Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Yaanay Noqon Ninkii Iimaam Yaxye Ku Yidhi Maxaad Codsanaysaa Ee Yaabka Iyo Murugada Codsaday Qore: Professor Cabdi Xusseen Maraykan (Flosy) PDF Print E-mail
Sunday, 22 April 2012 18:47

1945-kii Dhamaadkii Dagaalkii labaad ee adduunka, waxay gumaysteyaashii yiqiinsadeen in aanay dalalkii ay qabsadeen sii haysan karin oo ay ku qasaban yihiin inay u diyaar garoobaan sidii dadyawgaa loogu wareejin lahaa xorriyadooda.

1960-kii ayay Somalia iyo Somaliland xorriyadoodii ka kala qaateen Britan iyo Italy. June 26 1960,  waxay ahayd maalintii calanka buluuga ah ee xiddigta shanta geesood dhexda kaga taal laga taago dhulka Somaliland.

Dhawr maalmood kadib July 1st 1960 waxay  Somaliland la midoobeen Somaalidii ka xoroowday  Talyaaniga, taas oo ujeedadeedu ahayd  sidii  loo  heli lahaa saddexda Somaaliyeed ee gacanta gumaysiga ku hadhsanaa, kuwaas oo ahaa Somalida Ethiopia, Somalida NFD (Kenya) iyo Soomaalida Djibouti ee France(French Somaliland}.

In kasta oo ay siyaasin badan ku taliyeen in midawga Somaliland aanay ku deg-degin oo lasii haysto gobonimada la qaatay lix bilood si laysu barto oo ay labada Bulsho Koonfur iyo Woqooyi isu fahmaan, laakiin taas waxa ka horyimi shacbiga Somaliland, iyagoo  ku lahaa  siyaasiinta, “xamar taga oo la soo gala walaalaheen midow aan shuruud lahayn.”

Siyaasiinti reer Somaliland, waxay  qasab ku noqotay inay racaan talada dadka, haddii kale waxa ay u ekaan lahaayeen tira yar oo daad is hor taagey. Dadyowga reer Somaliland waxa yoolkooda ahaa in shanta Somaaliyeed yeeshaan ,hal calan iyo hal maamul (shantoo is weheshaday wacneydaa,  calan inay wadaagaan wanaagsanaydaa) ayaka mid ahaa hadaladii iyo hal ku dhegyadii waqtigaa socday.

Sidaa ayuu ku yimi is raaci Somalia iyo Somaliland, hase ahaate waxa riyada beeneeyey gumeestayaashii British,France,Talyaaniga iyo Ethopia oo diiday. Jabuutina gooni isu taag u qoondeeyay, markay xoriyada qaateen 17 sanadood ka dib (27June1977).

Sagaal sannadood kadib, 21st October 1969 waxa  dalka inqilaab ku qabsaday ciidankii dalka oo uu hogaaminaayo, General Siyaad Barre. Waxay  askartii laaleen dastuurkii dalka u yiil, waxay xabsiga dhigeen xukuumaddii rayidka ahayd, iyadoo 15 Oct, shirqool toogasho ah lagu dilay Madaxweynihii Dalka C/rashiid Cali Shar-maarke, isla markaana xaaladu kacsantahay.  Ciidamadaa ayaa  baabiyey  Baarlamankii ay dadku soo doorteen.  Waxay ka talinayeen dalka  kow iyo labaatan sanadood, kuwaas oo  ku xukumayay  qori caaradii iyo wareegto Siyaad Bare  ka soo baxda.

Waxaan xasuusta 1974kii mar uu Siyaad noogu yimi Jaamacadii ummadda  ee Lafoole  oo aan Arday ka ahaa, wuxuuna  isagoo noo qudbadaynaya nagu yidhi, “markaan talada la wareegeeynay cidna talo maanaan weydiin,  maantana talo idinkama weydiinayno dalka”.

Hase yeeshee Shacab weynihii Somalia markii ay u adkkeysan waayeen xukumkii qallafsanaa ee Siyaad Barre. Waxa khasab noqotay in qori laggaga  qaado xukunka. Waxaana  abuurmay Jabhado kala geddisan bilowgii 1980-kii , kuwaas oo dagaal hubaysan ku qaaday Siyaad Barre iyo kooxdiisi ilaa xukunka laga tuuray 1991kii.

Dadweynaha reer Somaaliland  waxay  markiiba bilaabeen heshisiin qabaa`ilka intii oodwadaag ah in laysa  saamaxo oo ay beelaha Somaliland isugu yimaadaan shirarkii ay qabteen jabhadii SNM, kuwaas oo lagu  go’aansaday in la ilaawo dhibaatadii nidaamku dhex dhigay ee ahayd qaybi oo xukum.

