__

 

Muj. Xasan Ciise Guddoomiyaha ururka XAQSOOR Oo Ku Baaqay In La Furo Distoorka Somaliland Oo Dalku Yeesho Dhawr Madaxweyne Ku Xiggeen Iyo Raysal Wasaare PDF Print E-mail
Thursday, 10 May 2012 18:03

Hargeysa (ANN) Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee dalka Somaliland, ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku taliyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo distoorka qaranka si dalku u yeesho ra’iisal-wasaare iyo madaxweyne-ku-xigeenno

 

badan.  Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ururada hadhay iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka.
Muj. Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sidaa ku sheegay  oo waraysi khaas ah oo uu shalay wargeyska Jamhuuriya ku siiyey gurigiisa magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu waraysigaa ku sheegay  inay ku hawlan yihiin sidii ay xulafo ula samaysan lahaayeen ururrada hadhay hadheen si loo xoojiyo cuddudda ay kaga qaybgalayaan doorashooyinka golayaasha degaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan, isagoo tilmaamay inay xidhiidho iyo wadahadallo u socdaan ururkiisa XAQSOOR iyo madaxda ururrada hadhay, aqoonyahanno kaloo madaxbannaan oo reer Somaliland ah iyo siyaasiyiin ka tirsan saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR waxa uu sheegay in tabashooyinka kala duwan ee ka jira dalka oo uu shaaca waddanka ka taagan lagu xallin karo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka Somaliland.
Waraysiga Xasan Ciise Jaamac oo aad u dheer, isla markaana kaga hadlay qodobo badan oo xiiso leh waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: XAQSOOR waxa uu ka mid yahay lixda urur-siyaasadeed ee ka gudbay qiimayntii hore, bal ka waran dareenkiina ku wajahan inaad ka qaybgashaan tartanka golayaasha degaanka iyo hawlaha ururkiina?
Xasan Ciise: Sidaad sheegtay ururka XAQSOOR wuxuu ka mid yahay lixda urur ee soo baxay, qorshaha iyo mabaa’dii’da guud ee ururkuna waa mid cad oo magaciisa ayaaba ka turjumaya. Waa urur u taagan midnimada Somaliland, nabadgelyadeeda iyo in caddaalad lagu dhaqo wadanka, inuu arrintaas ka shaqeeyo ama ku dedaalana waa waajib saaran. Waxaannu ku dedaalaynaa in aannu horumar ku shaqayno si dalka looga saaro duruufaha ku taagan oo caddaalad loogu maamulo.
Jamhuuriya: Mar haddii ururkiinu soo baxay qorshaha ma idiinku jirtaa inaad martiqaadaan masuuliyiinta iyo madaxda ururrada hadhay si ay XAQSOOR ula midoobaan, maadaama aad adigu shaqsiyan hore dedaal ugu gashay midaynya ururrada cusub ee siyaasadda?
Xasan Ciise: Arrimahaas aad sheegtay waa qaar jira oo damiirka iyo caqligaaga ayaaba ku siinaya in lala xidhiidho ururrada hadhay oo qudhoodu tabashooyin qaba, hawshana laga qaybgeliyo. In la isu yimaad oo cuddudaada la xoojiyo waxa ku jira midnimada ummadda.
Ururrada aan ka mid noqon lixda urur ee soo baxay badankoooda waannu wada xidhiidhnay oo waxa jira kuwo nala soo xidhiidhay iyo qaar aannu annagu la xidhiidhnay, wadahadalkuna weli soo noo socda oo qaarba meel ayey noo maraysaa, iminkana ma doonayo in aan ka sii hordhaco oo magacyadooda sheego, laakiin mid kasta markaannu wada-shaqaynta ku heshiinno ama ku heshiinno in aannu kala tagno ayaannu magacyooda sheegi doonnaa. Iminka hordhac bay noqonaysaa inaad ka faallooto wixii oo aan bislayn.
Markaa waxaan idiin sheegaa inay jiraan xidhiidho aannu la samaynay ururradaas iyo shaqsiyaad kale oo aan ururba ku jirin iyo qaar saddexdii xisbi ee horeba ku jiray oo nala soo xidhiidhay, hawshuna meel fiican bay noo maraysaa, waxaanan u aragnaa in arrintaasi ka mid tahay midaynta ummadda iyo sidii loogu adeegi lahaa horumarka iyo wax-wada-qabsiga ummadda iyo dalka.
Jamhuuriya: Waxa jira cabashooyin ka soo yeedhaya ururrada hadhay, waxayna ku baaqeen mudaharaadyo ay leeyihiin dastuurka ayaa noo fasaxaya, xukuumadduna way diiddan tahay, halkaasna khilaaf baa ka dhashay, urur ahaan siday arrimahaasi idiinku muuqdaan?
