__

 

Somaliland: Tacadiga Saxaafada iyo Gabood-falada Shacbiga lagu hayo yaa u Aanoobay? faallo: SCC(Kalshaale) PDF Print E-mail
Sunday, 20 May 2012 22:42

wariye4.jpgInkasta oo ay Mandaqada Geeska Afrika tahay meesha loogu tacadiga badan yahay Saxaafada, haddana Somaliland oo ah wadan wali Qariib ku ah dunida saddexaad iyo  Caalamka intiisa kaleba hirgelinta Dimuquraadiyad ku dhisan tix-gelinta Afkaarta Mawaadiniinta dalka u dhashay ee

 

arimaha siyaasada gudaha iyo Warbaahinta madaxbanaan ee udub dhexaadka u ah gudbinta fariimaha cusub  iyo codka bulshada ee saxda ah, ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay si isdaba jooga ugu talaabsatay hawl-galo guracan oo lagu bartilmaameedsanayo Saxaafada madaxabanaan ee dalka ka shaqaysa iyo ashkhaasta fikirkooda siyaasasiga ahi ka horimanayo rabitaanka xukuumadda talada haysa ee madaxweyne Siilaanyo.

Howl-galadaas oo wer-wer iyo walaac badan ku abuuray qaybo badan oo ka mida Beesha caalamka, gaar ahaana wadamada Somaliland taageerada Dhaqaale ku siiya Taabo-gelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan hanaan dimuquraadiya  oo ay Astaantiisu tahay in Doorashooyin asxaab badani ku tartantay lagu soo doorto hay’addaha Xukuumiga ah ee madaxweynuhu ugu sareeyo, kuwa sharci dejinta, Golayaasha deegaanka ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada magaalooyinka iyo in Xoriyatul-qawlka saxaafada iyo mawaadiniintu inay lama taabtaan noqdaan, kuwaasoo dhinaca kalena ka caawiya dhismaha Hay’adaha Garsoorka dawliga ah oo ka madaxbanaan hadba xukuumadda talada haysa inay si caadalada ka baxsan ugu xukunto cida ay ciqaabayso.

Somaliland waxay leedahay Dastuurka dhaqan gal ah oo 97% ka mida shacbiga wadanku codkooda ku meel mariyeen iyo Xeer si waadax ah u damaanad qaadaya xoriyada saxaafada iyo gudbinta afkaarta bulshada oo ay shan sanadood ka hor Hay’adaha Xeer dejintu ansixiyeen, kaasoo dhaqan-galkiisa uu sanadkan qabyo tiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo, hase yeeshee shuruucdaasi maaha kuwo sida ay yihiin loogu dhaqmo ee waxa meesha ka saaray awoodaha  ay sida khaldan u istcmaalaan madaxda dawladu ee ay hadba qofka ay rabaan handidaada ugu gaystaan, kuwaasoo mudooyinkan dambe si gaara loogu adeegsanayo Xadhiga Warfidiyeenada madaxbanaan.

Hay’addaha amniga iyo kuwa Cadaalada Somaliland waxa ay Labadii sanadood ee ugu dambeeyay Xukunka Qar-qoosh ah,  Xadhig, Garaacis iyo Cago juglayn u geysteen in ka badan 106 wariye, kuwaasoo dhibaatooyinka loo geystay iyagoo gudanaya waajibaadkoodii shaqo ee War gudbinta iyo raadinta xogo caam ah oo ay umadda u soo bandhigaan, waxaana qaarkood lagu xukumay Xabsi dheer iyo Ganaax lacageed, qaarna waxa mudo xabsiga loogu hayay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo si gaara u xidhay iyagoo isticmaalaya Shaadhka dawlada, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiir Duur, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayirka Degmada Caynaba oo saddexdooduba Wariyayaal u xidhay arrimo Awood sheegasho.

Inta badan Wariyayaashaasi waxa xadhigooda amray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo tan iyo Markii xilka loo magacaabay ku sifoobay bixinta  awaamiir Khaldan oo uu marka dambe fulintooda ka dhaxlo fadeexado cul-culus oo saamayn ku yeesha Qaranka, Hanjabaad iyo Tacadiyada ka dhanka ah Saxaafada oo ilaa maalintii uu Xilka la wareegayay xadka ka sii baxaya.

Wasiirka Daakhliga Somaliland Mr.  Duur oo markii Xilka loo magacaabay ahaa shakhsi si aad loogu soo dhaweeyay Saaxada Siyaasada, gaar ahaana ka mid noqoshada xukuumadda Siilaanyo, ayaa  noqday masuul hab-dhaqankiisa maamul dibada uga soo saaray quluubta dad badan oo u han-weynaa xiligii uu Xildhibaanka ahaa, isla markaana kashka iyo laabta ku qaabilay dharaartii Madaxweynuhu Wasiirka  Wasaaradda Daakhiliga u doortay.