Waxa la qabtay shirar kala geddisan oo heshisiin iyo walaaleen oo gunta laga soo bilaabay.Tallaabadii labaad ee la qaadey waxay ahayd in 18th May 1991 shirweyne ballaadhan oo lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Togdheer Burco, kaas oo ay  isugu yimaadeen dhammaan qaybaha ay ka koobantahay bulshada Somaliland sida  Salaadiin, Garaado,   Ugaasyo,  Cuqaal, Siyaasiin Culamada diinta,  Dhalinyaro, Macaliimiin, Saraakiisha ciidanka, iyo Wax garadka reer Somaliland.

Waxay go’an ku gaadheen gooni isutaaga Jammhuuriyadda Somaliland  iyo in ay dib u la soo noqdaan xoriyadii 26th June 1960 ay sida fudud ku dhex tuureen Muqdisho…SubxaanAllaah!!! Shacabkii 1960gii siyaasiinta ku qasbay midnimo ayaa  maantana talada gooni isu taaga lahaa. Somaliland 22sanadood bay gooni u taagnayd.

Iimaamkii xukumi jiray waqooyiga Yaman  ee  Iimaam Yaxye oo xukun adkaa ayaa nin beri ku yidhii Adduunyada wax ka qabso, waxa lagu siiyo ayaa walaalka loo labanlaabaya, amma wax halagaa qaado. Wixii lagaa qaaday ayaa walaalkaa laga qaadaya labanlaabkeed. Wax aan la filayn ayaa  ninkii kasoo baxay wuxuuna yidhi waxba yaan la i siin ee wax iga qaada.  Maxaa lagaa qaada markii la weydiiyey wuxuu ku jawaabey mid yaab iyo naxdin leh. Kadib markii uu yidhi,  “labadayda indhood mid halayga  tuuro ,wuxuu ogyahay in il keli ah wax ku arki karo kuna farax sanyahay mar haddii walaakii labada  indhood beelaayo.  Goaanka Somaliland ka noqosho maleh ee Somalia ha aqoonsato  Somaliland maanta iyaga oo labadooduba indha qaba. Haddii kale arrintu waxay u ekaanay ninkaa Yamaniga ahaa.

Midowga Somalia iyo Somaliland waa mid hore baa loo soo tijaabiyay waana la ogyahay waxa laga dhaxlay. Caqliga wanaagsan wuxuu inoo sheegayaa arrin lagu hoobtey oo la jitaabiyey in la iska jiro. Nebegeenii suubana (C.S.W) wuxuu yidhi muslin god laba jeer laguma qaniino.

Somalia waxa la gudboon inay  noqoto dalkii ugu horreyey ee aqoonsada Somaliland maanta, inta aanay berrito aqoonsigaas ka noqon saambuuse laga addimay. Aqoonsiga Somaliland wuxuu fure u noqon doona niyad sami,  walaaltinimo, kalsooni iyo   iskaashi

Somaliland oo Somalia la dhista dawlad iyaga oo adeegsanaaya habka nidaamkoda u dhisteen Puntlanna kaga dayatay .Sidaas waxa ku abuurmi kara laba dal oo jaar wanaag leh, wax is tara Somalilandna Somalia u arki kara walaal dhab ah.

Guntii iyo gebo gebidii waxaan hadalkeyga ku soo oodaya wax allala wixii kale ee lagaa hadlaaba  waa kaalay  is dilnee ,iyo ana Il iga  rid isaguna  labadaba ha beelee.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;} Qore: Professor Cabdi Xusseen Maraykan (Flosy)

 

