Midowga Yurub oo Shaaciyey in aannu Dhowayn Isfaham Guud oo Dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya PDF Print E-mail
Friday, 09 March 2012 00:14

Hargeysa (ANN)-Ururka Midowga Yurub, ayaa markii u horraysay shaaciyey in aannu weli dhowayn isfaham guud oo dhexmari kara Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Soomaaliya, balse waxay sheegeen inay Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyeen salaan ganac-qaadka ah oo uu

la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya 23kii bishii February 2012, xilligaas oo lagu gudo-jiray shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Abassador Georges-Marc Andre oo hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ugu warramay maanta  saxaafadda maxalliga ah, isagoo caddeeyey in EU-du doonayaan sidii loo dhisi lahaa wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaasoo uu ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Waxa kaloo uu Safiirku xusay inuu Madaxweyne Siilaanyo uu la kulmay shalay ku hambalyeeyey go’aankii uu ka qaaday in Somaliland ka qaybgasho shirkii London.
Ambassador Georges-Marc Andre waxa uu kulankiisa saxaafadda Somaliland kaga hadlay mashaariicda kala duwan ee Midowga Yurub ka fuliyo dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in 50% dhaqaalaha loogu talogalay Soomaaliya uu ku baxayo mashaariicda horumarka Somaliland, iyagoo warfidiyeennaduna dhinacooda safiirka halkaas ku weydiiyey su’aalo tiro badan oo dhinacyo kala duwan taabanaya.
Su’aalihii suxufiyiintu weydiiyeen Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Georges-Marc Andre iyo jawaabaha uu ka bixiyey waxay iyagoo faahfaahsan u dhaceen sidan:
VOA: Waxa lagu gudo jiraa xuska maalinta haweenka adduunka, sidaa darteed Midowga Yurub ma hayaa qiyaas ahaan xaddiga hooyooyinka iyo carruurta u dhinta xilliga dhalmada ee Somaliland iyo Soomaaliyaba?
Safiirka Midowga Yurub: Sidaad ogtahay heerka dhimashada hooyada iyo carruurta ee xilliga umushu waxa uu ku xidhan yahay degaamaynta, taasoo ah wax-soo-saarka cuntada. Waxay kaloo keenay degaanka hooyadu ku shaqayso xilliga ay uurka leedahay iyo faqiirnimada ku hareeraysan, markaa Somaliland ugu yaraan horta waxaynu ku haysanaa nabadgelyo iyo ammaan inoo suurtogelinaya inay helo cusbitaallo, in la helo degaanka ku habboon in hooyada lagaga umuliyo iyo hannaanka fayo-dhawrka degaanka, laakiin waxaynu odhan karnaa weli arrimahaas oo dhan waa daciif, sidaa darteed waxaynu odhan karnaa Somaliland weli waxay ka mid tahay dalalka ugu sarreeya ee hooyada iyo carruurtu u dhintaan xilliga dhalmada.
Waxa dhibaatadan lagaga hortagi karaa ama wax lagaga qaban karaa iyadoo ay iskaashadaan hay’adaha dawladda, ururrada samafalka, deeq-bixiyeyaasha iyo cid kasta oo danaynaysa si ilmaha yar ee Somaliland ku dhashaa u helo fursadaha uu haysto ilamaha ku dhasha degaannada tayadoodu fiican tahay.
Jamhuuriya: Waxa Midowga Yurub go’aansadeen inay 3.8 milyan euro ku bixiyaan dhismaha jid isku xidhaya Dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya. Shacabka reer Somaliland ma u sheegi kartaa waqtiga fulinta mashruucaasi bilaabmayo?
Safiirka Yurub: Sidaad ogtahay mashaariicda horumarintu waxay badanka bilaabmaan ama la hirgeliyaa marka la helo degaan ay ku habboon yihiin in laga hirgeliyo, balse markaad eegto Soomaaliya iyo gobolka oo dhan Somaliland waa goob ku fiican in laga hirgeliyo mashaariicda horumarinta.
