Garyaqaanadii U Dooday Boqor Buur-madaw Oo Sheegay Inaanu Xeer-Ilaaliyaha Guud Tallaabo Ka Qaadi Karin Soona Dhoweeyay Hadduu Ka Dhabeeyo Is-casilaadiisa PDF Print E-mail
Monday, 07 May 2012 16:23

Hargeysa(ANN)Laba Garyaqaan oo u doodayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo Xukuumadda muddo laba bilood ka badan ku haysay xabsiga Hargeysa, balse dhegaysiga dacwadiisa oo ka  socotay Maxkamadda gobolka Hargeysa, fadhigii labaad

ay ka dareereen Garyaqaanada difaacayay 3 May 2012.  Kadib  markii sida ay sheegeen farogelin xukuumaddu ku samaysay, ayaa ka jawaabay eedaymo uu u jeediyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay inay labadaa Garyaqaan jebiyeen shuruucdii Qareennnimo.
Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland iyo Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhaleecayn  iyo hanjabaad uu Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan u mariyay waraysi uu siiyay wargeyska jamhuuriya iyo shebekada wararka ee Araweelonews, laakiin labada Qareen ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa iska difaacay eedahaa, iyagoo ku dooday in sababta ay dacwadaa uga baxeen ay ahayd markii ay arkeen in Xeer Ilaalintu fulinweyday go’aankii Maxkamaddu ku amartay, isla markaana ay muuqatay in fara-gelin lagu sameeyay Maxkamadda oo qaabka xeer Ilaaliyaha guud u dhaqmayay ee gudoomiyaha dacwada qaadayay ku dul fadhiistay ay ka mid ahayd culayska. Labada Qareen  waxay ku doodeen inaanay Xeer-ilaalintu sharci u lahayn inay tallaabo sharci ah ka qaaddo Waaxda Garsoorka.
Garyaqaannada oo shalay warbaahinta ugu warramay Huteelka Xaruf ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn halkaaka  hadlay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, isagoo  yidhi, “Aniga oo aan jeclayn  inaan ka hadlo dacwadda waajib ayey noqonaysaa inaan ka hadlo maanta haddii  Xeer-ilaaliyihii guud uu ka hadlay dacwaddaas. Waxa weeye laba denbi ayuu ku soo eedeeyay  Boqor Cismaan Buur-madaw, midna dalka gudihiisa ayaa lagu galay midna dalka dibeddiisa ayaa lagu galay, marka denbiga dalka gudihiisa lagu galo waa qodobka 212-aad. Ka Dalka dibeddiisa waxa gala muwaaddin joogay oo kaliya, midna waxa gala muwaaddin kasta oo dalka gudihiisa jooga. Waxaannu sheegnay in labadan qodob aan qof lagu wada eedeen karin oo waliba la leeyahay dibedda ayuu joogaa. Markaa, qodobbadan midi waxa uu ka sheekeynayaa qof inqilaab sameeyay. Midna waxa uu ka sheekaynayaa qof been sheegay oo hadalka iyo nuxurka qodobkuna isma-waafaqsana, ee Xeer-ilaaliyuhu waxay ahayd inuu is-waafajiyo oo Waxa ka muuqata inuu is-waafajin kari waayey.”
Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Siciid waxa uu ka hadlay eedaha uu u soo jeediyey Xeer-ilaaliyaha guud labadooda Qareen, waxaanu yidhi; “Xeer-ilaalintu waxay sheegtay aniga iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac inay tallaabo ka qadayso, waxaan doonayaa inaan ifitiimiyo halkaa, waxaannu nahay labadii dhinac ee dacwaddu dhex-taallay, dhica Xeer-ilaalinta iyo dhinaca Qareennada difaacaya Boqor Buur-madaw oo Maxkamadduna ay tahay tii noo dhaxaysay ee gartan qadaysay. Waxa wacan in la fahmo haddii labada dhinac uu midi ka kale uu tallaabo ka qaadi karo dee sharci iyo cadaalad midna ma jirto oo nidaamka dalkeennu sidaas maaha ee waxaannu nahay laba u siman Maxkamadda horteeda oo dhinacna xaq u malaha inuu dhinaca kale tallaabo ka qaado.”
“Waxyaabaha uu Xeer-ilaaliyuhu sheegay waxa ka mida; ‘waxaan horgaynayaa Guddiga Cadaaladda’ Runtii aniga oo ixtiraamaya saxiibna aannu nahay Xeer-ilaaliyaha waxaan jeclaan lahaa inuu akhriyo qodobka 160-aad ee sheegaya Guddiga cadaaladdu waxay tahay. Annagu Garsoorayaal ma nihin ee Guddiga cadaaladdu Garsoorayaasha ayey tallaabo ka qaddaa. Waxa uu sheegay inay deg-deg uga fadhiisanayaan waa arrin ceeb ku ah isaga iyo sharciga-ba.” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Siciid.
Waxaanu Garyaqaan Maxamed Siciid oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “May ahayn inuu yidhaahdo aniga ayaa culayska la isaaray oo Xukuumadduna I saartaa, waxa uu cebeenayaa Xukuumadda iyo nidaamka innoo yaalla oo ah saddex waxood oo kala madax-bannaan. Runtiina maan arag Wasiir ama Madaxweyne culays saraaya, balse Xeer-laaliyaha guud oo ka mida Guddiga Cadaaladda isaga oo  ah dhinaca oogaya dacwaddan ayuu dhex-fadhiyey, inuu soo dhex fadhiisto culas bay ku tahy Garsooraha.”
Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Jaamac oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Haddii uu Xeer-ilaaliyuhu is-casilo waan ku hambalyeenayaa oo waa go’aan ragannimo leh, haddii uu xilkisii gudan kari waayay, waa geesinnimo inuu ka tago. Madxweynaha waxaannu u soo jeedinaynaa inuu cid kale u  magacaabo haddii uu gudan kari waayo shaqadisii Xeer-ilaaliyaha guud oo waxa uu sheegay in uu is casilayo.”
“Sababaha keenay inaannu ka baxno dacwaddan waxa weeye, haddii Ninkii aannu difaacaynay uu yidhaahdo difaaca joojiya waa qodob, Amarradii Maxkamaddu ay amartayna haddii uu u hoggaasami-waayo dhinaca kale (Xeer Ilaalinta), annagu ma dhirbaaxi karayno oo amarradii Maxkamaddu ay amartay ma la beddelay? Waa maya!. Waxaannu leenahay wax denbiya ma lihin oo ninkii aannu difacaynay ayaannu ku hishiinnay inaannu ka baxno u doodista dacwaddiisa.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Jaamac, ahna Mudane ka tirsan Xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Diiwaangalinta madaniga ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland 28 September 2014, 14.06 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Diiwaangalinta madaniga ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland
Dalku wuxuu soo maray marxalado badan oo kala gedisan wuxuuna u soo gudbay marxalad somaliiland ay u suurto gashay inay samaysao astaan muujnaysa qaranimada Somaliland, taasoo muwaadiniinta Somaliland siinaysa fursad ay ku
Maayarka Caasimada Oo Balanqaaday In Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Lagu Kordhinayo Qayb Dumarka Ah 27 September 2014, 06.28 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maayarka Caasimada Oo Balanqaaday In Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Lagu Kordhinayo Qayb Dumarka Ah
Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inay bilaabi doonaan dhisme
Prof. Gees Oo Mawduuciisa Taxanaha Dharaaro Xusuustood U Xanbaariyay Tabasho Fariin Siyaasadeed Oo Si Farshaxan Ah Ugu Socota Somaliland
Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland waxa uu qoraalkiisa taxanaha ah ee Dharaaro
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Waramay Waxyaabaha Ay Kala Soo Kulmeen Shir Caalami Ah Oo Wefdi Uu Hogaaminayaa Ka Qaybgaleen
Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay natiijada uu kala soo
Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV 16 September 2014, 19.08 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV
Hargeysa(Araweelo News Network) wararkii iyo Barnaamijyadii Telefishanka Madaxabanaan ee Bulsho TV  15 Sep 2014, ka daawo
Maxaa Sababay In Madaxweyne Siilaanyo Oo Codka Shacbiga Ku Yimi Ka Dhuunto Saxaafadda, By C/raxmaan Cadami
  Dabeecada Aadamaha waxa ka mid ah in qof walba noloshiisa mar,  ama in ka badan la kulmo dhibaato,  yaalaa ma dhacdo inuu cimrigiisa ku
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka 16 September 2014, 06.03 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka
Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka  caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa shaaciyay in la hakiyay bixinta dhulka Dawlada Hoose
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime 15 September 2014, 16.10 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime
Ummada Reer Somaliland Waxey La Yaabantahay Laba Wajiilaynta Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxman Cirro ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Ingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay.  Faallo: Qalinka Xassan Cumar Hoorri
Ninkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, shalay, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay 13 September 2014, 17.37 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Gebilay(Araweelo News Network) Roobabka Raxmaadka Gu’ga oo mudooyinkan ka da’ayay deegaamo badan oo Somaliland, ayaa waxyeelo gaadhsiiyay Deegaanka Beeralayda Gebilay meelo ka mid ah. Kadib markii Daad

