| Marxuum Maxamed Axmed Halac Mujaahid Taariikh Halgan Ku Lahaa Somaliland Oo Geeriyooday |
|
|
|
| Wednesday, 09 May 2012 17:04 |
|
Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Marxuum Axemed Maxamed Halac oo ka mid ahaa Saraakiishii iyo Aqoonyahankii SNM ee dalka xoreeyay, isla markaana ka mid ahaa musharixiintii doorashadii Madaxweynaha 1993-kii shirkii Boorama isugu soo taagay, ayaa ku
geeriyooday 7 May 2012, dalka Swedan. Qoraal tacsi ah oo Madaxweynaha Somaliland ugu tacsiyadeeyay Qoyskii, qaraabadii ehelkii iyo bushada Somaliland, ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED HALAC oo ku geeriyooday Waddanka Sweden, 07/05/2012, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii SNM, dhinaca kalena waxa uu ka mid ahaa saraakishii ugu horaysay ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland, Markii ay Somaliland Madaxbanaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Marxuumku tan iyo xiligaa waxa uu bulshada dhexdeeda ku lahaa taariikh iyo sumcad weyn Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa MARXUUMKA, inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. “ IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Dhinaca kale shebekada wararka Araweelonews, haddii ay suurta gasho marxuumka taariikh nololeedkiisii waanu idiinka soo gufbin doonaa, balse waxaanu tacsi taa la mid ah u diraysaa, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada Somalilnd, iyagoo ka tacsiyadaynaya geerida Marxuum Axmed Maxamed Halac, waxayna marxuumka Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii , ehelkii iyo umada somaliland samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana janadii fardawsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin. |

Quraanka Kariimka Ah Oo Luqado Badan Lagu Turjumay ka Daalaco Halkan


Habeenkaaga Hargeysa Hoolal Casri Ah Iyo Huteelka Crown kala Xidhiidh Hargeysa Somaliland

The BVB star is hoping that...
The capital club have released a statement condemning the actions...
The Dortmund boss has...
Sam Allardyce has confirmed that the 31-year-old Romanian full-back is on the verge of...
The Spain legend turned...


