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Shire Company: Adeegyada Cusub Iyo Supermarket Casri Ah Oo Laga Furay Caasimada Hargeysa 27 July 2014, 03.25 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Shire Company: Adeegyada Cusub Iyo Supermarket Casri Ah  Oo Laga Furay Caasimada Hargeysa
  Hargeysa(Araweelo News Network)Gancsi qaab farshaxan iyo casriya ah oo Dukaanada waaweyn ee loo yaqaan Supermarkey-yada iyo addeegyo kale
Sheekadii Afraad Ee Shalmad Raac.W/Q Muna Axmed Cumar 27 July 2014, 00.31 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Sheekadii Afraad Ee Shalmad Raac.W/Q Muna Axmed Cumar
"Waxanu ahayn isaga iyo aniga. Meel aanu ka wada shaqayno ayaanu ka soo wada baxnay. Waxa aanu saarnayn baabuurkiisa waxaanan u jeednay halkaa
Maxaa Ka Jira Kulanka Xaaji Xirsi Wasiirka Madaxtooyadu Ka Hor Intii Aanu Dalka Dhoofin La Yeeshay Duur Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha!!
Waxa baryahan si xawli ah uga dhex socday Somaliland arrin ku laba kaclaynta xawliga leh ee adeegsiga magaca habar magaado oo la aaminsan yahay inay si wayn dabada uga
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal Oo Ka Mid Ahaa Odayaasha Ugu Caansan Cuqaasha Somaliland
Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane,
Tabbantaabo Oo Kulan Afura Ku Marti-qaaday Qaar Ka Mida Qurbe-jooga Degmada Sabawanaag 22 July 2014, 01.49 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Tabbantaabo Oo Kulan Afura Ku Marti-qaaday Qaar Ka Mida Qurbe-jooga Degmada Sabawanaag
Hargeysa(Araweelo News Network)Ururka Samo-falka iyo Horumarinta Bulshada Ee Tabantaabo ayaa habeenkii xalay kulan afur ah usameeyey 70 Xubnood oo ka mid
Somaliland: Anti-Tribalism Movement. By. Saeed Issa Eleyeh 22 July 2014, 01.42 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Somaliland: Anti-Tribalism Movement. By. Saeed Issa Eleyeh
Somaliland: Anti-Tribalism Movement is non-profit social reform movement that works with tribal communities with the view to promote tolerance, reconciliation and
Habacsanaanta Shacabka Burco iyo Hadimooyinka Shirkaddaha Ku Midoobay Laydhka  Ee La Baxay (HECO), W/Q. Abdi Sugaal
Sida aynu wada ogsoonahay waxaa dhawaan midoobey shirkadihii laydhka ee magaalada burco  kuwaa soo laga dhigey shirkad kaliya oo la magac  baxdey HECO
Maxaa Isku Khalday Da’adii Dhalinyarada Iyo Kuwii Dhalinyaro Dhaafay, W/Q. Mohamed Ahmed Muse
Dhalinyaro, Mise Dhalinyaro
Ramadaanta iyo Raashinka, By. Fardawsa Maax Xasan 17 July 2014, 23.04 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Ramadaanta iyo Raashinka, By. Fardawsa Maax Xasan
Alxamdulillah waxaynu soo gaadhnay bishii barakaysneyd ee Ramadan. Bishan oo aynu wada ogsoonahay qiimaha ay xambaarsan tahay iyo ahmiyada uu Allaah swt. Siiyey,
Dedaalka Maalgashiga Shisheeye Ee Xukuumada Somaliland Wuxuu U Baahanyahay In Xisaabta Lagu DarsadoTalooyinkan, By. Saciid Ciise ileeye
Somaliland waa wadan markaad eegto jiritaankiisa iyo horumarkiisu ay si dhakhso ah isu dhaafeen, taas oo xowliga ay ku socotaa uu yahay mid hammuun

There seems to be an error with the player !

Saaxiibada kuugu Dhow Ee Kula Wadaaga Waqtigan

We have 32 guests online

Sports Headline

Hambalyo & Tahniyad

Hanbalyo Meher 29 May 2014, 20.59 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meher
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri 30 April 2014, 19.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri
Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Barri ee JSL, Mudane Cali
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan 11 January 2014, 20.49 carraale Hambalyo & Tahniyad
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan
Cabdiqaadir Muxumed Aadan iyo Xaaskiisa, Cabdicasiis Ismaaciil Cabdi iyo Xaaskiisa, Maxamed Cabdillaahi Dalmar iyo Xaaskiisa, Mustafe Maxamed Cabdillaahi (Faro), Siciid Axmed Cabdi, Cabdirisaaq
Hanbalyo Allif Mabruuk Arooska Axmed Siciid Maxamed iyo Marwadiisa Nimco Cabdullaahi Cabdi
Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelonews.com, Arraweelo.com iyo shaashada ArraweeloTV Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan weriyaayaasha iyo hawlwadeenada shebekaddaha Arraweelooyinka
Hanbalyo Aroos Wacan 21 September 2013, 17.26 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Wacan
Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Ee Horyaal Caynaba Aden Dirir Geedi
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax 22 June 2013, 21.01 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax
Guurkiinnu Guur khayr, Gurigiinna Guri Nagi, Guulloow ka
Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo
Hambalyo Meher Wacan Cawaale Maxamed Guuleed Iyo Marwadiisa Hodan Muxum’ed Ibraahim
Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyada JSL C/raxmaan Jibriil Cabsiiye, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, Gudoomiye kuxigeenka
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala 21 March 2013, 17.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Reerkii Lagu Nastee Lagu Negaadee Wadajiree Nabadgala
Naasir Axmed Cumar, Hani  Maxamed Sheekh Muuse, Umal khayr Maxamed Sheekh Muuse, Luqman Maxamed Sheekh Muuse,
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar 18 March 2013, 21.31 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Meherka Maxamed Cawil Axmed iyo Aamina Cabdi Cumar
Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Axmed-weysa- cadde, Xildhibaan Aadan Xaaji diiriye (Sanqoole), Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Dhegaweyne,

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top