Xasan Ciise: Annagu ma nihin maxkamad oo maannu gudo-gelin in aannu khilaafkaas ka garnaqno, arrinta haddii aanad ka garnaqina waxa aad ka tidhaaa waa guud-mar qudha, markaa labada qolo ee ururrada iyo xukuumadda midna noomuu iman oo namay odhan noo garnaqa oo na kala saara.
Markaas laba qodob ayuun baan arrintaas ka odhanayaa oo waxaan maqlayey ama jaraa’idka ku arkay in qaar ka mid ah ururradu yidhaahdeen maxkamadda ayaannu dacwad u gudbinaynaa.
Haddii arrinta maxkamad la geeyey ama la geynayo ma fiicna in laga faalloodo oo waddamada caalamka qaar ka mid ah waaba dambi in laga hadlo kiisas maxkamadaha ku jira, sababtoo ah waxa la doonayaa in maxkamaddu fursad u hesho inay garsoor fiican ka samayso waxa la isku hayo si loogu qanco, haddii laakiin kiiska laga sii hadlo isagoo maxkamad ku jira khalkhal baa imanaya, wixiina waa la dhooqaynayaa.
Xagga mudaharaadka haddii aan ka hadlo, mudaharaadku haddii lagu qanacsan yahay inuu mid nabadgelyo ah noqonayo, dadkuna si macquul ah u dalbadaan mudaharaadka oo dariiqiisa maraan lagama horjoogsan karo oo xorriyatul-qawlka ayuu la mid yahay, waana shay qofka muwaaddinka ah xaq u leeyahay, mudaharaadkana in sabab la’aan la isu hortaago maaha, laakiin haddii dawladdu sabab macquul ah haysato way ishortaagi kartaa oo sirdoon baa jira ciidamaa jira oo dawladdu leedahay, markaa haddii wax cad oo nabadgelyo la’aan sababi kara la hayo waa la horjoogsan karaa mudaharaadka, waana in dawladdu qancisaa dadka mudaharaadka wata oo ay sababaysaa waxa keenay inay diido.
Jamhuuriya: Ururka XAQSOOR waxaan filayaa inuu yahay ururka qudha lixda urur ee soo baxay ee guddoomiye-ku-xigeenkooda ka dhigay siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool, degaannada bari ee dalkana dhibaatooyin baa ka jira, waa maxay mowqifkiina la xidhiidha xallinta tabashooyinka gobollada bari ee Somaliland?
Xasan Ciise: Arrintaas mowqif cad baannu ka taaganay, waxana jira in dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey oo dhan ay baylihiyeen degaannada bariga shishe ee dalka. Arrintaas in aannu wax ka qabanno ayaannu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta, taasna macnaheedu ma aha degaannada galbeed ee dalka ama degmooyinka kalee badhtanka ayaannu sii daynaynaa, laakiin waxaannu qabnaa in la dhanmeeyo tabashooyinka dalka ka jira oo dhan, waxaanan aaminsanahay in la beddelo dastuurka Somaliland u yaal oo waddanku markuu ugu yaryahay laba ama saddex madaxweyne-ku-xigeen iyo ra’iisal-wasaare yeesho, dastuurka inoo yaallaana maaha aayado qur’aana oo Illaahay soo dejiyey, balse waxa weeyeshuruudo dadku samaysteen oo ay doorbideen inay ku dhaqmaan, iskuna maamulaan.
Marka baahiyo kale yimaaddaan waajib ayey kugu tahay inaad beddesho dastuurka aad samaysatay si loogu xalliyo baahiyaha soo baxay inta aanay kugu noqon carqalad dhibaato keenta oo danahaagu u burburin, markaa iyadoo dariiqa sharciga ah loo marayo waxaannu aaminsanahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka si ummaddu murraayadda hoggaanka sare ee dalka isaga wada aragto.
Guddoomiye-ku-xigeennada ururka XAQSOOR ee aannu badinay waxaannu uga dan leenahay in madaxweyne-ku-xigeennada la badiyo oo ra’iisal-wasaare la sameeyo oo bariga iyo galbeedka dalkaba siyaasadda laga qaybgeliyo si aynu ugu gaadhno ictiraafka aynu u baahannahay ee innagu raagay.
Jamhuuriya: Guddoomiye; xukuumaddii hore ee Rayaale waxay samayn jireen ballaanqaadyo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka degaannada bariga dalka, laakiin waxba kamay fuli jirin. Xisbiga KULMIYE ololihii wuxuu ku galay wax baannu ka qabanaynaa tabashooyinka bariga oo ilaa ra’iisal-wasaaraha aad sheegayso waxay sheegeen inay samaynayaan, haddana weli wax tallaabo ah lama qaadin, maxaa intaas dhaafsiisan ood idinku haysaan?
Xasan Ciise: Horta annagu tallaabooyin ka duwan kuwaa aad sheegtay badh waannu ku dhaqaaqnay oo guddoomiye-ku-xigeenka ururka XAQSOOR waxaannu ka dhignay nin ka soo jeeda degaannada bariga, arrintaasina waa tallaabo aannu samaynay oo aannu dheernahay kuwa kale oo dhan.