Haddaan ka hadlo mashaariicda horumarinta Midowga Yurub caalamka ka hirgelinayo muddada u dhexaysaysa 2008 ilaa 2013 waxay kor u dhaafaysaa 500 milyan oo lacagta Yurub ah, taasoo 50% noqonaysa qiyaastii 250 milyan oo euro laga hirgelinayo Somaliland. Ilaa hadda EU-du waxay arrimaha gargaarka ku maalgeliyeen lacag gaadhaysa 242 milyan Euro. Waxa kaloo aannu 325 milyan Euro ku maalgelinay ama ku bixinnay mushaharooyinka la siiyo ciidammada AMISOM ee Muqdisho jooga, sidaa darteed waxaan odhan karaa waxaannu Soomaaliya taageero u siinnaa lacag gaadhaysaa 1 bilyan oo Euro, taasoo qiyaastii 250 milyan ay ku baxdo barnaamijyada horumarinta Somaliland.
Lacagta aad ka hadashay ee gaadhaysa 3.8 milyan Euro ee lagu darsayo jidka isku xidhaya Berbera iyo Itoobiya kuma jirtu lacagahan aan ka hadlayo, waana ka gooni oo waxay qayb ka tahay maalgelinta mandaqadda Geeska Afrika, waxana fulinaya Urur-goboleedka IGAD, maxaa yeelay Dekedda Berbera iyo dhismaha jidka ku xidhaya Itoobiya waa mid muhiim u ah gobolka oo dhan, waxaannu mashruucani bilaabmayaa marka la saxeexo ee qandaraaskiisa la arko. Lacagta gaadhaysa 3.8 milyan Euro waxay ku baxaysaa daraasad lagu samaynayo dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor), marka daraasaddaas la sameeyo ayaana hawsha kale ee culus la bilaabayaa, bilaha soo socdana ayaana la saxeexi doonaa meelmarinta daraasadda lagu samaynayo dhismaha jidka Dekedda Berbera ku xidhaya dalka Itoobiya, waxaanan idiin sheegayaa in aannu cadaaddis ku saari doono Urur-goboleedka IGAD sidii degdeg loogu fulin lahaa barnaamijkan.
Jamhuuriya: Qodobadda ka soo baxay shirkii London ee 23 February 2012 qabsoomay waxa ka mid ahaa in beesha caalamku taageerto sidii wadahadal u dhexmari lahaa Somaliland iyo dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, sidee buu Midowga Yurub u arkaa wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya?
Safiirka Midowga Yurub: Horta aad baannu ugu faraxsananay in aannu saaka (shalay) la kulo Madaxweyne Siilaanyo si aannu ugu hambalyeyno go’aankii Somaliland kaga qaybgashay shirkii London. Waxa kale oo aannu madaxweynaha Somaliland ku hambalyeynay in markii u horreysay ilaa sannadkii 1991 uu gacan-qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif. Sababta aannu u hambalyeynaynaa waxay tahay waxa Midowga Yurub wadaa itataarijiyad ku saabsan Geeska Afrika oo taageeraysa dhismaha nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ahaan gobolka oo dhan, markaa haddii aanay wehelkayaga Geeska Afrika wada shaqayn oo ay diidaan inay wadahadlaan, hadday diidaan inay eegaan maslaxadda dadweynaha Geeska Afrika, dedaallada oo dhan ee la xidhiidha horumarka, nabadda iyo xasiloonidu way guuldarraysanayaan, taasina waa sababta aannu Madaxweyne Siilaanyo ugu hambalyeynayno geesinimadiisa iyo kartidiisa.
Isgacan-qaadka Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Sheekh Shariif dhexmaray waa tallaabadii u horreysay ee la qaaday, welina aad baynu uga fognahay in isfaham buuxaa dhexmaro labada dhinac oo dedaalo badan oo lagu dhisayo dawladda Soomaaliya ayaa socda marka la gaadho bisha August 2012, waxaanuna doonaynaa in la sii dhiso tallaabadaas la qaaday.
Telefishanka Qaranka: Madaxweyne Siilaanyo markii aad la kulanteen ma kala hadasheen doorka Somaliland ka qaadan karto la-dagaalanka budhcad-badeedda, maadaama oo lagu jiro xuska maalinta haweenka adduunkana waa maxay doorka dumarku ka qaadan karaan la-dagaalanka budhcad-badeedda?
Safiirka Midowga Yurub: Waxaannu Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeynay ballanqaadka Somaliland ka geysatay inay wax ka qabanayso budhcad-badeedda. Waxa kaloo aannu madaxweynaha ku hambalyeynay heshiiska ay la galeen madaxweynaha dalka Seychelles ee la xidhiidhay in maxaabiista budhcad-badeedda loo soo gudbiyo xabsiyada Somaliland, waxana muuqata in mushkiladda budhcad-badeeddu tahay mushkilad adduunka oo dhan haysata, waxana hadda Soomaaliya iyo Puntland loo tixgeliyaa inay yihiin hoyga budhcad-badeeddu ka soo abqaalanto, sida xaqiiqda ahna budhcad-badeeddu waa natiijada faqiirnimada ka jirta Soomaaliya.