Mr Duur waxa uu si badheedha u xidhay 24 Wariye oo aan waxba galabsan, kuwas oo saddex ka mida uu u xidhay isagoo ugu awood sheeganaya xilka qaranka, isla markaana laba ka mid ahi ay todobaad u xidhnaayeen, Maxamed Cabdi Curad oo ah Tafaftirihii Wargeyska Yool-na maalintii shanaad u xidhan yahay, halka uu 21 kale maalin kaliya Xabsiga ku uruuriyay, ka dib markii ay ka dhiidhiyeen amar kasoo baxay isaga (Wasiirka) oo albaabada loogu laabayay TV-ga Caalamiga ah ee Horn-cable xaruntiisa magaalada Hargeysa, kuwaas oo iyaguna Saldhiga dhexe ugu xidhnaa in ka badan 40 Saacadood, balse lasoo daayay markii danbe.

Sidoo kale waxa uu fariimo hanjabaad ah u diray  Wariyayaal kale,  kuwaas oo uu ku haysto warar ku salaysan Dhaliilaha ka muuqda shaqadiisa oo ay qoreen, waxaanay gabood-falada noocaas ahi meesha ka saareen xidhiidhkii ka dhexeeya isaga iyo saaxafada dalka oo hada meel xun maraya , inkasta oo uu mar isku dayay inuu saaxiib dhaw la noqdo Wariyayaasha, isla markaana heshiis afka ah la galay in ka badan 30 Wariye oo ay ku jireen kuwo markaas uun xabsiga lagaga soo daayay raalin gelin la siiyay wixii dhacay maalintaa.

Marka laga yimaado Xad-gudubyada Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku hayo Warfidiyeenada dalka, waxa uu sidoo kale dhibaatooyin lama ilaawaana u geystay shacbi badan oo rayid ah, kuwaas oo waxyeelo nafeed, Dhaawacyo jidh ahaaneed iyo Dhaqaale bur-bur xoogani ka soo gaadhay hawl-galo uu gadhwadeen ka yahay oo ay hay’addaha amnigu qaadeen lixdii bilood ee ugu dambeeyay.

Hawl-galadaas oo inta badan sabab iska hor-imaadyo dhimasho iyo dhaawac keena oo dhex mara Ciidamada amarkiisa ku socda iyo Bulshada lagu waajaho oo naftu u geyso inay isdifaacaan, waxaana laga xusi karaa dhacdadii  bishii hore ka dhacay suuqa Injida ee Hargeysa, taas  oo todoba qof ku dhaawacmeen, hawl-gal jidadka Caasimada lagaga rarayay xoogsatada danyarta ah oo isagana laba qof ku dhinteen iyo hujuumkii qoysaska danyarta ah lagaga raray Cisbitaalkii Jajabka oo uu ku dhintay Wiil Jaamici oo uu ku soo tabcay Aabe Curyaana oo dadkii xaafadaasi degenaa ka mida.

Wasiir Duur xilka uu hayo ku noqday sida Awr Layliya oo Haamaha Korkiisa saaran ka didaya. Isla markana inta uu buuq iyo qas abuurto marka dambe ceebaha ka raaca ugu cadhooda saxaafada xaqiijisa runta biyo kama dhibcaanka ah ee Bulshada loo gudbinayo,  geesta kale  bil ka hor si qaawan ugu Hanjabay Wasiir Duur Madaxdhaqameedyada wadanka, gaar ahaana cuqaasha, isagoo  ku dooday inuu Aqoonsiga kala noqonayo, Mushaharkana ka jarayo  Caaqilka Warbaahinta ka dhaliila xukuumadda uu ka tirsanyahay, dhawaaqaas oo amakaag iyo af-kala qaad ku noqday qaybo badan oo ka mida Bulshada wadanka, isla markaana utun siyaasadeed kala dhex dhigay dawlada iyo  hogaanka dhaqanka ee dhinaca nabad gelyada kala shaqeeya.

Siyaasad xumadda iyo qalafsanaanta Wasiir Duur waxay sidoo kale todobaadkii hore  Mugdi geliyeen nabad-gelyada wadanka iyo kala dambaynta ka jirta, ka dib markii uu hadh cad ku dhawaaqay in Maleeshiyo beeleed hubaysani soo weerartay Xerada Ciidamada Qaranku ku leeyihiin Xaafada New Hargeysa, halkaas oo todobaadkii hore goor subaxa Iska hor-imaad ku dhex maray Dhalin yaro cadhaysan iyo Ciidan Milateri ah oo uu isagu dalbaday in lagu xoojiyo Bilayska ka hortaga Rabshada oo halkaa  loo geeyay si ay uga hortagaan kooxo dadka xaafada ka tirsan oo ka cadhooday xukunkii maxakmadda ciidanka ee kooxdii weerartay xerada ciidanka qaranka.