Waxa kale oo aannu ku dhawaaqnay in aannu taageernay gogosha nabadda ee bariga loo fidiyey, waana mid waajib ah, laakiin waxaannu xukuumadda ku dhalliilnay in aanay raacin wejigii lagu iman lahaa gogosha nabadda, qaabka gogosha nabadda lagu imanaya waannu sheegnay oo kumaanan bakhaylin oo qolooyinka Faranjiga (reer galbeedka) ayaaba yidhaa gogosha nabadda waa inaad raacisaa wixii dhibaatada lagu xallin lahaa oo aad raacdaa dariiqii loo mari lahaa gogosha nabadda, arrintaasna waxa ka mid ah in laga kaco meelaha biyaha ah ee laga fadhiistay dadweynaha bariga, waana hab aannu kaga duwanahay xukuumadda talada haysa iyo kuwii horeba, taasina waxay keenaysaa kalsoonida oo waxay muujinaynsaa inaad gogosha nabadda daacad ka tahay, markaa waa in gogosha nabadda la raaciyaa wixii dadku ku iman lahaayeen, iyadoo loo muujinayo in la xallinayo wixii ay tabanayaan oo dhan.
Iminka ma jiro wax dawladda ka hortaagan inay dastuurka beddesho. Berrito ayey bilaabi kartaa inay dastuurka beddesho, mana jiro cadaw shisheeye oo ka hortaagan in dastuurka la beddelo. Waxa qudha oo ka hortaagani waa garasho la’aanta iyo fahmo la’aanta xukuumadda jirta. Hadda ayey dawladdu bilaabi kartaa tallaabooyinka dastuurka lagu beddeli karo.
Jamhuuriya: Ma dastuurka oo dhan baad doonaysaa in la beddelo, mise qodobo ka mid ah?
Xasan Ciise: Dastuurka oo dhan lama beddelayo, laakiin waxa la beddelayaa qodobo sharciyeynaya in dalku yeesho madaxweyne-ku-xigeenno badan iyo ra’iisal-wasaare, arrintaasna wax xukuumadda ka hortaagan ma jiro.
Annagu waxaannu nahay kuwii ku dhiirran lahaa in dastuurka la beddelo haddii aannu talada qabano haddii Ilaahay yidhaa.
Jamhuuriya: Waxa jira tabashooyin badan oo dadku ka qabaan golayaasha degaannada dalka ee ku yimi doorashadii 2002, waxayna dad badan aaminsan yihiin in aanay goleyaasha hadda shaqeeyaa wax badan ka qaban adeegyadii bulshada ee magaalooyinka dalka, iminkana waxa la isu diyaarinayaa doorashadii degaanka. Haddaba, si loo daweeyo cabashooyinka dadweynaha idinku qaab noocee ah ayaad ku xulaysaan xildhibaannada murrashaxiinta idiin noqonaya?
Xasan Ciise: Waxaannu ururka farnay in lagu dedaalo sidii xildhibaannada murrashaxiinta noqonaya tayo loogu soo xuli lahaa, in lagala tashado madax-dhaqameedyada, culimada iyo waxgaradka degaanka sidii loo heli lahaa rag tayo leh oo ururka XAQSOOR uga qaybgala tartanka doorashada degaannada.
Waxaannu doonaynaa oo aaminsan nahay in aannu soo xulno dad ummadda ugu adeegi kara daacadnimo iyo caddaalad oo la aamini karo, haddii Ilaahay yidhaana waannu ku dedaali doonnaa arrintaas si ummaddu uga baxdo dhibaatooyinka haysta oo looga gudbo musuqmaasuqa dalka ka jira ee heer kasta saameeyey.
Jamhuuriya: Weftigii qaadhaan-bixiyeyaasha ee toddobaadkan dalka yimi waxay sheegeen inay ururrada siyaasadda iyo madaxweynahaba kala hadleen sidii saami fiican dumarka iyo dadka laga tirada badan yihiin looga siin lahaa murrashaxiinta doorashooyinka, arrintaas sideed u aragtaa?
Xasan Ciise: Kaalinta dumarka laga siinayo doorashooyinkal Maraykan walaa Faranji kale waxba ka weydiin mayno, arrintaasna waxaannu wax ka weydiinaynaa culimada iyo aqoonyahanka Somaliland, dumarka waddankeenna waxaannu u oggolnahay oo ku dhiirrigelinaynaa wax kastoo khayr ku jiro oo diinteenna iyo dhaqankeennu siinayaan, waanuna u oggolnahay arrintaas, laakiin Faranji diin kale haysta oo dumarkoodiiba qaawiyey waxba u weydiin mayno dumarkagaya.
Qayb kaloo ka mid ah waraysigan oo Xasan Ciise kaga hadlayo mawqifka urur-siyaasadeedkiisa ee la xidhiidha ka qaybgalka Somaliland ee shirarka Soomaaliya, shirka Muqdisho uga socda madax-dhaqameedyada oo la sheegay in qaar reer Somaliland ah ku jiraan, sababaha keliftay inuu mar labaad saaxadda siyaasadda ku suu noqdo, rajada uu ka qabo in dadweynuhu u doortaan hoggaaminta dalka iyo qodobo kale oo xiiso badan la soco



Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 23 guests online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top