__

 

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Sharaxaad Ka Bixiyay, Hawsha Xafiiskiisa, Shaqada Garyaqaanka Guud Ee Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Iyo Heshiisyo Somaliland Gashay PDF Print E-mail
Monday, 07 May 2012 16:16

Hargeysa(ANN)Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in xafiiskoodu aannu habayaraatee cidna dusha ka saarin dambi aanay lahayn, sidoo kalena aanay qofna ka dhaafin dembi uu leeyahay, isagoo dhinaca kalena ka hadlay dib-u-habayn lagu

 

sameeyey xafiiska xeer-ilaalinta iyo dumar hawlahaas ka shaqeeya oo dhawaan la magacaabay.

 

Mr. Xasan Axmed Aadan oo waraysi dheer maalintii Sabtida xafiiskiisa ku siiyey Jamhuuriya iyo shabakadda wararka Araweelonews, kaasoo aannu qaybtiisii hore idiinku soo gudbinay shebekada Araweelonews.com waxa uu qaybta labaad waraysigan oo aad u dheer kaga hadlayaa arrimo oo ay ka mid yihiin

dareennada shakiga leh ee dadweynuhu ka qabaan xafiiska xeer-ilaalinta, awoodaha shaqo ee ay kala leeyihii Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, sida xafiiska xeer-ilaalintu ugu dhiirrado in qof dhan oo nool ay yidhaahdaan dil halagu xukumo iyo doorka Somaliland ee la-dagaalanka budhcad-badeedda.

Qaybta labaad ee waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

Su’aal: Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud baryahan dib-u-habayn baad ku wadeen, waxaana nagu maqaallo ah in hawlwadeennada xafiiska Xeer-ilaalinta la kordhiyey oo dumar badan lagu soo kordhiyey oo ku-xigeenno Xeer-ilaaliyaha Guud loo magacaabay, hawsha xafiiska iyo dumarkaas la magacaabay warbixin naga sii?

Jawaab: Waa run oo waxa la qaatay toban xeer-ilaaliye oo jaamacadaha dalka ka qallin-jebiyey, sharciga shaqaaluhuna wuxuu sheegayaa in wiil iyo gabadhba shaqada loo siman yahay, waxana weeye kuwii u soo baxay ee sinnaanta lab iyo dheddigga (Gender) ku salaysnaa, waana shan gabdhood iyo shan wiil, wax weyna gabdhuhu caddaaladda way ka tarayaan, waxana dhaca kufsiyo, xadgudubyo carruurta iyo dumarka jira, markaa dumarku waxay ka cawdaan in ragga uunyihiin kuwa wax eedaynaya oo kiisaskoodii meel la iska dhigo, waanay noo fiican tahay inay garsoorka ku jiraan haweenku, xagga caddaymahana wax badan oon ragga loo sheegi karin oo dumarku gaar isugu sheegi karaan oo dhinaca caddaaladda ah waa loo baahan yahay.

Garsoorayaal ma aha [haweenku] oo garsoorayaasheenna sida nidaamkeenna iyo shareecadeennu qabto ayaa laga racayaa hadday xaq u leeyihiin iyo haddaanay u lahayn, mana odhanayno ma leh iyo way leeyihiin, waana arrin u taal garsoorka sare iyo Guddida Caddaaladda, xeer-ilaalintana siday bilayska ugu jiraan uunbay ugu jirayaan, waana arrimo farsamo, runtiina waa nalagu ammaanay, garsoorkaanay kicisay, ardayda jaamacadaha ayaanay dhiirrigelisay, qaar kalena iminkaannu qaadanaynaa.

Su’aal: Tobankan Xeer-ilaaliye-ku-xigeen ee la magacaabay sidee bay magacaabistoodu u waafaqsan tahay dastuurka iyo qaabka xafiiska Xeer-ilaalinta Guud?

Jawaab: Anigu ma magacaabo. Xeer-ilaaliyayaasha ayaan magacabaa anigu. Xeer-ilaaliye-ku-xigeennadana Xeer-ilaaliyaha Guud waxa magacaaba Guddida Caddaaladda, tobanka qof ee la soo magacaabayna waxa ansixiyey guddidaas.

Su’aal: Waxaad ka dhawaajisay in garsoorku madaxbannaan yahay, Guddida Caddaaladdana awoodda ugu badan leh, marka laga yimaad Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo madaxweynuhu magacaabo, sida ku cad dastuurka xubnaha ugu badan guddida caddaaladdu waxay ku yimaaddeen digreeto madaxweyne; miyaan la odhan karin qodobka dastuurka laftiisa ayaa garsoorka dhaawacaya oo waxay ahayd in garsoorku ka madaxbannaanado awood dawladeed. Maaliyad ahaana garsoorku ma madaxbannaana arrimaha laftoodu miyaanay garsoorka dhaawac u geysanayn?