Sida ugu fiican ee wax lagaga qaban karo budhcad-badeeddu waa iyadoo laga shaqeeyo horumarka, dhismaha dhaqaalaha iyo weliba ku dhaqanka sharciga, dmarkuna waa kuwa maamula arrimaha qoysaska, waxna way ka qaban karaan la-dagaalanka budhcad-badeedda oo waxay ka shaqayn karaan sidii carruurta budhcadda noqon lahayd ay dhaqaale ugu raadiyaan, waxbarasho ugu helaan, waxana jira dumar reer Somaliland ah oo ku mashquulsan barnaamijyo la xidhiidha kobcinta ganacsiga oo kalluunka iyo arrimo kale oo badanba ka shaqeeya.
Haatuf: Waxa Somaliland ka jira baahiyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay shaqo la’aanta haysata dhallinyarada, taasoo ku kellifta inay dalka ka tahriibaan oo badankoodu ku dhintaan badaha, ma jiraa qorshe degdeg ah oo Midowga Yurub ugu talogalay wax-ka-qabashada arrimahaas?
Safiirka Midowga Yurub: Su’aashaasi waa mid aad u muhiim ah. Arrintani Somaliland iyo dalalka kale ee gobolka oo dhanba muhiim bay u tahay oo way saamaynaysaa. Haddii dhallinyaratoodu shaqo iyo fursado helaan way iska joogayaan, sidaynu ognahayna tahriibku waa dhibaato, waxana dhibaato kale ah in marka dhallinyaradu ka yaacaan camal la’aanta dalkooda ka jira ee dalalka kalee ay u tahriibaana wax jaanis ah ka waayaan, halkaasna ku kadeedmaan, taasina waa sababta aannu inta badan xoogga u saarno mashaariicda waxbarashada Somaliland, tacliintana waxa barbar socda shaqo-abuur, laakiin arrinta tahriibtu ma aha mid si toos ah u khuseeya Midowga Yurub, balse wuxuu khusaynaaya oo masuuliyaddaas qaadi kara bulshada rayidka ah ee ganacsiga ku jira sida tujaarta oo kale, waxaanuna doonayana in aannu samayno degaan suurtogelinaya in shaqo abuur la helo.
Annagu inta aannu qof lacag ka soo qaadno oo qof kale siinno ma odhanayo hadhaw iska bixi, laakiin waxaannu xoogga saaraynaa sidii bulshada rayidka ah loogu diyaarin lahaa tababaro xirfado shaqo, kaasina ma aha wax maalin qudha ku guulaysan kara, balse waa inaad inyar ku bilawdo si aad u gaadho kuwa waawayn ee la hiigsanayo.
Radio Hargeysa: Waa maxay doorka Midowga Yurub ka qaadanayo barnaamijyada horumarinta dumarka si loo yareeyo faqiirnimada ka jirta Somaliland iyo maamul-wanaaggaba?
Safiirka Midowga Yurub: Waxa dumarka loo taageerayaa sida iyaga oo ah hooyiinka bulshada, waana muhiim taageeradoodu, wax horumar ahna jiri maayo haddaad iska indhitirto inta badan bulshada dalka oo ah haweenka, sidaa darteed sida muuqata taageerada isku dheellitirnaanta labka iyo dheddiga (gender balance) iyo in la taageero in dumarku door muhiim ah ku yeeshaan bulshada waxayna abuuraynaa degaan suurtogaliya in haweenku kaalin fiican ka ciyaaraan waxyaabaha ay doonayaan inay dalka ka qabtaan.
Sidaynu ognahay bulshooyin badan oo xataa dalalka Yurub ku jiraan ayaa qarniyo badan iska indhotirayey kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada, waxaanan odhan karaa waa dhibaato haddii aan dumarka Somaliland laga taageerin sidii ay sallaanka u soo fuuli lahaayeen.
Dhinaca maamul-wanaagga marka laga hadlayo in ka badan toban sanno ayey Midowga Yurub ka shaqaynayeen dhismaha bulshada rayidka ah oo qayb ka qaadan kara maamul-wanaagga, laakiin marka laga hadlayo dib-u-dhiska qaranka dhan oo burburay Somaliland guul bay joogataa, annaguna guul baannu joognaa.
Haddii aad eegto hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland oo Midowga Yurubna qayb ka ahaa waxay qayb ka tahay dhismaha maamul-wanaagga, waxana arrintan qayb ka qaatay xisbiyada siyaasadda, Komishanka Doorashooyinka iyo dhammaanba dhinacyadii ku lugta lahaa oo dhan, markaa haddaad eegto hannaanka Somaliland uga soo gudubtay dagaalladii horraantii sagaashaamaadkii dhacay waxa la joogaa guul ilaa hadda.

