__

 

Wasiirro Shariciga Jebiyey, Dastuurka Baalmaray, Awoodda Afraad ee Dawladnimana Tunka Kaga Fadhiya Maxa u Xeera? Weriye: Ibraahim Khadar Siciid, Jamhuuriya PDF Print E-mail
Sunday, 20 May 2012 22:12

calanka somaliland copy.jpgWarbaahinta oo adduunka ayaa mararka qaar loogu yeedhaa Shurda Raabica, amma awoodda afraad ee waddan yeesho, isla markaana dalalka dimuqraadiyada sheegta lagu qiimeeyaa inay ooda ka qaadaan xorriyatul-qawlka,  Somaliland waxay  ku faanta

markay fagaarayaasha caalamka joogaan inay dimuqraadiyaddu biyo-dhigtay, waxay jebisay faankii u yaalay dunida.

Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo oo hiilinta ugu weyn ka heshay saxaafadda, ayaa noqotay dawladdii intay Somaliland jirtay ugu xidhigga iyo tacadiyada badnayd dhinaca saxaafadda, waxaanay xidhay ugu yaraan dhawr iyo kontan wariye.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo awooddeeda ugu badan saarta siday cududeeda u tusi lahayd shacabka iyo saxaafadda, ayaan haba yaraatee awood badan ku lahayd marka la joogo fagaarayaasha cadawga.

Xukuumadda uu soo dhisay KULMIYE ayaa awooddeeda dhuula tus ee xagga saxaafadda iyo shacabka kaga bilawday xidhis, garaacis iyo cagtay mariso shacabka danyarta ah iyagoon wax qorshe ah loo samayn,looguna marmarsoonaayo in hantidoodu soo gashay dhul dan guud oo u baahnayd in qorshe loo sameeyo si aan xuquuqda muwaadiniinta loogu tacadiyin, dhib iyo fawdana u dhalan sida dhacday.

Inagoon xadhigga iyo tacadiyada saxaafadda lagula kaco gudaha u sii galay, waxaan u soo noqonayaa tafaftiraha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad oo maalintii lixaad sharci-darro ugu xidhan jeelka dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo sida ururka suxufiyiinta SOLJA xaqiijiyeen inuu u xidhan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale Duur.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinta damaanad qaadaya ayaa xaqiijinaaya in qofka uu xaq u leeyahay in maxkamad la horkeeno muddo 48 saacadood ah, xaqna uu u leeyahay inay booqdaan qareenadiisa, eheladiisa iyo cid kasta oo uu codsadaba, sidoo kalena waxa uu dastuurka ka hor imanayaa in la cabudhiyo xorriyatul-qawlka.

Weriye Curad iyo Khadar Maxamed Xuseen, ayaa xabsiga la dhigay 15 May, kadib markay sawirro ka qaadeen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha gudaha oo ku sugan goobtay ka dhacday shaqaaqadii lagu weeraray ciidammada qaranka.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qaybtiisa 3aad oo ka waranta xuquuqaha aasaasgia

ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan qodobka 27aad farqadiisa 1 iyo 2aad oo tilmaamaya

1.Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay inuu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.

2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.

Sidoo kale isla qaybtaas qodobka 32aad ee ka hadla xorriyadda bannaan-baxa, Ra’yi-dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kale, gaar ahaan farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa; “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.”

Xeerka saxaafadda Somaliland oo in badan xukuumadda iyo barlamaankuma isu abaabuleen siday meesha uga saari lahaayeen, una samaysan lahaayeen miday ku cabudhiyaan, waxa uu jidaynayaa qodobkiisa 3aad madax-bannaanida saxaafadda in dastuurku aqoonsaday, cabudhinteeduna aanay bannaanayn.

Isla xeerkaas oo la yidhaa xeer lrm, qodobkiisa 8aad oo ka hadla awoodda helitaanka iyo fidinta wararka, farqadiisa 1aad waxa uu sheegayaa inaan suxufiga loo xidhi karin hawlgal saxaafadeed, iyadoon xalaalayn maxkamad awood u leh. Markaa Wasiir Duur iyo Xirsi ma iyaga maxkamaddii awoodda u lahayd noqday oo xidhaya, kana aargudanaya wariyayaasha hawlmaalmeedkooda ku jira?

Dhammaan xeerarka dalka u yaala, iyagoo sidaa tilmaamaya, ayaa wariyayaashan waxa lagula kacay cabudhin iyo xaq-darro, markaa su’aasha aan ku soo gebagebaynayaa waxay tayahay Wasiirro sharci jebin, dastuur baal marid iyo awoodda afraad ee dawladeed tunka kaga fadhiya maxa u xeer ah?

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 8 guests online

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top