Jawaab: Marka la eego xubnaha guddida caddaaladda; afar nin waxa soo magacaaba golayaasha, xukuumadna may soo magacaabin, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarena waad ogtihiin xasaanadduu leeyahay oo labada gole baarlamaan ayaa isugu taga ansixintiisa, waana nin haysta dammaanad adag oo xooggan oo ah inaannu u habran cidna, xubnuhuu madaxweynuhu soo magacaabana laba garsoore oo Maxkamadda Sare ku jira, kuwa kalena waa aniga. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Caddaaladda, kuwaasina waxay ka yihiin kuwa ugu yar xubnaha guddidaas.

Su’aal:Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud waa xafiiska eedaha soo ooga, muwaaddiniinta amma siyaasi ha noqdo ama shacbi oo qof dhan baad ku doodaan in nafta laga jaro, ummadduna shakibay idinka qabaan oo waxay tidhaa xukuumadda ayaa dabada riixda, aragtida noocaas ah amma dadka eedaysanayaasha ah maxaad farriin u jeedin lahayd?

Jawaab: Danta caddaaladda ayaa sidan fartay in cidna wax eedayso, cidna difaacdo, cidna ka garnaqdo oo dhinacyadaas caddaaladdu ku dhisnaato ayaa looga baahday. Qaanuun iyo nidaam dawladnimo ayeynu samaysanay, qanuunkaas haddaanay cid ilaalinayn; ma aha dil uun ee waa in la ilaaliyo nidaamkii, kaannu leenahay dil ha lagu xukumanna waa mid nidaamkii jebiyey, qofka noocaas ah haddaan la ciqaabina oo qofka qof dila loo dilin, loona ciqaabin dalku wuxuu noqonayaa fawdo, kala dambayn iyo nidaamna ma jirayo, intaynu dhaano Soomaalida xabbadda isla dhacaysaana waa nidaamka iyo kala dambaynta oo la ilaaliyey. Xafiiska Xeer-ilaalintu cid aan dambi lahayn lama doono, cid dembi lehna ma dhaafayo.

Suaal: Adinku waxa tihiin Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka dhawaan waxa la magacaabay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, bal waxaad faahfaahin ka bixisaa waxyaabaha aad ku kala duwan tihiin labadiina xafiis?

Jawaab:Xeer-ilaaliyaha Guud: Dadka qanuunka aad u yaqaan way kala fahmaan, balse guudka. qaryaqaanka iyo xeer-ilaayaha ayaanay dadku kala sugi karin, laakiin annagu dambiga, sharciga iyo xadgudubyada ayaannu ilaalinaa, iyaguna waxa weeye dawladdu markay dhinac ka tahay arrimaha maddaniga ah oo ah heshiis ay gashay oo qareen bay u baahan tahay dawladdu markay is dacwaynayaan nin roodhi siiya iyo mid ciidammada bariiska u keenaa, dawladdu awood ay ku maquuniso ma leh oo waa dhinacyo heshiiyey. Markay heshiisyada dawladdu gasho shaadhka bannaankay iska dhigtaa, waxaanay u baahan tahay qareen.

Dawladdu danaheeda cid ilaalisa ayey u baahan tahay, illeyn maalin walba nin suuqa uga yeedhan maysee. Annagaa qaban jirnay, annagana hawshayada may ahayne waxay ahayd hawl xafiiskan oo aan dhisnayn awgeed dusha nalaga saaray. Annagu mar baannu maddaniga galnaa oo waa arrimaha waaweyn ee danta guud ku dhisan ee aanay dawladdu heshiis ku galin, xeerkaana na siinaya awooddaas; xeer ciqaabtu waa gaar oo iyagu shaqo kuma leh, keliya waxay qabtaan waa inay faafinta rasmiga ah soo saaraan iyo intaa yar ee maddaniga ah, markaa hawl badan oo ananga isaga kaaya xidhani ma jirto.

Annaga dastuurkaa na abuuray oo hay’ad ka ballaadhan baannu nahay, dastuurkuna in badan buu kaga hadlayaa hay’adda Xeer-ilaalinta Guud iyo waajibaadkeeda, markaa xafiiska Garyaqaanka Guud waxa lagu dhisay xeer hoose, isku ujeeddana maaha.