There seems to be an error with the player !

Saaxiibada kuugu Dhow Ee Kula Wadaaga Waqtigan

We have 16 guests online

Sports Headline

Hambalyo & Tahniyad

Hanbalyo Meherka Marwo FARXIYA JAAMAC AXMED (Bidhe) Iyo Saygeeda XUSEIN YOUSUF BARRE .
Maxamed Cilmi Xusein, Xuseen Nuur Faahiye, Faarax Aadan
Congratulations Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan 08 September 2014, 15.20 carraale Hambalyo & Tahniyad
Congratulations Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan
Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan who got into wedding in Hargeisa on
Alif Mabruuk Arooska Naasir Yuusuf Daahir iyo Hoodo Siciid Shukri Oo Ku Aqal-galay Hargeysa
Aabbo Yuusuf Daahir Axmed, Hooyo Caasha Aadan Yuusuf iyo caruurtooda oo kala
Dhallasho Lagu Farxay Aabbe Farxaan Cali Sallaad Iyo Hooyo Safiya C/llaahi Nuux Oo Wiil Ugu Dhashay Guri-Ceel oo ka Tirsan Gal-guduud
Dhalsho Farax Ah, Aabbo-Siciid Nuux Cumar Iyo Hooyo-Xalwo Oogle Nuur Iyo Dhammaan Reer Siciid Nuux,Adeer-Abokor Nuux Cumar Xaaskiisa iyo
Hanbalyo Meher 29 May 2014, 20.59 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meher
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri 30 April 2014, 19.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri
Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Barri ee JSL, Mudane Cali
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan 11 January 2014, 20.49 carraale Hambalyo & Tahniyad
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan
Cabdiqaadir Muxumed Aadan iyo Xaaskiisa, Cabdicasiis Ismaaciil Cabdi iyo Xaaskiisa, Maxamed Cabdillaahi Dalmar iyo Xaaskiisa, Mustafe Maxamed Cabdillaahi (Faro), Siciid Axmed Cabdi, Cabdirisaaq
Hanbalyo Allif Mabruuk Arooska Axmed Siciid Maxamed iyo Marwadiisa Nimco Cabdullaahi Cabdi
Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelonews.com, Arraweelo.com iyo shaashada ArraweeloTV Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan weriyaayaasha iyo hawlwadeenada shebekaddaha Arraweelooyinka
Hanbalyo Aroos Wacan 21 September 2013, 17.26 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Wacan
Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Ee Horyaal Caynaba Aden Dirir Geedi
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax 22 June 2013, 21.01 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax
Guurkiinnu Guur khayr, Gurigiinna Guri Nagi, Guulloow ka

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top