah oo la hirgeliyo sadexda ilaa afarta sano ee soo socda, xilli beesha caalamka laga sugayo dhaqaalaha ku baxaya doorashada rasmiga ah ee dawladaha Hoose, taasoo la filayo inay qabsoonto rubuca dambe ee Sanadkan. Halka aanay meesha ka madhnayn in gudida laftooda oo hadhsanaya dhismaha cusub ee xaruntooda guud ay tijaabo gaar ah u ahayd sida ay xafiisyadan cusub ee horumarsan ugu shaqayn doonaan mustaqbalka dhow.

Dhinaca gudaha hadii aynu eegno qabshada doorashadu waxay ku soo beegantay maalin ka bacdi markii bariga caasimadda Hargysa uu ka dhacay fal fool xumo lahaa oo lagu weeraray xero ciidamadu leeyihiin, falkaas oo niyad jab ku keenay bulshada Somaliland iyo inta danaysa qadiyadeena, waxaana hirgelinta doorashada tijaabada ahayd oo dhacday saacado ka dib markii falkaasi dhacay ay daaha saartay oo dabooshay muuqaalkii xumaa waxayna indhaha caalamka ku soo celisay inay Somaliland duruuf kasta oo ay marayso ay tahay mid ku socota Jidkii nabadeed iyo kii dimuqraadiyadeed ee ay mudada soo haysay.
Si kastaba ha ahaatee iyadoo todobaadkan gudihiisa wadamada Maraykanka iyo Denmark oo safka hore kaga jira wadamada bixiya dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay ka hadleen sida ay ugu qanacsan yihiin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, si gaar ahna ay dawladda Denmark xaqiijisay inay xafiis  ka furanayso Somaliland, ayaa waxaa hubaal ah in doorashada tijaabada ahayd ay wadankan u lahayd ahmiyad ka qoto dheer ujeedada laga lahaa.

Xuseen aadan Yuusuf (Kurdi)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 4 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top