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Diiwaangalinta madaniga ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland 28 September 2014, 14.06 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Diiwaangalinta madaniga ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland
Dalku wuxuu soo maray marxalado badan oo kala gedisan wuxuuna u soo gudbay marxalad somaliiland ay u suurto gashay inay samaysao astaan muujnaysa qaranimada Somaliland, taasoo muwaadiniinta Somaliland siinaysa fursad ay ku
Maayarka Caasimada Oo Balanqaaday In Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Lagu Kordhinayo Qayb Dumarka Ah 27 September 2014, 06.28 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maayarka Caasimada Oo Balanqaaday In Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Lagu Kordhinayo Qayb Dumarka Ah
Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inay bilaabi doonaan dhisme
Prof. Gees Oo Mawduuciisa Taxanaha Dharaaro Xusuustood U Xanbaariyay Tabasho Fariin Siyaasadeed Oo Si Farshaxan Ah Ugu Socota Somaliland
Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland waxa uu qoraalkiisa taxanaha ah ee Dharaaro
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Waramay Waxyaabaha Ay Kala Soo Kulmeen Shir Caalami Ah Oo Wefdi Uu Hogaaminayaa Ka Qaybgaleen
Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay natiijada uu kala soo
Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV 16 September 2014, 19.08 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV
Hargeysa(Araweelo News Network) wararkii iyo Barnaamijyadii Telefishanka Madaxabanaan ee Bulsho TV  15 Sep 2014, ka daawo
Maxaa Sababay In Madaxweyne Siilaanyo Oo Codka Shacbiga Ku Yimi Ka Dhuunto Saxaafadda, By C/raxmaan Cadami
  Dabeecada Aadamaha waxa ka mid ah in qof walba noloshiisa mar,  ama in ka badan la kulmo dhibaato,  yaalaa ma dhacdo inuu cimrigiisa ku
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka 16 September 2014, 06.03 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka
Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka  caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa shaaciyay in la hakiyay bixinta dhulka Dawlada Hoose
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime 15 September 2014, 16.10 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime
Ummada Reer Somaliland Waxey La Yaabantahay Laba Wajiilaynta Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxman Cirro ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Ingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay.  Faallo: Qalinka Xassan Cumar Hoorri
Ninkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, shalay, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay 13 September 2014, 17.37 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Gebilay(Araweelo News Network) Roobabka Raxmaadka Gu’ga oo mudooyinkan ka da’ayay deegaamo badan oo Somaliland, ayaa waxyeelo gaadhsiiyay Deegaanka Beeralayda Gebilay meelo ka mid ah. Kadib markii Daad

There seems to be an error with the player !

Saaxiibada kuugu Dhow Ee Kula Wadaaga Waqtigan

We have 36 guests online

Sports Headline