Waxaana Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Layliga ku ah xilka uu hayo, si isku mida u saluugay qofkasta oo maqlay lexejeclo wadanka ka hayso, waxaanu ahaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee afkiisa ka soo baxa ee u qaadan waa ku noqda shacbiga, isla markaana walaac amni ku abuuray dadka ajaanibka ah ee Somaliland daneeya oo si weyn uga walaacay falalka amni daro ee dalka ka dhacay iyo Hubka uu sheegay inay wateen meeshiyaadkii Milateriga soo weeraray oo aanay qaarkood filayn inay dadka rayidka ahi haystaan.

Dhinaca kalena isla dhacdadaasi arrinta kale ee la yaabka noqotay ee aanu Wasiirku ka madhnayn waxay ahayd xukunkii lagu riday 22 Eedaysane ee lagu soo qab-qabtay iska hor-imaadkaa,  kuwaas oo xukunka lagu riday ay ka cadhoodeen qaar ka mid ah dadka xaafada New Hargeysa.



Wasiir Maxamed ayaa Sidoo kale  isaga wasiiro kale oo ay isku koox yihiin Door muhiima ku leeyihiin Xadhiga Boqor Buur-madow ee Dhaliilaha dawlada u xidhan, kana qayb qaatay falkii foosha xumaa ee Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye dhaawacyada iyo dhabar-jebinta siyaasadeed loogu geystay shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye, kaas oo markii uu isku dayay inuu ka doodo xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mida Ilaaladiisa gaarka ahi laba dibble Kursigii ugu soo tuuray, taas oo ku keentay Dhaawac ka soo gaadhay Dhabarka.

Si kasta ha ahaatee intii Wasaaradda Daakhiliga Somaliland loo magacaabay Maxamed Nuur Caraale Duur, waxa isa soo taraya gabood-falada lagula kacayo Warfidiyeenada dalka iyo Faashil ku yimi jawiga nabad-gelyada dalka ee gudaha oo maraya meel una baahan in wax laga bedelo hogaanka wasaaradaasi, isla markaana xukuumadda siilaanyo ka ka jawaabto walaaca ka muuqda daneeyayaasha siyaasada Somaliland, kuwaasoo  wadnaha farta ku haya  halka ay ku dambeyn doonaan sawirada aan fiicnayn ee ka soo bu’aya dhinaca gudaha dalka ee Cabudhinta Saxaafada iyo xadhiga Ra’yi qabuhu  ugu horayaan.

faallo: SCC(Kalshaale)

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 5 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin),By Xasan Cumar Hoori
Waxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale. Dhinaca
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun 13 June 2013, 20.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland: Awr Dabar La'aan dhacay! By M. Haaruun
“Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud 13 June 2013, 17.15 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin. By Cabdi Daahir Camuud
Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha debeda iyo dhaqaalaha
Somaliland Cidla kaga tagi mayso Itoobiya hadii lagu soo duulo ama layskugu tago, By C/raxmaan Cadami
Kocdoonkii Guga Carabta ee masar ka hilaacay iyo banana-baxyo rabashado wata oo daba dheeraaday waxay masar ku abuureen xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, Dawlada Ikhwaantu waxay ku haftay xalinta iyo
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye 10 June 2013, 19.05 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qofkaan Waalidkii Edbin, Waayahaa Edbiya, By Maxamuud Cali Walaaleye
Salaanta islaamka ka dib, waxaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo maqaal nin sheegtay C/casiis Bashiir Nuur, ku magacaabay Cali Xoorxoor oo horsed ka ah
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed Samatar 07 June 2013, 19.20 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Kulan Dhexmaray Haweenka Awdal Prof. Axmed  Samatar
Boorama(Araweelo News Net Work) Haweenka Gobolka Awdal ayaa Kulan la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo booqasho ku jooga
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya 05 June 2013, 17.09 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Qorshayaasha qarsoon ee qaramada midoobay iyo qabsashada Soomaaliya
Markaad eegto Xassan Sheekh duulimaadadiisa faraha badanee uu adduunka ugu kala gooshayo marna Japan mar Addis-ababa, Kenya ama marka la leeyahay MadaxwaynahaSoomaaliya ayaa Koonfur Africa kala
Kursiga Dahabka  Ah Ee Somaliland Kaga Fadhido Gor-gortanka Biyaha Niilka Ma Ka Faa’idaysan Doontaa.? W/Q.Saeed Issa Eleyeh.
Somaliland ayaa waxaad moodaa inay siyaasad ahaan suudh dahaba xidhantahay markaad eegto sida uu  U bilaabmatay isbadalka siyaasiga ah ee  sida xawliga ah isu soo taraya, kaas  oo  ku salaysan is khilaafka dhexyaala
Inta Raggu Dumarka Dheeryahay Waxaa Ka Badan  Intay Ka Simanyihiin By, Aamina Maxamud Axmed (Khaliifo)
Marka hore waxaa mahad iska leh Allah oo ay naftaydu iyo naftiinuba gacantiisa ku jirto inata aanan u gudbin
Dahabshiil oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi

Hambalyo & Tahniyad

Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top