Su’aal: Arrimaha caalamiga ah markaynu ka hadlano laba xeer bay Somaliland ansixisay oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Xeerka Wareejinta Maxaabiista. Waxa la innagu ammaanaa inaynu budhcad-badeedda la-dagaalankeeda qayb laxaad leh ka qaadanno, shirkii London shirar kaloo ka dambeeyey oo ka dhacay Denmark oo aa adiguna ku lug leedahay way jiraan, arrimahaasna bal tafaasiil ka bixi?

Jawaab: Markii u dambaysay waxaan ku horreeyey Denmark waxaannu ahaa 11 March ee sannadkan, kadibna waxaan tegay Ingiriiska isla March. Shirka hore ee ka dhacay dalka Denrmark wuxuu socday dhawr maalmood, waxana lagaga hadlayey budhcad-badeedda iyo wareejinta maxaabiista oo ah labadii xeer ee aynu halkan ku ansixinay, waxana Somaliland lagu ammaanay inay ku soo biirtay iyadoon la aqoonsan waddamada la-dagaalama budhcad-badeedda, waxaanay keentay oo faa’iido ah in xeerarka caalamiga ah aqbalnay oo la yidhi dawladdaasi way aqbashay, Somaliland baana meesha lagu hadal hayeym ilaa lixdan dawladood wax ka badanna way fadhiyeen iyo hay’ado caalamiya sida Interpol iyo IOM, waxana lagu soo bandhigay heshiiskii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Sychelles kala saxeexdeen ee lagu qabtay London, kaasoo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron dhexdhexaadinayey, xeerarkeennii baana lagu soo bandhigay. Madal fiican bay ahayd oo Somaliland lagu ammaanayey, maalintaasina waxay ku soo beegantay maalintii Golaha Guurtidu ansixiyeen oo waxa la yidhi Somaliland Guurtideedii ayaa ansixisay.

Markaa kadib waxaannu tagnay Ingiriiska, waxaanan u tagnay arrimo la xidhiidha argagixiso la-dagaalanka, waxana nala socday wasiirrada Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha, nin Maxkamadda Sare la socday, asluubta, CID-da, Birmadka. Dhammaantayo waxa nala soo tusay siday hay’adaha caalamiga ah uga shaqeeyaan amniga, waxaanuna la kulanay Scoutland Yard, CPS oo xafiiskaygan oo kale ah oo la yidhaa Crown Prescution Serves; waxaannu la kulanay jeelka ugu weyn Ingiriiska; waxaannu la kulannay qolooyinka xabsiyada kormeera; waxaannu la kulanay Common Wealth. Hay’ado dhawr ah ayaa nala mariyey oo waayo-aragnimo wanaagsan ah. Waxay na tusaayeen adduunka waxa ka dhacay, waxa jira, caddaymaha, waxana la doonayaa inay tababaror aad u ballaadhan siiyaan Somaliland.

Su’aal: Dhinacaasi waa dhinacii wanaagsanaa, dhinaca kale waxa jira dad dhaliilaya arrimahaas oo leh waxa dhici karta in budhcad-badeeddii innagu soo jeesato oo muwaaddiniinta isaga kala goosha dhulalka Soomaalida lagula kaco dhibaatooyin aarsi ah, taasi miyaanay innooga iman karayn?

Jawaab:Anigu taas ma filayo. In badan baynu ka hadalnay, innaguna ma xukumayno, waana la inoola yimi. Mmaxkamadda Somaliland in lagu qaado xukuumaddu way ka diiday, waxaanay tidhi cadaawad bay nagu keenaysaa sidaas aad sheegtay, balse isku gudbinta maxaabiistu waa mid ka duwan, waana arrin bani’aadaminimo ah hadday qofka ka timaad, mana soo qasbayno qofka. Waddan kale oo aannu cimiladiisa aqoon bay afka uga galeen. Heshiiska waxaannu la galnay dalka Sychelles, ugu horrayna waa in qofku doonayo isagu, luqad ahaanna iyaga u fiican oo iyagoo ooyaya ayey yidhaahdeen Hargeysa ha nala geeyo, dadkooda iyo isaguna waa in raalli ka yihiin. Haddaannu doonayn annaguna diyaar u ma nihin, kuwa Puntland-ma waannu diidnay. Puntland-tan washwashta u haysa Somaliland anigu waxba uma arkee ee ay leeyihiin waannu idinka afduubaynaa, annaguba waannu afduubi karaynaa, awoodna waynu leenahay, waananaynu iska difaaci karnaa. Waa kuwa shishee ee koonfurta fog. Kuwa Puntland waxaannu nidhi iyagaaba ugu badan oo gidaarradooda inta katinado loogu sameeyo ha lagu xidho. DHAMMAAD….

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 8 guests and 1 member online

Sports Headline

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal 23 May 2013, 22.47 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sixir-Bararka Dabarka Goostay Waxa Sababay Madaxda Baanka Dhexe, Faallada Wargeyska Hubaal
Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri 23 May 2013, 15.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ku Xiga Ka Noqoshada Xil ka Xayuubinta Xukuumadda Xamar? Faallo: Xassan Cumar Horri
Shalay, 22 May 2013, xukuumadda Xamar waxay ka badbaaday inay noqoto tusbax go’ay. Dhowr iyo konton xildhibaan oo ka mid ahaa 93 soo dhigay mooshin xilka laga xayuubinayo xukuumadda ayaa qof qof, sida uu
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa 20 May 2013, 18.58 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Xuska Ciyaaryahan Caan Ah Marxuum Maxamed Cali Oo Lagu Qabtay Garoonka Tima-cadde Ee Hargeysa
Hargeysa(Arraweelo News) Xus  loo sameeyay Ciyaaryahan Maxamed Cali  Obsiiye (Callo) oo caan ku ahaa Ciyaaraha  baskitka ayaa lagu qabtay garoonka Ciyaaraha fudud ee Tama-cadde,
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan 20 May 2013, 18.21 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Hormuudka Baalashleyaasha! Dhacdo Soo Jiidatay Bulshada, By Abdirahmaan Aadan
Badri waa baalashle (Kaba-caseeye) fir-fircoon oo dhalinyar ah, kana hawl-gala kaamboolka weyn ee Jaamacadda Camuud, kaasi oo dhaca jihada Bari ee magaalada Borama. Waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah,
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamse Ciise Oo Ka Hadlay  Dabaal-degii  Xuska 18 May, Doorkii Ay Ku Lahaayeen Abaabulka Munaasibadaa Iyo Dareenkii Shacbiga Hargeysa
Hargeysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay,
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal 16 May 2013, 15.30 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Alleylahe Belaayooy Nin Kuu Baaqay Waa Nacas!!!!!! FAALLO:Wargeyska Hubaal
Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco,  ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland,  ayaa waxa ka
Garnaqsi Telefoonka iyo Go’aankii Cuslaa ee ka dambeeyay Waa Geedi hor leh!, Faallo Saleebaan Kalshaale
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi 10 May 2013, 16.17 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxamed Good Abees Oday Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi
Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga
Shirkadda Isgaadhsiinta  Casriga Ah Ee Telesom Oo Ka Hadashay Furayaal Lagu Kordhiyay Telefoonadda Iyo Xukuumadda Oo Dhinaceeda Ka Hadashay
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Goorma Ayey Baranayaan Habmaamuuska Dawliga Ah Iyo Maamulka Dawladnimo, By Cabdiraxman Cadami
Shacabka Somaliland iyaga oo ka xun waxay dareemayaan in ay xukuumada madaxweyne Silaanyo aad ugu liidato hab maamuuska dawliga ah iyo nidaamka

Hambalyo & Tahniyad

Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa 18 March 2013, 20.10 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meherka Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Iyo Marwadiisa
Wasiirka Madaxtooyada JSL  Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiir ku xigeenka W/faafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ka W/maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale,  Wasiirka
Alif Mabruuk Aroos Wacan Tafaftiraha  Wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) Iyo Fahiima Axmed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi(Ciro), Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxmed Cabdillaahi Cumar,
Hanbalyo Meherka  Idiris Muxumed Maxamed Iyo  Deeqa Xasan Mahdi Gacal Iyo sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax
Tafaftiraha shebekada araweelonews Carraale Maxamuud Jaamac, Maxamed Yuusuf Ruush (Black Rashian), Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), GarsooreXuseen Fadal, Eng. Mahdi C/llaahi Caalin,  Faysal Bare
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar 08 February 2013, 18.08 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo : Arooska Cabdiwahaab Cali Jaamac iyo Nimco Axmed Askar
Tifatiraha guud ee wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi, Tifatiraha Wargeyska Repulican Xuseen Cali Nuur, Tifatiraha shebekadda Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Tifatiraha shebekadda araweelonews Carraale
Bogga Hanbalyadda  Arooska  Mr. Faarax Muuse Yuusuf Ducaale iyo Hibaaq X. C/llaahi Xasan Dhunkaal Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Arooska
  Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Ducaale iyo Xaasika, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa, Saleebaan Yuusuf Ducaale iyo xaaskiisa,  Axmed Yuusuf
HAMBALYO MEHER WACAN 07 February 2013, 17.14 carraale Hambalyo & Tahniyad
HAMBALYO MEHER WACAN
1.      Naasir Yuusuf

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top